SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Suxufi qiiradeesan iyo qormooyin qeyrumasuulah” 

Farxaan-ceynte

Nairobi,kenya

________________________________________________________________

 Nasiib darada ku habsatay dalka soomaliya kuma eka oo kaliya dalka iyo dadkii burburiyay,ee waxaa jira unukya kale oo u ah mujtamaca somaliyeed oo ay si baaxad weyni ugu habsatay nasiib xumida maandeeq,hadii aan sikale u dhahana ay yihiin udub dhexaadka bulshakasta ee meel kuwada barisa,lehana nidaam caalami ah.

Bal aan isla fahano faaidooyinka u leeyahay suxufiga iyo waxa uu bulshadu kadhax mudanyahy. 

.Sowkan maahan, suxufiga isku uruuriya akhbaaradka caalama isaga kal gooshaya,isla markaasna u soo tabiya bulshada.

.Sowkan maahan,suxufiga xog-ogaal u ah dhacdo kasta ee caalamka ka dhacda nuuceydoonta ha u ekaatee.

.Sowmaahan midka meel dhaxaad isugu keena ama isugu heshiisiiya bulsho kala fog,asigoo adeeksanaya xirfadiisa. 

Shaki kuma jiro,in suxufiga uu yahay xukumaha bulshaweynta caalamka kana bilad sareeya madaxweyne,Raiizul-waazare,waziir,iyo shakhsikasta ee leh awood wax uu ku xukumi karo.

Waxaa wajigabax inagau eh in ay manta dhalinteena somaliyeed ay saxaafadu kaga soo ambaqaadeen hormarka iyo edeega sareeye ee caamalku gaaray.ayagoo u soomaray dhanka aalada Internetka iyo heehaabka webka.

Ayagoo kusoo dhiibta aaraahdooda kala duwan si ay inoosoogaarsiiyaan bal fikaradooda iyo waxa ay ku saleesantahy.waxaana aad u adag in aad arkto suxufi qormadiisa ay tahay mid faaiido u ah bulshada ama uu u wax uun ay akhristayaashu ku qancaan.sidaasi oo ay tahay ayaa hadana waxaan arkgnaa kuwa aad moodo in ay ku hardamyaan bogaga somaaliyeed ayagoo adeeksanaya weedho lid ku ah qabiil ama qab-qable.

Bal aan idiinsoo tusma qaato sida ay qormooyinkaas loo dhigo.

 Maxamed Qanyare Afrax Waa Masiibo Na Loo Soo Diray. Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah, Baarlamaaan bilaa aqoon ah, Wasiiro bilaa damiir ah, Bambo bilaa naxariis ah, Dil bilaa ujeedo ah, shacab bilaa caqli ah, Saxaafad bilaa damqasho ah iyo dal bilaa dad ah.

Iyo kuwo intaa ka sii badan ee aan laheen hab-maamuus qormeed iyo qancis bulshadeedaba.marabo in aan ku sii dheereedo suxufiga nuucaas eh iyo waxa uukusifoobay.sided u tarjumi karata qormadaas,sideena uga bogankarata macluumaadka ay ximbaarsantahay,durbaba waaxa kaa nixianaya halku-dhigeeda.

Lakiin waxaan rabaa in aan idin weydiiyo maxeey kula caadifad badanyihiiin suxufiga qurbojooga ah iyo kan dalkiisa jooga?

Waxaan kacadosanaa qofkasata ee akhriya qormadaan in uu isoosiiyo farqiga u dhaxeeya labadaas suxufi,anigoo uga gol leh in suxfiyiinta ku nool qurbaha aan ka dhadhamiyay in ay ka xamaasad badanyihiin kuwa joga dalkoda.waxaana taas idinkugu daliilinkaraa shabakda somalital.com,inta kujirta keydkeeda qormooyinka aan loo fiirsan,oo dhamaantooda suxufiiynta qoray qormooyinkaas ay yihiin qurbojoog.

Magarn sababta saxda ah ee suxufiiynta ugu sifoobeen qormooyinka nuucaas ah.lakiin waxaan dhihi lahaa waxa ay haleen jaanisyar oo ay madax lasoogalaan bahaweynta saxaafda ayagoo adeeksanaya aalda interntaka,waxaana aan dhihikaraa waxaa u sii fududeeyay shabkadaha soomaaliyeed.waxaan isbuuci lasoodhaafay oo kaliya aan akhriyay inkabadan 5qormooyin oo aan laheen hab-maamuus qormeed. 

Waxaan ku dardaarmilahaa

Suxufikatsa in uu iska xilqaamo qormadiisa iyo wararkiisa si aan ugu qancano waxa aad noosoo qoreesaan,qofkstana uu ogadaa in uu masuulkayahay wixii laraaciyay.shaqaadada suxufiyonimeed ogoow waa mid lagu raaciyay,xistaabteedna waa mid laguu xisaabindoono.yeysan idinkatan badinin caadifadiina ee noqda mid dhax-dhexaad u ah qormadiisa,si hadhoow uu idinkugu daysado kii rabay in uu qoro qormo caadifadeesan,waxaaan sii raacin lahaa waxaan u baahanhay in aan xoogaa soo yarabarano aasaaska suxufinimada si aan uga dhismano bilawga saxaafadeed.waana in uu qoraagu soo qoraa qormo u cuntamikarta akhristayaasha taas oo ay u dhanyihiin xarakaadkeeda iyo shaqaladeeda intaba.

Cayntakayare@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan....

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD