SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m

SOMALITALK - FAALLO


Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey (Faallo)

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

April 7, 2004

 

somalia

Waxaa mar kale Nairobi ku banjarsan shirkii wakhtiga badan dhunsaday ee dib u heshiisiinta iyo soo celinta dawladnimadii Soomaaliya ku saabsanaa, ka dib markii go’aan loo wada dhan yahay laga gaadhi waayey qodob ka mid ah axdiga ku meel gaadhka ah oo in la isku raaco weli loo caal la’yahay. Waxaana tiraba ku laba goor fashilmay go’aamo aan Soomaalida lagala tashan oo ay hawl wadeenada shirku u gudubka wejiga saddexaad ka soo sareen. Caqabado waaweyn oo sii xoogaysanaya ayaana ku gadaaman gaadhista marxalada awood qaaybsiga oo ah qaybta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ugu dambaysa.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida oo horeba khilaaf iyo is-qab-qabsi isugu filayd ayuu ka midha-dhalinta shirkoodu iminka la il-daran yahay muranka iyo kala taganaanta maamulayaasha (IGAD) shirka u dhexeeya oo ay qaar hor leh oo car-cartoodii qabaa hadda ku soo biireen. Taasina waa mid qayb weyn ka ah cunsuraha shirkii inuu midho dhalo qarka u saarraa gaagixisey ee dhaabbo goodir ay sida looga soo geyoodaa adag tahay ku jahaysey. Kordhinta tirada hogaamiyayaasha oo ay siyaasiyiin badani qabaan inay ku timid galaan-gal ay qaar waddamada maamulka shirka gacanta ku hayaa isla sameeyeen ayaa loo aanayn karaa inay is-mari-waaga hadda taagan sababtay, haddii aan xal loo helina waa mid soo dedejin karta bur-bur iyo guul darro uu shirka ku dambeeyo

Natiijaadii aan weli meel marin ee kulaankii wada tashiga Safari Park ka soo baxday waxay ahayd mid diirka ka qaadday tuhun horayba shirka wada tashiga looga qabey oo nuxurkiisu ahaa in aqoonsi iyo awood dheeraad ah loogu raadinayey rag aan horay shirka uga dhex muuqan oo aan saamayn siyaasadeed oo buuran ku lahayn. Xeel dheerayaal arrimaha shirka u dhuun daloola oo ka mid ah dadyoowga siyaasadda Soomaalida odorosa ayaa rumaysan inay jireen masuuliyiin ka tirsan hawl wadeenada shirka oo xiligii uu shirka wada tashigu socdey hoosta ku watey ajandayaal qarsoon oo ay dhinac ku badhi taarayeen, dhinacna ku sabaaxadaynayeen.

Xaggee bay sartu ka quruntay?

Mushkiladdan hadda shirka ku qaraxday ee horumar lagu tilaabsado ku hor gudbani waa mid ka dhalatay arrimo isa soo tarayey ilaa iyo markii ay afarta hogaamiye ee Liibiya iyo Jabuuti sida diirran looga soo dhoweeyey shirka ka bexeen, kuwaas oo kalsoonidii iyo taageeradii ay dalalkaas ka soo heleen siyaasadooda waa cuusub u furtay, isla markaana ku dhiiri gelisey sidii ay awooddooda shirka u balaadhin lahaayeen. Afartii hogaamiye ee shirka ka baxday Maacnawi, ahaan ujeedada ugu weyn ee ay golaha Samata bixinta u abuureen waa mid noqon karta inay ku doonayeen sidii ay wax ugu yeelan lahaayeen awoodda miisaanka culus ee talo goynta shirka.

Sidaas daraadeed, in kastoo uusan heshiiskii madaxtooyada lagaga dhawaaqay si quman u wada hir-gelin oo ay ururo badani wax is daba marin iyo eex aan lagu heshiin ku dhaleeceeyeen, haddana waxaad mooddaa inay dhacdadaasi xiddigga siyaasadda golaha samata bixinta buun-buunisay, halka ay labaatankii hogaamiye ee horay shirka u joogey oo markii hore isku dhinac kubadda u laadayey kala qaybsanaan iyo mugdi soo kala dhex gala heshiiskaas uga faa’iideen.

Siyaasiyiinta ilaa iyo hadda ku doodaysa in wiixii ay ku heshiiyeen wax laga beddeley mabda’ ahaan iyo is-bahaysi ahaan ma ahayn kuwo hal dhinac ka soo wada jeeda, waayo isla ayaamihii uu saxiixa aan laga fiirsani dhacay waxaa raggii dhaliilay ka mid ahaa raysal wasaaraha cuusub ee TNG oo qoraalkii la saxiixay ku tilmaamay mid xambaarsan wax aan waafaqsanayn wiixii ay hogaamiyaashu ku heshiiyeen. Hadalka raysal wasaaruhu wuxuu toosh ku ifiyey mad-madowgii iyo wax is-daba marintii heshiiska lagu eedeeyey oo ay badiba SRRC horay uga qayliyeen. Waxaa kaloo inay heshiiskaas wax ka khaldanaayeen laga fahmi karaa caddayntii uu wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya markii la isku qabsaday heshiiska ka soo saaray oo uu qodobo heshiiska ka mid ah ku tilmaamay kuwo laga bad-badiyey.

Fal-celisyadaas heshiiska ka soo cawaal baxay waxay noqdeen kuwo wiiqay kalsoonidii iyo aaminkii dhex-dhexaadiyaasha shirka lagu qabey. Saababtoo ah marka aad dhugato qaylada kooxaha qaar ka yeedhaysa iyo dabaal degga ay kuwa kale ku jiraan waxaa ugu yaraan suurtagal noqon karta inay laabada waddan ee IGAD hadda shirka ka joogaa dhinacyada qaar hoosta wax kala wadeen oo qodobada qaar si ay dhinac dani ugu jirto hab qoraalkiisa u soo ban dhigeen. Taasina waa cunsurta heshiiskii markii hore lagu diirsaday ee dunida oo dhan laga soo dhoweeyey hadda ka dhigtay caqabad sun iyo dhunkaal ku ah habsami u socodka shirka oo iminka khatartii ugu weynayd caasha ku haya.

Wejigii labaad ee shirka oo dhamaad ku dhow ogolaanshaha iyo aqoonsiga is baahaysi cusub oo shirka ku soo biira iyo kordhinta hogaamiyayaasha ayaa lagu tilmaami karaa khaladkii ugu weeynaa ee farsamo ahaan shirka laga galay, maxaa wacay aasaaska uu shirku ku taagnaa iyo sida uu u qorshaysnaa waxaa tiir dhexaad u ahaa hogaamiyayashii Soomaaliya xoogga ku lahaa oo intoodii nabadaynta Soomaaliya looga maarmi waayey shirka la isugu keenay. Waxay ahaayeen kuwa ay IGAD u xil-saarto arrin kasta oo uu shirku isku maan dhaafo, khilaafaad kasta oo yimaadana mar uun baa xal loo heli jirey oo laga gudbi jirey, laakiin wareerka ayaamahan shirka la soo dersey waa tiradii hogaamiyayaasha oo aan hadda ka hor la isku qabsan oo la isku haysto.

Taasi waa tan dhawr hogaamiye oo hanaanka shirka loo wado ka cadhooday ku kaliftey inay Jawhar kaga dhawaaqaan is bahaysi hor leh oo daw u yeelanaya inay IGAD ula dhaqanto sidii ay Samata bixinta oo dhowaan Balcad lagu dhisay u soo dhoweeyeen. Waxaa kaloo la filayaa inay kooxo kale awood kororsi u baxaan maadaama ciddii tagtaba hogaamiyayaal cusub loo aqoonsaanayo oo ay siyaasadooda shirku sidaas ku naaxayso. Haddii aynu is weeydiino baahida keentay kordhinta hogaamiyaasha, aynu ku af gobaadsano inay ku timid baadi goob ay IGAD iyo beesha caalamku ugu jirteen in afartii nin ee shirka ka maqnayd lagu soo jiito, kuwaas oo shuruudahoodii loo oofiyey si uu shirku u nooqdo mid loo wada dhan yahay. Sidaas hadday xogtu tahay waxaa mar kale la is weeydiin karaa inay wax loo dhan yahay soo bixi karaan iyo in kale. Jawaabtu ma dheera, mana dhib badna, waana mid la hubo inaan hor joogayaasha siyaasadda iyo guud ahaan Soomaalida maanta looga baran inay nabad-geliyaan hanaan iyo nidaam ay talo goyntiisa iyo halgankiisa shaqo ka soo qayb qaateen, balse waa kuwo natiijo kasta oo ay wax ka soo yagleelaan ganafka ku dhufta haddii ay tooda ka waayaan.

Tusaale ahaan natiijadii Carta dadkii ka hor yimid ee curyaaminteeda iyo curdan dhadhinteeda u ban baxay waxaa ugu badnaa dadkii gogosha Carta fadhiyey ee halgamadii inay wax dhashaan loogu xusul duubayey ka soo qayb qaatay, sidaa awgeed kuwii ka qayb galka Carta qaadacay waxaa wixii soo baxay uga cadowsanaa kuwii ogolaaday. Masalan Qanyare marna ma ogolaan inuu Carta tago, natiijadii ka soo baxdayna kuma duulin, lamana diririn ee wuuba la heshiiyey, laakiin Maxamed Dheere oo natiijadii soo baxday wax ka soo saaray, wuxuu markii daambe la beegsaday dagaal aan kala joogsi lahayn. Waayo-aragnimadaasi waxay ina baraysaa inaysan kuwo badan oo hadda shirka daacad u ahi hadhoow wiixii soo baxa wada nabad-gelin doonin, marka, xagee joogaa qab-qable aan shirkaba ka qayb gelin ama diidey oo ka baxay?. Sida ay xaqiiqdu u dhowdahay way adag tahay si loo helo natiijo ay hogaamiyayaasha hadda jira oo dhami ogol yihiin. Haddaba, haddii in shirka loo dhamaado tirada hogaamiyayaasha loo balaadhiyey, dhibka durba ka yimid wuxuu aragtida kordhinta hogaamiyayaasha ka dhigayaa talaabo sirgacan oo sawaaban, isla markaana aan si qoto dheer waxa ka iman kara looga looga fiirsan. Waana halkaas meesha ay sartu ka quruntay ee ugu weyn cunsuraha shirka ku qabiran.

Doorka IGAD ee caqabadaha shirka

Bilowgii shirka dawladaha urur goboleedka IGAD waxay maamulka iyo hogaaminta shirka u wakiisheen wadamada safka hore ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo xubno joogta ah ka ahaa gudiga farsamada IGAD oo ahaa awoodda ugu saraysa ee maamulka shirka. Arrin kasta oo taagan oo shirka caqabad ku noqota iyo tilaabo kasta oo horay loo qaadayo gudiga farsamada ayaa marka hore ka wada xaajoon jirey, waxayna diyaarin jireen qoraal aan rasmi ahayn oo loogu talo galay inay hogaamiyayaasha iyo ergada Soomaalidu ka doodaan, wixii markaa ay Soomaalidu ka hor timaaddo ama ku kala boodaan gudiga farsamdu waxay awood u lahaayeen inay go’aamo dhex-dhexaad ah ka soo saaraan, sidaas ayeeyna shirka ku maamuli jireen. Xiligaas wadamada safka hore wax kastaa ha u hooseeyeene khilaaf muuqda oo shirka caqabad ku ahaa uma dhexayn, awoodda ay shirka ku lahaayeen iyo wada shaqaynta ay ku wada hawl gelayeena waxay ahaayeen kuwo dambaska ka dhiga cunsur kasta oo shirka ka hor timaadda. Taasina waa midda xudunta u ahayd inuu shirku wejigii 1’aad iyo kii 2’aadba guulo waaweyn oo wax ku ool ah ku naaloodo.

Haddaba, isagoo shirku isku duubnida iyo awoodda gudiga farsamada ku badhaadhay ayuu saddexdii dawladood ee shirka daadihinayey khilaaf soo kala dhex galay kaddib markii fadhi ay saddexdooduba xaadir ku yihiin axdiga ku meel gaadhka ah 15kii Sept, 2003 lagu ansixiyey. Dawladda jabuuti waxay isla ayaamahaas ku dhawaaqday inay shirka ka baxday. Ugu dambayna waxay arrintu fadhiisatay inuu shirku yuurursado oo dhanna u dhaqaaqqi waayo, gudiga farsamada IGAD markaas ka dib waxay kala qaateen laba fikradood oo aad u kala fog. Kuwo waxay ku doodeen in halka uu shirku marayo iyo ansixinta axdiga dib looga noqdo oo raggii maqnaa la doono, lana gar-garaaco irido badan oo awel dirqi lagaga soo gudbey. Qaarna waxay soo jeediyeen inaan raad arooryo dib loo raacin oo shirka oo halkiisa maraya ciddii wax tabanaysa lala hadlo oo cabashadooda wax laga qabto. Jabuuti iyo Kenya oo talada hore qabey waxay bilaabeen inay taladooda hir geliyaan. Itoobiya oo aragtida dambe qabtayna markay aragtay in talo aysan ogolaan la hir gelinayo ayeey si lama filaan ah shirka uga baxday, waxayna gebi ahaanba ka gaabsadeen hadal haynta arrimaha shirka oo ay awel si weyn u daanayn jireen.

Aamusnaanta Itoobiya waxaa ka dhashay inay Kenya iyo Jabuuti Kampala ka soo ansixiyaan in magaca gudiga farsamada lagu bedelo gudiga fududaaynta IGAD oo hawlihiisa lagu soo koobay inay u fududeeyaan wixii ay Soomaalidu uga baahato, iyo inay dhamaan wadamada ku jira ururka IGAD, gudiga fududaynta xubno ka wada noqdaan, go’aan qaadashada lahaansha shirkana ay Soomaalidu yeelato. Abuuritaanka gudiga fududaynta IGAD waxaa ka dhashay laba dhibaato, waa mide ma dhicin shir keliya oo ay xubnihiisu ka soo wada qayb galeen, taas oo ku timid wadamada IGAD oo aysan qaarkood arrimaha Soomaaliya si muuqata u danayn, sida Suudaan, Uganda iyo Ereteriya . Waa tan labaade waxaa meesha ka baxay awooddii ay IGAD shirka ku lahayd maadaama go’aan qaadashada iyo wada xaajoodyada arrin kasta oo taagan ay sharci ahaan tahay inay Soomaalidu xal u hesho, isla markaana aan amar iyo go’aan kor lagaga keeni karin.

Dhinaca kale, ka maqnaanshaha afar waddan oo aan marnaba madasha shirka cag soo dhigin wuxuu gudiga fududaynta ka dhigayaa wax ay Kenya iyo Jabuuti oo keliyihi maagcooda si maqaar saar ah ugu shaqaynayaan, arrimahaasina waa cunsuro ka mid ah waxyaabaha caqabadaha hadda taagan sii xoogaynaya. Waxaa kaloo caqabadaha shirka qabiray ee IGAD ka mid ah: Kenya iyo Jabuuti oo aan u shaqaynayn sidii fududeeyayaal, marka aad eegto sida ay wax u maamulayaana waxaadba moodda inay ka awood badan yihiin gudigii farsamada ee loo bedeley si awoodda shirka ee IGAD loo dhimo. Taasina waa midda keentay in shirkii wada tashiga laga waayo Soomaali fool ka fool isu soo hor fadhiisata oo arrimahooda ka wada hadasha, ilaa iyo haddana ma jiraan fududeeyayaal dhiifoon oo isku ujeeddo beegsanaya iyo talo Soomaaliyaysan oo wax lagu dabakhayo. Waana midda ay ka shaqayn la’dahay taladii ay Jabuuti iyo Kenya soo hindiseen ee ahayd in lahaanshaha shirka Soomaalida faraha looga qaado, iyadoo in badan lagu waayo-arkay inaysan madaxda Soomaalidu xitaa shir guddoon ku heshiin karin.

Mararka qaarkood habka ay dawladaha IGAD shirka ka joogaa u shaqaynayaan waxaa ka muuqda habacsanaan iyo khaladaad waaweyn oo shirka lugooyo iyo wareer cusub u keenaya, waxaa wax lala yaabo noqday liis ay dhowaan soo saareen oo ka hadlayey hogaamiyayaasha dhaqanka ee wejiga 3aad ka qayb qaadanaya, waxay ragga liiskaas ku jira ku magacaabeen hogaamiyaasha dhaqanka ee dhabta ah, Waxaan liiska ku jirin Isimo dhab ah oo ay horay u casuumeen oo ay arrintani gef iyo gardarro ku tahay, iyadoo aysan talada magacowgaas Soomaalidu wax lug ah ku lahayn. Waxaa kaloo wax lagu qoslo ah inay liiska ku jiraan isimo beri hore geeriyoodey. In kastoo ay hadda shaaciyeen inay arrintaas saxayaan haddana, dad badan oo ficilada cusub ee gudiga fududaynta u fiirsada ayaa talaabooyinkan is burinaya u arka waxyaabo ka gun gaadhidda shirka lid ku ah oo ku imanaya maamul xumada IGAD had iyo goor lagu dhaleeceeyo.

Isku soo wada duuboo, talaabooyinkaas is daba jooga ah ee ay IGAD qaadday laakiin aysan waxba ka suura gelini waa kuwo ka mid ah cunsuraha shirka sii calwinaya ee ay Soomaaliduna ku sii kala fogaanayso. Haddii ay sidaas ku sii socdaana shaki kuma jiro inay natiijada shirka ka soo baxdaa ka liidan doonto middii Carta ee uu madaxweynaha Jabuuti ka midha dhalinteeda geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay ee ay Soomaalida iyo Jabuuti’ba ku khasaareen. Waxyaabahaas aynu soo dul maray oo ka shidaal qaadanaya khilaafka waddamada safka hore u dhexeeya ayaa ka mid noqon kara doorka ay IGAD ku leedahay caqabadaha hadda shirka curyaaminaya ee in wax laga qabto mudan.

Maxaa xal nooqon kara?

Is-bahaysiyada siyaasadeed ee shirka Nairobi ka qayb qaadanayaa waxay ku kala xidhan yihiin oo ay kala raacsan yihiin dawladaha arrimaha murugsan ee Soomaaliya ku lugta leh, gaar ahaan wadamada xadka la leh Soomaaliya. Koox kastaana dalka ay taageerada siyaasadeed ka hesho waxay u ilaalisaa hadafkiisa siyaaso iyo danaha uu Soomaaliya ka leeyahay, taasina waa mid khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan ka dhigaysa mid aysan Soomaalida keligeed maarayn karin oo loo baahan yahay in la helo heshiis ay ddhinacyada Soomaaliya isku haya oo Soomaali iyo shisheeyaba lihi ka wada shaqeeyaan, kana wada midha dhaliyaan. Si kastaba ha ahaatee, wakhtigan xaadirka ah ma muuqato hawl ay si wada jir ah dhinacyadaas oo dhami uga wada shaqaynayaan, waxaana cad in waddamada arrimaha Soomaaliya sida la taaban karo faraha ugula jira uu mugdi iyo dareen hogaaminta shirka ku saabsani soo kala dhex galay.

Xitaa, mabda’ ahaan inuu shirkii wada tashigu dhaco wadamada IGAD iskuma raacsanayn, qaarkoodna kama soo qayb gelin, ilaa iyo haddana waxaa madasha shirka ka jooga Kenya iyo Jabuuti oo ay dadka qaar ku xantaan inay bara bixinta kooxaha qaar isu gaashaan buuraysteen, sidaa darteed urur goboleedka IGAD oo ay laba dawladood shirka ka joogaan waa mid muujinaysa inaysan wadamada IGAD shirka raali ka wada ahayn. Taasina waa mid khatar weyn shirka u keeni karta, waayo marka dawlad kuwa safka hore ka mid ahi shirka ka baxdaba waxaa shirka ka tegaya dhinacyo Soomaali ah oo ay siyaabo kala duwan isu kaashadaan.

Haddaba, si aan loogu fashilmin dadaalkii 18ka bilood la soo wadey ee maaliyadda, wakhtiga iyo maskaxda badan la geliyey, waxaa lagama maarmaan isu muujinaysa in loo baahan yahay inay wadamada IGAD, gaar ahaan kuwa safka hore, ugu horayn xurgufaha iyo khilaafka u dhexeeya ee shirka hor taagan iska arkaan, iskuna dayaan sidii ay aragti mid ah ugu wajihi lahaayeen mashaakilka cuusub ee rejadii Soomaalida tabaalaysan u soo muuqatey ragaadiyey. Weliba haddii ay is af garan waayaan ceeb maaha inay cid kale oo dhex-dhhexaadiisa u qoor dhiibtaan. Barta ugu habboon ee caqabadaha shirka haysta laga abaari karo ayaa noqon kara inay hor iyo horraan waddamada IGAD iyo deeq biixiyayaashu wada jir isula meel dhigaan tirada hogaamiyaasha shirka laga aqoonsanayo oo sida runtu tahay ah caqabadda ugu culus ee shirka hor taagan. Tiro hogaamiyayaal cayiman oo ay dawladaha IGAD isla ogolaadaan, waxay fududayn kartaa gaadhista jid, is-mari waaga taagan lagaga gudbo. Haddiise, sidii hore loo eeday wax lagu wado oo arrin mugdi ku jiro la isku dayo in la meel mariyo, waxaa laga yaabaa inaysan waxba socon oo uu dhaawacmo dadaalka lagu higsanayo yoolka uu shirku beegsanayo. Talaabooyinka qaarkoodna waxaa ka abuurmi kara kala fogaansho iyo is nacayb ay Soomaalidu ku sii kala irdhoowdo oo natiijadii soo dhowaatey samada ku sii laala.

Si kastaba caqabadahan cusub ha looga takhalusee, khilaaf la’aanta tirada hogaamiyaashu waxay ahayd taamarta ugu weyn ee dhaq-dhaqaaqa shirka lagu fuliyo, waxay kaloo ahayd udub dhexaadka jiritaanka shirka isu haya, sidaa darteed fara gelinta arrintan oo xasaasi ahayd lagu sameeyey xal u helideedu waa mid u baahan feejignaan iyo ka baaraan-deg cilmi ku dhisan si uusan nuurka nabadeed ee Soomaali u bidhaamayaa u suulin. Qodobka 30’aad ee la isku hayaa waa mid si dadban u xambaarsan tirada hogaamiyaasha, sidaa awgeed, Gunta iyo gob’da ay faalladani isugu biyo shubanaysaa waa: “marka tirada hogaamiyaasha xal loo helo ayaa qodobka 30’aadna daawo loo heli karaa”.

W.Q. Ibrahim Mohameddeeq
Somali Talk, Mbagathi/Nairobi
E-mail: imdeeq@hotmail.com

   


WARAYSIYAAL HORE EE UU QAADAY IBRAAHIM:

 ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  c

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]