SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

DOWLADDA MARAYKANKA OO SOOMAALIDA U OGOLAATAY INAY DIB U XAREYN KARAAN SHARCIGA TPS

September 11,01 ka dib waxaa la adkeeyey sharciyada la xiriira immigrationka iyo dadka aan waddanka u dhalan. Sidaa darteeda mashruuca Immigration Law oo ah qareeno dadka ka kaalmeeyo  arimaha immigrationka ayaa waxaa uu bixinayaa adeegyo iyo talooyin lacag la’aan ah lagu ilaalinayo xuquuqda dadka qaxootiga ama immigarantiga ah. 

Dowladda  Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo heysashada sharciga TPS  ka dib markii la ogaaday in waddanka Soomaaliya ayan ka jirin nabad uu qofka ku helayo xuquuqdiisa assaasiga ah sida: Ilaalinta xaqa nolosha, xoolahiisa, gurigiisa iwm. 

TPS waa sharci ku meel gaar ah oo la socda warqadda ruqsadda shaqada lana siiyo dadka aan xaq u laheyn sharciyada waaweyn sida Green card oo kale.  Sida darteeda qof  weliba oo Soomaali ah ee sharcigaa heysta waxaa qasab ah inuu sharcigan  ku buuxsho ilaa bisha September 17, 2005.  Mashruuca Immigratioin Law project ayaa waxay si bilaash ama lacag la’aan ay u kaalmeynayaan dadka raba inay xareystaan sharcigaasi. 

Haddii aad doonto sharciyaqaano lacag la'aan ah oo kaa caawiyo xareynta TPS, green card, citizen ama arin kastoo immigration la xiriira,  fadlan imow maalmaha soo socda:                                                

Maalinta Waqtig Meesha
August 17 iyo Sept.14,2005 9:00am-12:00pm Legal Aid 430 1st Avenue North, Minneapolis,MN
August  20, 2005 6:00pm-9:00pm Highwood school, xaafadda Macknight ee St.Paul
September 6,2005 1:30-4:00pm Masjidka Ummutu Muhammad, 315 E. Lake St. Minneapolis

Wixii faah faahin ee la xiriira xuquuqdaada sharciga ama arimaha immigrationka la xiriir Immigration Law Projecat,  Minneapolis legal aid Tel.(612)332-1441 ama MAS-MN (612)823-1943.

Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici
Immigration Law Project
Legal Aid Society of Minneapolis,
430 1st. Av. N, Mpls, MN 55401
Email:
Hmohamud@midmnlegal.org

Faafin: SomaliTalk.com | August 12, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD