JSL : Saxalkii
Baxyoo Samaatay !!
Waad salaaman
tihiin saaxiibada Webka iyo Netka Somaliyeed.
Waxa aan ku
bilaabay magaca Ilaahay.
Afeef
: Waxa looga digayaa shabakadaha (
Websites ) ama saxaafadda madaxa bannaan
qaarkood in aanay af-duub ku samayn ama
aanay cabudhin ra'yiga xorta ah ee
dadwaynaha Somaliyeed oo aanay ka doonin in
ay soo qoraan wixii ay iyaka caadifadoodu
jecelshahay. Waa in aan cagta la saarin
dadaalka muwaadinka wanaagga iyo hor-u-marka
jecel ee waqtiga qaaliga ah u huray
wacyi-gelinta dadkiisa Somaliyeed iyo
dalalkiisa Somaliyeed. Waxa loo mahad
naqayaa inta qadarisa dadaalka muwaadinka ee
ra'yigiisa xalaasha ah soo daabacay ( Muruqa
laba suul ninba si ku ah ) !
Text
:
Lama odhan
karo waxa raagay ama daahay aqoonsiga (
ictiraafka ) buuxa JSL. Wixii raaga khayr
kaa ku jiraa. Maalinba maalinta ka danbaysa
waxa la gaadhay JSL bisayl iyo dulqaad
dhinacyada siyaasadda, bulshada iyo
caddaaladda. Waxa la korodhsaday khibrado
cusub iyo waayo aragnimo hor leh oo awal
hore maqnayd. Haddii ay jireen khaladaad la
galay waxa ay ahayd barasho. Qof wax
baranayo in uu wax khaldo waa lama huraan –
ama qof wax ma barto illaa uu wax khaldo.
Waqtiga, duruufta ku gadaaman,
dhaqaalo-xumida, burburkii iyo dagaaladii
soo jiitamay ee sokeeye waxa ay ahaayeen
sababta keentay in aan dhaqso loogu qancin
hor-u-mar laga gaadhay dhinacyo badan oo
qiimahooda leh baahida ballaadhan ee meesha
taalay awgeed. Waxa se jiray hor-u-mar xawli
ku socday JSL oo aanu qofka caadiga ahi
dareemi karin.
Waxa caado ah
in qofka wax sugayaa uu wax deg-degsado oo
uu sugitaanku yahay sidiisaba dilaah weyn.
Waqti dheer waxa ay ummadda JSL sugayeen in
ay soo ceshadaan ama ay la soo noqdaan is-maamulkooda
iyo madaxbannaani u gaar ah si ay uga
daba-tagaan dib-u-dhacii ay kala kulmeen
midnimo-ku-sheegtii aan cilmiyasneen iyo
taxaalufkii ama " is-dhexyaacii " ay kala
kulmeen, la galeen ama ay ku milmeen qorshe
la'aan Somalia 1960kii.
Waxa jira wax
shar la moodo oo khayr kuu ah iyo wax khayr
la moodo oo shar kuu ah. Aqoonsiga JSL oo
goor hore yimaad waxa hubaal ah in lagala
kulmi lahaa dhibaatooyin. Ugu yaraan waxa
meesha ka bixi lahaa sabirka, ka-dhur-suggidda
iyo naawilaadda habrashada wax walbo lagu
dhaafay baxnaanada aqoonsi la'aanta oo ahayd
caamil ( factor ) wax weyn ka taray nabadda
iyo deganaanshaha oo haddii uu aqoonsi jiri
lahaa aan sidaas la isugu dul-qaateen.
Mar kasta oo
uu sii raago aqoonsiga JSL waxa la sii
gaadhay bisayl, hanasho, kasbasho iyo
hayyinimo aan buubaal lahayn. Waayo wixii
ààd loogu xiiso qabo waa lala dar-jiidhaa.
Sidaas darteed waxa haboon in uu yimaad
aqoonsiga JSL goor laga xiiso dhacay oo ay
wax waliba hortii qabsoomeen sida hor-u-mar
dabiici ah oo ka dhashay gacmaha dadweynaha
dalka JSL. Dimoqraadiyad muudh-muudhay oo
wadani ah ( local self-made democracy ) iyo
isku-filnaasho asal ma guurto ah oo ka dheer
wax la macmalay ama la soo tuugsaday oo
toobal-caaro ah.
Dhowr iyo
tobankii sanadood ee ay JSL la soo noqotay
gooni-isu-taaga ee ay ku sugnayd aqoonsi
la'aanta waxa ay goysay mushwaar geedi dheer
leh oo aan la qiyaasi karin dhinaca keli is-kaabidda
oo aan la gooyeen haddii uu aqoonsi jiri
lahaa. Aqoonsi la'aantu waxa uu badbaadiyay
waxyaalo badan oo khald u dhici lahaa kana
bilaabmi lahaa goolaaftan, damac, qab iyo
aniga ayaa xukumaya oo ku haboon. Kelmaddii
shaydaanka ( ANIGA ) ee iblays lagu dayriyay
iyo wax la mid ah ayaa shaqo noqon lahayd
iyada oo garoon cidla' ah la iskula baxi
lahaa sida Somalia. Wax walba waxa lagu
dhaafay oo la xeeriyay aqoonsi la'aanta iyo
himiladii halganka.
Waxa ah wax
Ilaahay loogu mahad naqo guulaha is-daba
joogga ah, xil kala wareejinta madaxnima iyo
doorashooyinka xalaasha ah ee ceeb ka
saliimka ah ee uu dadwayne wax ku soo
dooranayay. Waxa aan jirin wax loo dhigo
dadaalka dheeraadka ah ee la rabo in laga
gaadho wax walba sida ugu wanaagsan ee ug
quruxda badan ( the best of all ). Haddii ay
tahay maamulka, doorashooyinka,
dimoqraadiyadda, arrimaha bulshada,
caddaaladda iyo hor-u-marka dhaqaalaha iyo
hanashada hoyga nolosha ee nabadgelyada.
Qofka
dhegaysta ama u dhabba gala qaabka loo
doodayo, loo munaaqashoonayo ama looga
murmayo arrimaha ku saabsan wax-qabadka
dalka JSL ee dimoqraadiyadda ku salaysan
dhinacayada kala duwan, waxa uu dareemayaa
aqoonta, ilbaxnimada, bisaylka iyo garaadka
kobcay hanashada dawladnimo xattaa haddii
maanta lagu dhawaaqo ictiraafka JSL ka dib
doorashada golaha wakiilada waa mid loo
diyaar yahay oo aan laga yaabin in ay
dhibaato keento. Ictiraafka JSL waxa uu
lahaa labo dhinac oo mindi laba aflay ah. "
Gar ama Gurrac " - " Salbi ama Ijaabi ".
Negative or Posative. Waxa hadhay waxyaalo
yar-yar ah oo ay ka mid yihiin dhinaca
anxasha, asluubta oo la is-waafajiyo
calaamadda calanka ( Tawxiidka ) iyo camalka
lagu hoos hayo. Waxa hadhay aayo ka talinta
oo dhug weyn loo yeesho. Waxa hadhay
xaq-soorka sinaanta dadka laga tirada badan
yahay. Waxa hadhay mas'uuliyiinta oo
garwaaqsada xilka ay ummadda u qaadeen oo
aan dheeldheel la gelin ee sida uu yahay
looga soo baxo xilka ay qaadeen.
Sifaha
Ictiraafka:
Ictiraafka
macnahiisu ma aha wax meel laga soo qaadayo
ama wax warqad la isugu qorayo ee waa wada
shaqayn buuxda oo laga helo beesha caalamka
gud ahaan. Mantana JSL waxa ay hayaan in ku
filan dawlado ay wada shaqeeyaan iyo
dukumantiga JSL oo laga ogol yahay in lala
macaamilo iyada oo aan Somalia wax looga
waydiin.
Mahad baa
Ilaahay u sugnaatay. Ammaan baa shacbiga JSL
u sugnaatay. Sharaf baa Madaxda dawladda iyo
axsaabta siyaasadda JSL u sugnaatay Somaliya
na duco iyo ku dayasho ayaa u sugnaatay.
J.Jabuuti ammaan iyo abaal-gud baa u
sugnaaday. Itoobiya jaarnimo wanaagsan iyo
xidhiidh sokeeye baa u sugnaaday. Geeska
Afrika wanaag iyo waah cusub baa u sugnaaday.
Ubadkeenna dhaxal iyo aayatiin mustaqbal leh
baa u sugnaaday. Anigana farxad iyo
rayn-rayn baa ii sugnaatay ( Wa Al-xamdu
Lilaah ).
Jumhuuriyadda
Somaliland : Saxalkii baxyoo samaatay (
Inshaa Allaah ) !
Wa Allaahu Al-Muwafaq.