SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

March 23, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo dad badan ku xidhay magaalada Sagag.
  • Ø Ciidammada gumaysiga oo gabdho ku jidh dilay tuulada Gasaangas.
  • Ø Baarlamaanka Itoobiya oo kala jabay.
  • Ø Itoobiya oo loogu baaqay inay wax ka qabato jidhdilka ay nabasugideedu isticmaasho.
  • Ø Iskuulladii Harar oo la xidhay iyo arday kale oo la dhaawacay.
  • Ø Barnaamuj gaar ah oo aanu ku qaadaa dhigi doono Qoraal dheer oo uu Ra`iisal wasaarihii hoer ee Soomaaliya Mudane C/risaaq X.Xuseen kaga hadlayo isbalaadhinta Itoobiya, iyo Suugaan halgameed.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo dad badan ku xidhay magaalada Sagag.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ay caado u tahay inay cadaadiyaan oo xadgudubyo kala duwan u gaystaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, ayaa dadwayne badan ku xidhxidhay magaalada Sagag markii ay bishan maarso ahayd 11kii

Dadka aan magacyadooda helnay ee halkaas lagu xidxidhay waxay kala yihiin:

  • 1- Dayib Sheekh Xassan.
  • 2- Cabdi Cabdulaahi.
  • 3- Maxamed Xareed
  • 4- Xirsi Xasan Ahmed.

5- Cabdulaahi Macallin Khayr, oo isaga la sheegay in maskaxdiisa ay wax u dhinmeen, ka dib markii ay ciidamada gumaysigu ka dhaceen wixii uu hanti lahaa oo dhan.

Dhinaca kale warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in maamulka Addis Ababa uu diyaarinayo nidaam uu si rasmi ah ugula wareego maamulka gobolka Ogaadeenya, oo hadda uu si maqaar-saar ah u hayo waxa loogu yeedho “Kililka Soomaalida”.

Ciidammada gumaysiga oo gabdho ku jidh dilay tuulada Gasaangas.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 13kii bishan maarso seddex gabdhood ku faraxumeeyay, hantidii ay wateena kaga dhacay tuulada Gasaangas, oo ka tirsan gobolka Nogbeed, oo qiyaastiina 80 km dhinaca koonfureed ka jirta magaalada Fiiq.

Gabdhahan, oo lagu kala magacaabo Maryama, Koos iyo Xaliimo, waxay ka mid ahaayeen dad rakaab ah oo la socday baabuur tuulada soo maray, kaasoo ay ciidammada gumaysigu qabteen, ka dibna ka dejiyeen rakaabkii saarnaa oo dhan, kuwaasoo ay ku xareeyeen xero-ciqaabeed uu gumaysigu tuuladaas ku leeyahay.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay gabdhahaas ku soo tuureen xerada duleedkeeda markii ay jidhdil aad u ba’an u gaysteen. Warku wuxuu kaloo intaas ku darayaa in ciidammada gumaysigu ay diideen in gabdhahaas wax daryeel ah loo fidiyo, hase yeeshee dadwaynaha ku dhaqan tuulada Gasaangas ayaa arrintaas ka dhiidhiyay, oo ku guulaystay inay gabdhahaas ka soo qaadaan meeshii ay ciidammada Wayaanaha ku tuureen.

Gabdhahaas dhaawacoodii ayaa loo saaray Gaadhi dhinaca galbeedka, ilaa iyo haddana wax xog faahfaahsan ah lagama hayo xaaladdooda caafimaad waxa ay ku denbaysay.

Dhinaca kale Wariyaha wakaalada wararka Ogadenya uga soo warama Gobolka Fiiq ayaa noosoo xaqiijiyey inuu baxsaday taliyihii ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Fiiq. Baxsashada taliyahaas ayaa keentay in ciidammada halkaas ku sugan ay kala amar-qaadan waayaan, isla markaana ay qowmiyado kala duwan u kala qaybsamaan.

Baarlamaanka Itoobiya oo ku kala jabay xasuuqii Ganbeela ka dhacay.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Baarlamaanka Itoobiya uu ku kala jabay warbixin ku saabsanayd xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella, ka dib markii uu khamiistii la soo dhaafay yeeshay kal-fadhigisii 15aad muddadii afarta sano ahayd ee uu jiray.

Nin u dhashay gobolka Gambella oo lagu magacaabo Dhabol Manuel ayaa beeniyay warbixintii uu baarlamaanka hortiisa ka akhriyay wasiirka arrimaha Fadaraalka ee Itoobiya Abay Sahay, kaasoo tilmaamay in dadkii lagu dilay gobolka Gambella ay 60 qof ahaayeen, hase yeeshee Dhabol Manuel ayaa warbixinta wasiirka ku tilmaamay mid ra’ yul caalamka lagu khaldayo, wuxuuna daboolka ka qaaday dadka halkaas lagu laayay in ay ka badnaayeen 606 qof.

Waxaa kaloo iyaguna halkaas isku af-dhaafay gudoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya Dr. Bayane Bedros iyo wasiirka arrimaha fadaralka Abay Sahay, kadib markii uu waasiirku diiday in xukuumaddu ay wax cudur-daar ah ka bixiso xasuuqii ka dhacay Gambella.

Dr. Bayane ayaa isagu cudur-daar ka bixiyay xasuuqii Gmabella mar uu u warramayay hay’adda wararka ee IRIN ee Qaramada Midoobay, wuxuuna cudur-daarkaasi buuq iyo kala-jab wayn ka dhex abuuray Baarlamaan ku sheegga Itoobiya.

Itoobiya oo loogu baaqay inay wax ka qabato jidhdilka ay nabasugideedu isticmaasho.

Hay’adda xuquuqal insaanka u dooda ee loo yaqaan Human Rights Watch (HRW) ayaa warqad dheer oo ay u qortay wasiirka arrimaha fadaraalka iyo wasiirka cadaalada ee Itoobiya kaga codsatay inay si deg deg ah u soo baadhaan ciidamada nabad sugida oo isticmaala ciqaabta jidhdilka ah, isla markaana xidha-xidha dad aan waxba galabsanin.

Hay’addani waxay kaloo xukuumadda Itoobiya ka codsatay inay si degdeg ah u joojiso xidhayga dadka aan waxba galabsanin, islamarkaana ay maxkamad hor keento dadka gaysta fal-denbiyeedka noocaas ah.

Agaasimaha Human Rights Watch (HRW) Mr. Peter Takirambudde wuxuu yidhi “ haddii ay wasiiradu si degdeg ah arrintan soo noqnoqonaysa wax uga qaban waayaan, iyaga ayaa loo arkayaa inay danbiilayaal yihiin, sharciga caalamiga ahna ku tumanaya”.

Waxaa lawada ogsoonyahay in ururka ka soo horjeeda jidhdilka uu hadda ka hor ku canabaaryeeyay dawlada Itoobiya jidhdilka loo gaysto dadka lagu tuhmo inay siyaasada xukuumadda ka soo horjeedaan, hasa yeeshee xukuumadda Addis Ababa wax is-baddal ah arrintaas kama ayna muujinin.

Iskuulladii Harar oo la xidhay iyo arday kale oo la dhaawacay.

Si lama filaan ah ayay ciidamada Itoobiya u xidheen dugsigii sare ee Harar iyo dugsiga farsamada gacanta ee Madha-hani-yalam.

Ciidamada nabadsugida oo aad u hubaysan ayaa si khasab ah ardayadii oo fasalada ku jira u kala diray, waxaana sababta Iskuuladan loo xidhay lala xidhiidhiyay kacdoonkii arday oo meel walba gaadhay, taas oo cabsi galisay xukuumada Addis Ababa.

Warar kalena waxay sheegayan in iska hor-imaadyo dhexmareen ardayda Oromoda iyo ciidamada nabad sugida ee Itoobiya kuwaas oo ka dhacay Jaamacada Haramaaya laguna dhaawacay 16 arday.

24 arday oo wax ka baranayay machadka macalimiinta ee Ktobe ayaa iyagana wax barashadoodii laga eryay.

Radyowga Oromoda ee SBO ayaa sheegay in ururka Oromada ee OLF uu soo saaray bayaan uu ku canbaareeyay falalka foosh xun ee ay xukuumada Meles u gaysanayso ardayda Oromoda ah.

Warar aanu ka helay dhinacyo kale ayaa sheegaya in magaalda Harar ay biyihii ka go’en halkaas oo ay ku biyo la’yihiin dad gaadhaya 170,000 oo qof. Waxayna dadkaasi safaf dhaadheer ugu jiraan 25 booyadood oo biyaha loogu soo dhaamiyo.

23.03.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari
 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD