SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 14, 2004  

Radiyoow Midnimo (Boosaaso) oo u istaagay midnimada Soomaaliya

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Boowe BBC Laga Reysay oo Raadiyoow Midnimaa Burqatay!

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Daqiiqado ka hor markaan maqaalkan qorayo ayaa waxaa MSN iisoo galay qof sheegtay inuu joogo Boosaaso dabadeed waxaan weydiiyey waxa BBC-du (laanta Af-Soomaaliga) sheegtay laakiin wuxuu i siiyey akhbaar dheeraad ah. Wuxuu yiri Boowe BBC laga reysay oo Raadiyoow Midnimaa burqatay! Waxaan ka dalbaday inuu hadalka ii jilciyo. Wuxuu yiri Radiyoow Midnimo ayaa qabtay dooddo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah golayaasha Puntland. Wuxuu sheegay inay dooddu ku saabsanayd hay’adda sirdoonka Puntland oon anigu u aqaan hay’ada cabsigelinta Puntland. Iyaga iyo aniguba marka lasoo gaabiyo isku si baan u qornaa (PIS). Laakiin “I” dhexda ku jirta waan isku khilaafnay. Iyagu waxay dhahaan “intelligence” anna waxaan dhahaa “intimidation”. Su’aalihii la isweydiiyey waxaa ku jiray: yaa lacag siiya hay’adaas maaddaama aan arrinteeda baarlamaanka la horkeenin oon la aqoon cidday u shaqayso? Rag kujira golayaasha ayaa yiri ma ahan arrin la fahmi karo oo waa arrin u baahan in laga wada hadlo maxaa yeelay jir qof binu Aadam ah iyo mid doofaar haddii la yiraa ha la isku dhajiyo waxaa halkaas ka furan dood. Wuxuu ka wadaa hadday hay’addu Puntland u shaqayso, arrinteeda hala hor keeno golayaasha Puntland, hana u hogaansato xeerarka u yaal.

Waxaa kaloo jirtay dood ku saabsanayd xilli-kordhinta golayaasha Puntland. Waxaa kaloo mas’uuliyiintii sheegeen inay Puntland Soomaaliya tahay aysanna macquul ahayn in la aado Jowhar oo hadba qof la iska daba-ordo.

Markaan akhbaartaas helay ayaan waxaan xasuustay beydad ay tirsheen labadii gabyaa waa Qamaan Bulxan iyo Maxamed Cumar Dage oo ahaa:

  • · Diinkaan akhriyey way imaan, Dooy raggii jiraye
  • · Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirine
  • · Ma dammaniye daynkayga waa, dabaggelaayaaye .
  • Intaas waa tii Qamaan halka uu Maxamed lahaa:

  • · Doqonkii la guubaabin jiray, dib u guhaadow dheh!
  • Waligey waxaan is lahaa shacabka iyo saxaafadda Puntland waxaa hor kacaya shacabka laakiin hadda waxaa hormaray saxaafaddii. Ninkii wuxuu yiri haddaad mooddeen Ingiriiska iyo reer Galbeedka kaliya inay yaqaanaan in si xor ah dooddaha la isu weydaarsado oo qof walba wuxuu qabo halkaas soo dhigo, ku xisaabtan inuu annaga (Puntland) noo beryey waa’ cusub oo saxaafadeed.

     »BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY? mohamoud Hagi

    »"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED" Axmed Muuse Cabdulle

    "Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga." Yusuf Garaad

    Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
    Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

    Haddii uu ninkaasi run sheegay waxaan shaki ku jirin inay noqonayso horumar cusub. Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aniga iyo hadalkeyga la yaabbanaa laakiin waxay hilmaameen murtidii Faarax Gololeey Allaha u naxariistee. Miyaan la sheegin sidii Faarax Gololeey kaligiis uga dhiidhiyey cabburinta iyo af-qabashada? Faarax wuxuu ka digayey soow nama qabsan?

    Qofkii akhriya aayadda 148 ee Suurat An-Nisaa wuxuu arkayaa halka culuunta laga soo qaato. Af-Soomaali ahaan aayaddu waxay leedahay: Ilaahay ma jecla hadalka xun ee lala jahro ilaa qof la dulmiyey maahee. Dadka ”Psychology” iyo ”Psychiatry” barta maxay dadka dhibban u dhahaan iska hadal si ay nafis u dareemaan? Anigu ayaddaas waxaan ka fahmayaa faa’iidooyin badan sida midda qof kasta arko ee ah in dulmiga qofkaas haysta la arko oo ciddii caawinkaraa caawiso. Sidoo kale waxaan ka fahmaa middaas ay laamaha cilmigaas ka hadlaan in marka uu qofku dhibka loo geystay sheegsheego uu iska nafiso oo mar dambe iska samro.

    Haddaan dadka afka la qaban waxaa imaanaysa in si aan laablaab lahayn loo xisaabtamo dabadeedna qaab-dhismeed la isu mucaarado laakiin hadday meesha soo gasho afqabasho oo aan hadal la isu ogalayn waxaa dhacaysa in hogog la isu qodo oo hooto la isla raadsado.

    Waagii hore waxaa la yaqaanay maahmaahdii ahayd: nin yari intuu laan ka booduu talo ka boodaa laakiin intaan caqlisaday waxaan arkayey oraah aad mooddo inay tahay: nin walba intuu jiruu talo ka boodaa. Haddaad 70 jir tahay waxaad talo ka boodaysaa 70 mitir laakiin haddaad 40 jirto waxaad ka boodaysaa 40. Haddaad u rumaysan weydo fiiri cidda dhibka Soomaaliya wadda iyo cidda Amxaarada u adeegaysa. Ama dheh nin walba wuxuu qodaa hog intuu jir oo mitir ah. Waa jiraan dad waaweyn oo akhyaar ah laakiin hadda Soomaaliya dhibka ugu badan waxaa wada dadka da’da ah.

    Waxay ilatahay in Radiyoow Midnimo soo wado dooddo ku saabsan dhaqaalaha, nabadgelyada iyo isku soo dhawaanshaha shacabka. Marka dhaqaalaha laga doodayo waxaa meesha soo galaya arrinta ku saabsan baddaha Puntland iyo kalluunka. Waa dood ay shacabka Puntland aad u sugayaan laakiin waxaa dhibaato ah sida dadka ku jira golayaasha ay uga doodi karaan arrintaas maaddaama aan la hor keenin golayaasha oon wax akhbaar ah oo sax ah laga hayn.

    Maxaa Maraykanka iyo Ingiriisku uga hadlaan dimuqraadiyad lagu soo dabbaalo Bariga Dhexe maaddaama ay markoodii horaba sameeyeen dowladahaas iyo dadka xukuma? Waxay fahmeen dhibka ay leedahay cabburinta, oo dadka kunool Bariga Dhexe intooda badan waa necebyihiin dowladahooda iskaba daa kuwii sameeyee. Marka reer Galbeedka waxaa faa’iido ugu jirtaa inay shidaalkoodana iska gurtaan laakiin aan shacabka dab lagu shidin si aysan arrintu faraha uga bixin. Hadday maanta dadkey argagixisada u haystaan sida Al-Qaacida ay si xor ah iskaga joogi lahaayeen waddamaday ku dhasheen, maanta reer Galbeedka dhibkaas ma qabsadeen. Ka hortaga dadkaas waxaa uga baxda dhaqaale aan la qiyaasi karin.

    Waxaa nasiibdarro ah in dad Soomaaliyeed oo wax ku qora internetka iyagoo u danaynaya qabqablahooda ay ka hadlaan in Soomaaliya iyo dadkeeda la sii dhibo halka reer Galbeedku fahmeen dhibka ay leedahay cabburintu. Waxaad arkaysaa dad ganacsatadoodii iyo aqoonyahannadoodii eedaynaya iyagoo leh waa aragagixiso. Miyeydaan arag in Maraykanku soo daayey wiilal muslimiin ah oo haysta dhalasho Ingiriis ah oo Afganistaan laga soo qabqabtay? Sideed ku keentaan inaad eedaysaan dad aan dhib lagu ogayn oo layaqaan meeshay habayn kasta seexanayeen ilaa intii hooyadood dihatay? Mise waxaad hilmaanteen in Soomaalidu yihiin dad is yaqaan?

    Sidoo kale waxaan Mela Zenawi ku leeyahay haddii xoog iyo xabbad ciddi nabad ku keenayso waxaa ku keeni lahaa Israa’iil. Meeshii la filayey in dowlad Falastiin ah la dhiso ayaa waxaa la dhisay gidaar. Marka haddii Zenawi uu dayn waayo dabkuu hurinayo waxaan filayaa inay Soomaaliya ka tashanayso Zenawi, oo aan xiran doonno xudduudaheenna. Cidda koowaad ee khasaaraysa waa Zenawi ilayn bad ma haysto, horay buuna deriskiis ula dagaalay sida Eriteriya, Jibuuti iyo Yeman.

    Haddaan shisheeye u yeerayno waxay ila tahay in la gaaray waqtigii aan kala dooranlahayn Beesha Caalamka iyo Zenawi. Tusaale ahaan waddankan Britian waxaa jooga dad Soomaaliyeed oo ka badan 100,000 oo qof. Dadkaas intiisa badan waa dumar iyo carruur. Dadkaas oo haysta nolol sidoo kalana ay ku xiranyihiin dad intaas ka badan oo waddankii ama waddamo u dhow jooga. Sidoo kale Maraykanka, Yurubta kale, Australiya, iyo Newzealand waan buuxnaa. Marka haddaynaan shisheeye-jacayl deyneyn maan wax la qabsanno kuwaan dhaqaalaha aan la inkiri karin naga soo galaan, sidoo kalana ah dadka adduunka horbooda? Mise ”ragga geela leh ragga dabayaal baannu dabonaal? Bal fiiri sanadka iyo barkii ugu dambeeyey waxa Itoobiya ”nagu caawisay” waa boqolaal gaari oo hub iyo saanad ah halka Beesha Caalamku nagu caawisay maalaayiin Doolar iyagoo leh waan idin heshiisiinaynaa halka Zenawi uusan qarsanayn isku-dirkeenna. Sidoo kale ogoow adduunka dan baa jirta laakiin haddaan anagu caqli leennahay danteena baan wax kasta ka hormarin lahayn.

    Waxaan aad ugu mahadnaqayaa walaalaha haga Radiyoow Midnimo doodda fiican ee ay shacabkooda u fureen. Waxaan shaki lahayn in saxaafaddu tahay lafdhabarta horumarka iyo wadajirka dadka iyo dalkaba. Sideedana saxaafaddu waa seef labo af leh marka waxay wax u goysaa dhinicii loo isticmaalo. Hadduu horumaryahay horumar haddii kalana burbur.


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    C/Waaxid C/hi Khaliif
    London, UK
    cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com |March 14, 2004 

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

    . XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD