SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA

March 1, 2004

Heshiis-ka Pakistan waxaan uga Danlahaa  Muslimka oo Aan Jeclahay :
(Ololaha Doorashadda Hindiya ) iyo Maraykanka oo uu si dadban u Dhaleeceyay  Raysal wasaaraha Hindiya 

Mr Vajpyee

 

Hal-Ku Dhaga Ololaha Doorashadda Hindiya Oo Raysal wasaaraha Hindiya Ku Bilaabay Sanad-kan  (Horumar Ayaanu Gaadhnay) Halka Baryihii Hore ay kaga  Bilaabmi Jirtay Tample ,Misaajid,ama Mikiniisadd ayaanu Dhisaynaa oo kala qaybinaysay Dadweynaha Hindiya

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 

New-Delhi-:Ololaha Doorashadda Ee Baarlamanka Hindiya ayaa Durba La Sii  Bilaabay waxaana ay KU Bilaabantay  Xamaasadd Aad u Kulul oo weerar iyo Weerar Celis Ah  Labada Xisbi ee Dalka Hindiya Ugu waaweyn ee kala Ah BJP-NDA iyo Congress Party  ayaa Ololahooda Doorashadda ka Bilaabay Caasimadda New-Delhi iyo Gobolka Ku xiga Ee haryana

 

Doorashaddan Baarlamanka Oo Dhacaysa 17-ka April 2004  xumadeedii ayaa Durba haysa Raysal Wasaaraha Hindiya oo La Gaadhay Xilligii lagula Tartami lahaa  Kursiga uu ku Fadhiyo waxaanu Diiday  Fadhi iyo Sarajoog Midna  waxaanu Jooga Meel kasta Oo dadweyne Isagu Soo Ururo Sida TV-yadda Filimadda Sii Daaya,KUwa Music-a,  Internet-ka , Bandhig yadda Model-ka ,Jaamacadaha, .

 

Mr Vajpyee oo la Hadlaaya Taageerayasha Tiradda Yar ee Muslimka ah ee Taageersan Xisbigiisa ayuu u Sheegay in Heshiis-ka ay Jaarkiis Gaadheen  uu yahay  Mid uu u  la Jeedo in Aanay Muslimka Hindiya aanay ka Hadhin  Horumarka la Gaadhay  waxaanu Sheegay in haddii la Jabin kari waayo Gidaar-ka Adag ee Pakistan iyo Hindiya  U Dhaxeeya in albaab ay ka Sameysan Doonan Halkaa.. Haddii taana aanu awoodi wayno Ayuu Yidhi  Daaqad ayaanu ka Furan Daaqadna Haddii nalaga Daboolo Faynuus ayaanu Shidan Taa Macnaheedu waa  Sidii aan u heli lahayn Jaar keena.. Sidaa waxa Yidhi Raysal wasaaraha Hindiya  Mr Vajpyee..Mar kale Isagoo Sii Hadlaaya Ayuu Yidhi  waxa Aduunka Maanta haysta quwad Maamusha waxa ay Doonto ka yeeli mayni ..Danaha qarankayga in ay naga Hor IStaagto ka Yeeli Mayno wax walba   , Hadalkan ayaa loo Macnaystay in uu ula jeedo Maraykanka maadama aanu magacaabin Qarana...Dhinac kale  Dadka Siyaasadda Faaqida  waxa ay u Arkaan Hadalkan Mid Dhawaan ay Burburin  Doonan Xisbigiisa BJp-NDA Oo ay ka  Buuxaan   Dhagar-qabayaashii Xasuuqay Kumanaan Muslimina Sida Narayna Modi  Raysal wasaraha Gobolka Gujarat  Iyo Ku xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya   Lal Kirshna Advani oo Isna ah  Ninkii ka Danbeeyay Burburintii Misjid-kii caanka ahaa Ee Babri Misjid iyo Ragga Nacayb-ka u haya Muslim-nimadda Sida Ninka la Yidhaa.. Bal Thackery  oo Mar Muslimka Hindiya Ku tilmaamay Argagixiso  Aan u Dhalan Dalka oo loo baahan Yahay in Pakistan Loo Mastaafuriyo... 

 

 Dhinac kalana Hogaamiyaha Xisbiga Congerss Party  Marwo Sonia Gandhi ayaa Eryo Kulkulul U jeedisay Dawladda Uu madaxada Ka yahay Raysal wasaare Atal Behari Vajpyee  iyadoo ka Hadlaysa Magaaladda palwal Ee Gobolka Haryana Ayey Ku tilmaantay Dawladda Hoyaga Musuqmaasuqa Iyo Dhibka Dadka Baahan ee Hindiya ee u Baahan Nolol ka Fiican Tan ay Haystaan Biyo Nadiifi ma Jiraan meeday Balanqaadkii ay idiin qaadeen BJP ..Wadooyinkii  ma Jiraan    dagaal ,  Gaajo Iyo  Shadaadiin  Ayuun baa Kordhay Ayey Tidhi Sonia Gandhi 

 

Marwo Sonia Ayaa ugu Balan qaaday Dadweynaha Gobolkaasi  Haddii ay ka Guulaystaan Hogaaminta Dalka in ay  heli Doonan Nolol tan ka Fiican ay imika Ku Sugan Yihiin.

 

OLolaha doorashadda waxa ka qayb qaadanaya  cid walba Xitaa ku Dheh  Film actor-ka Gacmo-Dheere ama Loo yaqaanaba Cali Dheere ..Dumarka Quruxda badan ee filimadda Matala ayaa iyaguna ka qaybqaatanaya Ololaha Doorashadda  ilaa Hadda waxa Dumarka  filimadda ku caanka ah Ololaha Doorashadda ISku soo Sharaxayba Hema Malini  oo ahayd Gabadh caan ka Ah aduunka Film Hindiga Daawadda.

 

abdiaziz Ahmed Mousa Pune India
abdiaziz2@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]