SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 8, 2004

DAGAAL HAATAN KA BILLOWDAY DEGMADA BUULO-XAAWO EE GOBOLKA GEDO.

  • Ugu yaraan Lix Qof ayaa Ku Dhintay Dagaalkii Duhurnimadii Maanta (May 8)
SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

Saacaddu markii ay ahayd 12:00-Duhurnimo ee waqtiga Afrikada Bari waxaa Degmada Buulo Xaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo ka billowday dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayay noocyada hubka ee kala duwan, wuxuuna dagaalkan u dhexeeyaa laba garab oo ka tirsan Ururka SNF ee kala ah SNF/SRRC, waxayna labadooda taageero ka heleen sida lagu warramay Dowladda Itoobiya.

Muddooyinkaan ayay isku hor fadhiyeen magaallada Buulo Xaawo, waxaana dadaal loogu jirey sidii labadaasi maleeshiyo uusan isku dhac u dhex mari lahayn odayaasha deegaanka, sidoo kale waxaa gacan ka geysanayay sida la sheegay dowladda Itoobiya oo iyadu ku martigelisay dhinacyadaas in ay ka soo qayb galaan shir dib u heshiisiin ah oo ka dhaca Degmada Doolow oo ka tirsan Itoobiya.

Mar aan khadka Isgaarsiinta kula xiriirnay degmada Baar-dheere oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaa naloo sheegay in dagaalku uu yahay mid aad u qaraar, illaa iyo haatanna lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, sidoo kale mar aan la xiriiray degmada Garbahaarey oo ka tirsan Gobolka Gedo waxa ay ii sheegeen in ay dhinteen 6-ruux.

Dad aad u fara badan ayaa ka qaxay magaallada oo u badnaa ganacsato, iyadoo dadkaasi haatan ay ka gudbayaan xuduudda Kenya iyo Somalia, iyo weliba qaar u sii gudbaya dhinaca Itoobiya, balse ciidammo ka tirsan dalka Kenya ayaa la sheegay in ay soo dhoobteen xuduudda, iyagoo dadka dib u celinaya, waayo horey ayay u sheegtay dowladda Kenya in aysan mar dambe qaabili doonin qaxooti Soomaaliyeed, iyadoo dhowaanna xayiraad ku soo rogtay Baasaboorkii Soomaaliga ahaa, waxaana xuduudda horey u fadhiyey ama u joogay shaqaale hay'ado Samafal oo iyagana loo diiday in ay u gudbaan dhinaca Mandheera, kaddib markii ay ku soo beegantay xayiraaddii baasaboorka Soomaaliga ah, sidoo kale xuduudda waxaa dhooban ganacsato Soomaaliyeed oo isaga gudbi jirey Soomaaliya iyo Kenya, Gobolka Gedo waxa uu hoy u noqday iska hor-imaadyo u dhexeeya beelo halkaasi wada dega iyadoo dagaallo ka dhacay degmooyinka Luuq, Baardheere, Buulo Xaawo iyo Garbahaarrey ay ku dhinteen dad aad u fara badan, haddaba wixii warar ah ee ku soo kordha dagaaladan dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa haddii EEBBE idmo.

Amiin Yuusuf Khasaaro
Mogadishu, Somalia
e-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 

Kenya oo Mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

WASIIRADA IGAD OO DAR-DAR GELIYEY SHIRKA SOOMAALIDA

Sirtii Qarsoonayd ee Quixtar oo La Fashiliyay

MAXAY INA YEESHAY CARTA?

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 
 

 

 

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]