SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Narch 6, 2004

MAXAA LAGA FILAYA SOMALILANDERKA REER LONDON SOO DHAWAYNTE MD RIYAALE?

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 

Mahad waxaa iska leh Ilaahay abuuray dhamaan dunida aynu ku noolahay iyo dacaladeeda iyo dhamaan makhluuqa ku dhex dhaqan, Naxariis iyo Nabad gelyo Korkiisa ha ahaato Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W).

Aan u dago duluc yar oo kooban, waa dhambaal aan jecelahay inaan hawada u mariyo Walaalahayga Reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska gaar ahaan xarunta London, Mudanayaasha iyo Marwooyinka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiskow, waxaa 17 bishan aynu ku jiro Magaalada London soo gaadhi doona wefdi balaadhan oo uu hogaaminaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, oo iskugu jira Golaha Wasiirada, Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida, Mudanayaal ka socda Seddexda Xisbi Qaran ee dalka, Mudanayaal ka socda Golayaasha deegaanka ee Magaalooyinka Somaliland, Odayaal iyo Xeerbeegti matalaysa Salaadiinta, cuqaasha iyo Garaadada, wuxuu Wefdigani noqon doona wefdi aad u balaadhan, lagana soo bilaabo sannadkii 1960-kii wefdi sidani u heersareeya oo ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland muu imanin dalka somaliland, sida la filaayo wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB u jeedin doona qudbad dheer oo dhinacyo aad u badan taabanaysa Golaha Baarlamaanka ee dalka Ingiriiska (The House of Commons).

WEJIYADA UU MADAXWEYNAHU LA KULMI DOONO.

Prime Minister Tony BlairJohn PrescottPeter HainHilary BennJack Straw
ka bilaw Bidix Ra'isal Wasaare Tony Blair, Raisal Wasaare ku xigeenka John presscot, Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Peter Hain, Wasiirka horumarinta caalamig ah Mudane Hillary Ben, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jack Straw, Safiirka Maraykanka ee u fadhiya London Ambassodor William Farish,

The House of Commons
Golaha common house ka britain oo la filaayo
inuu Madaxweynahu qudbad dheer u jeediyo.
 

YAA LA FILAYA INUU MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUDANE RIYAALE LA KULMO

 waxaa kale oo uu madaxweynahu kulamo balaadhan la yeelan doona Ra'isal Wasaaraha Ingiiriska Mudane Tony Blair, Ra'isal wasaare ku xigeenka Mudane John Presscott, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Jack Straw, Wasiirka horumarinta Caalamiga ah Mudane Hillary ben, Gudoomiyaha golaha baarlamaanka (the leader of House of commons) Mudane Peter Hain, Waxaa kale oo la filaya in uu Madaxweynahu kulan la yeesho Safiirka u fadhiya dalka maraykanka waddanka Ingiriiska Ambassodor William. S. Farish, Safiirka Denmark u fadhiya magaalada London Mudane Tom Risdahl Jensen, iyo weliba safaarado badan, Madaxweynahu waxaa kale oo la filaya inkasta oo aanay u qorshaynayn inuu boqasho ku tego daarta Bush House halkaasi oo uu siin doono weraysiyo Haayadda Idaacadda B.B.C-da qaybta adduunka la hadasha oo xidhiidh aad soo jireen ahi ka dhexeeyo Somaliland, waxaa kale oo uu booqasho ugu tegi doona Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C da.

Maxaa laga filaya Somalilanderska reer U.K

Sida warar xogogaal ah laga helaayo waxaa isku uruursanaya Magaalada London dad aan ogolayn Madaxbanaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, weliba sida wararka ku dhaw dhaw sheegayaan waxaa ururada doonaya inay arbushaan imaatinka Madaxweynaha ka mid ah ururkii ku mudaharaaday Madaxweynahii hore ee Somaliland ilaahay naxariisti janno ha siiyo Maxamed Ibraahim Cigaal, ururkaasi oo ay ku bahoobeen calooshooda u shaqaystayaal u adeega qaar ka mid ah hogaamiye Kooxeedyada Soomaliya, hadba waxaa waajib ku ah dhamaan Somalilanderska ku dhaqan waddanka Ingiriiska oo dhan.

1. In ay Mudahaaraad aad iyo aad u balaadhan ku soo dhaweeyan Madaxweynahooga kagana hortagaan Faqashta isku uruursanaysa Magaalada London.

2. In  la tuso dawladda Britain iyo dhamaan bahwadaagta uu madaxweynahu la kulmi doono sida shacbiga Reer Somaliland meel wal oo ay joogaan uga siman yahiin xorriyadda iyo Madaxbanaanidoodu inay muqadas tahay.

3. Maalinta 17 March oo ah maalinta uu Madaxweynahu ka qudbadaynaayo golaha Baarlamanka ee Britain waa maalin aad iyo aad ugu weynaan doonta qaranimada Somaliland salna u noqon doonta aqoonsiga Somaliland, hadaba waxaan si naxarisleh uga codsanaya dhamaan muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku dhaqan dalka ingiriiska iyo qaaradda Europe oo dhan inay calanka iyo astaamaha Somaliland meel walba ka muujiyaan, maalintaasi xorriyadda Somaliland waxay ku jirta gacmaha Somalilanderka reer England.

ALLAH MAHADLEH

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO.  INYAR BAA HADHAYE HIJIYAY.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

WWW.SOMALILANDTALK.TK

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD