SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

March 25, 2004

Boobka Iyo Bililaqada Soomaaliya Hantida Muuqata Kuma Koobna

Prof, Dr, Sheekh, Siyaasi, Suxufi, Generaal, Ugaas, Boqor Iyo Suldhaan Waa La Boobay.

Sida aan lawada socono dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka bilawday dabayaaqadii sideetamaadkii waxay sababeen in dhac iyo bililiqo xoog leh loo geystay hantidii muuqatay ee qaranku lahaa iyo tii dadwaynu sida gaarka ah u lahaayeen intaba.

Laakiin boobkaas iyo bililiqadaas loo geystay hantida muuqata waxaa dhinac socday mid loo gaysanayey Hantida Adabiga ah iyo darajooyinka ay dadku ku mutaystaan dadaal dheer oo ay u galaan sidii ay ku gaari lahaayeen.

Hadaba darajooyinka adabiga ah ee ay Prof, Dr, Sheekh, Gen, Siyaasi, Suxufi, Ugaas, Boqor Iyo Suldhaan ka mid yihiin ayaa iyagu noqday kuwo si sahlan loo sheegto. Ruuxii maalin uun wax xariiqday sida iskuul, machad, jaamacad iwm wuxuu la baxay Dr, ruuxii jaamacad wax ka dhigay ama Machad wuxuu sheegtay Prof, ruuxii mar uun ka mid noqday saraakiishii ciidanka darajadiidu intii ay doonto ha gaartee wuxuu la baxay Generaal, ninkii hal xadiis ama aayat aqrin karaana cimaamad weyn intuu xirtay ayuu Sheekh la baxay, ninkii xoogaa mooryaan ama day day isku leexsadayna, ama maqaayadaha uga faallooda arrimaha murugsan ee Soomaaliya siyaasi ayuu la baxay, ninkii reerkiisu Ugaasyada, boqorada, iyo salaadiintu laga soo duubi jireyna Ugaas ayuu isku magacaabay.

Waxaase su’aasha isweydiinta mudani tahay boobka iyo dhaca loo gaystay hantida adabiga ma laga yaabaa inay ka xanuun ama dhibaato reeb badan tahay dhaca ama boobka loo gaysto hantida Muuqata. Waxaan isku deyi doonaa inaan si gaaban u falanqayno inta ay la egtahay iyo saamaynta ay leedahay dhibaatada ay keeni karto boobka iyo dhaca loo geystay hantidan adabiga ah.

Prof & Dr

Prof iyo Dr waa labo darajo oo ay inta badan sheegtaan ruuxii diplom ama shahaado jaamacadeed qaatay iyo ruuxii Jaamacad ama machad macalin ka noqday. Waxaa laga yaabaa inuu arrinkani si gaar ah ugu badan yahay Koonfurta Soomaaliya. Waxaa la wada ogyahay sida qaalibka ah ama loo badan yahay in Dr lagu sheegan karo labo darajo midkood inaad tahay ruux haysta P.h.d iyo inaad Medical doctor tahay.

Sidoo kale ayuu ruuxu Darajada Prof. sheegan karaa hadii ay jirto jaamacad siisay darajadaas kadib markii uu sameeyey ama samaysay cilmi baaris badan oo loo qiimiyey inuu darajadan u qalmo taasoo inteeda badani Jaamacadaha ama hay'adaha Akadameediga ahi bixiyaan. Waxaa jira Assistant Prof, Associate Prof iyo Full Prof, Carabtu waxay tiraahdaa Uztaad Musaacid, Uztaad Mushaarik iyo Uztaad Kursi.

Hadaba waxaa niyad jab ah inuu ruux si dhib yar isaga sheegto darajo uusan dadaal dheeraad ah ku bixin, waxaase taa ka sii daran markii ay dadku ka filayaan inuu wax wanaagsan soo kordhiyo, laakiin uu ka liito kii aan weligiis goob waxbarasho tegin amase ay isku garaad noqdaan.

Sheegashada darajooyinka Prof Iyo Dr waxay keeni karaan A) In Ruuxii hiigsan lahaa uu ka niyad jabo maadaama dad aan gaarin darajadaas bulshadii ugu yeerayso Prof ama Dr, iyo in danbi laga galo ruux usoo dhibtooday darajadan oo isku si loogu yeero isaga iyo kii darajada bililiqaystay, waana mid uu indhihiisa ku arkay qoraha maqaalkan.

Sheekh

Bulshada Soomaaliyeed waa dad aad u qadariya dadka Culimada ah iyagoo siiya tixgelin wayn iyo qadarin balaaran ruuxii ay u gartaan inuu ahlu diin yahay ama aqoon u leeyayay Diinta. Laakii waa bulsho aan si qoto dheer u qiimaynin una qod qodin dhabta iyo waxa uu ruuxa darajada Sheekh sheeganaya uu yahay.

Sidaas daraadeed waxaa kugu filan inaad Sheekh noqoto inaad xirato dharka ay Soomaalidu u yaaqaan dhar diineedka sida Khamiiska, Cimaamada, aadna yeelato haybad diineed sida inaad gerka daysato kitaabana aad garweexsato.

Taasi waxay keentay in haybad iyo labis culimo lagu noqdo. Waxaa soo baxay culimo aan aad u dhugan ama u dhuuxin Maqaasida Shareecada iyo Mudnaan Diinta ay kala leedahay. Waxay inta badan bixiyaan fataawi ama jawaabo diineed oo aan laga fiirsan, waxaad maqlaysaa waxaasi waa Xaraam,waxaasi waa banana yihiin, kaasi waa gaal, waxaas lama ogola.

Inkastoo la yiri Fatwadu waxay u hogaansantaa isbedelka Zamanka ama Casriga, Waqtiga, Makaanka iyo Meesha la joogo, Ashkhaasta iyo axwaasha dadka,hadana iyagu waa ay ka dhego xiran yihiin. Arrinkani wuxuu jahwareer ku riday dadwaynihii iyagu ka culimo dhigtay ama u hor fadhiyey qolyahaas darajada sheekhnimo soo labistay.

Suxufi

Saxaafadu waa awood muhiim ah oo ka mid ilaha bulshada garaadkeeda iyo Aqoonteeda lagu kobciyo lagana helo macluumaad wax ku ool ah, waxay ka mid taay meelaha sida wayn looga baahiyo laguna ilaaliyo qiyamka iyo dhaqanku bulshadu leedahay, waa isha laga muraaqabeeyo ama lagu toosiyo wax qabadaka hay’adah Bulshada ama kuwa dawlada

Dadka ka shaqeeya saxafaada waa ineey yihiin dad ahal u ah aqoon iyo mas’uuliyad intaba, laakiin waxaa maalmahan danbe sidii magacan loo boobayba soo baxay Suxufi iyo saaxaafad, aan la ogeyn ujeedooyinkeeda, suxufi doonay inuu caan ku noqdo ama ku soo baxo cayda iyo sharaf ridista ama aflagaada dadka kale, warar la been abuuro, isku taag iyo isku dhiririn lagu sameeyo cidii la is leeyahay wax uun bey ku dheer tahay si loo yiraahdo war labada suxufi kala celiya.

Waxaad is leedahay inta badan saxaafada haatan Soomaaliya ku wajahan haday tahay Idaacadaha, wargeysyada, iyo websaiteyada iwm waa mid wax bur burinaysa ee ma ahan mid wax dhisaysa. Caalamku wuxuu yaqaan xoriyad saxaafadeed laakiin waa inaysan labo arrin midkood ku xadgudbin Danta Qaranka iyo Sharafta Dadka. Waxaa soo baxday saxaafad hadii aadan suxufiga shaah u shubin uu sumacadaada wax u dhimayo, cid la xisaabtamaysaan aysan jirin, waxaa soo baxday saxaafad aysan u kala soocneyn Dan Qaran iyo Qabiil, waxaa soo baxday saxaafad uu suxufi tababar iyo khibrad aqooneed u baahnayn.

Saxaafada noocani ah waa mid hurisa colaadaha qabiileed ee Soomaalida u dhaxaysa, waa tan duminaysan danta qaranka, waa mid dulmayso sumcada shakhsiga iyo xuquuqdiisa. Waa saxaafad iyo suxufi aanan ilaalilayn qawaaniinta caalamiga iyo qiyamka islaamka ee wabaahinta.

Siyaasi

Ma doonayo inaan ku dheeraado faallada qodobkan sababtoo ah waxaa si weyn ugu muuqda dadwaynaha Soomaaliyeed dadka siyaasiyiinta sheeganaya ee hor booday siyaasad Soomaaliyeed heerka ay ka joogaan siyaasada, iyadoo sidaasoo kale si weyn loo arkay kuwii siyaasiyiinta ahaan jirey dagaaladii sokeeye ka hor.

Waxaan cashar badan u baahnayn in siyaasadu tahay Hogaan Suuban oo ku salaysan Xirfad, Aqoon, Aragti Dheer iyo Burji, laakiin waxaa cad inaan intaa loo baahnay si aad u noqoto Siyaasi. Inaad siyaasi noqoto waa inaad xukuumadihii hore ka mid ahaan jirtay ama inaad dawladii dhacady xabad kaloo horjeeday oo aad Mujahid ahayd waa sida loo dhigaye, ama aad qabiilkaada dagaalkii kala dhexeeyey qabaa’isha kale aad hormuud ka ahayd, laakiin ugu danbayn hada waxay maraysaa inaad qabiilkaadaa soo layso oo aysan jirin cid kugu haysataa hogaanka jufadaada.

Yaa Lagu Eedayaa Boobka

Hadii aan si kooban uga hadlo eeda ugu wayn waxaa iska leh ilaaheyna ku xisaabin doonaa cidii sheegatay darajo aysan mudnayn. Ilaahey wuxuu isagoo kuwa noocaas ah ka hadlaya yiri “ Haw Malayn Kuwa Ku Farxa Waxay La Yimaadaan Oo Jecel In Lagu Mahdiyo Waxayna Falan Inay Ka Nabad Geli Cadaabka Waxaana U Sugnaaday Cadaab Daran" Suurat Aali Cimra Ayaadda 188

Tan kale eeda waxaa dhinac ka ah bulsho waynta Soomaaliyeed ee aan aqoontoodu gaarsiin inay kala soocaan ama kala saaraan dadka mudan darajooyinka iyo xilalka loogu yeerayo iyo kuwa bililiqaystay, mar hadii aad ugu yeerayso ruuxa darajo uusan lahayn waxaad si aadan ogeyn ugu sharciyaynaysaa bililiqadii uu haystay. Hadaba sida keliya ee aad ku kala sooci kartaa waa inaad cid walbaa dhigtaa meeshii iyo maqaamka uu mudan yahay uguna yeertaa darajada uu mutay kana soo miro dhaliyey, sida ay diinteednu tilmaamayso.

Gabagabo

Waxaan su’aal wayn ka jirin in Ummad Shiikh, Prof , Dr Sheegte, Siyaasi iyo Suxufi sheegte uu hogaankeedii yahay, mid walbaahi dhinac bud kala dhacayo adagtahay inay ka kacdo, inta laga helayo dad sita xilalka ay dadkaasi sheeganayaan oo dhab ah, lana yimaada niyad wanaagsan iyo waxqabad muuqda wanaagna u horseeda Bulshada.

Hadaba su’aasha aan doonayo inuu aqristuhu jawaabteeda ila wadaagaahi waxay tahay Kee dhib badan nin hanti muuqata boobay iyo mid hantida aan muuqan ee Adabiga ah boobay?.

Waxaan ka cudur daaranayaa inaad ka tegey qolyaha sheegtay Generaalada, Ugaasyada ama Boqrada, Abwaanada Iyo Ganacsatadda, anigoo ka baqay inuu qoraalku ila durko ugana kaaftoomay in kuwa kale looga qiyaas qaato.

Abdirahman A. Warsame
cabdirahman@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah  Guji

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]