SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

March 25, 2004

Gudoomiyaha USC /PA oo markii ugu horeeysay ka hadlay dagaaladda dhexmarayo beelaha ,Shiikhaal ,Tunni, Jareer,war uu ka soo saaray.

Gudoomiyaha USC /Peace Action C/Qaadir Xaaji Luga dheere ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay dagaaladda beelaha shiikhaal ,Tuni iyo jareer ku dhexmarayo degaanka Xaramka,waxaa uuna shegay in dagaaladaas ay ka dambeeyaan kooxo uu ku tilmaamay Nacabka rabo inay xoog ku qabsadaan jubooyinka.

Gudoomiye C/qaadir luga dheere oo saxaafadda ugu waramayay xarunta mbagathi ayaa baaq Nabadeed ujeediyay garabyadda isku hayo degaanka xaramka oo uu ugu baaqay inay xabadda joojiyaan ayna ka digtoonaadan Shirqooladda cadawga maleegayo ee la doonayo in lagu kala dilo si ay hoos ugu dhacdo gaashaan buurtooda ciidan ee halkaas ay ku leeyihiin.

C/qaadir Luga dheere ayaa sheegay in garabyadda isku hayo ay yihiin dad walaalo ah iskuna deegaan ah balse kooxo dano gaar ah leh ay u kala tabqaadeen iyagoo doonayo isku dhaca beelaha shiikhaal iyo Tuni wuxuuna sheegay inay garteen dabinadaas loo maleegay oo uu sheegay inay si wadda jir ah isagga kaashan doonaan sidda ay uga hortagi lahaayeen.

Gudoomiyaha oo Tacsi u diray dhamaan intii ku waxyeeloowday dagaalkaas ayaa afka ka dhoowray inuu tilmaamo kooxaha cadawga hasse ahaatee C/qaadir Lugadheere ayaa ka mid ah saraakiisha ugu tunka weyn beesha shiikhaal ee dagaalka kula jirto Maamulka Dooxadda jubba ee barre hiiraale oo ay dhoowr mar ku dagaalameen degaanka Xaramka .

Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya.

weriyahashirka@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD