SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - TECHNOLOGY

Janaayo 23, 2004

Wiilkii 17-jirka ahaa oo Aqbalay in uu Website-kii Muranka Dhaliyey ku Wareejiyo Shirkadda Microsoft

Maanta oo Jimce ah (Janaayo 23, 2004) ayaa heshiis ay maxkamadi dhex-dhexaadisey ay wada gaareen shirkada caanka ah ee Microsoft iyo Wiilka 17-jirka ah ee magaciisu yahay Mike Rowe ee u dhashay dalka Canada, heshiiskaas oo ah in wiilkaasi uu websiteka www.mikerowesoft.com ku wareejiyo shirkada Microsoft.

Bedelkeeda waxa wiilka la siin doonaa kharashka ku bixi doona website cusub oo uu samaysto. Waxa kale oo Microsoft uu wiilka siin doono tababar la xiriira "Microsoft certification". Waxa kale oo wiilkan lagu casumey in asaga iyo waalidkiis ay soo booqdaan xarunta Microsoft ee Redmond, Washington si uu halkaas uga xusho aalada ciyaarta ee loo yaqaan "Xbox game". Waxa kale oo la sheegay in shirkada Microsoft ay dadka soo booqda websiteka uu wiilkaasi iska wareejinayo in ay u tilmaami doonaan website kiisa cusub.

Shirkada Microsoft waxaa sheegtay in ay ku faraxsantahay heshiiskaas la gaarey, waayo waxay xafidaneysey magaceeda. Sidoo kale waxaa la sheegay in wiilka aabihiis uu sheegay in wiilkiisu uu ku faraxsan yahay heshiiska la gaarey iyo sida loola hadlay. Waxana la sheegay in wiilkaasi uu maanta oo Jimce ah ku mashquul sanaa Imtixaan uu gelayey.

Sheekadani waxa ay bilaabatay kaddib markii wiilkan 17-jirka ah uu samaystay website magaciisu yahay www.mikerowesoft.com, laakiin markiiba ay shirkada Microsofta arintaas ka dhiidhidey maadaama uu magacaasi aad ugu dhawaaq dhow yahaywebsiteka shirkada ee www.microsoft.com. Warkii hore ee arintaan hoos ka akhri.


SHEEKADA MAALMAHAN UGU XIISAHA BADAN INTERNETKA
Janaayo 22, 2004

Microsoft.com  vs mikerowesoft.com

Mike Rowe

Microsoft
[Sawirada: CBC]

Sheeko aad u xiiso badan oo maalmahan Internetka ka socota ayaa waxay tahay in wiil 17-jir ah oo hadda dhigta dugsi sare, una dhashay dalka Canada, in uu samaystay website uu u bixiyey www.mikerowesoft.com , ufiirso wiilka magaciisa waxaa la yiraahdaa Mike Rowe waxana uu gadaal magaciisa kaga daray "soft" maadaama uu naqshadeeyo websiteyada.

Laakiin arintaas magaca websieka waxaa ka dhiidhiyey shirkada caanka ah ee  Microsoft, waayo websiteka www.mikerowesoft.com wuxuu aad ugu dhawaaq dhow yahay kan Microsoft ee www.microsoft.com.

Waxaa la soo weriyey in shirkada Microsoft ay la xiriirtay wiilkan yar  ayna ku yiraahdeen waxaan ku siineynaa $10 ee websitekaas nagu soo wareeji, laakiin wiilkii wuxuu weydiistey lacag dhan $10,000. Markaas ayaa Microsoft wuxuu ugu jawabey in uu wiilkii u diro qoraal ka kooban 25 bog oo ay soo direen qareenada Microsoft kuwaas oo sharaxaya in uu wiilkaasi rabey oo keliya in uu lacag baadan uun weydiisto, wiilkiina wuxuu yiri arintu sidaas ma ahan ee magaca webka waa magacayga, sidaas ayaana u hindisey, hadana kharash ayaa iga galay.

Arinta wiilkan 17-jir ah waxaa aad loogaga faalooday qaybaha cilmiga casriga ah, warbaahintuna aad ayey uga hadashay: Eeg wararka ugu dambeeyey...

Shirka Microsoft oo kamid ah kuwa ugu caansan dunida, waxaa Asaasay Bill Gates.


Bill Gates

William (Bill) H. Gates oo ah madaxa sare ee shirkada Microsoft Corporation, dakhliga soo galay xisaabxirkii June 2002 waxa uu gaarayey US$28.37 billion , waxaana u shaqeeya in kabadan 50,000 qof oo ku kala nool  78  wadan.

Bill Gates waxa uu dhashay  Oct. 28, 1955, waxana uu kusoo koray magaalada Seattle isaga iyo walaalihiis oo ah laba gabdhood. Aabihiis William H. Gates II, waa qareen reer Seattle ah. Hooyadiis, Mary Gates, intii aysan dhiman ka hor waxay ahayd macalimad.

Gates waxa uu leeyahay xaas, Melinda French Gates, iyo saddex carruur ah. Waana nin aad wax u akhriya.

Shabakada Microsoft: www.microsoft.com
Shabakada 17-jirka reer Canada: www.mikerowesoft.com

Akhri  blog.seattlepi.nwsource.com


VIRUS-KA BAGle
VIRUS CUSUB:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

»Emailkaaga oo La ogaan karo Wadanka aad Joogtid [Yusuf Cali]
»
Barnaamijyo ku Anfacaya [C. Gaalkacyo]
»Xamar Daawo Dacallada (Sawirada Muqdisho: Shalay & Maanta)


Maalmahan waxaa e-mailada adduunka ku faafayey virus cusub oo lagu magcaabo 'Bagle', virus kaas oo markii hore kasoo faafay dhanka Aasiya, kaddib Yurub ilaa Woqooyiga Ameerika.

Viruskan waxaa la ogaadey 18kii bishan Janaayo, waxana uu lifaaq ahaan u soo raacaa emailka, waxana cinwaanaka (subject) ahaan ugu qoran "Hi", dhexda emailkana waxaa la socda fayl ah nooca .EXE.

Halista Viruska Bagle

Marka la furo faylka lifaaq ah ee emailka uu viruska la socda, waxaa computerka soo dhex gelaya ama ku xafidmaya faylka magaciisu yahay "'bbeagle.exe' kaas oo dhex fariisanaya barnaamijka loo yaqaan 'Windows' ee computerka ka shaqaysiiya. Waxana uu viruskaasi hawshiisa bilaaban doonaa marka ugu horeysa ee la daaro 'windows'-ka, taas oo virusku uu markiiba isku dhex qarinayo qaybta computerka u qaabilsan xisaabta ee loo yaqaan calculator (calc.exe),.

Kaddib viruskan Bagle waxa uu bilaabayaa in uu comuterka uu aafeeyey uu ka dhex baaro emailada kujira, waxana uu baraayaa qaybta windowska ee loo yaqaan address book (WAB) iy faylasha nooca text iyo html, sidaas ayuu viruskii emailada kasoo ururusanayaa dhammaan faylasha computerka kujira ee noocoodu yahay : .WAB .TXT .HTM .HTML.

Waxaa la caddeeyey in qaabka loo dhisay Viruskan ay tahay in uu weerarkiisa wado ilaa 28ka bishan Janaayo.

Kaddib waxa uu viuskaasi email u dirayaa dhammaan emailadii uu halkaas kasoo urursaday, emailkaas uu iskiid u dirayo oo aan cidina u dirsan waxa uu raacinayaa viruskii, emailka viruska wadata waxay u qorantahay sidan:

Cinwaanka emailka (Subject):
 Hi

Dhexda emailkana waxaa ku qoran sidan:
 Test =)
<xarfo kala duwan>
[Tusaale ahaan: btjxkhdrs]
--
Test, yep.

Faylka lifaaqa ah (Attachment):
<xarfo kala duwan>.exe 
[tusaale ahaan: btjxkhd.exe]

NB: Xarfo kala duwan meesha ay ku qoran tahay waxay noqon kartaa sida :btjxkhdrssh... iwm

Hadaba talo ahaan ha furin email wata lifaaqa .EXE, hafurin lifaaq aadan garanayn waxa uu yahay, masax inta aadan furin.

Haddii Viruskaasi computerkaaga soo dhexgalo, waxaad booqan kartaa websiteka hoose oo laga heli karo dawada viruskaas.
http://www.f-secure.com/tools/f-bagle.zip 
http://www.f-secure.com/tools/f-bagle.exe 
Ama akhri: http://www.f-secure.com/v-descs/bagle.shtml 

-dhammaad-


HALIS WEYN OO LASOO DERISTEY DADKA ADEEGSADA EMAILADA iyo WEBSITEYADA

Waxaa dhowaan la ogaadey halis weyn oo la xiriirta barnaamij kamid ah kuwa lagu daalacdo internetka, kaas oo ah "Internet Explorer", halistaas oo ah in "shuftada Internetku" ay dadka si fudud ugu hagi karaan website ay tuugadu leeyihiin ayagoo websitekaas cinwankiisa sare u ekaysiinaya sidii website layaqaan, kaddibna qofkii oo u malaynaya in uu ku dhex jiro websitekii uu yaqaan ay dhici karto in uu halkaas wax ka iibsado, kaddibna ay sidaas tuugadii ku helaan lambarkii kaarka ee qofkaasi wax ku iibsadey... Akhri Halkan...

EEG Virusyadii Hore.....

Waxaa soo ururiyey
Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2004

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri




XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD