SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

March 1, 2004

War-1-1,Marso,Nairobi,Kenya.
Xuseen Caydiid oo SRRC si KMG ugu sii dhiibey Hilowle Imaan

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Xilka guddoomiyenimada ee Golaha Dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta ee SRRC-da ayaa shaley lagu wareejiyey Mudane Hilowle Iman Cumar ka dib markii uu guddoomiyii hore uu aadey safar shaqo ee wadamada Korea, Shiinaha ,iyo wadamada yurubta ah qaarkood.
Xil wareejintan ayaa shaley ka dhacdey guriga KICC ee magaalada Nairobi.

Qaar ka mid ah Hogaamiyayasha SRRC-da ayaa wali ka biyo diidan ansixinta iyo gudbinta Qoddobada Heshiiska Soomaalida ee 23-kii bishii febraayo ,2004.

Beesha Caalamka ,IGAD iyo Dawlada Kenya ayaa wali jawaab ka bixin cabashada kooxda SRRC-da ee ku saaabsan heshiiska qoddobada shirka Nabada Soomaalida.

Kooxaha kale ee ka qayb galeya shirka Nabada Soomaalida ee Dawlada KMG, Golaha samata bixinta iyo kooxda G-da iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa horey u sheegay in Dooda Shirweynha ee qoddobada heshiiska Soomaalida u dhacdey si xaq ah.

Kooxda SRRC-da ayaa cabashadeeda waxay tahay in ay ogaadaan labada qoraal ee heshiiska Soomaalida ee kala ah Qoraalka heshiiska Safari Parka Hotel iyo Qoraalka heshiiskaasi uu wasiirka arrimaha Dibada si faahfaahsan u qeexay qoddobka xulida xubnaha baarlamaanka ee soomaalida midka maalintaasi la ansixiyey.
Labadaasi qoraal ayaa waxaa ay ku kala duwan yihiin qodobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaanka ,qoraalada ayaa kala qoraya sidan:-

Midka safari Park ayaa Qoraya xubnaha golaha shacabka waxaa soo xulaya 39-kii ka qayb gashey kulankii wada tashiga safari Park ee u dhaxeeyey 9-janaayo ilaa 29kii Janaayo ee sanadkan 2004-ka.
Midka wasiirka ayaa sii faahfaahiyey oo qoraya xubnaha golaha shacabka waxaa soo xulaya 39-kii ka qayb galey safri Park iyo siyaado.

Maanta ayaa IGAD ,Dawlada Kenya iyo Beesha Caalamka laga sugayaa in ay jawaab ka bixiyaan cabashada qaar ka mid hogaamiyayaasha kooxda SRRC-da.

Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD