SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 12, 2004

Dadqalato

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

”Dhegdheer waxay ahayd dadqalato xoog iyo dheerayn ku caan ah. Waxay lahayd haan weyn oo lagu magacaabo Bawdheer, taas oo marka aabbudhka laga qaado dhul fog laga maqli jirey. Haantaas ayey dadka ay qalato hilibkooda ku guran jirtey...”

”Beri waxaa jirey nin marka uu doono bahal noqda. Wuxuu ismarin jirey geed uu keligii yaqaanney, kaas oo mar dad ka dhigi jirey marna dugaag. Marka uu dugaagga iska dhigayo wuxuu u dan leh yahay in uu dadka cuno...”

”Arraweelo waxay ahayd boqorad awooddii talada ragga xoog kaga maroorsatay. Si ay xukunka u haysato, isla markaa haweenka ragga ka sarraysiiso, waxay go’aan ku gaadhey in ay ragga oo dhan dhufaanto. Waxay ku guulaysatey kuwii ay dhufaantay in ay ciidamayso oo kuwa weli qoodha ah kula dagaallanto...”

”Madaxkuti waa bahal garaad badan oo awood u leh in ay hadasho qofka ay doontana codkiisa metesho. Sidaas ayey carruurta inta ay hooyadood isaga dhigto magacooda ugu yeedhaa dabadeed cuntaa...”

Afartaa siyood waxaa u dhisan qaar ka mid ah sheeko dhaqameedda badan ee ilkaha iyo ciddiyaha dhiigga ku leh. Giddigood waxay inagu ridayaan argagax, waxaana aynu moodaynaa in ay malyuumaad soomaali ahi ku maqan yihiin caloolo dadqal iyo dadqalato. Waxaynu dareemaynaa goonyaha Geeska Afrika in ay daadsan yihiin lafihii awoowyo iyo ayeeyooyin qeedhinka lagu feentay. Argagax kale waxaa abuuraya in laga fekero kuwa wax feentay qudhoodu in ay awoowyo iyo ayeeyooyin inoo ahaayeen.

Bulsho waliba waa ay leh dahay sheeko dhaqameed soojireen ah oo facba fac u soo gudbiyey. Sheekooyinkaasi inta badan waa khuraafaad iyo male’awaal, mararka qaarna wax baa ka jira ee waa la beddeley ama la buunbuuniyey. Haddii ay wax ka jiraan iyo haddii la halabuuraba badanaa waxay u qaybsamaan laba nooc oo kala ah: mid ay bulsho sooyaalkeeda wax kaga sheegto, iyo mid ay dunida kale ee aanay aqoon ku sifayso, dunidaas oo ay mar ka baqato, mar ka haybaysato, marna neceb tahay. Ta gudaha ku saabsani badanaa waxay ka hadashaa halyeeyo iyo guulo ay bulshadaasi sheegato kuna faanto. Sidaa darteed waxaa looga dan yeeshaa in asal wanaag iyo geesinnimo la isku barbaariyo. Ta kalena in ummado kale lagu liido, ama dunida iyo dabeecadda aan la aqoon lagu maleeyo.

Sheeko noocaas ah oo la hayo waxaa ugu fac weyn mid afar kun oo sano hortood lagu qoray Baabil (Ciraaq) laguna magacaabo Gilgaamish. Waxay ka hadlaysaa halyey magacaa leh oo ummaddaas u dhashay, kaas oo lagu mannaystay xoog, aragti fiicni iyo dhiirranaan. Wuxuu u hub qaadanayaa in uu soo dilo ”Hororka Kaynta” oo ah noole laxaad iyo halis badan, kaas oo dad iyo duunyo laga soo hooysan waayey. Hawshaa si geesinnimo leh ayuu Gilgaamish uga soo dhalaalayaa. Haddana wuxuu u dhaqaaqayaa in uu ka war keeno awoodda abuurtay xikmadda iyo jiritaanku halka ay joogto.

Sida muuqata reer baabil sheekadaas waxay u sameeyeen in ay ku barbaariso akhlaaq sare oo shar la dirir iyo xikmad jacayl ah. Sharkii waa la diley (Hororka Kaynta) xikmaddiina waa la raadinayaa. Haddaba waxaa yaab leh innaga kuweennu halyeeyo iyo dhacdooyin lagu faano inooma sameeyaan ee waa belo iyo baas. Waxaa aad ugu badan daadinta dhiigga sokeeyaha, inta badanna dhambaal akhlaaqeed ma sidaan ee xumaha ayaa guulaysta.

Arraweelo waxay u eg tahay qof run ah oo ay rag xukunka ku qabsaday colaad kululi dhex martay. Laakiin mabda’eedu in uu ahaa in ay ragga oo dhan dhufaanto caqliga iyo dabciga nolosha ayaa beeninaya. Taasi waxay ka hor imanaysaa saddex xaqiiqo oo dabiici ah: 1) baahida iyo naxariista Arraweelo qudheeda ku abuuran ee ragga. 2) haweenka kale oo aan taloxumo sidaas ah Arraweelo garab ku siiyeen, waayo baahidooda iyo riyadooda oo dhami waa ragga. 3) dabciga iyo dhaqanka dadkii hore ee awood walba saari jirey tarankooda (in ay ragga dhufaanto macnaheedu waa in ay bulshada dabargo u qoondaysay taasina caqligal ma aha).

Sidaa darteed qisada Arraweelo runteedu waa in ay koox niman ah oo taladeeda diiday ama damcay in ay xukunka ka ridaan la dagaallantay. Markaa koodii ay qabato in ay dhufaanto iyo in ay qoorta ka goysaa waa isku mid. Kelitalisyada maantaba qaar baa mucaaradka dhufaana. Waxaa kale oo run noqon karta Arraweelo markii ay aragtay sida ay raggu u liidayaan ee talada ugu quudhi la yihiin in ay haweenka dhiidhi gelisey, si ay taageero uga hesho heerkooda bulshana kor ugu qaaddo. Waa taas ujeeddada ay u leh dahay: ”Waxa ay raggu doonayaan diida xataa haddii aad doonaysaan, waxa ay diidayaanna doona xataa haddii aad diidaysaan.” Markaa Arraweelo waxay ahaan kartaa geesiyad aragti fog oo u halgantey sinnaanta ragga iyo dumarka, laakiin ay kuwii xukunka kula loollamayey magaca ogaan uga dileen oo kaga been sheegeen in ay ragga wada dhufaani rabtey.

Saddexda qiso ee kale, Geedismaris, Dhegdheer iyo Madaxkuti, iyagu maba mudna in laga hadlo, waayo ma leh asal caqligal ah oo dhaqan ama taariikh fog laga iftiinsan karo. Xataa haddii laga fekeri lahaa dadqalnimadu in ay tahay wax bulshadii hore ka suurtooba, sida ay bulshooyinkii hore oo dhan uga suurtowdo, kuwani sida ay u dhisan yihiin ayaa malahaas meesha ka saaraya. Waayo dadqallada la sheegaa marnaba ma aha koox dad ah ee waa naag ama nin keli ah. Mana dhici karto in ay naag keli ahi dadka iska qalqalato ee aan markiiba wiil dhiirrani qoorta ka jebin.

Haddaba waa maxay sababta ay waxan xilka lihi kumanyaalka sano inoo daba socdaan ee inooga hadhi la yihiin. Ma wanaag ayey inagu barbaariyaan? Ma xumaan ayey inoo diidaan? Ma hidde iyo sooyaal ayey inoo kaydiyaan oo ina baraan? Jawaabuhu waa wada maya. Mid ayaase dhab ah: waxay ka tarjumayaan dabcigeenna qallafsan ee dhiillo ku noolka ah.

Sheekooyinka Cigaal Shidaad waa kuwa ugu madaddaalo iyo murti badan. Badanaa dhaqankeenna qofka fulaynimo ku sifooba dadnimada kale oo dhanna waa laga qaadaa, laakiin Cigaal Shidaad waxaynu ka dhignay fulay caqli badan. Sababtaas ayaa sheekadiisa looga xiise dhici waayaa. Waxaa kale oo iyaguna aad u xiise iyo murti badan kuwa ku saabsan xayawaanka sida Diin iyo Dawaco, Yaxaas iyo Dawaco, Libaax iyo Dawaco, Maroodi iyo Dabangaalle i w m.

Mar haddii ay fekerka iyo aqoonta dadku intaa korayaan sheekada noocan ah abuuristeeda iyo haynteeda waxaa ku dhaca isbeddel koritaanka garaadka dadka la socda. Ummad kastana xilli walba heerka aqoonteeda ayaa go’aamiya waxa ay khayaaliga ka halabuurto; waxa ay rumaysato ama beensato; jeclaato oo kaydiso ama nacdo oo illawdo. Maanta dadka dunidu khuraafaad badan oo soojireen ah ayey ilaaliyaan, waayo waxaa sawir malluug ah iyo cod dinniiq ah lagaga helaa fekerkii iyo noloshii quruumihii hore. Ama waxay noqon karaan sheekoxariir khayaaliga ilmaha lagu kobciyo.

Haddaba Dhegdheer iyo Geedismaris ma yihiin sheekoxariir khayaaliga carruurta wax taraysa? Ama dhaqan wanaagsan ku barbaarinaysa? Ama sooyaal u binniixinaysa? Waa maxay wanaagga ku jira in ilmo yar lagu yidhaahdo: ”Dadkaagii hore waxay ahaayeen dadqallo iyo bahalo?” Waa arrin aad looga xumaado in ay waxaasi manhajka waxbarashada weligood ku soo jireen welina ku jiraan. Iska daa ilmo yar ee dadka waaweyn ayaanay ku habboonayn. Sheekooyinkaas cadaawadda badan ee la inagu koriyaa waxay door weyn ku lahaan karaan dhiigcabnimada iyo arxandarrada aynu ku caanbaxnay.

Waxaasi wax kasta oo kaleba ha noqdeen laakiin sheekoxariir ma noqon karaan. In ay muddo dheer soo jireen macnaheedu ma aha in ay fiican yihiin ama carruurta ku habboon yihiin. Haddana buug carruureed kasta oo soomaali ah, goor la qoray, meel lagu qoray iyo cid qortayba, waxaas ayaa ka buuxa. Qof kasta oo hawshaas u qalin qaataa waxaas ayuu soo urursadaa oo ilmaha ku wadne gooyaa. Maxaa wax cusub loo halabuuri waayey? Mise waxaa la moodayaa sheekoxariir in aan la samayn karin ee dhaqanka uun laga raadiyo?

Dunidu maanta waa ay isu wada furantay, wax walbana waa la isdhaafsaday. Taa darteed ummad walba waxaad ku dhex arkaysaa sheekooyin badan, gaar ahaan kuwa carruurta, oo afaf kale laga soo guuriyey. Haddaba in kuwo cusub la halabuuro iyo in kuwo ummadaha kale la soo tarjumo ayaa dhaanta in Dhegdheer oo dadka qalan jirtey iyo Arraweelo oo ragga dhufaani jirtey wax macno leh la moodo.

Manhaj xumada ina haysaa dhaqanka oo keliya ka soo duxi mayso ee debeddana waa aynu ka soo dhoofsannaa. Markii aan sheeko akhriska bilaabay kuwii ugu horreeyey ee aan af soomaali ku helay waxaa ka mid ahaa Roobinson Kuruusow (Robinson Cruose) oo uu qoray Daniel Defoe. Buuggaasi asal ahaan wuxuu qayb ka ahaa dadaalkii feker ee ay reer yurub dunida ku dullaysanayeen. Waxaynu og nahay maanta xataa dalalka caddaanka ah manhajkooda waxbarashada in uu ka baxsan yahay. Haddaba waxa uu Ilaahay buug badiyey Axmed Faarax Cali “Idaajaa” in uu carruurta soomaaliyeed kaas u dooray waxay muujinaysaa aqoonta aqoonyahanka soomaalida ee iska dacalbasarka ah.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE IBRAAHIM YUUSUF

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD