SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
 
March 25, 2004

WAA WAX LALA YAABO HADALKAADA WIILOOW !!!!

JAWAAB BARI VS NUGAAL MUDUG IYO PUNTLAND

Mahamuud Saleebaan
Bossaso
mahamudsaleban@hotmail.com

Waa sax in la isu dardaarmo, waana wax wanaagsan in qofku ku hamiyo maamulida deegaankiisa, iyo u istaagida danaha shacabkiisa, hase ahaatee qoraalkaagu waxa aad ka hadleyso, iyo waxa uu xambaarsan yahay ayaa kala duwan. Qoraalkaagu waxaa uu uegyahay mid dad kicin ah, oo abaabul salka ku haya.

Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo weliba Ceyn waxaa ay ka wada mid yihiin deegaamada Puntland, hase ahaatee hadaad gidigood cadawsato, kuna tilmaamto kuwo jeebkaaga faganaya, yaad u hadleysaa, yaadse ka hadleysaa. Waxaan u maleynayaa in taxadar laaanta heysata wargeysyada Somalida in aad ka faaiideysaneyso, oo aad qoreyso hadalo aanan munaasab aheyn.

Waxaa dhici karta in qofku qolo uusan jecleysan dhinac kaga furo dacaayad, taasi ma xaqiijin karto in qofku waxa uu tabanayo ehel u yahay (La qabiil yahay), sababtoo ah dano qaas ah ayaa la gali kara, hase ahaatee waxaa muhiim ah in la isweydiiyo waxa la qoray iyo xaqiiqdu inta ay isu jiraan. Waxaa badan dadka sheegta magacyo aanan jirin, iyo qabiil uusan aheyn si uu dhib u abuuro, waxaadse ogaataa dadka iyo indhahoodu in ay kala badan yihiin, oo halkii qofba uu leeyahay laba indhood, taasina xigmada ku jirtaa ay tahay wax hubsiga.

Ma dhici karto in qof dareen wanaagsan, doonayana in dhibka uu arkayo wax laga qabto uu u hadlo sida aad u hadashay (Qoraalkaaga), sababta oo ah Generalizing-ku ma aha wax possitive loo isticmaalo inta badan, hadaad u fiirsato Nugaal, iyo Mudug, iyo Weliba Puntland oo idil baad afka la gaartay, keliya halkaa waxaa ka cad in aadan xaqiiqda ka tarjumeyn, ee aad caro-hadleyso.

Waxaan hubaa in Qabiilka aad sheeganeyso uu yahay mid wanaaga jecel, kana xishooda iska hor keenida, iyo musuq-maasuqa, yahayna qabiilada ugu sharafta badan Gobolka bari. Waxaa nasiib daro ah in aad aflagaado la gaarto Beelo dhan oo danahooda ku mashquulsan, nolol maalmeedkoodana la harjadaya.

Raga aad sheegeyso in ay ummada horboodaan waa run in ay wataan asxaab kala duwan, sidaa darteedna ay meel kastaa ku galaan magac guud, hase ahaatee taasi daliil uma noqoneyso in qabaailada Puntland oo idil ay dulmiyeen keliya Gobolka Bari.

Hadaad xaqiiqda u baahan tahay, nolosha gobolada aad sheegtay ka jirta kama jirto inta badan ee Somalia, sababta oo ah waxaa jira waxyaabo horumarka sal u ah, waxaana ugu horeysa in shacabku ku mashquulo danahooda, maamulada, iyo hogaamiye kooxeedyada ay ku hoos sugan yihiina loo daayo waxa ay walaaqanayaan, taasina waxaa ay kamid tahay waxyaabo badan oo xal lagu heli karo, waa hadii la doonayo in laga hortago Bur bur iyo dagaalo joogto ah, sida ka jirta Muqdisho iyo Gedo, oo ah They live with the problem oo ay macnaheedu noqoneyso dad qabatimay hardanka iyo dagaalka dushooda ka jira, barteyna sida loogu dhex noolaado.

Mahamuud Saleebaan
Bossaso
mahamudsaleban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004 

Qoraalkii: BARI VS NUGAAL MUDUG IYO PUNTLAND

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD