SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DIGNIIN

Janaayo 15, 2004

HALIS WEYN OO LASOO DERISTEY DADKA ADEEGSADA EMAILADA iyo WEBSITEYADA

Shuftada Internetka oo Dadka Ku Hagi kara Website Khaldan

Waxaa dhowaan la ogaadey halis weyn oo la xiriirta barnaamij kamid ah kuwa lagu daalacdo internetka, kaas oo ah "Internet Explorer", halistaas oo ah in "shuftada Internetku" ay dadka si fudud ugu hagi karaan website ay tuugadu leeyihiin ayagoo websitekaas cinwankiisa sare u ekaysiinaya sidii website layaqaan, kaddibna qofkii oo u malaynaya in uu ku dhex jiro websitekii uu yaqaan ay dhici karto in uu halkaas wax ka iibsado, kaddibna ay sidaas tuugadii ku helaan lambarkii kaarka ee qofkaasi wax ku iibsadey.

Tusaale ahaan ka soo qaad in uu jiro website caan ah oo aad wax ka iibsatid oo cinwaankiisu yahay www.quwaaxgurato.com. Haddaba waxay shuftadu samaysan karaan website ay u bixiyeen www.jeerinquudato.com, waxayna meel websitekoodaaas ka mid ah ka samayn karaan link ay ku oranayaan alaabtaan aan gadeyno waxaad toos uga iibsan kartaa websiteka caanka ah oo aan xiriirka la leenahay ee guji halka, marka linkigaas la gujiyo waxaa cinwaanka daalacdaha ka muuqanaya websitekii caanka ahaa ee www.quwaaxgurato.com laakiin xaqiiqo ahaan waxaad kujirtaa websitekii tuugada, kaas oo ay cinwaankiisa qarinayaan, halkaas haddii aad dalabaad ka samaysatid ama wax ka iibsatid adigoo adeegsanaya kaarka wax lagu gato, waxaa tuugadii heli doonaan lambarkii kaarkaaga, sidaas ayayena lacagta kaaga dhici karaan ayagoo aan kuusoo dirayn wixii aad dalbatay.

Arintani waxay halis weyn ku noqoneysaa dadkii ka taxadari jirey qolyahan shuftada ah sababtoo ah meeshii aad cinwaanka isku hubin jirtey, hadda waxaa halis ah in cinwaankaas la qarin karo oo sidaas lagugu hodi karo.

Wax iibsiga oo keliya ma ahan sida khaldan ee arintan loo adeegsan karo, waxa kale oo ay shuftani samayn karaan in ay akhbaar xasaasi ah si tuugaysi ah ku urursadaan ayagoo adeegsanaya nidaamkaas qarinta cinwaankooda, akhbaartaas la uruursadayna waxay u adeegsan karaan si aan qofkii akhbaarata lahaa u cuntamin.

Tusaale ahaan waxaa la weriyey in habkan ay tuugadu adeegsan karaan uu la shaqayn karo waxa loo yaqaan SSI (oo ah nidaamka suurta galka ka dhigaya in website uu amaan yahay laguna gudbisan karo akhbaar muhiim ah), arintaas oo halis weyn ah waayo halkaas waxaa ka muuqan kara in shuftadu ay iska soo dhigi karaan kuwo u shaqeeya bangi oo ay sidaas akhbaarta kaaga heli karan, akhbaarta ay u baahan yihiin in ay kugu dhacaan ama bangigagaa lacagta uga xawishaan.

Halistaan waxaa ogadey wiil 18-jir ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, ahna naqshad sameeye oo magaciisa la yiraahdo Sam Greehalgh, sida khiyaamadaas loo samayn karona waa mid aad u fudud, waxa keliya oo linkiga dadka lagu khaldayo lagu qori doonaa xeerka http://websitekawanagsan%01@websitekatuugada - Ufiirso halkaas waxaa keliya oo laba website loo dhexysiisyey calaamadaha %01@ , sida uu wiilkan 18-jir kusoo bandhigay website-kiisa oo cinwaan kiisu yahay http://www.zapthedingbat.com/ , waxana uu tusaale ku bixinayaa link marka la gujiyo uu cinwaanka kasoo bixi doonaa uu noqon doono shabakada www.microsft.com balse xaqiiqo ahaan uu qofku weli ku dhex jiro websitekii wiilkaas, waxana uu wiilkaasi yiri :"Waxaan la yaabay sida ay u fududahay in arintaan la sameeyo, waxaan sidoo kale la yaabay sida ay u adag tahay in la helo meel akhbaarta ammaanka la xiriirta loogu hagaajin karo Microsoft", taas oo ay weriyeen jaraa'do badan oo ka soo baxa Maraykanka.

Websiteka ka sokow, Siyaabaha qofka lagu hodi karo habkaan cusub waxaa kamid ah in loo soo diro email uu ku qoran yahay link, linkigaas oo lagu sameeyey habka aan kor kusoo sheegnay, kaas oo qofkii marka uu gujiyo uu toos u tegi doono websitekii shuftada, marka uu halkaas ku qoro akhbaarta xasaasiga ahna sidaas qofkii lagu dhici doono.

Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxay halistan cusub waxaa kamid ah:

In dad lagu khalday website loo ekaysiiyey websiteka bangiga caanka ah Citibank, marka uu qofku halkaas booqdayna la weydiiyey aqoonsiga iyo credit card-ka, hadee haddii intaas la helo ma hadal baa yaal

Horraantii bishan ayey ahayd markii email loo diray dad adeegsada PayPal oo ah nidaam internetka wax loogu kala gato kaddibna emailkaas dadka loo diray ay xambaarsanayn link qofka ku hodaya website khaldan, sidaas oo kale ayaana loo galay shirkad ganacsi oo kutaal dalka Ingiriiska. Sidoo kale toddobaadkii hore ayaa la isku deyey in sidaas oo kale akhbaar looga khiyaameeyo qof ka mid ah dadka adeegsada shirkada Internetka bixisa ee loo yaqaan EathLink.

Waxaa la sheegay la sameeyey virus, kaddibna email dadka loo diray loogu sheegayo in ay booqdaan microsft.com si ay viruska daawadiisa u helaan, laakiin marka ay gujiyaan linkiga xaqiiqo ahaan waxaa qofkii toos u booqanayaa website leh cinwaankii microsoft laakiin waa website uu ka buuxo virsu haddii aad soo rogatidna aan war ka dambeeya la is weydiinayn oo kambuyuutarkii sidaas ku noqon doono hawl gab.

Isku soo duuboo, Waxaa la sheegay in boqolkiiba 5 dadka emailadaas loo diro ay ku hodmaan ama sidaas lagu khiyaameeyo, sidaas daraadeed adigu taas ka mid noqon meysid haddii aad warkaan akhriday, waxaana rajaynayaa in aad dad badan oo Soomaali ah ku baraarujin doontid halistaas si ay uga taxadaraan.

Microsf waxa uu sheegay in uu ku hawlan yahay sidii uu arintaan u xallin lahaa oo u soo saari lahaa dawadeeda. Arintan oo khubarada Internetku ay ku tilmaameen khatarta ugu weyn ee hadda ka taagan Internetka.


Daarta Dunida ugu Dheer oo Laga Dhisay Taipei, Taiwan

Waxaa sannadkan 2004 dhismehiidii dhammaanayaa daarda dunida ugu dheer, taas oo laga dhisay magaalada Taipei ee dalka Taiwan, daartaas oo naqshadeeda laga alifey geedka loo yaqaan bamboo ee uu caanka ku yahay dalka Taiwan. Daartaasi waxay ka kooban tahay 101 dabaq, taas oo guud ahaan dhererkeedu yahay 508 meters (1,667 feet), daartani waxay baro dheeraysay daartii hore e dunada ugu dheerayd ee la oran jirey mataanihii Kuala Lumpur ee dalkas Malaysia.

Daartan cusub ee Taipei, bedka qaybta xafiisyada loogu talo galay waa 198,347 m2 (2,336,000 sq. ft.), bedka qaybta dukaamaduna waa 77,033 m2 (796,000 sq. ft.) , iyo qayb loogu talo galay in gawaarida la dhigto oo bedkeedu dhan yahay 83,000 m2 (893,000 sq. ft.) waxaana qaybtaas halkii marba dhigan kara 1,800 gaari.

Si looga taxadaro khasaarada ay keni karaan dabaylaha xawliga badan iyo dhulgariirka oo dalkaasi halis u yahay, waxaa sartaas dabaqeeda 88 lagu xoojiye bir aad u culus oo miisaankeedu dhan yahay 800-metric ton (1,764,000 lbs.), taas oo sarka ka ilaalineysa in ay ruxanto.

Dabaqyada 89 iyo 91, waxaa laga dhigay meel laga daawan karo dhammaan magaalada, halkaas oo noqon doonta maqaxida ugu dheer Taiwan. Waxa daartaas wiishaashkeda kamid ah labo aad u dheereeya oo xawaarahoodu gaarayo ilaa 1,010 meters/minute (55 ft./second) marka ay agmarayaan dabaqa 89aad. 

Waxaa soo ururiyey:
Maxamed Cali
Minneapolis, MN
somalitalk1@hotmail.com

»Emailkaaga oo La ogaan karo Wadanka aad Joogtid [Yusuf Cali]
»
Barnaamijyo ku Anfacaya [C. Gaalkacyo]

Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD