Ma Ogtahay :::::
Ma ogtahay in
waddanka Itoobiya la oran jiray waagii hore
Abessinia, hayeeshee horaantii dagaalkii labaad
ee dunida ay la baxday magaca Itoobiya,mase
ogtahay in waddanka Itoobiya ay ku nool yihiin
in ku dhow 50% dad muslim ah, in ku dhowna 15%
ay diin laawe yihiin ama yihiin dad aaminsan
dabeecadda halka 35% ay yihiin dad Christian ah,
haseyeeshe diinta officialka waa diinta
Christian, afka la isku afgartana ama iskuulada
lagu bartana ay tahay afka amxaarada.
Ma ogtahay
maalintii ugu dhoweyd ee ay Soomaaliya soo
ceshan lahayd dhulkeeda Somali Galbeed ee ay
dawladda Itoobiya ka haysto ay ahayd dagaalkii
1977, dagaalkaas oo ahaa midkii ugu qaraaraa
isla markaana Itoobiya laga baabi’iyo ciidamo
fara badan oo Itoobiyaan ah , nasiib xumo
dowladdii Itoobiya ayaa u qaylo dhaansatay
dowladihii ay ka mid ahaayeen Cuba, Ruushka,
Bariga Yurub iyo waddanka Liibiya halkaasna dhib
aad u ballaaran lagu soo gaarsiiyay halyeyadii
Soomaaliyeed, magaalooyinkii ay ka soo
dhacsadeen cadowgana halyeeyadii Soomaaliyeed
nasiib xumase dib u la noqdeen cadowgii Itoobiya,
magaalooyinkii ay cadowga ka soo dhacsadeena
waxaa ka mid ahaa: Jigjiga, Harar, Dhagaxbuur,
Shilaabo,Goday,
Qabridahare,Galaadi,Gaashaamo,Qorraxay,
Awaare,Qallaafo, iyo tuulooyin aad u fara badan,
Mase ogtahay in gumeystaha Itoobiya uu u bixiyay
dhulka Soomaali Galbeed Ogaadeenya isgoo
ulajeeday siyaasad ama khiyaano si uu isugu diro
qabiilada Soomaaliyeed ee meelahaas wadadeggan
oo uu dhulkii la wada lahaa ugu nisbeeyo ama ugu
magacdarro hal qabiil si ay qabiilada kale ula
dagaalanto qabiilkaas.
Ma ogtahay oo kale
akhristow in dhulka Soomaaliyeed ee ay dawladda
Kenya haysato ay ku nool yihiin in ka badan 5
milyan oo Soomaali ah, halka dad gaaraya ilaa 20
milyan ay ku nool yihiin dhulka ay Itoobiya
Soomaaliya ka haysato, dhulka ay Soomaaliya ka
haysato Kenya ayaa wuxuu gaaraya 127 km oo isku
wareeg ah una dhigma inta ay Itoobiya Soomaaliya
ka haysto nuskiis ama barkiis, Soomaalida ku
nool dhulka uu gumeysto Kenya ayaa waxay u badan
yihiin xoolo dhaqato,caanaha iyo hilibka ugu
badan waddanka Kenya soo saaraan.
Xornimada markii
ay qaateen 1960kii gobollada waqooyi iyo konfur
Soomaaliya isla markaana ay midoobeen labadaas
gobol ayay ku dadaaleen in ay mideeyaan dhammaan
Soomaali weyn ama shantii qaybood ee gumeysigu u
qaybiyay dhulka Soomaaliyeed nasiib xumo ilaa
iyo maanta ma ay dhicin midaas iyadoo sabab
looga dhigay kala daadsanaanta Soomaalida,
imtixaanka aduunka oo uu ku noqday qabiilku iyo
qabiilaysiga iyo waddamada haysta ama gumeysta
dhulka Soomaaliya oo ku dadaalay sidii aysan
dhulkaas u soo celin, walowba ay u soo mareen
arrintaas fulinteeda dad Soomaali ah.
Ma ogtahay in
waddanka Jabuuti la oran jiray Franse Somaliland
iyadoo gobollada waqooyi la oran jiray Britisha
Somaaliland gobollada konfureedna la oran jiray
Italian Somali, gumeysigii ayaa sidaas mid kasta
qaybtii uu haystay isku nisbeeyay ama isugu
magac daray, sannadkii 1967 ayaa waddankii
qaybta uu helay in uu gumeysto dhulkaas ay
Soomaalidu iska leedahay ama Jabuutida maanta u
bixiyay dhulkii Faransiiska ee Canfar iyo Ciise,
haseyeeshe markii ay xornimadeeda haleeshay 1977
qaybtaas ka midka ah dhulka Soomaaliyeed ayay la
baxeen Jabuuti, Ma ogtahayse akhristow in tirade
shacabka reer Jabuuti ay wax yar kor u dhaafeen
nus milyan ama shan boqol kun oo ruux,mase
ogtahay oo kale in waddanka Soomaaliya iyo
Jabuutiba ay ka mid yihiin ama ay ku jiraan
ururka Jaamacadda Carabta iyo midowga Afrika.
Mase ogtahay
akhristaha qaaliga ahow in calanka Soomaaliyeed
sababta loo siiyay calaamadda samada u eg ee
saafinimada buluugga ah ay tahay rajo laga qabay
bal in la helo Soomaali weyn oo saafi ka ah
qabiil iyo qurunkisa, xiddigta shanta gees lehna
ay tahay shanta qaybood ee gumaysigu hore ugu
qaybiyay waddanka Soomaaliya kuwaas oo kala ah
: konfur Soomaali,waqooyi Soomaali, Soomaali
Galbeed, NFD iyo Jabuuti.
Waxaa soo ururisay
Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com