SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 16, 2004  

Xaabsade: Sheekh Aadan Madoobe Waa imankaraa Baydhabo Haddii aysan lasocon Gen. Morgan iyo Danjire C/laahi

Qore: Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare)
 garyare20@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Gudoomiye-ku-xigeenka ururka RRA Maxamed Ibraahim (Xaabsade ) ayaa waxaa uu sheegay inaysan la socon goorta uu Sheekh Aadan Madoobe ku biiray isbaheysiga SRRC.

Xaabsade oo maanta ka hadlayay socdaal la filayo inuu Sheekh Aadan Madoobe barito ku yimaado magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Sheekhu imaan karo Baydhabo hadii aaney la socon wax uu ugu yeeray raga kasoo horjeedo nabadeynta Soomaaliya kuwaasoo uu ku tilaamay Gen.Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) iyo Danjire C/laahi Shiikh Ismaaciil oo labada iminka ka qeyb qaadanaya shirka ka socda magaalada Jowhar.

"Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu ka mid ahaa ragii aan iskaashaneynay xiligii aan xilka ka tuurnay Shaatiguduud waxaana si kumeel gaar ah oo lix bilood ah loo magacaabay in Shiikh Aadan Madoobe sii hayo xilka gudoomiyaha RRA hadana wuu u dhamaaday waqtigii uu xilka hayey waxa aan ugu yeereynana wax kale ma aha ee waa inuu ka soo qayb kalaa kulankan looga hadlayo Arinta RRA" ayuu yiri xaabsade.

Dhanka kale waxaa uu Xaabsade tibaaxay inay taageersan yihiin shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya isagoo sheegay inuu yahay shir ay Soomaali u dhan tahay oo ah midka kaliya ee wadada saxan ku socda ayna tagi doonaan mar dhow shirkaasi si looga mira dhaliyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xaabsade ayaa laftiisa kamid ahaa hogaamiye-kooxeedyo sanadkii lasoo dhaafay kasoo carooday shirka Soomaalida kadibna shir ay ku yeesheen degmeda Balcad kaga dhawaaqay Isbaheysi ay ugu magac dareen Gollaha Samata Bixinta.

Dadka Reer Baydhabo ayaa baryahan waxay hadal hayeen khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Xaabsade iyo Shiikh Aadan Madoobe iyagoo ka cabsi qaba in khilaafkoodu sababo dagaalo cusub oo uu dhiig ku daato.

Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare)
 garyare20@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2004 

Minnesota: Macallimiin iyo arday Soomaaliyeed oo xusay Taariikhda Dadka Madow
Sida la wada ogsoon yahay dadka madow ee ku nool dalka maraykanka mar awoowayaashood badankood.. Guji 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD