SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Narch 6, 2004

BAAQ: HA LOO GUNTADO SOO DHAWAYNTA MADAXWEYNAHA SOMALILILAND MD DAAHIR RIYAALE

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


  • KU: Muwaadininiinta Reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska

    KU: Ururada Madaxa banaan ee u Adeega Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland
  • KU: Odayaasha, Xeerbeegtida, iyo Waxgaradka Reer Somaliland ee degen waddanka U.K
  • KU: Culuma-awdiinka, dhalinyarada, Aqoonyahanada, Somaliland ee ku dhaqan waddanka Britain
  • KU: Saxaafadda Madaxa banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland meel wal oo ay degenyahiin.
  • KU: Mareegayaasha ama Websiteska wararka ee Somaliland Meel wal oo ay joogaan.
  • KU: Ururka SOMALILAND DEMOCRATIC WATCH ORGANIZATION U.K SECTION
  • KU: Ururka SOMALILAND FORUM WAAXAHA EUROPE OO DHAN
  • kU: MUWAADINIINTA REER SOMALILAND EE KU DHAQAN EUROPE OO DHAN.
  • KU: DHAMMAAN INTAY KHUSAYSO DANTA IYO WADA TASHIGA IYO MADAXBANAANIDA SOMALILAND.
  • KU: XISBIGA QARANKA EE SIYAASIGA AH EE KULMIYE PARTY
  • KU: XISBIGA QARANKA EE SIYAASIGA AH EE UCID PARTY
  • KU; XISBIGA QARANKA EE SIYAASIGA AH EE UDUB PARTY

UJEEDO: SOO DHAWAYNTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND EE WADDANKA BRITAIN

Mudane/Marwooyin

Soddon Sanadood oo dalkeenu ku hoos jiray cidhidhi balaadhan, caga juglayn iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karaynin, 20 sanadood oo aynu ku jiray juhdi, dagaal, iyo xornimo u dirir farabadan, iyo 13 sanadood oo dalkeena iyo dadkeenu ku hoos raaxaysanayeen naacawda udgoon ee xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu maanta gaadhnay wakhtigii aynu kaga dhabayn lahayn Aqoonsiga aynu u heelanayn Afartanka sanadood.

Madaxweyne Riyaale wuxuu ubaahanyahay Taageerada Somalilanderka ku dhaqan waddanka Britain.

Mudanayaasha iyo Marwooyinka kor ku xusanow waxaan jecelahay taariikhda cidina ma qorto oo iyada isa soo cel-celisa eh inaan idin yar xasuusiyo sidii fududayd ee aynu xorriyadeena ku luminay afartan sanno muddo hadda aynu ka joogno, iyo sidii foosha xumayd ee dadkeena iyo dalkeena loola dhaqmay.

Sannadkii 1960-kii ayaa siyaasiyiintii dalkeena oo ay ka mid ahaayeen Ilaahay naxariistii Janno ha siiyo Maxamed Ibraahim Cigaal Madaxweynaheeni Hore, Mickeal Mariamo, Cumar Carte Qaalib, iyo Rag badan oo mutacalimiin iyo siyaasiyiin iyo khubaro iskugu jira oo badankood maanta mootanyahiin waxay Isla magaalada London usoo gaadheen sidii ay uga dhabayn lahaayeen xornimo u dirirkii ay doonayeen badiba shacabka Somaliland sannadkaasi, waxay halkaasi ku kala saxeexdeen boqortooyada Great Britain oo ahayd Mustacmaradii dalkeena Xorriyaddda iyo Madaxbanaanida dalkeena in aynu gacanta ku dhigno, sannadkaa aan Mudanayaal/Marwooyin ka hadlaayo waxaa jiray in dalal badan oo afrikaan ah oo maanta inaga horumar badan inagana dhaqaale badan aanay aqoonsiba u heelanayn, Ilaahay ayaa Mahadlehe waxaynu xorriyadii kula soo noqonay dalkeena hooyo waana taynu u heesnay ee Abwaanadii inaga horeeyey u geeraareen

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

ilaahayow u naxariiso Cabdilaahi Suldaan Timacadde, todoba cisho ka dib xorriyadeeni waxaynu ogayn halkay martay iyo dhibti iyo dheeftii ka danbaysay, kumanaankii u shahiiday sidii dib loogu heli lahaa Maandeeq, kumanaankii dalkooga uga haajiray, kumanaankii hooyo ee ku goblamay, kumanaankii Aabo ee ku naf waayey, Kumanaankii caruurta ahaa ee ku laxaad beelay, kumanaankii Arday ee ku aqoon beelay, malaayiinkii guri ee ku burburay, balaayiinkii hanti ahayd ee ku khasaaray, waxaasi oo dhami dhayal kuma dhicin, balse Soomalidu horay ayey Mudanayaal/Marwooyin u maahmaahday waxaanay tidhi "MAR I DAGE ALLA HA DEGO MAR LABAAD I DAGASE ANAA IS DEGAY".

Somalilander maanta waxaynu joogna maalintii aynu ka jibbo keeni lahayn dedaalkeenii iyo juhdigeeni, waxaynu joogna maalintii aynu dib abaalka ugu celin lahayn da'yarteena soo kacaysa, maalintii aynu dib abaalka ugu celin lahayn dalkeenii cadadiska la saaray, waxaynu joogna wakhtigii aynu beesha caalamka ka dhaadhicin lahayn yari iyo weyn sidii aynu wax usoo qabsanay iyada oo aynaan gacan kale waxba ka helin, sidii aynu waddankeena xasiloonida iyo naacawda udgoon u gaadhsiinay, Sida ayn xaaran inooga tahay in aynu dib danbe cid kale wax la qaybsano, sida aynu ugu heelanahay xorriyadda iyo Dimuqraadiyadda aynu ka yagleelay dacalada kala duwan ee dalkeena hooyo, Masuuliyadaasi balaadhan Mudane iyo Marwooyin waxaynu dhabarka ka saaray 14 april ee 2003 Madaxweynaheena Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo aynu u dooranay inuu hogaan u noqdo dalkeena Somaliland hadaba waxaan jecelahay in aan u diro dhambaal dhamaan Somalilanderka ku dhaqan qaaradda europe khaasatan Somalilanderka reer England

Waxaa dhawaan soo gaadhi doona waddanka Britain magaalada London Wefdi balaadhan oo uu hogaminaayo Madaxweynaheena Mudane Daahir Riyaale Kaahin, wefdiga ujeedadiisu waxa weeyan sidii looga midho dhallin lahaa afartan sanno ka dib Aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku ina siiso taasi oo furaheedu yaallo waddanka Britain oo ah mustacmaradii waddankeena hore u joogi jirtay, hadaba waa maxay Masuuliyada Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka ingiriisku:-

14 bishani aynu ku jiro ee March wuxuu soo gaadhi doona Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin Magaalada London. seddex cisho ka dib wuxuu madaxweynahu booqan doona guriga baarlamaanka ee waddanka Britain (The British House of commons) halkaasi oo uu khudbad dheer oo dhinacyo badanleh uga jeedin doono Mudanayaasha golaha Common house ka britain, hadaba waxaan u jeedinaya shacabka Somaliland in ay madaxweynahooga siiyaan taageero hiil iyo hooba, ah goobtaasi wuxuu Madaxweynahu u baahanyahay inuu hello codkiina iyo astaanta taageeradiina, Waxaan Mudanayaal/Marwooyin idinka codsanaya in aad ku dedaashan sidii Madaxweynaha loogu soo dhawayn lahaa waddanka Britain si layaableh oo aan hore loo arag, waxaa kale oo Madaxweynaha u qorshaysan inuu kulamo la yeesho Ra'isal wasaaraha Britain Tony Blair iyo ku xigeenkiisa John prescot iyo wasiiro dawladooda ka tirsan, hadaba waxaa loo baahanyahay Mudaharaado balaadhan in lagu tuso dawladda Britain iyo bahwadaagta kale ee beesha caalamka

Sida ay inooga go'antahay Masayrkeena dawladnimo iyo xorriyadeed

Sida aynu u doonayno in ay Dawladda Britain kow ka noqoto aqoonsi buuxda oo Somaliland-ta cusubi ka hesho beesha caalamka

sidii beesha caalamka loo tusi lahaa in Somaliland leedahay jaaliyad badan oo ugu dhaqan waddanka britain iyo europe oo dhan oo ay ka go'antahay sida dadkooga dalka gudahiisa ku dhaqaniba uga go'antahay sidi ay madaxbanaanidooda u kasban lahaayeen

In madaxweynaha lala garab taagnaado Mucaarid iyo Muxaafidba hiil iyo hooba inta uu ku jiro hawsha shaqo ee uu ku joogo waddanka Britain

Jaaliyadda Reer Somaliland ee waddanka Britain oo aan hubo inay hormood u tahay jaaliyadaha Somalilanderka ah ee europe ku dhaqan waxaa looga fadhiya Mudahaarado iyo soo dhawaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilanderka ku dhaqan dhamaan daafaha europe waxaan ka codsanaya inay ku biiraan walaalahooga reer England sidii Madaxweynaheena loogu soo dhawayn lahaa waddanka Britain

Ururada SDWO iyo SOMALILANDFORUM, waxaan ka codsanaya inay laban laaban dedaalkooga sidii loo soo dhawayn lahaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland

axsaabta siyaasadda ee UCID, UDUB, IYO KULMIYE waxaa la idiinka fadhiya sidii aydun u garab istaagi lahaydeen Madaxweynahiina.

Guntii iyo Gebo-Gebadii ayaan jecelahay inaan u diro baaqan Somalilanderka ku dhaqan dalka britain.

Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa
isku duubnidaa iyo
Adigiyo dedaalkaa
Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana
Gabbalkaa dam weeyaan
Ma dardaaran baa hadhay
Deexashada tusaalaha
Ama talada deeqda ah
Miyaad dood ka leedahay


Geenyadaydi Daalacan
Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo
Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee
Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh
Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo
Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo
Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo
Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo
Waxa tahay Bir-daaqeen
Ardaydiisa dooddiyo
deeqsiiya hadalkee
Sangahaagi Doolaal
mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Sheekadu ha durugtee
Dawi reer Somalilandow
Haddaan dayro kaa dhigo
Anaa daawadii furay
Waa innoo dantaas guud
Deelka-xeel-la'aaneed
Carrab dalab-la'aaneed

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

WWW.SOMALILANDTALK.TK

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD