SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 6, 2004  

Soo xiridda xudduudaha Somaliland ma xariggii Buurmadoow bay noqotay

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamad korkiisa ha ahaato. 

Markuu cusbaa dagaalkii Maraykanka iyo xulufadiisu ku qaadeen Ciraaq ayaa anoo habayn saqdii dhexe dhagaysanaya raadyoow ay BBC-du leedahay oo la yiraahdo five live wuxuu soo xigtay “xog” ay sii daayeen taliyayaashii ciidamada Maraykanka ee Qadar ku sugnaa. Waxay dhaheen daqiiqadaha soo socda waxaan shaacinaynaa howlgal ay ciidamada Maraykanku ka sameeyeen gudaha Ciraaq, waa intii aysan Baqdaad qabsan.

Saan isu lahaa taloow maxay la soo kooryayaan bay waxay cabbaar ka bacdi sheegeen in ciidamada kumaandooska Maraykanku  soo badbaadiyeen gabar askariyad ahayd oo maxaabiis ahaan loo qabsaday. Maamulka Maraykanka oo ka niyadjabsanaa dhibta ka qabsatay Ciraaq iyo iyadooy soo baxeen waxyaalo aysan xisaabta ku darsan, ayaa bilaabay inay arrintaas naf ka dhigtaan si ay quluubta dadka u kasbadaan laakiin waxaa la ogaaday inay Ciraaqiyiintu si fiican gabadhaas ula dhaqmeen iyagoon dan ka lahayn joogintaanka ay isbitaalka joogtay maaddaama boqolaal kun oo ciidan ay mar horaba gudaha Ciraaq ku jireen. Waxay maamulka Maraykanku dhoobdhoobayeenna been bay noqotay. Waxaa la sheegaa in ciidankii loo diray inay gabadhaas soo badbaadshaan ay qaar ka dhinteen marka waxaa la yaab noqotay gabar isbitaal taal oon cidna dan ka lahayn in siyaasad ahaan looga faa’iidaysto iyadoo lagu khamaaray dhimashada askar kale oon loo baahnayn.

Hadda sidii la isu lahaa goormaa ciidamada Riyaale Garoowe iyo Boosaaso kulaalayaan, ayaa waxaa la arkay iyagoo xabsiga u taxaabay Boqor Buurmadoow oo beel reer Waqooyi ahi caleemo saaratay. Waxaan is iri xudduudda ay sheegayaan ee Bariga Somaliland ma Boqorkay ka wadeen?

Run ahaantii warbixintii uu qareenka boqorku diyaariyey waa Rooble Maykal Maryamee waxay ahayd mid hufan oo qof kastaa fahmi karo. Hadalka qareenka wax lagu daro ma leh oo hadalkii isagaa dhameeyey. Iskaa daa qof sharciyadda dowladaha yaqaannee waxaa in boqorka khalad lagu haysto fahmi kara qof kasta.

Waxaa jira labo haween ah oo Ingiriis ah oo middood waa Katherine Gun oo turjumaan ahaan ugu shaqayn jirtay “Government Confidential Hush Queit” oo marka lasoo gaabiyo loo qoro “GCHQ”. Waxay dhegaystaan telefoonnada khaasatan kuwa waddamada iyo dadkey danaynayaan. Waxaa la sheegay inay ku jiraan madaxda UN-ka iyo kuwo waddamo joogto ka ah UN-ka sida Shiinaha. Inkastoo hay’adaha sirdoonka iyo dowladduba leedahay haweentaas waxay jabisay sharciga u degsan sirdoonka laakiin maxkamaddii waxay ka noqotay dacwaddii haweentaas iyagoo ogaa in arrintu waxyaalo kale soo faagayso marka labo dhib midda yar baa la qaataa. Sidoo kale wasiirraddii hore ee horumarinta xiriirka caalamiga ee Britian waa Clair Short waxay sheegtay inay aragtay nuqul koobi ah oo ah dhegaysiga telefoon  Koofi Anaan sameeyey.

Boqor Buurmadoow uma eedayn Riyaale iyo dowladdiisa sida Clair Short u eedaysay raysalwasaaraha Britian, mana jirto cid gurigeeda u dhacday oo xabsiga dhigtay. Marka haddii maamulka Somaliland jecelyahay xarriiqaha Ingiriiska iyo sharcigooda, maxay u yeeli waayeen sida Ingiriisku yeelay waliba Riyaale oo hadalhaya imaatinka Ingiriiska?

Xiriir aan la sameeyey madaxda Somaliland qaarkood mar aan kala hadlayey arrinta boqorka waxaad mooddaa inay ka xunyihiin xiritaankiisa ayna ula muuqato arrin lagu degdegay. Waxaa muuqata inay jirtay baqdin iyo shaki ay ka qabeen boqorka, arrintaas ooy u qaateen inuu yahay nin dhib la raba madaxda Somaliland. Sidaad la socotaan wasiirrada safka hore ku jira ee Somaliland waxaa ka mid ah Ismaaciil Aadan Cismaan, Cawil Cali Ducaale, Ismaaciil Cumar Aadan(Boos) iyo ku-xigeenka Riyaale.

Mar qaar ka mid ah madaxda Somaliland aan weydiiyey inay iska siidaayaan boqorka waxay dhaheen horta wixii dhacayba dhace meeshana maamul baa ka jira marka waa inuu sharciga maraa oo maxkamaddu go’aan kasoo saartaa. Mid ka mid ah wasiirrada Somaliland ayaa ku kaftamay idinka “Puntland” ah soow taad suldaankiinna jidka laamigaa waliba xaafaddiisa hortoode, dumarka iyo ciyaalkii oo dhooban ku toogateen halka aan annagu u dirnay boolis oo xabsiga u taxaabnay? Waxaan ku iri waa run oo annaga waxaa deegta noo saaran nin qarqarka qori ku wata oo shaqaduu yaqaanba tahay xabbad-ridid waliba isagoo dhinaca dadkiisa u rida laakiin waxaan ku iri waa iska caadi oo “shay walba waxaa laga shubtaa waxa ku jira” marka hogaamiyahayagu wuxuu yaqaan iga hoo (rasaasta) idinka kiinuna (Riyaale) maaddaama uu NSS ahaa wuxuu yaqaan ii haay (xabsi-dhig) marka labada hogaamiye midba wuxuu yaqaannay buu hogaamiye- dhaqameedkiisa kula mucaamilay.

Waxaan madaxdaas weydiiyey in xabsigu wax u dhimayo sharafta Boqorka iyo in kale? Waxay kulligood sheegeen inaysan wax u dhimayn bal ay suurtoowdo inuu caannimo iyo sharaf ka sii qaado. Waxaa hadaladooda ka muuqday inay qabsatay sheekadii Maraykanka ka qabsatay Ciraaq oo kale kadib markay isku aad-aadiyeen waxyaalo ay is dhaheen waxbay siyaasad ahaan idiin tari doontaa laakiin hadda weji kale yeeshay. Waxay dareensanyihiin in xirniinka boqorku  sumcad-darro usoo jiiday maamulkooda. Inkastoon hadalka siyaasiyiinta la isku halayn karin laakiin mid walba markuu boqorka ka hadlayo wuxuu uga hadlayey sidii nin hogaamiye dhaqameed ah oo sharaf mudan. Waxay isku haaramayeen sida khaladkaasi u dhacay iyo sida hadda loo sixi karo. Waxaad mooddaa inay lahaayeen sidii gabyaagu horay u yiri:

  • Maqaadiir Alliyo bay ahayd, lama malaystaane
  • Mataan ila dhashiyo buu ahaa, mahurtadaydiiye.

Waxaan weydiiyey haddii maxkamaddu si dhaqso ah faraha uga qaado iyadoo arrintu sidaas u dhowdahay, inay raaligelin waafi ah siin doonaan iyo inay la soo bixi doonaan geddii Soomaalida? Waxay kulligood dhaheen waxaan saaraynaa cimaamad waxaanna siin doonnaa raaligelin aan iyadoo kale horay loo arag dadka hortiisa, waxaanna ka dalbanaynaa inuu na cafiyo oo noo duceeyo.

Hadday madaxdaas ka dhabeeyaan arrintaas waxa dhacaysa in boqorka iyo iyaguba guulaystaan waa halka afka qalaad laga dhaho “ win-win situation”. Siidaynta boqorkaas waxaa ka faa’iidi doonta Riyaale iyo waftigiisa u soo socda London. Haddii maamulka Riyaale raaligelin heer sare ah siiyaan boqorka, waxaan labo is weydiinayn in boqorku cafin doono deedna uu maamulka Riyaale guul kale oo siyaasadeed gaari doono. Haddii kale waxaan Riyaale ku leeyahay “laa marxaban bika” wax soo dhawayn ah kuma heli doontid UK.

Waxaan maqaalka ku soo xirayaa labo arrimood  oo middi shacabka ku socoto  midna maamulka Somaliland hadday ka noqdaan siideynta boqorka iyo qorshahoodaas fiican.

Beri baa waxaa isa soo raacay labo wiil dabadeedna iyagoo keyn dhex maraya ayaa waxaa kusoo baxay shabeel. Wiilashii mid ka mid ah baa halhaleel u fuulay geed dheer isagoo saaxiibkiis ka cararay. Wiilkii laga cararay wuxuu sameeyey, inta dhulka isku tuuray buu iska dhigay mayd (qof dhintay). Waxay dhahaan shabeelkii inta wiilkii usoo dhowaaday ayuu  ka ursaday madaxa iyo dhuunta si uu u fiiriyo inuu dhintay iyo in kale. Markii wiilkii is nuuxnuuxin waayey ayaa shabeelkii iska tagay. Cabbaar ka dib baa waxaa soo degay wiilkii geedka saarnaa dabadeedna weydiiyey saaxiibkiis waxa shabeelku ka samaynayey dhegtiisa oo uu u sheegayey? Wiilkii wuxuu yiri shabeelku wuxuu igu yiri waligaa ha raacin saaxiib kaa cararaya. Marka in shabeelku bakhtiga cuno iyo in kale waa arrin kale  laakiin sheekadu waxay ku qornaan jirtay buugta Af-Soomaaliga ee dugsiyada hoose-dhexe.

Maxay dadku ugu caanoshubtaan boqor aysan hadhow wax u tarayn ooysan garab is taagayn? Arrintan waxay ahayd inaan xuso marka laga quusto sii deynta boqorka laakiin hadda waa iska xasuusin. Soow ma xasuusataan in ergo gaaraysa 400 iyo dheeraad reer Puntland ah oo kakala yimid qabiilooyinka halkaas dega oo dhan ay Jaamac Cali Jaamac madaxweyne u doorteen dabadeedna maalmo ka bacdi isagoo marti u ah, meeshuu degenaa iyo waardiyayaaashiisiiba la gumaaday?

Tan kale waxaan maamulka Somaliland ka codsanayaa inay sii dayaan boqorka sidii la isku ogaa haddii kale waxaan leeyahay sidii Qamaan Bulxan u lahaa:

  • ·         Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshay

  • ·         Haddaydaan guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin,

  • ·         Wallee inaan tix laysugu go’o, gaagna harin sheegin!

Marka arrintaas darteed waxaan filayaa in maamulka Somaliland isagoo u danaynaaya shacabkiisa iyo siyaasaddoodaba ay sii deyn doonaan boqorka, raaligelinna bixindoonaan.

Mahadsanidin.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |March 6, 2004 

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]