SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 13, 2004  

HOGAAMIYEKOOXDYADDU MA U QALMAAN JAGADA MADAXTOOYADA EE SOMALIA 2BAAD

 Qaybtii 1aad...

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

 

Hogaamiye koodyada Somalia waxa ay qayblibaax ka soo qaateen dagaaladii sokeeye ee ka soday Somalia muddo ku dhaw 14 sanadood, dagaaladaas oo u dhexeeyay inta badan maleeshiyooyinka ama kooxo taageersan iyaga, hogaamiye kooxeedyadda, amaba ka amar qaata. Dagaaladaas oo badanaa ku salaysnaa beelaysi ama jufaysi . Waxaa dagaaladaas ku dhintay 1000-nan rayid ah , oo caruur iyo cirooleba leh, oo aan waxba galabsan oo ay haleeshay xabadihii la iswaydaarsanayay.Taas oo sababi karta ama keeni karta in ay mas'uul ka yihiin hogaamiye kooxdyadu, dadkaas aan waxba galbsan ee noftoodii waayay ama dhimashadoodaba.

Iyada oo la odhan karro dhibaatadan waxa keenay ama dhaliyay ,hab dhaqankii dawladii hore ee ina Siyaad ee ku dhisnayd beelaysiga , saldhigeeduna ahaa dhulbalaadhsi beeleed iyo iska horkeenid beelo Somaliyeed, taas oo keentay markii ay dhacday dawladii ina Siyaad, in ay kala fogaadaan beelihii ku tiirsanaa xukinkiisa iyo kuwii ay u xaydatay in ay xasuuqdo ama barakiciso. Hadaba dagaaladan soo dhexmaray hogaamiye kooxeedyadan imikana ka dhexsocda, waxa keenay markii ay dhacday dawladii in Siyaad ee ku salaysnayd beelaysiga , waxa yimid is aamin la'aan iyo kala shaki, iyo hadday beelheblaayo qabato xukunka biloo noqtay tii ina Siyaad oo kale. Arimaha ugu wayn ee ay la dagi la'dahay Somalia ayaa waxa ka mida sababaha kor ku xusan.

Dagaaladan ka dhex socda maleeshiyooyinka hogaamiye kooxdyada, hogaamiye jufooyinka iyo hogaamye beeleedyada, ayaa ah ama la odhan karaa badh waa xaq badhna waa gardarro, kuwa xaqa ah hadaan eegno , inkasta oo ay tahay jaahilnimo in loo dagaalo jufo jufo ama beel beel , ayaa hadana waxa aad arkaysaa dad dhulkoodii ama xaqoogii loo dhacay oo keliya waa beelheblaayo, taas oo keeni karta in kuwii wax laga dhacay ay iyaguna dagaal ay soo abaabulaan si ay xaqoodii u soo dhacsadaan.Hadaba dagaaladan ka soo dhexeeyay hogaamiye kooxdyada ayaa badankoodu ku salaysan arimahan.

Hadaba Hogaamiye kooxdyada hadaan eegno , Shaati Guduud markii uu la dagaalamayay Caydiid oo u talinayay gobolada RRA-da , inkasta oo aanan ka warqabin waxa ay ku sugnaayeen dadyawgaa daga goboladaas RRA-da cadaalad iyo cadaaladdarro, ayaa waxa la odhan karaa , haddii ay cadaaladdarro ka jirtay meesha , in uu dagaalkii Shaati-Guduud kaga saaray Caydiid in uu xaq ahaa. Waxa kale oo jirta in dagaalkii dhexmaray Shaati-guduud iyo ku xigeenadiisii , sababtayna in maati badani dhimato , ay burinayso geesinimadii Shaati- Guduud iyo ku xigeenadiisii kana dhigaysa dambiile dagaal isaga , Xaabsade iyo Madoobeba.

Dhibaatada ka taagan Kismaayo ayaa iyada la odhan karaa waa khilaaf gar iyo garddarro, haddii ay jirto beel ku haysataa xoog , dhul aanay la hayn.

Khilaafka ka jira Somalia oo ay dhibtiisa leedahay Dawladii hore , ayaan la xalin karayn haddii 100 jeer lagu shiro Keenya iyo haddii kaleba, ilaa la saxo dhibaatadii ay ka tagtay dawladii hore, ama xaqddarada hadda jirta, sida dhulboobka.

Hadaba ka qaybgalidda iyo ka qaybgalid la'aanta hogaamiye kooxdyada ee shirka Kiinya ayaan qiimo ku fadhiyin , tan iyo inta ay jiraan hogaamiye kooxdyo gar leh iyo kuwo gardarro wadaa. Sababta oo ah waxa aad arki kartaa hogaamiye ku leh dhulkaygii ayaa ay hogaamiye hebel beeshiisu xoog ku haysataa ilaa inta uu kabaxayana isma hor fadhiisanayno. Tan oo ah Dastuur ay wada saxeexeen laba hogaamiye kooxeed oo mid gardarro wado midna gar u dirir yahay ayaanay waxba ka soconayn.

Ugu dambayn hogaamiye kooxdyada ku shiraya Kiinaya , ayaa ka la ah kuwo garddro wada iyo kuwo gar ku taagan oo ay xaqdoonimaddoodii la gashay dambi kale kana dhigtay dambiile dagaal, maati ku dhimatay dagaal ay galeen ama qaadeen awgeed awgeed, taas oo iyaduna gargaaraysa kii gardarrada waday, kana lamid dhigaysa kii garddoonka ahaa.

Gabo gabadii xalka Somalia ayaa iman kara oo qudha , haddii ay hogaamiyeyaashu is cafiyaan gartoodana kala qaataan, xukunkana ay kala qaybsadaan oo ay noqdaan madaxwayne iyo wasiiroba, iyo in habayaraatee aan loo dhiibin wax talo ah , oo ay suuqooda galaan, oo ay dawladda la dhisayaa xaliso dhibaatooyinkii ka dhexeeyay dadwyagii ay isku dilayeen, ha ahaato dhul amaba colaadkale eh.

Xalka labaad ee ay Somalia ku dagi karto ayaa ah ku dayasho Somaliland, sababta oo ah inkasta oo ay ku noolyihiin Somaliland beelo kala duwan sida Somalia , colaadna ay dawladii hore ee ina Siyaad soo kala dhexdhigtay, ayaa hadana aanay jirin beel ama jufo xoog ku haysata dhul aanay lahayn, inkasta oo ay jirto hadda dhibaato kaga timid xagga Somalia oo ah in qayb kamida dadka Sool dagaa ay u janjeedhsadeen beelaysi oo ay beel ahaan isku xidhaya Buntland. Arinta qudha ee ay Somaliland u nabadawday ayaa ah waxa aan jirin cid cid xoog kuhaysata ama dhul aanay lahayn , waxa ka dhexeeya Dastuur iyo dawlad kala hagta.

Arinta u dambaysa ayaa iyaduna ah , mar haddii ay jirto xaqddarro, taas oo ah haddii loo laynayo dad xaqdarro ama dhulkoodii laga qaatay iyada oo loo xoogsheetay, ka xaqdoonka ihi meeshii ay gaysaba dantu wuu gali tan iyo inta uu helayo waxa uu tabanayo ee xaqqa u leeyahy, taas oo ah haddii uu Ethiopia hub u doonto uu xaq u leeyahay. Hadaba Eedaynta Somalida ee Ethiopia iyo kuwa u gala ayaan sal iyo raadtoona lahayn inta ay jirto xaqddarro la iska indha tirayo, ama uu jiro Somali Somali gumaysanayaa, waxba yaan Meles iyo Ethiopia lagu meeraysan.

HOGAAMIYEKOOXDYADDU MA U QALMAAN JAGADA MADAXTOOYADA EE SOMALIA 1aad

mahamud samatar   samatarapt@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD