SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m

SOMALITALK - FAALLO


WASIIRADA IGAD OO DAR-DAR GELIYEY SHIRKA SOOMAALIDA

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

May 7, 2004

 

Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey: Faalladii Toddobaadka ee Ibraahim Maxameddeeq iyo shirka Nairobi... Guji..  

 

Wasiirada arrimaha dibedda ee IGAD oo ka shiray caqabadaha shirka Soomaalida hadheeyey ayaa maanta fadhigoodii ku soo geba-gebeeyey Hotel Grand Regency ee Magaalada Nairobi. Waxayna wasiiradu isla qaadaa dhigeen qodobka cunsurta ugu weyn huwan ee habsami u socodka shirka ku gadaaman oo ay isku waafeqeen inuu yahay qodobka 30'aad ee axdiga federaalka ee ku meel gaadhka ah. Wasiirada shirkan ka soo qayb galay oo kala ahaa: Stephen Kolonzo (Kenya), Seyoum Mesfin (Eithopia), Augustine Nshimye (Uganda), Cali Cabdi (Jabuti), Moustapha Osman (Sudan), Cali said Abdella (Ereteria), wuxuu shirkani noqonayaa markii ugu horaysey ee ay wasiirada arrimaha dibeddu kulan caqabadaha shirka Soomaalida lagaga wada hadlayo wada-jir uga soo qayb galaan, waxaana taas lagu tilamaami karaa talaabo wax ku ool ah oo cunsuraha shirka ragaadiyey lagu furdaamin karo.

War murtiyeed ay kulankooda ka dib shirka Soomaalida ka soo saareen ayeey wasiiradu ku caddeeyeen sida uga go'an tahay u midaysnaanta xalinta khilaafaadka heer qaran ee Soomaaliya ka taagan, waxayna war murtiyeedkooda ku sheegeen inay isla bishan 20'keeda Nairobi kula kulmi doonaan dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida oo ay doonayaan inay wada tashi kala samayn doonaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha shirka ku hor gudban. Waxay kaloo wasiiradu ku baaaqeen inay hogaamiyaasha shirka ka maqani ku soo noqdaan shirka 20'ka bishan May ka hor. Waxay iyana ku baaqeen imaanshaha hogaamiyaasha dhaqanka ee dhabta ah, iyagoo hogaamiyaasha siyaasadda ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii uu go'aankaasi u fuli lahaa. Waxayna wasiirada IGAD isku raaceen in geedi socodka nabad raadinta Soomaaliya ee Kenya ka socda la soo geba-gebeeyo ugu dambayn bisha July ee sanadkan. Waxaysan wasiiradu waxba ka soo qaadin go'aankii wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya dhowaan ka soo baxay ee ku baaqayey inay ergooyinka wejiga 3aad ka qayb qaadanayaa noqon doonaan 203 ergey. Waxayna arrintu hadda u muuqataa in wada tashiga hogaamiyayaasha ka hor loo gudbi doono wejigiga 3aad ee shirka uu gaadhistiisa dhib badan lagala kulmay.

Dad siyaasadaha shirka u dhuun daloolaa ayaa tibaaxaya inay Jabuti iyo Ethopia oo horay arrimaha shirka isugu maandhaafsanaa hadda isla fahmeen halka laga abaarayo bad-baadinta geedi socodka nabadda Soomaaliya oo in dhowaaleba bur-bur qarka u saaraa. Wuxuuna kulankan loo dhamaaday muujinayaa inay IGAD xiligan u guntatey sidii ay wax uga qaban lahaayeen dawlad la'aanta Soomaaliya ka jirta oo iyaga laftooda dhibaato weyn ku haysa. Ergada shirka iyo dhamaan Soomaalida Kenya ku dhaqan ayaa maanta wejiyadooda laga garanayey sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan balaaran ee ay IGAD shirka ka yeelatay iyo go'aamada wax-tarka leh ee wasiirada ka soo baxay. Waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda dhinacyada shirka ka maqani isku soo shubi doonaan wadanka Kenya oo weli ku adkaysanaya xayiraaddii iyo mamnuuciddii ay baasaboorka Soomaalida ku soo rogeen.

Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey:

W.Q. Ibrahim Mohameddeeq
Somali Talk, Mbagathi/Nairobi
E-mail: imdeeq@hotmail.com

   


WARAYSIYAAL HORE EE UU QAADAY IBRAAHIM:

 ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  c

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD