Kornayl
Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Doontii
Caddaalad Darrada
Mohamed Sheekh Hersi
xumbul@hotmail.com
Munaasabada
sannadkaan aannu ku xusayno marxuum Suldaan
Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Hurre), waxaannu
ugu dabbaaldegaynaa labo
mowduuc oo kala ah:
1.
Xukunkii Maxkamadda Sare ee London ee 14 Maarso
2005 oo aannu uga guulaysannay kornaylka ka dib
markii uu ka dhuuntay dacwaduna ay soo martay 3
darajo iyadoo haddana aannu jawaab ka sugayno
Maxkamadda Adduunka ee Dembiyada (International
Criminal Court of Justice), iyo
2.
Ujeeddadii shariifka ahayd ee ay u dhinteen
marxuum Suldaan Axmed Hurre iyo geesiyaal kale
ee Soomaaliyeed oo naftooda u huray la
dagaallanka dagaal oogeyaasha.
Maxaannu u
doorannay in aannu u dabbaaldegno 2dan mowduuc?
Sannado badan oo
la soo dhaafay ayay dadka Soomaaliyeed ka
quusteen in ay helaan caddaalad marka ay la
kulmaan xadgudub loo gaystey naftooda,
hantidooda iyo eheladooda. Muddadaas murugada
badan oo ka soo bilaabatay 1969 oo Soomaaliya ay
u gacan gashay xukun millatary ilaa maanta oo ay
Ummadda Soomaaliyeed la hayste u tahay
dhiig-quuteyaal arxan daran wuxuu dalku ku
sugan yahay fawdo, kala jajab iyo dawlad la’aan.
Laga soo bilaabo bishii Oktoobar 1969 ilaa
maanta waxaa ka sii daraya ammaanka muwaaddinka
caadiga ah waxaana nuxur beelay eraygii
caddaaladda oo hadda nasiib darro ka sii baxaya
qaamuuska Af Soomaaliga. Maadaama uusan ka
jirin garsoor madax bannaan, Soomaaliya kama soo
bixin xukun maxkamadeed oo u dhacay si caddaalad
ah marka laga reebo kiisas madani ah oo an
waxtar gaar ah u lahayn kooxaha ku amar
ku-taagleeya dalka ayadoo ay boqollaal ka badan
yihiin dadka la laayey, la jir-diley, la
ciqaabay, la xirxiray. Ilaa waqtigaas waxaa
Soomaaliya qaanuun ama xeer ka ha
keli- taliyaha ama dagaal-oogaha dhiigyacabka ah
sidaas darteed, waxaa nasiib darro ah in ilaa
hadda aan maxkamad Soomaaliya ku taal la hor
keenin dhagar-qabeyaasha iyagu ka mas’uulka ah
musiibooyinka leh naf, maal iyo burbur oo ku
habsadey Soomaaliya 35kii sano oo la soo dhaafay
kuwaasoo noqday lama taabtaan. Hadda waxayba u
egtahay in bulshada caalamku ay bahalladaas ku
dallacsiisay halaaggii ay u gaysteen dadka iyo
dalka Soomaaliya ka dib markii bishii Oktoobar
ee 2004 lagu soo dhisay dawlad ku sheeg lagu
magacaabay “federaal ku meelgaar ah” halkaana
loogu aqoonsaday madaxda iyo siyaasiyiinta
Soomaaliya (unfortunately, with the formation of
the so called “interim federal government” set
up in Nairobi, Kenya on Oktober 2004, the brutal
warlords have now been awarded immunity and
impunity by the international community and have
been promoted to become the sole authority and
political leaders of Somalia).
Waa nasiib darro
weyn in ad kiis dacwo ah ula carartid dal
shisheeye sababtoo ah in adan caddaalad ka heli
karin dalkaaga hase yeeshee waa fursad qaali in
cidii ay u suurtowdo ay caddaalad u doontaan
meel kasta oo ay ka heli karto. Su’aasha mudan
in aynu is waydiino waxay tahay, immisa kiis
ayaa suurto gal noqon karta in fursad loogu helo
in dacwadooda laga furo dibedda Somalia?
Waxaannu filaynaa in ay cid waliba garan karto
in ay tahay fursad aysan ka faa’iidaysan karin
99.99% dadkeennu xadgudubyada ka dhaca dalkeenna
ayagoo aad u adag shuruudaha suurtogalka ka
dhigaya in dembi ka dhacay Somalia dacwadiisa
laga furo dalalka ay maxkamadahoodu madaxa
bannaan yihiin.
Si kastaba ha
ahaatee, walow ay guusha laga gaaro dacwo laga
furo maxkamadaha dibedda uu yahay mid lagu farxo,
haddana waa farxad an u dhigmin haddii uu
xukunkaasi ka dhici lahaa Somalia markaana uu
saamayn toos ah ku yeelan lahaa dhammaan qaybaha
bulshada dalka iyo kalsooni ah inuu shaqeeyo
qaanuunkeennu. Haddii laga eego dhan kale,
wuxuu xukunka dalalka shisheeye sii kordhinayaa
uur-ku-taallada muwaaddinka oo ah in aynnu
maxkamadaha dalalka dibedda ka helno caddaalad
aynnu ka wayno dalkeenna.
Haddaba, xaaladda
kor ku sawirani waa midda aannu sannadkan ugu
dabbaaldegayno kiiskii Suldaan Axmed Hurre
kaasoo kulminaya farxad iyo murugo sida kor ku
xusan.
Waa maxay
miisaanka iyo faa’iidada uu kiiskani u soo
hooyey guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed?
Jawaabta
su’aashaani waa sidaan: Maaha in lagu guulaystey
oo kaliya kiiska marxuum Suldaan Hurre hase
yeeshee waxaa nasiib wanaag la socota in uu
kiisku dhalay in markii taariikhda ugu horraysey
maxkamad xor ah la hor kenay loogana guulaystey
dagaal ooge Soomaaliyeed kaasoo ah kornayl
Cabdullaahi Yuusuf Axmed ka dib markii
Maxkamadda Sare ee London ee dadka Ingiriisku ay
14/03/2005kii ku caddaysay inuu mas’uul ka ahaa
fal-dambiyeedkii lagu diley Suldaan Axmed
“Hurre” Tuulada Kala-Bayr ee Gobolka Nugaal
17kii Agoosto 2002kii.
Musiibadaas
ku habsatey dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaa
ka mas’uul ah shakhsiyaad
xukunka siyaasadeed u qaatay qaab
foorarta (upside down approach of political
gain) laga soo bilaabo 1969kii. Laga soo
bilaabo waqtigaas waxaa noqday wax marka la
maqlo laga argagaxo magacyadii caadiga ahaa ee
loo yiqiin darajooyinka dawladda sida:
madaxweyne, ku xigeen, wasiir, janan, sarkaal,
askari iwm. Sidoo kale waxaa baxay magacyo kale
oo ku salaysan cadaadis iyo gooddin (handadaad)
oo iyagana laga naxo marka la maqlo. Waxaa
kuwaan ka mid ah: qabqable dagaal, hoggaamiye
kooxeed, dagaal ooge miliishiya, miliishiya
beeleed, mujaahid xaq u dirir iyo kuwo la mid
ah. 1969 waxaa nuxur beelay oo aysan dadweynaha
Soomaaliyeed ku qabin kalsooni erayada sida:
dawlad, xukuumad, maxkamad, baarlamaan.
Dagaal-oogayaashu
waxay adeegsadaan cudurka qabiilka oo ay nasiib
darro u nugushahay bulshada Soomaaliyeed
marmarka qaarkoodna waxay adeegsadaan wax ay ugu
yeeraan is bahaysi. Qaabka hore waa iyagoo
caqliga ka xada dadkeenna kuwa u garaadka iyo
aqoonta yar oo ku raacay caaddifad habar-wacasho.
Qaabka 2aad waa marka ay ku hungoobaan in ay
yoolkooda ku gaaraan habar-wacashada qabiilka
markaasoo ay isugu biiraan isbahaysi ayagoo ku
midooba kooxo huwan ah si ay u sii joogteeyaan
cadaadiska dadka Soomaaliyeed iyo ku xadgudubka
xuquuqul insaanka ee xad kasta dhaafay. Waxaa
kooxahaan shaydaan tusaale u ah: SNA, SRRC,
DOOXADA JUBBA, G8, iyo kuwo
kale. Waxaa baxay magacyo laga argagaxo
ee kooxaha dadka u ciqaaba qabqablayaasha
dagaalka waxaana ka mid ahaa ama ka mid ah
magacyadaas: NSS (Nabad Sugid), hangash, wardoon,
dhabar-jebin, dabagal, guulwade, Maxkamaddii
Badbaadada, XHKS(Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka
Soomaaliyeed), xoghaye xisbi, kaadir (waqtigii
xukunkii askarta); iyo mooryaan, jirri, day-day,
miliishiya, isbahaysi, hoggaamiye kooxeed, iwm
(ka dib 1990).
Ma jireen
waayadaas dad Soomaaliyeed ee ka hor yimid
dagaal-oogeyaasha doonayey inay damacooda waalan
ku haystaan ama ku kasbadaan xukunka Soomaaliya?
Jawaabtu waa
HAA shakina noogama jiro in ay nala qabto
dhammaan ummadda Soomaaliyeed marka laga reebo
dagaal oogeyaasha iyo inta u adeegta.
Sannadahaas
murugada badan waxaa jirey dad iyagu goostay in
aysan isu dhiibin dagaal oogayaasha/ama xukun
boobayaasha caadeystey in ay jidgooyo u dhigtaan
siyaasadda, dhaqaalaha iyo sharafta dadka
Soomaaliya, naftoodana u huray ku mintididda
doonista caddaaladda.
Dadkaas inooga
dhintay sharafta halka laguma soo koobi karo ama
maba jirto cid ka haysa tirokoob sax ah maadaama
ay qaarkood ku shihiideen xaalado dahsoon.
Boqollaal ayaa ku geeriyootey xabsiyo ciqaabeed,
boqollal kale dalkaba way isaga dalaabeen, qaar
kale oo badani way la aamuseen uur-ku
taalladooda cabsi darteed, qaar kale waxay isu
dhiibeen kooxihii cadaadinayey. Shilalkaas
naxdinta badani waxay u dhacayeen si isdabajoog
ah ayagoo ka sii darayey laga soo bilaabo
waqtigii xukunkii askartu bilowday 1969 ilaa
maanta.
Haddii an isku
dayno dadka iyagu naftoodii ku waayey, kuwo
xabsi muddo dheer oo takoor ah u galay iyo kuwo
badan oo loo gumaaday si toos ah ama si dadban
iyagoo an waxba galabsan, waxaan tusaale ahaan
xusaynaa kuwa soo socda:
A.
Xukuumaddii askarta oo uu hoggaamiyaha u ahaa
marxuum Janan Maxamed Siyaad Barre waxay dilal
badan oo toogasho sharci darro ah ku fulisey dad
xubno ka ahaa isla taliskaas sannadihii
70neeyadii kuwaas oo an ka xusi karno:
1.
Janan Caynaanshe, Janan Salaad Gabayre iyo G/Sare
C/qaadir Dheel kuwaasoo lagu eedeeyey in ay
majaxaabinayeen xukuumaddii ay ka tirsanaayeen.
2.
Xabsi siyaasadeed oo takoor ah oo ay ku raageen
dad aan waxba galabsan kuwaasoo aan ka xusi karo:
a.
Sheikh Maxamed Macallin
b.
Sheikh Cabdiqani Sheikh Axmed
c.
Janan Cabdullaahi Faarax Hoolif
d.
Janan Maxamed Abshir Muuse
e.
iyo
dad kale oo badan
3.
11
Wadaad oo lagu eedeeyey in ay ka horyimaadeen
Xeerkii Qoyska oo jideynayey in ay ragga iyo
dumarku leeyihiin xuquuq siman.
4.
17
dhallinyaro ah oo isku subax la toogtey iyagoo
lagu eedeeyey in ay afgambiyayeen xukunkii
askarta
Marxuumiinta ku
xusan lambarrada: 1, 3 iyo 4 oo tiradoodu dhan
tahay 31waxaa lagu wada toogtey “kawaankii dadka”
(fagaarihii Dugsigii Booliska ee koofurta
Muqdisho).
5.
Muddadii u dhaxaysey 1970 ilaa 1990kii waxaa
Soomaaliya ka dhacday ku xad gudub xuquul
insaanka oo an la soo koobi karin oo isugu jirey
dil iyo xarig sannado badan oon waligood la
keenin maxkamad. Dad badan ayaa ku geeriyoodey
xabsiyadii ciqaabta.
6.
Hargeysa oo si waxshinnimo ah loogu duqeeyey
diyaarado; layntii iyo xirxiriddii ardaydii
Burco; burburintii tuulooyinka iyo ceelasha
biyaha (barkado) ee Gobollada:
i.
Mudug: dadkii lagu xasuuqay tuulooyinka iyo
ceelasha Beer-Dhagaxtuur, iyo Roox),
ii.
Galguduud: 30 barkadood oo lagu burburiyey
agagaarka Dhuusa-mareeb
iii.
Nugaal: burburin iyo gubitaankii guryo iyo
barkado biyo ee Tuulo-Jalam.
7.
Raggii ay tiradoodu gaaraysey 50meeye oo lagu
xasuuqay xeebta Jasiira ee u dhow Muqdisho waa
wax xusuus waarta oo murugo leh inagu reebaya.
(cudurdaar:
fadlan akhristow nagu saacid haddii aad ogtahay
dad kale oo mudan in boggaan oo kale lagu xusi
karo oo aanan sheegin, mahadsanid)
B.
Laga
soo bilaabo 1991kii waa ay xad beeshay in laga
hadlo ku xadgudubka xuquuquda aadanaha ee ka
dhacay Soomaaliya haba u sii bateen Koofurta
dalka. Ka dib markii Xamar oo ahaa Caasimaddii
Soomaaliya laga saaray kaligi taliye Maxamed
Siyaad Barre, waxaa goobo badan oo dalka ka mid
ah ka dhacay xasuuq dad shacab ah oo an waxba
galabsan kuwaasoo loo laynayey oo kali ah
qabiilka ama beesha ay ka soo jeedaan. Goobaha
ugu darnaa waxaa ka mid ah Muqdisho iyo
agagaarkiisa, nawaaxiga Kismaayo, Baydhabo,
Gobolka Gedo gaar ahaan Luuq iyo Beled Xaayo,
Gaalkacyo iyo meelo kale.
Waxaa iyaduna
xusuus murugo badan inagu reebaya niman
tiradoodu kor u dhaaftay 100 oo isku mar lagu
gumaaday 17kii Maarso 1991kii, Dugsiga Sare ee
lagu magacaabo Maxamuud Axmed Cali ee ku yaal
waqooyiga Muqdisho raggaasoo ahaa kuwo aan waxba
galabsan kana koobnaa carruur, cirroole iyo
culimmo. Dilkaas waxshinnimada ah waxaa fuliyey
dabley ka tirsanayd kooxdii USC ee iyagu Xamar
ka saaray Maxamed Siyaad Barre gacantana ku
hayey magaalada waqtigaas. Maqaal aannu dhowr
bilood ka hor ka qornay mowduucaan waxaannu ku
soo jeedinnay in aan hadda ka dib Dugsigaan
waxba lagu baran ardayna an la keenin hase
yeeshee gebi ahaanba la xiro iyadoo lagu
xurmaynayo marxuumiintaas oo wali ku duugan
deydka isla dugsiga.
Xasuuqa shacabka
caadiga ah ka sokow, waxay dagaal oogayaashu
inaga ugaarsadaan shakhsiyaadka ugu qiimaha
badan bulshadeenna sida aqoonyahannada iyo
hoggaan dhaqameedyada gaar ahaan kuwa ka
horyimaada kali talisnimada qab-qablayaasha.
Geesiyaasha badan
oo inooga dhintay amarka iyo afcaasha gurracan
ee nimankaas hororoka ah laga soo bilaabo
burburkii Qarankii Soomaaliya waxaa ka mid ah
kuwa soo socda oo naftooda u huray Ummadda
Soomaaliyeed kuna adkaystay waxa ay aamminsan
yihiin. Geesiyaashu way inaga dhuunteen hase
yeeshee waxaa nool oo inala jooga waxtarkii ama
dhaxalkii qaaliga ahaa oo ay inooga tageen ee
hadda ah hub ay geesiyaasha nooli kula
dagaallamaan shayaadiinta.
Halyeyadaas oo aan
halkan lagu soo koobi karin waxaynu tusaale
ahaan ka soo qaadanaynaa:
Magaca
Goobta lagu diley
Taar.la diley
-
Suldaan Axmed
Maxamuud lagu diley
Kala-Bayr, 17/8/02
-
Faarax Dheere
lagu diley Puntland
/8/2002
-
Eng. Max’ud
Cali Axmed (Elman) lagu
diley Muqdishu 9/3/96
-
Cabdulqaadir
Xaaji Yaxye
lagu diley Muqdishu 11/7/05
Suldaan Hurre
Human Rights Focus (SHHRF) waxay si kulul u
diiddan , u dhaleecaynaysaa ugana soo
horjeeddaa:
1.
dil,
cabburin iyo cadaadis siyaasadeed nooc uu
noqdaba
2.
in
xoog, danaysi indhala’, cabsi galin iyo xabbad
caaraddeed lagu doono ama lagu kasbado awood
siyaasadeed
3.
in
qof kasta la ixtiraamo ra’yigiisa khilaaf
kastana lagu dhammeeyo wada hadal, sulux iyo
adeegsi maxkamado madaxbannaan meel kasta oo
suurto gal ah halkii la adeegsan lahaa xoog iyo
xabbad.
Waxaannu u
mahadcelinaynaa Allaha wayn iyo asaxaabtii nala
wadey hawlihii maxkamadda iyo shirarkii aannu
markasta ku soo bandhigayney guulaha aannu ka
gaarney kiiska Suldaan Axmed Hurre, kuwaasoo
markasta noola diyaar ahaa talooyinka iyo
dhiirrigelinta walina uga baahan nahay.