Filimka,
Feerar iyo Dagaal maku Jiraan
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad
leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Waxaan xasuustaa
in shaneemooyinka Soomaaliyeed khaasatan kuwa
Xamar loo kala qeybiyey labo qeybood. Qeyb loogu
talogalay dhallaanka (wiilal iyo gabdhaba) iyo
dumarka iyo kuwo intooda badan ay galaan ragga
waaweyn iyo wixii soo raaca. Kuway gelijireen
carruurta iyo haweenku waxaa lagu dhigi jiray
filimada Hindiga ah. Falsafad baa arrintaas ka
dambeysay--filimada Hindiga ah oo loo arkayey
inay markaas xagga akhlaaqda ka roonyihiin kuwa
reer Galbeedka. Marka maaddaama ay dumarka iyo
carruurtu yihiin bu’da shacabka ayaa taas loo
xeeriyey. Si kastaba ha ahaatee, wiilasha
yaryari waxay isweydiin jireen inta feer ku
jirta filimkaas. Filimba kuu ka dagaal
badanyahay ayaa lagu qiimeyn jiray. Xitaa markii
kurayo la noqdo ooy u suurtogasho iney
gelikaraan filimada reer Galbeedka, waxay dhihi
jireen filimka dagaal ma ku jiraa? Filimada aad
loo jeclaa waxaa ka mid ahaa kuwaan ugu yeeri
jirnay Weerada iyo Kaabooyga! Hal mid baan
Soomaalida ku jeclahay—wax walba waa
Soomaaliyeeyaan oo sidii luuqaddii asalka ahayd
wey ka bedelaan; waana arrinta keentay in
Soomaaligu sii jiro ilaa haddana aynaan inteenna
badani ku fiicneyn luuqadaha ajnabiga. Markaad
weynaato baad ogaaneysaa in filimada ay ugu
liitaan kuwa ugu dagaalka badan maxaa yeelay wax
micno leh ood ka dheefayso ma jirto. Keliya
waxaad arkeysaa qof wax jilaya oon isagu
xabbadda iyo dabku karin halka kuwa kale uu huf
ka dhigayo.
Dhallaanku xaggee
falsafaddaas ka keeneen? Run ahaantii waxay
maqli jireen iyadoo nin caalim ah lagu sheego
wadaad iyo inuu dumarka ka og dhowyahay halka
nin tuugga ah oo dilaaga ah la yiraahdo waa nin
rag ah oo waranle ah. Marka ma layaab bey
leedahay inay filinka xabbadda badan u arkaan
filim dab ah?
Waxaan uga
danleeyahay, madaxweynihii dowladdii Carta waxaa
la yiri: waa nin gacmo jilicsan oon wax wadi
karin! Markaad dadka tiraahdo sidee wax loo wadi
karaa? Waxay ku leeyihiin waqtigaan waxaa loo
baahanyahay nin wax dila oo dadka edeb u yeela!
Micnaha xukunkaan dil lahayn waa dac iyo mid aan
xiiso lahayn! Arrintani waxay i xasuusineysaa
sheeko aan ka akhriyey buug uu qoray nin dhaqtar
ah oo caan ah oon filayo inuu asal ahaan ka soo
jeedo qaarad-yarada Hindiya. Waxaa magaciisa la
yiraahdaa Deepak Chopra. Isagoo werinaya sheeko
dhexmartay dhaqtar ku xeel dheer cilmiga
maskaxda iyo nin ka warramaya siduu ula xaalo
gabar yar oo uu dhalay oo cabsiyi naftii u
keentay. Qisada iyadoo Ingiriis ah baan
werinayaa si haddaan fasirka ku ciyaaro loo
akhristo iyadoo Ingiriis ah. Wuxuu yiri:
I was reading a
psychiatric case study in which a father was
very worried about his three-year-old daughter.
The little girl couldn’t sleep well and suffered
from bouts of severe anxiety. The father sat up
with her every night, reading fairy tales to her
and trying to offer reassurance.
“ I read to her
about Little Red Riding Hood and the big bad
wolf,” he told the therapist, “and when she gets
scared, I tell her that there’s nothing to worry
about. I am here to protect her.”
“ So you can’t
understand why she still seems so frightened?”
the therapist remarked.
“Not at all,” said
the father. “Do I need to be even more
reassuring?”
“No, you need to
ask yourself why you choose frightened stories
when she is so frightened to begin with.”
Dhaqtarku wuxuu
leeyahay waxaan akhrinayey warbixin ku saabsan
aabbe ka walaacsanaa gabar uu dhalay oo
seddex-sano-jir ahayd. Gabadha yar waxaa asiibay
oo faro ba’an ku hayey welwel xun. Habeyn kasta
aabbuhu wuxuu la fariisan jiray gabadha isagoo u
akhrinaya sheekooyin niyadda u dejiya.
Waxaan u akhriyaa
sheekooyinka “Red Riding Hood and the big bad
wolf (maaddaama aan Soomaaliya kusoo koray ma
aqaan sheekooyinkaas laakiin waxaa laga fahmayaa
siday meesha ugu jiraan inay yihiin sheekooyin
cabsi leh. Kuwo ka dhigan oo kale: madax-kuti,
Dheg-dheer, Xunguruf, tuug Cago-weyne, iwm.) buu
ku yiri dhaqtarkii; mar kastooy cabsootaba,
waxaan u sheegaa ineysan jirin waxay ka baqdo.
Adaan halkaan kuu joogaa si aan kuu difaaco.
Dhaqtarkii wuxuu
aabbihii ku yiri: ma garanaysid miyaa waxay weli
la cabsaneyso?
Aabbihii wuxuu
yiri, maya. Ma niyaddaan u sii dejiyaa si aan
shakiga uga saaro?
Dhaqtarkii wuxuu
yiri maya, waxaad u baahantahay inaad isweydiiso
sababta aad u dooratay sheekooyin cabsi leh
maaddaama ay iyadiiba cabsanayso.
Sheekada dhaqtarku
waxay i xasuusisay Xamar. Waxaan is iri sida
gabadhaas yar waxaa dadka Xamar jooga daashaday
dil, dhac, tuugo, dumar la kufsado, daroogo iyo
belaayo oo dhan. Marka qofkii raba inuu reer
Xamar niyadda u dhiso ma u baahanyahay inuu
yiraahdo waxaan heystaa ciidan iyo hub; qofkii
iga horyimaadana waan u dhammeynayaa? Dadka
Xamar jooga waxay aad u yaqaanaan xabbadda iyo
dhibkeeda, marka qofkii raba inuu shakiga ka
saaro looma baahna inuu afkiisa soo mariyo wax
xabbad iyo hub ku saabsan.
Marka waxaan
Soomaali iyo nafteydaba kula talinayaa,
inteynaan xukun u farobaxsan aan baranno halka
wax laga bilaabo iyo sida dadka loola xaalo. Qof
kasta waa ogyahay inuusan aabbahaas is lahayn
gabadhaada oo seexan la’ madax-kuti iyo xunguruf
uga sheekee laakiin caqligii baa halkaas ka
galay. Marka caqligii xaggee naga aaday haddaan
hadda jamanay in dhibtii horay u gaartay
gobollada Soomaaliya oo dhan aan dib u biloowno.
Marka arrintu waa: Xukun aan xabbad lahayni
xiiso ma leh.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan....