SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XALKA

March 13, 2004   

XALKU WAA IN JAHLIGA LAGA BAXAA

Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

 

Jahligu waa cudur halis ah hase`ahaate daawo leh daawadiisana waa cilmiga. Jahliga qofka wuxuu geliyaa nolol mugdi ah,misaanka wax lagu qiyaasana wuu ka dhumiyaa(jaahilku sheyga mudan in la qimeeyo ma qiimeeyo,waxaan qiimo lahayna aad ayuu u qiimeyaa).Qofka jaahilka ah asagoo nolol barwaaqa ah ku jiro ayuu hadana ka gajeeysanyahay, waxa u roon iyo waxa u daran ma kala garto.Qofka jaahilka ah ma qimeeyo waqtiga kamana faa`ideysto, maalintii dhalataana tan kale wax uguma duwana .Jaahilku asagaa isla gar leh mar walba lagamana gar helo,muranka iyo doodana waa awooda keliya ee uu leeyahay.

Nasiib xumo ummada Soomaaliyeed cudurkaa xun ayaa dhinac walba noloshooda ka saameeyey ha noqoto dhinac diin iyo mid xirfad(profession).Hadana ma nihin ummad ku baraarugsan dhibaatada jahliga uu leeyahay.Soomaali hadaynu nahay kama doodno mana tixgelino qiimaha aqoonta leedahay, misaan weyna uma yeelno.Waxaa isweeydiin mudan hadaan Soomaali nahay ma leenahay 1000(kun) qofood oo jamiciyiin ah oo taqasus fiican leh?.Aniga ahaantayda uma malaynayo in aan leenahay 1000 (kun ) qafood oo soomaali ah oo leh takhasus jamacadeed oo rasmi ah oo ummadooda wax u qaban karta.Takhasus rasmi ah waxaan ulla jeedaa dad waxa ay soo barteen ku shaqeyn kara,ummadana wax u qaban kara.Ka warama ummad dhan oo toban malyan ku dhow oo aan lahayn kun qafood oo jaamiciin ah oo taqasus fiican leh,ummadaas imasa ayey is bixin kartaa,xattaa hadey dowlad hesho?.

Arinta kale oo in la qimeeyo mudan waa diinteena islaamka,hadaan isweydiino imisa ayey dhanyihiin Soomaalida aqoon fiican diinta islaamka u leh?Culumadeena diinta wax ka taqaan ma yihiin kuwo ummadii ku filan oo jahliga haysta ka saari kara? Waxaa kaloo isweeydiin mudan imisa ayey dhanyihiin Soomaalida diinta raacata oo wax ka barata,waxbarashada noocey doonta ha noqotee?.Imisa qof oo Soomaali ayaa tafsiirka Quraanka kariimka ka ah (114)suuradood wada dhageesatey? Ama axadiista nabigeena scw xattaa hal kitaab sida Riyaadu Al Salaxiin?.Sidee ila tahay aad bey u yaryihiin sababtoo ah Soomaalida inta badan miyi ayey ku noolaayeen, kuna noolyihiin mana haystaan fursad ay wax ku bartaan culimada diinta wax ka taqaana magaalooyinka ayey badankooda jogaan,dadka ku nool magaalooyinka intooda badan kuma baraarugsanayn intii ka horeysey burburkii dowladii Soomaaliyeed in diinta barashadeeda tahay shey muhiim ah, dad yar oo xer ah ayaa diinta raacan jirey,ummadii inteeda badneydna waxaa la yiri waa caamo oo inay jahliga ku jiraan ilaa abid ayaa looga raali noqdey, qaas ahaan dumarka oo walidiinta Soomaaliyeed intooda badan ku baraarugsaneyn qiimaha ay leedahay in gabadha wax la baro. Gabdhuhu waa hooyadii mustaqbalka waana qofka inta badan caruurta abaabiya, madaama aabaha badanaa ilmaha la joogin,hooyo jaahil ahna waxay soo saartaa caruur dhinac walba ka ka liita,ha noqoto diin,dadnimo,akhlaaq,nadaafad iwm.

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

Mudo hada 10 sano laga joogo ayaa waxaan wadanka Talyaaniga kula kulmey hooyo Soomaaliyeed oo sedax caruur oo ay dhashey ka dhigtey ama hadalka aan si kale u dhige gelisey diinta Masiixiga(kirishtaan).Hooyo Xaliimo markaan wediiyey sababta ay arintaa u sameysey waxay i siisey jawaab dheer, hadalakeedana waxaa ka mid ahaa: ” Waalidkey aniga oo 14 jir ayey iga sareen dugsiga quraanka oo aan markaa dhiganayey iyagoo ii arkey in aan noqdey gabar weyn oo qaangaartey sanado yar ka dibna nin baan guursadey oo Ilaah iga siyey sedaxdaan ilmood. Ninka ilmaha dhaley wuxuu ahaa nin khamrada caba hotel Jubba iyo Curuba ayuu habeen walba khamriga ku soo cabi jirey markaan la hadlana wuu i garaaci jirey kadib waxaa i suurta gashey mudo badan oo dhibaato ah ka dib in ninkii i furo. Anigana shaqo ayaan kadib u soo aaday wadankan Talyaaniga.Goortaan in mudo ah ka shaqeeyey Italy ayaan waxaa ii suurta gashey in aan caruurteydii keensado. Waa dhamaadkii sideetanaadkii ka hor intaan dagaalkii sokeeye dhicin.Ilmihii goortii Talyaaniga ay yimadeen aniga ma awoodin in guriga ii joogaan madaama saacado badan aan shaqeyn jirey waxay danta i badey in aan ( College) geeyo,waa meel ilmaha lagu hayo waxna lagu baro oo ay maamulaan soorooyin iyo badariyaal Kirishtaan ah.College-kaa ayey ilmihii wax ka baran jireen.Waqtiyada fasaxa ayey aniga i soo booqan jireen iyo mararka qaarkood maalmaha sabtiga iyo axadaha ah.Markii in muda ah ilmihii meeshaa ku jireen ayaa ugu horeyn waxaa ilmihii ka dhumey afkii Soomaaliga ahaa,dhaqan ahaana waxay noqdeen ilmo Talyaani.Maalin ayaa waxaa i yeeray badariyaashii College-ka maamulayey waxayna iga codsadeen in ilmaha ay qataan diinta Kirishtanka sababta oo ah waxay yiraahdeen ilmaha meesha ku jira oo idilwaa kirishtaan oo ilmahaaga waqtiyada Kanisada la tago iyo waqtiyada ciidaha Kirishtanka kama qayb qataan oo waxaan aragney ilmihii oo dareemaya soocitaan ,madaama ilmaha ilmaheena yihiin waxaan rabi lahayn in si walba inooga tirsanadaan oo waxwalba oo anaga sameynayna inalaga qayb qataan ee adiga sidey arintaa u aragtaa?.Anigana waan ku raacey ra`yigooda,maxaa yeelay aniga diin waa i diin,waxay diinta Islaamka ka kala duwantahay mida Kirishtaanka aniga ma aqaan,weligeyna la ima sheegin,iyagaba soo Ilaah ma cabudaan?.”

Markey arintaa i sheegtey hooyo Xaliima waxaan isku dayey in aan u aqli celiyo si ilmaha loo badbaadiyo,hase yeshee ma suurta gelin oo hooyo Xaliimo waxay si caro ku jirta i tiri ”aniga ayaa la i soo sirey ma rabi in aan anigana ilmahayga siro”

Waxaan weydiiyey oo sidee adiga laguu soo sirey,hooyo Xaliimo waxay igu tiri : ”muslim baad tahay baa la i yiri weligeyna la ima sheegin muslimnimada waxay tahay 14 sano goortaan gaarey dugsigii Quraanka waa la`iga soo saarey qof wax i barana ma helin,marka ma waxaad rabtaa in sideeyda oo kale in ilmaheyga ku dhaho muslim baad tihiin aniga oo aan u sheegi karin muslinimada waxa ay tahay?”.

Xaliimo iyo ilmaheeda maanan arag dhowr iyo toban sano,caruurtaa waqtigii iigu danbeysay Kirishtaan bey ahaayeen kan ugu yarna 8 jir buu ahaa maanta waa 18 jir.Hadaba waxaa isweeydiin mudan ilmahaa ma hooyo Xalimo baa Kirishtaan ka dhigtey? Mise waladiinta dhaley hooyo Xaliimo? Mise dhaqankeena xun oo caadeystey in dumarka aan wax la barin?.su`ashaa jawaabteeda akhristayaasha ayaan u dhaafey.Dumarka hadaan wax la barin ogsoonaada in caruurteena halis ku jirto muslinnimadooda,qaas ahaan dadka dibada ku nool

Diinteena Islaamka ma ogola in jahli lagu sugnaado

In diinta Islaamka ogoleyn in jahli lagu sugnaado waxaa u daliil ah aayadihii ugu horeyey ee Quraanka ee soo daga waxay ka hadlayeen wax akhrin ,cilmi iyo qalinka wax lagu qoro ”Wax ku akhri nabiyow magaca eebe ee abuuray(khalqiga).Dadkana ka abuurey Calaq.Akhri Eebena waa kan sharafta lehe.Ee dadka barey sida Qalinka wax loogu qoro.Dad kana barey waxayna aqoonin”(suurat Al-Calaq;1-5)

Diinta islaamka waxay dadka ugu yeertaa in dadku wax bartaan oo maskaxdooda dhisanto.Erayada tilmaamaya in uu qofka fakaro ama garaadkiisa isticmaalo wuxaa quraanka lagu sheegay 49 jeer.Tusaale ahaan erayga Tacqiluuna(in aad wax garataan) 24 jeer.Erega Yacqinuuna (wax yaqiinsataan) 22 jeer iyo min hal jeer oo ah Yacqil(wax garanaya),Nacqil(wax kasaya) ,Ca`qal.Sidoo kale erayada ka hadla dadka wax fahma Uli al albab oogarashada la saxiibka ah (Uli al albab) waxaa Quraanka ku soo arootey 16 jeer.Sidoo kale Quraanka wuxuu meelo badan dadka faraa in wax xasuustaan , fakaraan oo maskaxda istacmalaan tusaale ahaan ”Abuurida Samawaadka iyoDhulka iyoIskhilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu sugan kuwa Caqliga leh.Ee ah kuwa ku xusa Eebe taagni iyo fadhi iyo jiifka oo ku fikira abuuridda Samaawaadka iyo dhulka(iyagoo dhihi) Eebow uma` aadan abuurin kan(khalqiga) baadil(ciyaar) waad ka nasahantahay ee naga kori Cadaabta(naarta).(Suurat Aali Cimraan; 190-191).

Sidoo kale Ilaah wuxuu quraanka ku tilmaamey in uu yahay kitaab barakeysan oo dadku mudanyihiin in ay fiiriyaan(bartaan) si ay u hagagaan ”(Quraanku) waa Kitaab aan kugu soo dejinay (Maxamed) oo barakeysan,si ay u fiiriyaan dadku ayaadkiisa iyo in ay waantoobaan kuwa caqliga leh”.(Suurat Saad;29)

In diinta Islaamka cilmiga qimaysey waxaa kale oo u daliil ah inta goor uu ereyga cilmi quraanka lagu xusey.Quraanka ereyga cilmi ama aqoon waxaa lagu sheegey 865 jeer.Ayadahaas waxaa ka mid ah ”Ruux tukan oo Eebe adeeca saacadaha Habeenkii isagoo sajuudsan oo taagan kana digtoon Aakhiro,asaga oo quudareynaya naxriista ilaah (ma la mid baa mid sidaas fileynin) Waxaad dhahdaa nabiyow ma simanyihiin kuwa Cilmiga leh iyo kuwa cilmiga aan lahayn,kuwa wax og (cilmiga leh) uun baa waantoobi ”.(Suurat Az-Zumar;9).

Quraanka wuxuu na baraa in ay xuntahay in si indha la´aan ah u nolaano maxaa yeelay jahliga qofka caqliga iyo indhahuu tiraa, taas waxaa tusaale kuugu filan Soomaalida Yurub iyo Nord Amerika timid .Tacliintii oo meel walba buuxda ayaa lagu kari la´yahay in ay waxbartaan, dowladihii aan martida u ahayn ayaa inala yaaban.Wadankan Sweden oo aan ku noolahay waxaad arkeysaa Soomaali rag iyo dumarba leh oo dhowr iyo toban sano wadankan ku nool oo luqadii wadanka weli baran oo markay xafiis dowladeed dan ka yeeshaan ama isbitaalada weli loo turjumayo oo arimo ruuxa u qaas (private)ah ayaa qof kale(turjubaan) ka ogaanayaa. Aqoon xumada xaga luqada waxay kaloo Soomaalida u keentey shaqo la´aan joogta ah. Waxaana ognahay in Georgi Kapchits oo ah qoraa iyo macalin Ruush ah in uu bartey Af Soomaaliga asagoo dibada ku nool oo Soomaaliya 5 maalmood keliya weligii joogey, hadaba sidee ku dhacdey in anaga aan baran weyno luqada wadamada aan toban sano iyo ka badan ku nool nahay? Jawaabta waa jahli iyo caajis hore oo aan wadankii kala nimid ayaa nahaya, oo inoo diidey in aan fahano qimaha ay leeyahay in aan wax barano.

Jahliga saameyn ma ku leeyahay dhibaatada wadankeena ka taagan ?

Dhibaatada jahliga ummada ku hayo waa arin aan Soomaalida ka doodin. Soomaalida inta wax qorta waxey dhibaatada Soomaaliya ka jirta dusha ka saraan Dagaal oogayaasha.Waa dhab Dagaal oogayaasha dhibaatada wadanka jirta qeyb weyn ayey ku leeyihiin cidi ma dafiri karto hase ahaate waxaa isweydiin mudan shacab jaahil ah imisa ayuu ku leeyahay dhibaatada wadanka?

Dadka ku takhasusa cilmiga bulshada (Sociology) waxay yiraahdaan ”ummad walba waxey yeelataa hogaamiyayaal ummadaa u qalma”.Sababta oo ah hogaamiyaha sidiisaba ummaduu ka soo dhaxbaxaa oo sidii roobkii cirka kama soo da´o.Ummad aqoontooda aad u hoseysa oo habka ama nooca hogaamiyayaasha u xushaan ama ku taageraan ay tahay asbaabo aad u liito, sida qabiilka iyo wax lamid ah wey adagtahay in ay helaan hogaamiye fiican.

Waxaan maalin wada shekeesaney oday Soomaaliyeed, oo runtii malintaa wixii ka horeeyey aan u arki jirey qof aragti dheer,waxa uu i sheegay in uu tageere u yahay nin kamid ah Dagaal ogayaasha Soomaaliya .Wuxuu odaygaa ii sheegay sababta uu u tageero ninkaa Dagaal ooga ay tahay in ay isku hayb hoose yihiin .Odaygaa aragtidii waxay bulshada Soomaaliyeed ka noqotey wax caadi ah oo aan lala yaabin.Dunida hora martey qofka hogaamiyaha ah waxay ku taageraan aragtidiisa siyaasadeed iyo wanaaga shaqsiga uu leeyahay, lakiin dhalasho iyo degaan uu ka soo jeedo laguma doorto hogaamiye, lagumana tageero.

Qabiil keliya oo la`isku taageero waxay faa`ido weyn u tahay Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed sababta oo ah wuxuu ogyahay wuxuu sameeyo iyo wuxuu ku hadlaba in aan loo qabaneynin,oo mar walba uu helayo tageerida beeshiisa,sidaa daraadeed Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed malaha siyaasad iyo mab´da cad oo loogu yimaado, maalinba koox ayuu heshiis layahay,kuwii uu shaley la socdey ayuu maanta caynaya,maslaxadiisa meeshay ku jirto ayuu adaa, isaga oo aan marnaba eegeynin danta guud.Beesha uu ka dhashey tixgelin ma siiyo malintuu uga baahdo dhalinyaro oo uu dagaal geliyana wuu u habar wacdaa iyagana ma diidaan.In ummada Soomaaliyeed jahliga ku jiraan cadowga dibada iyo Dagaal oogaba waa u dan maxaa yeelay ummada markuu garaadkooda kobco Dagaal ooge iyo wixii xumaan wataaba daaqaduu ka bixi lahaa.

Jahliga wuxuu ummadii Soomaaliyeed gaarsiiyey in naceybkii iyo qabyaaladii sii korodha.Soo ayaan daro ma aha in mudo 14 sano kadib in bulshadii weli qabiil qabiil isku aflagaadeyso:Qofka u fiirsada qoraalada ra`yiga ee webside-yada Soomaalida ku soo baxaan waad la yaabi sida la`isku aflagadeeyo taa waxaa ka daran Palktalk qolalka(Rooms) Soomaalida sameeysatey,qowladahaas ayaa qaar waxay u bixiyeen QOLKA DANYERTA HAWIYE LAGU KARBAASHO iyo mid la mid ah oo loo baxshey QOLKA DANYERTA DAROOD LAGU KARBAASHO. Markaad qowladahan gashid oo aad dhageysatid dadka ku jira iyo waxa ay ku hadlayaan ,naxdin iyo amakaag ayaad ka qaadeysaa, rag iyo dumar aflagaadada waa ka wada qayb qataan,akhlaaq daro xushmad la`aan,damiir xumo iyo wax walba oo Ilaah xarimey ayaa qowladahaas lagu hadlaa.Waa dadkii dhibaatada ka badbaadey oo nasiibka u helay in ay ku noladaan wadan nabad ah una suurta gashey in ay isticmalaan aalad sidaas casri u ah(Internet),intii ay ra`yi fiican is dhaafsan lahayeen, wadankoodana u raadin lahayeen xal wanaagsan,iyagiina isku baran lahayeen,wax fiicana is fari lahayeen, waxey doorbideen in saacado badan wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan aflagaado iyo wax danbi keliya uga saa`idaayo,ilayn ruuxa jahliga ah nimco iyo wanaag walba uu helo kama faa`iideysto oo si qaab daran ayuu u isticmaalaa.

Kawa wadanka jooga dhibaato aduun ayey ku jiraan ,nabadgelyo la`aan,cudur,gaajo,waxbarasho daro.Kuwa dibada ku nolaana Qaad,dood macna dara ah iyo aflagaado ayuu waqtigiisa ku qataa.Ummad 80%(boqolkiiba sideetan) aan haysan shahaado dugsi hoose,islamarkaana diinta ay sheeganayaan wax ka aqoon,xadaarad horena aan lahayn,misna nacayb iyo colaad la kala dhaxdhigey,sidey qaran ku noqon karaan?.Sideyse ku wada noolaan karaan?. Hadaba waxaa isweeydiin mudan ummad Soomaalida ah yaa u maqan?.Xageyse ku sii socdaan?.

Waa maxey hadaba xalka?

Su`aashani jawaabteeda ma fududa lakiin aniga waxay ila tahay,waa in garaadka iyo aqoonta qofka Soomaaliyeed la dhisaa, isbedelna lagu sameeyo habka uu u fikiro.

Qofka Soomaaliga ah waa in la baraa qofkii mudan in loo hiiliyo oo la taageero iyo kan mudan in laga hiiliyo, waa in la baraa qofka ah cadowgiisa iyo kan walaalkii ah, iyo dantiisa guud. Si ummada wax loo baro oo loo bedelo, garashadoodana kor loogu qaado, waxaa qasab ah in la helo waxgarad Soomaaliyeed oo rag , dumar,dhalinyaro iyo wayeelba leh,kuwaasoo damiir Soomaalinimo iyo mid muslinnimo ku jirta,oo ummadan u istaagta,kuwaaso ka nadiif ah cudarka qabyaalada,daacadna ay ka tahay u damqashada ay ummada u damqanayaan.

Ummaddana u horseeda wacyi gelin iyo isku soo dhawaansho dhab ah. Dhalinyaradaa iyo odayaashaa wax garadka ah waa in ay dhisaan urur Soomaaliyeed oo xuduud qabiil lahayn, iskuna dayaan in ay badalaan akhliga iyo garaadka qofka soomaaliga ah. kuwaaso kulma sanadkii dhowr jeer, dunidana xafiisyo ku yeesha si ay ummada islaax iyo walaaltanimo ugu beeri lahayeen.Hadii rag iyo dumar arintan u istaaga la waayo oo qadiyada Soomaaliyeed Dagaal ooge wadanka iyo ummadii burburiyey loo daayo,waxaan u maley nayaa in 30 sano oo kale oo socota in sidaan, duli, rafaad iyo is jiid jiid loogu jiri doono.Dagaal oogayaasha maanta, ilmaha ay dhaleen iyo mooryaantooda ayaa mustaqbalkana shirar loo qaban donaa si xalkii aabayaashooda gaari waayey in iyaga inoogu gaaraan.

Wabilaahi Towfiiq

Fg: Qaybta diinta ah sida ayadaha quraanka iyo xarfaha quraanka ku soo aroorey waxaan ka soo xigtey kitaab yar oo magaciisa la yiraah (What is the purpose of life) uu qorey Mostafa Malaekah.Sheekada hooyo xaliimo wa dhab,magaca qofka keliya ayaan bedeley.

Ilyas Mohamud Hussein

Ilyas_mh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD