SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DOOD

March 13, 2004  

Doodda Aayaha Soomalida Ee Dhex Taal Aqoonyahanka

Farax Dhibic
fdhibic@yahoo.com

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Sharaxaadyadan waa ururis kooban oo isku dayaya in lagu macneeyo, mawqifyada aqoonyahanka Soomaliyeed iyo waxa ay ka yiraahdeen arimaha Soomaliya iyo sideey u arkaan xalka. 

Doodahan waa doodaha rasmiga ah, waxaanan soo qaadaney hal heysyada hal ku dhagyada siyaasadeed oo dadka qaarkii ku khaldaan iney doodo yihiin. Hal heysyada caanka ah waxaa ka mid ah; "Soomaliya faragalin baa halkaas dhigtay".  

Mutacalimiinta Soomalida doodahooda waxaan u qeybin karnaa, ilaa iyo hadda shan dood, oo ku soo urura Seddex. Shanta dood waxey hoos yimaadaan Sedexdan:  

1) Doodda Taariikda/dhaqanka, oo laba aan ka soo qaadaneyno
2) Doodda Hey’adaha; oo aan iyadana laba ka soo qaadaneyno, iyo
3) Doodda Diinta; oo aan iyana hal u deyneyno.  

Shantan dood, macnayaasha ey siiyeen arimaha Soomaliya iyo Xalka siday u arkaan waa kuwan:  

1) Doodda Dhaqan-Taariikheedka; oo aan ka soo qaadaneyno labo waxay kala yihiin; A) Doodda kooxda "Tix-raac" ama "Re-visionists".  Doodan waa farac ka mid ah doodda "Taariikh/Dhaqanka". Kooxdan (Oo aan ka soo qaadaneyno dadka ka mid ah, waloow uusan kaligii ahyen Prof. Ali Jimcaale) waxay diideen inuu jiro waayo iyo taariikh dhab ah oo ay Soomalidu wadaagto. Taasbayna sal uga dhigeen is af garad la'aanta dhex taal Soomalida; maadaama dawalad iyo nagaansho (stability) la helo ku xirantahay markii bulshada badankeed waayaha taariikhdooda isku si u arkaan, bey mutacalimiinta kooxdan leeyihiin waayo taariikheed oo Soomalida ka dhaxeeyay oo la taaban karo maba jiro! Taariikh ka dhaxeysa oo ay wada sheegan karaan ama ku wada faani karaan Soomali ma jirto. 

Koox kastoo Soomali ah bey leeyihiin ashuun ama haan bey taariikh u gaar ah ka buuxsadeen, been ama run tey doontaba ha noqotee, oo si fiican uga dhargeen. Taas kaliya maahee Taariikhda ay koox kasta gaarkeed uga dhargtay waxaa garab socda diidmo ay koox kasta diideyso ama yaseyso taariikhda kooxda kale! Waxay qabaan in la buun buuniyay, fikirka ah Soomalidu waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. Waxey leeyihiin, xittaa haddii ay jirto taas, taariikhda Soomalida si rasmi ah ugama muuqato, mana jiro dareen muujinaya iney soomaalidu taariikh wada wadaagto!  

Laba arin baa Soomalida heshay bey leeyihiin mutacalimiintan. Waa mare; Gumaysigii ay Soomalidu la dirirtay oo ka xoroowday baaba Soomalida is baray oo isu keenay oo qaran ka dhigay ee awal maba ahayn qaran midaysan oo isyaqaan, taariikhna wadaaga, iska warqaba (consciously) ama maba jirinba dareen qaranimo!  

Waa marka xigee, waayihii ama taariikhdii soo bilaabatay wakhtigii gumaysiga ilaa 1990kii, ma ahayn waayo la wadaago ama Soomalida ka wada dhaxeeyay ee waxay ahayd mid been ku salaysan, oo ka turjumaysay kaliya kooxo gaar ah.  Tusaale waxey u soo qaateen taariikhdii Soomalida oo laga dhigay tan reer guuraaga kaliya. Soomaliya waxaa la isku dayay bay leeyihiin in ay ka turjunto koox ama qabiiloyin gaar ah. Markhaatina waxey ka dhigteen taariikhdii Daraawiishta, oo ay leeyihiin waxay aheyd taariikh hal gobol, iyo hal qabiil, ee maaheyn taariikh ummadeed.  Sidaa si la'egna tii SYL waxay aheyd bey leeyihiin taariikhdii gobolada dhexe kaliya, ee maaheyn taariikh Soomali wada wadaagto!  

Waxay kooxdan qiil u heleen arin ay mutacalimiinta kale, ka jawaabi waayeen oo aheyd; maxaa loo jajabiyay ama loo du-dumiyay taalooyinkii qaranka? Maxaa heya'dihii qaranka loo baa bi'iyay? sababta loo dumiyay taalooyinkii Daraawiishta, Ahmed Gurey, Xawo taako, iyo Abshir kahiye (dhagax Tuur) waxay aheyd bey leeyihiin; waxaan loo arag iney ka turjumayaan taariikh la wadaago, ee waxay ka turjumayeen taariikhda kooxo gaara, sida gobollada dhexe, galbeed iwm.  

Waxay isweydiiyeen haddii aabbihii Saalixiyada, waa Darwiishkiiye, loo dhisay taallo maxaa loogu dhisi waayay taallo aabbihii Qaadiriyada, Sheikh Aweys! Waxay daliishadeen sababta loo dumiyay taalooyinkii qaranka inay ahayd iyadoon Soomalidu isku si u arag taariikhdooda. Si kale u dhahoo; taariikhdii dugsiyada, hey’adihii dawliga iyo gumaysiga ay fidiyeen waxay ahayd "tii reer guuraaga soomalida" bay kooxdan ku doodayaan.  

Dooddan waloow ay kharaartahay, waxay furtay waji cusub. Waxayna yeelatay, ku tala gal aan loo wadin, oo ah iney aasaas u noqoto fikirka Goboleysiga; oo leh taallooyin Darwiiskii uga dhisa Eyl iyo taleex, Abshir Kaahiyana uga dhisa Gaalkacyo, Sheekh Aweysna Baraawe, inta laga helayo mid naga dhaxeeysa!  

Cilladda, ama gol-daloolada ugu weyn ee kooxdan dooddooda heysata waxay tahay, maxaa lagu aqoonsanayaa ama waa maxay halbeegga, si loo yiraahdo waayahaas ama taariikhdaas Soomali wey ka wada dhaxeysaa? Haddii SYL iyo xubnihii hogaanka u ahaa loo nisbeeyo gobol ama koox gaar ah, maxaa ka bad baadin kara inaan dooddooda gobol iyo koox loo macneyn? 

Waloow dooddan ay ku bilaabatay in loo helo macne, sababta keentay in hey’adihii dawliga ee wadanka la burburiyo, hadana nuxurkeedii wuu is rogay, oo dood sal u ah bey noqotay; in gobol kasta uu ku doodo in uusan la dhaqan aheyn gobollada kale, oo taariikhdoodii lagu tuntay; Anaga Reer Waqooyi baan anahay, anaguna reer Punt baan anahay, anaguna reer Hiiraan baan nahay, anaguna reer Arlaadi baan nahay, anaguna reer Jubbaan nahay iwm!!! ayna helaan iney aayahooda wax ku yeeshaan, maadaama tii Soomaliya qofkii ay gacanta u gasho uu ka dhiganayo taariikh iyo guri reerkiisu leeyahay!    

B) Doodda Kooxda "Indheer-Garadka" afka qalaadna lagu yiraahdo "elitists", iyana waa farac kale ee doodda Dhaqan-Taariikheedka. Kooxdan waxay xoogga saareen; dhaqanka qofka iyo Bulshada. Mutacalimiinta Soomalida ee soo badnhigay qoraallada kooxdan bay ugu badan yihiin, sida walaalaha ilma Samatar, qoraaga caanka ah ee Nuuradiin Faarax. 

Cudurka Soomalida burburiyay waxay qabaan inuu yahay cudur ka yimi "Dhaqan-Taariikh Qabiili ah". Siyaasiyiinta Soomalida ugu caansanna kooxdan bey isku mawqif yihiin.  Giddi Mutacalimiintaan iyo siyaasiyiinta ra'yigan la qabtaa waxay ku bar baareen waayihii "Lego", waxayna hami jabeen dawladihii lixdanka. Waxaa fikirkooda raad ku yeeshay doodihii lixdameeyadii ee Afrika.  

Waxay qabaan dammiirkii qofka Soomaliga inuu dhintay taasna ay keentay tii kooxda ama bulshada inay dhimato. Qabiilka, baa dhimashada  karaamada qofnimo iyo qaranba sabab u ah, bey leeyihiin. Dhaqan ahaan buu qofkii soomaliga u noqday qof hooseeya bey ku doodayaan.  

Tusaale hadaan ka soo qaadanno, Nuuradiin Farax, dooddiisa waxaa sal u ah; dhimashada dareenka qaranimo iney ka soo horeysay dhimashada dareenka suubban ee qofka. Nuuradiin wuxuu leeyahay dareen qofnimo oo hufan baa markii hore dhintay, taasbaana keentay dareen hufan oo qarinimo in la waayo. Waxay leeyihiin shakhsiga Soomaliga wuxuu ku faanaa wax ceeb ah, waxaa shakhsiyaadka lagu dhiiri galiyaa wax khaldan. Taasbaana keentay, bulsho iyo qaran doorsan inuu ka soo dhex baxo shaksiyaaddii qofafka ee liidatay!  

Qofka Soomaliga waxay leeyihiin kooxdan; waa qof liita oo xanta aad ugu deg dega, been badan, samaan iyo xumaan aan qiimeyn karin, dhaca iyo boobka xalaashada, wax laga xishooda ku faana, aan ku qiimeyn qofka kale waxa uu shakhsiyan gudo ama galo, oo aan garaneyn waxa xittaa danta ugu jirto!  

Waxayna daliishadeen sida qofka Soomaliga maganta ugu yahay qabiilka! Canbaareyntooda ugu weyn waxay ku dhacdaa "Qabiileysiga". Waxay kooxdan aad u duraan sida Soomalidu ugu fashilantay iney qiimeeyaan qofnimada qofka! 

Xalkoodu wuxuu ku saleysanyahay aasaaska doodooda, waxayna qabaan, maadaama Qofka Soomaliga ah uu yahay qof liita, dantiisa aan garanyan; in lagu khasbanyahay in yar oo waafi ah, wax fahmeysa, iney u gartaan qofafka Soomaaliyeed dantooda! Maadaama badanka Soomalidana ay dad xun yihiin waa in inta san, oo fara ku tiriska ah, ay marka hogaamisaa! Waxaa loo fasirtaa iney leeyihiin "Anagaa aqoonyahan ahe, aan talinno ama taayada ha la dhageysto!"  

Fikirka kooxdan mid asal ah maahan, waa hadaaq "Narrative". waa dood la qaateen ah, Soo daashay sidii Afrika oo dhan looga hal qabsanayay, xamaasaduna ay gaddo, oo af buuxsi qurxoon (ready made) lagana isticmaalayay Afrika laga soo bilaabo Lixdameeyadii.  

Waxay kooxdan caan ku yihiin sida ay marmarsiinyo uga helaan, hogaanka qaloocsama ee Soomalida, oo ay sarbeebiyaan inay turxaanta boholaha taariikhda ay mar kasta ku dhici lahayd Soomalida, maadaama ay asal ahaan Soomalida qabiili khariban fikirkooda ku saleysanytahay, oo aan ninna ka badbaadeen. Micnaha waxay leeyihiin Gen. Siyaad Barre iyo qab qablayaasha dagaalka midina danbi gaara ah malahan, ee wacyiga Soomalida baa asal ahaan khariban, qof kastoo kalana oo wacyigii ay ku soo barbaareen ku soo barbaarana kama duwanaadeen! 

Iska horimaanshahaas baa aad loogu duraa, waxaa kaloo lagu duraa rajo xumada eyn siineyn wax himila ah Soomaalida, oo oranaya wax kastoo Soomalida heysta wacyigaa keenaya ee ha la iska qaayibo! waxaa kaloo lagu duraa, sida ey marna u leeyihiin wacyiga xun dartiis qofna kama badbaadi karo, marna u leeyihiin, in yar oo ka badbaaday baa la helayaa- oo loo fasirtay iyaga iney iska wadaan!  

Doodaan waxay aad uga careysiisaa mutacalimiintii wadanka xukunkii kali taliska ahaa dartiis uga cararay, sida Prof. Togane, Prof Sicid Samatar, waxayna leeyihiin; "caqli gal maahan in la dhiiri galiyo wadaniyiin fara ku tiris ah oo dadka toosisa!"  Waxayna ku durayaan inay dhiiri galinayaan kaligii taliye wadani ah. Waxay kaloo mutacalimiinta kale ku duraan Kooxdan; inay xagga maskaxda caajis ka yihiin oo ayn shiili karin maskaxdooda, dood asal ahna keeni karinin oo ay si qoto dheer su'aalaha taagan jawaab ugu raadin karin, oo kaliya ay iska soo qaataan doodihii lixdankii Afrika ka taagnaa! Doodahoodana ay yihiin 'hadaaq" narrative, dhagaha wax badan ay maqleen oo afrika oo dhan ka jira!  

Fikirka kooxdaan wuxuu astaan u yahay siyaasiyiinta ku dhaggan "Dawlad dhexe oo adag" oo ku dooda; Dawlad wadanka durba hurumar gaarsiisa, maslaxada ummaddana ka shaqeysa, dad taya leh ey hogaamiyaan oo wadiniyiin ah, tubta toosanna u horseedda "Ummaddan Indhaha xiran"! 

Halkaas waxaan kaga hareynaa, doodda kooxaha Taariikh-Dhaqameedka, oo midda hore aasaas u noqotay "Goboleysiga" tan danbana aasaas u noqotau "Dawlad dhexe oo adag"

2) Doodda hey’adaha: Oo iyana u kala kaca labo waxaan ka soo qaadaneynaa; A)     "Hey'ado qalaad" "Imperial institutions", waa farac ka mid ah doodda Hey’adaha. Waxeyna leeyihiin; Hey’adihii qaranka, baa ahaa kuwo ajnabi oo eynaan aqoon. Dawlad bayba leeyihiin, waa wax nagu cusub. Iney marka dunto dawlad ku dhisan hey’ado ayn dadku aqoon wax la baciidsado maahan! Hey’dahii laga dhaxlay gumaysiga, oo awal dadka lagu caburin jiray, oo lala diriray si looga xoroobo gumaysi, maahan in la fisho in inta sidooda loo qaato ay hurumar bulshada gaarsiiyaan bey leeyihiin. Hey'adihii dawliga ee aan dhexalnay, oo mar ahaa astaanta gumeysigii Soomaali la dirirtay, oo ayn dadki wali wada ogolaan baa haddana xukuumadihii ka danbeeyay u isticmaaleen inay shacabkii ku sii caburiyaan. Wasaaraddii arimaha gudaha ee Talyanigu iyo Ingriisku u isticmaali jireen caburinta dadka, baa intay Soomali la wareegtay u isticmaashay in qabiilooyin lagu caburiyo! Dumintooda taas bay sal uga dhigayaan kooxdan.

Sidii kooxihii hore, buu kooxdan xalkoodu ka soo dhil-dhilanayaa macnaha ay siiyeen fashilkii ku yimi dawladddii qaranka. Waxayna qabaan si loo bad baado mustaqbalka in la isku daro heyadaha casriga ee uu gumaysigii nooga tagay iyo kuwii qadiimka ahaa ee qabiilka ku salaysnaa sida; Isimada, Culumaa'udiinka iwm: Maadaama hey’adaha Soomalidu aragatay ay ahaayeen; heyado ay aqoon jireen daacadna u ahaayeen, sida tan Isimada iyo hey’ado casri ah oo uu gumeysigii na baray, aanse daacad loo aheyn kase faa'iido badan kuwii qadiimka.

Kooxdan waxay marka hore isweydiisay, "Maxaa Soomalidu ugu arki weyday heyadihii dawliga ahaa iney iyagu leeyhiin? Wasaaradda caafimaadka maxay Soomalidu ugu arki weyday iney wasaaradoodii tahay?! Maxay Jaamacadda ama dusgi meeshuu ka dhisnaa dadku ugu arki waayeen iney iyagu leeyhiin!

Maadaama ay Soomaalidu aad u difaacdo, wax alla wixii hey’adda qabiilka loo tiriyo, sida Isimada, Waxay kooxdan leeyihiin, hey’adihii burburay ee qaranka, lama dumiyeen haddii ay marka horeba aqbalaad ka heysan lahaayeen heyadihii dadku dhaqan ahaan yaqiinay!

Waxay soo jeedinayaan in heyadaha casriga, sida baarlamaanka iyo kuwa qadiimka, sida Isimada la isku barxo, si ay dadku u ogolaadaan. awoodda la siiyo waayadan Isimada, doodan baa sal u ah!

Fikirka kooxaha (1B) iyo (2A) waxaa lagu duraa inuu isku mid yahay, waloow midina doodda dhaqanka ay hoos imaneyso midina doodda heyadaha, oo kaliya hal shilin bey midna waxay sharraxaad ka bixisay barbarkiisii ahaa "Xarashka" midina barbarkiisii ahaa "Madaxa".

Labaduba waxay aad uga soo horjeedaan codka "qofkastaa halkiis" (One man one Vote), oo kooxda (1B) waxay arkaan inay kooxaha ka soo jeeda qabiilooyinka waaweyn dantooda ka arki karaan midnimo qabiilooyinka waaweyn. Tusaale waxay arkaan inay dhici karto xubna qabiili ah oo isku urursaday qabiil; Koox Daarood ah, iyo Koox Hawiye ah, iyo koox Dir ah, iyo koox Digil iyo Mirifle ah iney codka badan mideyn karaan, oo uu aasaasku noqdo kooxo ka turjumaya codadka qabaa’ilka ee ayn noqon tayada qofka. Sidaasoo kale kooxda (2A) waxay qabaan Isimku inaan lagu saleyn tirada qabaa'ilka. Fikir ahaan kooxdaan cilad weyn baa heysata, oo ma asturna mana cusba.

B)"Kalaguur hagaasay". Waa faracii kale ee doodda hey’adaha. Kooxdan waxay qabaan heyadihii casriga inay hagaaseen. Waxayna ku doodayaan xilligii kala guurka ay soomalida hey’adahooda iyo kooxaha hormuudka u ah bulshada ay kaga soo guurayeen wakhtigii gumaysiga ka hor ee qabiiliga iyo wakhtiga haddeer ee casriga inuu hagaasay. Hey'adihii iyo kooxihii la isugu bahaysanayay wax ka duwan qabiil, baan yeelan dhumuc iyo adeyg ay kaga badbaadaan hay’adihii qadiimkka ama ay iyagu isku bahaystaan si ay u dumiyaan nidaamkii ay diideen ama himila kale u gaaraan. 

Kooxdan, waxay u aragtaa fikirka kooxda (1B, ee oranaya qofka Soomaliga waa qof liita oo u baahan in dantiisa loo garto) aflagaado loo geysanayo qofka Soomaliga oo ay leeyihiin Soomaligu waa shakhsi nadiif ah oo aad u qeyma badan ogolna maamul kastoo ay u arkaan inuu hurumar keenayo. Waxay tusaale u soo qaataan, waagii leegada iyo bilawgii Kacaanka. Waxay kaloo ugu yeeraan kooxda (2A, ee leh ha la isku barxo heyadaha casriga sida barlamaanka iyo Heyadaha qadiimka sida Isimada) ku talax tag lagu talax tagayo magaalo ku noolka oo laga sara marinayo dhaqan miyi joog, laguna hagaasinayo hey’ado dhex-dhexaad ah oo ay bulshadu wada wadaagi karto.

Dhibka waxay u tirinayaan hey'adihii dawliga iyo kooxihii bulshada hogaaminayay inay ku xujoobeen Soomaliya, oo aan la garan dantoodii, loona cabiidiyay hay'adda qabiilka, suurtoobina wayday in la isku baheysto hey’adihii casriga sida hey’adihii ardayda, shaqaalaha, kaluumasatada, ganacsatada, Askarta, masaajidada iwm, oo ay noqon waayeen wax ay bulshado isku baheysato. Meesha SSDF ay majeerteen ka noqotay, SNM Isaq ay ka noqotay, USC ay Hawiye ka noqotay, RRA ay digil-Mirifle ka noqotay.

Qabiilka naftigiisa bey u arkaan hey’ad ey soomalidu u dhistay mar iney danahooda ku ilaaliyaan, laakiin wakhtigii laga kobci lahaa la soo dhaafay mar hore, oo ay ahyed in loo gudbo heyado danaha guud kulmiya oo ka kobocsan qabiilka. Hey’adaha casriga ee Soomalida bey ku eedeynayaan iney dabooli la'yihiin baahida soomaliga u geyneysa inuu qabiil ku tiirsanaado.  

Qabiilka la caayo, ama la weeraro dan uma arkaan, oo kaliya waxay leeyihiin hey’adihii qabiilka badali lahaa baa u baahan in loo guntado sidii loo kobcin lahaa! Weyna ka soo horjeedaan in qabiilka la caayo ama la isku dayo in la tir tiro, inta laga helayo hey’ado badala oo dadku isku kaashan karo!  

Soomaalidii labay u qeybiyaan kooxdan; Soomaali dareensan baahida hey’ado ka mug weyn qabiilka oo ka turjuma danaha guud ee kooxaha bulshada iyo Soomali aan wali ogeyn jirtaanka hey’ad ka sareyn karta qabiilka. Fashilka Soomalida waxay u tiriyaan kooxaha garanaya, kana soo shaqeeyay, kuna caana maalay hey’ado ka kobocsan hey’adaha qabiilka. Dadka doodan aaminsan waxaa ka mid ah, Maxamed Dahir Afrax.

Xal waxay u arkaan in la helo wacyi aqoonsanaya muhimadda hey'adaha madaxbanaan, kuwa dawliga iyo kooxaha bulshada. wacyiganna waxaa laga rabaa bay leeyihiin kooxaha bulshada hurmnuudka u ah, oo ay maslaxadoodu ku jirto ilaalinta hey’adaha dawliga.  

Kooxaha (2b) iyo (1A), waxay aad ugu kala fogyihiin bilawga dhilin dhilintooda iyo sababayntooda. Waxayse wadaagaan gunaanadka! Oo ah in la helo wacyi u bisil baahida iyo waayo la wadaago oo ay ka turjumaan hey’ado qarankoo dhan iska dhex arki karo!  Kooxdan fasirkooda uguma tala galin iyaguna iney aasaas u noqoto, dadka raba goboleysiga, waase laga deynsaday aragtidooda waxaana loo isticmaalaa doodda Goboleysiga; Hey’adaha in hoos laga soo bilaabo si ey bulshada u aaminaan hey’adaha aan aheyn qabiiliga, aasaaska hey'adahana bulshada wax laga siiyo iney iyagu marka hore aasaasaan!  

Doodaha (1A) iyo (2B) waxaa qaatay, dadka xalka u arka goboleysiga. Doodaha (1B) iyo (2A) iyana waxaa qaatay kooxaha maamul dhexe ku dhagan.   

Waxaa lagu duraa fikirka kooxdan (2B) iyo Kooxda (1A), ineyn heyn si loo dhaqan galin karo ama ey adagtahay in fikirkooda la dhaqan galiyo, oo ayn ka duwaneyn "Riyo" ama "Utopian". Kaliya waa wax ku qurxoon qoraalka iyo mabaadii ahaan! Masa hayaan see loo dhaqan galinayaa! Haddii uusan fikirka goboleysiga ee qaatay doodahooda eyn soo bixi laheynna, micna dhaafsiisan aragti, ma yeesheen.   

Sidaan kor ku soo sheegnay kooxda 1A iyo 2B fikirkooda wuxuu aasaas u yahay fikirka federalismka ee Soomaliya, maadaama ay labaduba durayaan sidii hey’adihii qaranka loo isticmaalay (1A) ama loo isticmaali waayay (2B). Midi (1A) waxay leedahay hey’adihii qaranka baa waayo iyo wacyi koox gaar ah loo isticmaalay oo xaq bey aheyd iney dawladdii dunto. Midina (2B) Hey’adihii dawliga wey hagaaseen, waana suurtoobi weyday iney Soomaalidu isku baheysato hey’adhii qaranka, oo lama arag jabhad oraneysa; Jabhaddii intii ka qalin jabisay Dugsiga Lafoole, ama Jabhaddii kaluumeysiga, ama Jabhaddii Ganacsatada, ama mid oraneysa Jabhadii Xamaaliyiinta, ama Jabhaddii Makhaayadleyda!

3) Doodda Diinta: oo aan la kala qaadin, waloow kooxaha diinta ay iyaguba dhowr yihiin hadana fikir ahaan waa isku mid. 

A) Fikir Diineedka: Sida la dareemi karo, kooxdan waxey hoos yimaadaan doodda Diiniga. Waana kaligood. Kooxdan Waxay leeyihiin, waxa Soomaliya ku dhacaya waa ciqaab alle, markii ay Soomalidu ka tageen diintii Islaamka. Waxa Soomaaliya ku dhacay wax kale maahan bey leeyihiin ee waa ammuur rabbaani ah, dadka diintooda ka tagana sida Soomalida Ilaahay wuu ciqaabaa.  

Waxay kooxdan ku doodayaan, gumeysiga ka hor aqoon xumo diimeed waa jirtay, laakiin diin xumo ineyn jirin.  Gumeysigii iyo dawladihii ka danbeeyay labaduba waxaa sharci u ahaa mid ay iyagu qorteen, waxayna ka tageen kii samaawiga ahaa. 

Sharciga ciqaabta iyo madaniga ee dawladihii Soomaaliya labaduba waxay ahaayeen sharciyada loo yaqaan "Napeleonic, oo ka soo jeeda hogaamiyihii Faransiiska ee qarnigii 18naad iyo common laws, oo isna ka soo jeeda xeerarka Ingriiska". Kuwii dastuurkana waxaa laga soo min guuriyay ama laga soo deensaday kuwa reer Galbeedka iyo kuwa shuuciyiinta! Marka maxaa loola yaabayaa bey leeyihiin dad wax qalaad ku dhaqma la yiri iney fashilmaan!  

Xeerarka Galbeedka, maadaama uu ka turjumayay dhaqamadii qarniyaal isbiirsaday ee bulshada reer Galbeedka, see loo filayay bulsho ka dhaqan duwan iney sidooda oo kale ugu dhaqmaan! Maxaa dad Islaam ah, oo dhaqan iyo xeerar kale lahaa qarniyaal, ku khasbay iney sharcigii ilaahay ku dhaqma yiri tuuraan, bey isweydiinayaan!  

Maadaama Sharcigii ilaahay ugu tala galay addoomadiisa inuu kala hago la tuuray, oo ay qaateen mid aadane dhoo-dhoobay, filan waa maahan bey leeyihiin kooxdan iney bur-burto dawlad ku saleysan sharci xaaraan ah. Hal xaaran ah nirig xalaal ah ma dhasho bey leeyihiin Culumada Islaamka Soomalida.  

Dawladihii Soomalida laba arin bay u burbureen bey qabaan culimda diinta ee Soomaalida; waa mide waxay ku dhaqmayeen sharci xaaraan ah oo uusan ilaah raalli ka aheyn, waa midda kalee xaarinimada sharciga waxaaba sii weheliyay iyadoon ummadda Soomalida eynan aqoon kana warheyn waxa dawladihii hagayay oo ay ka dhigteen sharci!  

Aduunku meel dawlad aan sharcigeeda dadweynuhu aqoon ay ka hirgashay ma jiro bay qabaan. Taas waxay keentay iney duraan sharcinimada jiritaankii dawladihii Soomaliya soo maray, maadaama shuruucdii dawladda aynan dadweynuhu kaba warheyn, dawlad maba jirin bey ku doodayaan.

Burburkii dawladdii Soomaliya waxay u arkaan wax mar kasta dhici lahaa, maadaama dadkii loo keenay xeerar iyo shuruuc dhanna xaaraan ka ah, dhanna wax qalaadba ah!  

Waxay xal u arkaan in loo soo noqdo shuruucdii iyo xeerarkii ay ummaddu fac ka fac taqaanay ee Islaamiga! Waxay u arkaan wax kastoo ka duwan shuruucda diiniga ee Islaamiga iney iskood u fashilmayaan, wakhti iyo awood xittaa dadkoo dhan wacyigooda looga badalo oo ay u hogaansamaan wax eyn aqoon inaan la heyn!

Waxay ku doodayaan in Soomali marna ku carartay fikir reer Galbeedku u bixiyeen "Demoqraadiyad" oo macnahiisu yahay kii lacag leh iyo kii bari taar heli kara inta kale ha ku tunto. Marna ku carartay shuuciyad fusqiga xaalaaleysay.  

Fikirka Culumaa’u diinka Soomalida isna maahan asal, oo dunida Islaamka oo dhan bay doodan ka taagan tahay. Waxaa hurmuud u ah fikirkan kooxaha "Wadaada". Kooxdan waxay rabaan in diintu noqota aasaaska dawladda Soomalida. Wixii aan aasaaskiisu diinta aheynna waxay u arkaan  wax fashilmi doona

Farax Dhibic

fdhibic@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD