SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

March 27, 2004

Cabudhinta iyo Caga Juglayn Hargeysa

Wargal weydiistey in aan la magcaabin

Wararka laga soo tabinayo Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in ay jiraan cabudhin iyo weerar lagu hayo xubno ka tirsan Golaha wakiilada ee maamulkaasi Hargeysa oo iyagu sheegay in aanay haboonayn in cid lagu canbaareeyo, laguna eedayn karin falkii loo geysatay Hay'adaha samafalka ee dhawaan ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Barbara, falkaas oo lagu dilay gabadh u dhalatay dalka Kenya iyo laguna dhaawacay qof Germany ah , oo iyagu ka shaqeyn jiray hay'ad samafal ah oo dalka jarmalka laga leeyahay, waa sida wararku sheegeene.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Xubnahan oo kala ah C/waaxid C/qaadir oo isagu ah xubin ka tirsan golaha wakiilada ee maamulka Hargeysa kana soo jeeda Gobolka Sool , iyo Cabdalla Xaaji Cali Axmed oo isagu ahaan jiray mayorkii hore ee Barbera iyo Maxmed Cali Bilaal oo isaguna ka soo jeeda beelaha Bariga Togdheer , Cadaadiska ugu xooga weyn lagu hayo, ka dib markii ay dhawaan waraysiyo kala gadisan siiyeen warbaahinta gudaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in aan loo baahnayn in lagu deg dego oo aan inta go'aanka kama danbaysta ahi ka soo baxayo arrintaasi falka loo geystay hay'adaha samafalka ah aan cidna lagu eedayn , gaar ahaan Puntland iyo Maamulkii hore Carta loogu soo dhisay ee uu C/qaasim Madaxda ka ahaa.

Xubnahan ayaa lagu soo waramayaa in ay ilaa iyo shalay wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ay dadweynaha halkaasi ku soo jeedinayeen si talaabo looga qaado, waxaana maanta wargeysyada qaarkood ku soo baxay qoraalo u eg muusanow sidii ragaasi talaabo looga qaadi lahaa.

Maamulka Hargeysa ayaa dhawr jeer eedaymo kala gadisan u soo jeediyey dhawr meelood , oo ay ugu horeeyeen Beelaha Dega Bariga Burco(Habar Jeclo) Iyo Ururka kULMIYE ee uu Siilaanyo Hogaamiyo, Marna waxay ku eedeeyeen falkaasi in ay ka danbeeyeen Maamul Goboleedka Puntland, Mar kalena C/qaasim Iyo Carta , Ugu danbayetiina waxay sheegeen in ay Ururka Alqaacida uu ka danbeeyey.

Maamulka Hargeysa ayaa waxa uu Cadaadis ba'an ku hayaa dadka iyagu ka soo jeeda Gobollada Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo ku haya cago juglayn iyo cabudhin, waxaana lagu soo waramayaa in ay hantida dadka u dhashay Goboladaasi weerar lagu qaado gaar ahaan Meheradaha, waxa kale oo dadkaasi u dheer weedhaha gafka ah ee aan dhagaha looga duweyn.

Wargal weydiistey in aan la magcaabin

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004

AFeef: Qoraalkan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey ilo weydiistey in aan magacooda la xusin.

Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

"Caburinta S/land ku heeso fikradaha Soomaalida."
Qore: Liban Daahir
Waxaan in muddo ah usii dhaba galay shabakadaha soomaalida oo si xad dhaaf ah usoo bandhigaya aragtida & fikradaha reer... Guji March 13

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD