SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May10, 2004

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga…..

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la sheegay in ay diidday in ay Viso ku dhufto Baasaboorka Soomaaliga ah, waxaana arrintan ka helnay ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, illaa iyo haatanna lama garanayo sababaha ay dowladda Imaaraadka Carabta u diidday in ay Viso ku dhufato Baasaboorka Soomaaliga ah, iyadoo la ogyahay in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo weliba ganacsi aad u qoto dheer oo ay la leeyihiin dalka Imaaraadka Carabta. [Soomaalia waxa ay ururka Jaamacadda carabta ku biirtay markey taariikhdu ahayd: 14/2/1974]

 

Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta.

 

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Imaaraadka Carabta, waxayna subax walba u dhoofiyaan xoolaha, biraha duugoobay, fooxa iyo dhuxusha, iyadoo dalka Imaaraadka Carabtana aan ka soo qaadanno alaabo fara badan oo isugu jira Bagaash, Shidaal, Raashin iyo Gawaari, waxaana dalka imaaraadka Carabta subax walba aada dad fara badan oo Soomaali ah oo qaarkood halkaasi u taga caafimaad, waxayna dalkaasi soo geliyaan kumannaan kun oo Dollar. dhowaan ayaa Dowladda Kenya ay joojisay baasaboorkii Soomaaliga ahaa, lamana garanayo dowladda Kenya sababaha ay u joojisay Baasa-boorkaasi.

 

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

 

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Buulo xaawo...

Shalay gellinkii dambe ayuu istaagay dagaalkii ka dhacay magaallada Buulo-xaawo ee u dhexeeyey garabyada SNF/SRRC, waxaana dagaalkan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo mid ka mid ah kooxihii dagaallamayay laga saaray magaallada, ayna u kicitameen dhinacaa iyo tuulooyin ku dhow dhow magaallada Luuq.

 

Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen illaa 7-ruux, ayna ku dhaawacmeen illaa iyo 12-kale, waxaana dagaalkan sabab u ahaa markii ay isku qabsadeen gacan ku heynta maamulka degmada Buulo xaawo, waxaana dagaalkan uu sababay in dad fara badan ay ku bara kacaan dagaalkaasi,  qaarkoodna ay galaan tuulooyinka ku dhow-dhow iyo qaar iyagana gaaray magaallada Mandheera, balse la sheegay in dowladda Kenya ay dib u soo celisay, kuna soo celisay xuduudda, halkaas oo la sheegay in ay ku dhibaateysan yihiin.

 

warar ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah kooxihii dagaallamayay ay gacan ka heleen dowladda Itoobiya, balse wararkaasi illaa iyo haatan ma jiraan wax xaqiijinaya, iyadoo kooxdii laga saaray magaallada ay haatan isku urursanayaan halka lagu magacaabo Banaaney oo ku dhow degmada Luuq, waxaana laga cabsi qabaa in ay dib u soo rogaal celiyaan.

 

waxaa magaalladaasi ka baxay dhammaan hay’adihii samafalka ee ka howlgalayay degmadaasi, waxaana iyagana ay ku sugan yihiin xuduudda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, iyadoo dadkii dhaawaca ahaana la keenay qaar ka mid ah Isbitaallada Mandheera.

 

DAGAAL KA BILLOWDAY  BUULO-XAAWO

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD