SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Dhanbaal Khuseeya Waxgaradka Beesha Madaxweynaha

Bashir Dirie
bdirie@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh ,nabigeenaa suubanaa muxamed(csw)nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha'ahaato.

Qoraalkaygaan maanta waxuu noqon doonaa dhanbaal aan si toosa ugula hadlayo guud ahaan waxgaradka soomaaliyeed gaar ahaan haybta uu madaxweynahu ka soo jeedo intooda ehelka u 'ah garashada ,dib u'heshiisiinta ,tanaasulka,isla markaana qiimayn buuxda ku samayn karta xaaladaha soo socda khatartooda.

Awalan aan fasiraad ka bixiyo sababta aan u doortay inaan si toosa ula hadlo haybtaa madaxweynaha iyo macnaha ay samaynayso inaan ayaga si gooniya u xuso, madaxweynahu waxuu ka soo jeedaa haybtiina waaana hogaanka ugu sareeya wadanka, waxaana muuqata in lays mari la'yahay oo si ba'an loo kala qayb sanyahay, marka waxaa ii soo baxay in xaaladdu aysan ahayn mid wanaag soo wadata , taa weeye mida igu tiri nin yahow bal aragtidaada hadal oo waliba si toosa ula hadal madaxweynaha qoladiisa oo waxaad ku tiraahdaa     miyeeydnaan arkayn sida wax inooga qariban yahiin oo waliba layskugu dhaaranayo, sidaa walaalayaaloow dib-uheshiisiin ma noqon kartaa?sidaa malagu dhihi karaa alaylahee dawlad baa hawl inoogu maqan?..

marka aan sidaa leeyahay waxaa hadaladaa idinla qaybsanaya kuwa kale oo aan ahayn haybtiina laakiin waxaan adinka idinku falilay waa hogaankaa madaxweyne abdulaahi oo runtii sidii laga filayey ka hooseeya, waana suurta gal inaad ra'yigaa igu diidan tahiin ama ay si xooga idiinku badan tahay la jeclaanta hogaanka uu hayo waxaana la yirahdaa ''qofka aad hogaamintiisa jeceshahay hadaanad qaladaadkiisa arki karin lama jirtid.

Walaalayaal ma waxaad u'aragtaan dawladnimo in madaxweynahu yiraahdo ciidamada qaranku waa buthland oo kaliya ama waxaa la hawl galaya kuwa kale oo ayagana ku jeel ah ,ciidamadaasna ay soo maraan xaduudka xabashida ayagoo ka wareeganaya qaybta soke ee mudug iyo g/gaduud,teetana sidaa feer feer ay ku yimaadaan una  soo gudbaan hiiraan ilaa ay jawhar ka yimaadaan ama muqdisho. markaana taladu faraha ka baxdo, ma 'umalaynayo ilaa xadkaa inaad raali uga tahiin arimaha sida loo maareeynayo,ma garanayo sida qiilka ad ugu helaysaan  in madaxweynahu marna yirahdo ciidamadii xabashida waan ka tanaasulay laakiin ciidamadaydu dhulka  xabashida sideey doonaan beey u dhax mari karaan ,anigana madaxweynahii jamhuuriyadan ahay xataa waan booqan karaa xeryaha xabashida sida godeey, qabridahar iyo hadaan doono  waxaan la shiri karaa sarakiil garadda yar leh waxeeyna igu qaabili karaan meel kasta oo dhulka xabashida ka tirsan

Shacabka reer hiiraan kulama hadlayo b/weyne waa in ay iigu yimadaan mustaxiil iyo buur cukur anigu dooni mayo buuq waa inaad ogolaataan ciidamadaan in ay u soo gudbaan jawhar ama aad u'ogolataan ceelgaal in ay degaan maxaa yeelay feer feer malaha ceelal biyood ciidankana halkaa haraad beey ugu asqoobayaan.

walaalayaal madaxweynahu maaha in uu ku fikiro maquunin hadeey isla jaan qadi wayeen saaxiibadiisii kugula jiray xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay, dadka soomaliyeed ma xamili karo dagaal kale oo macnelaawe intaa ka badana kama go'do shacabka soomaliyeed hadiise aynaan isla garan khatarta muuqata waa ayaan daro weyn.

Waxaan hubaa in dhamaanteen aan isku ceeboownay magaceeniina si aada ciida u yaalo markii aan is niraahnio waxbaa inoo dhismayba waxaad moodaa in taladu sii fogaanayso ,waxaan is leeyahay waxa an isku dilayno maba aha wax gacantayada  ku jira, lakiin waxa kaliya oo ay indhahayagu  arkayaan nin markaa la yiri madaxweynaa tahay oo kuwa ku haybtaana ay u haystaan kuligood madaxweynayaal kuwa kalana  ay iska dhigan in la dhacay ,waxaana arintaa sidaa u fasiraya markuu madaxweyne cabdul qaasim salaad hogaanka loo dhiibay sidii uu muujiyey madaxweynahan hadda ee cabdulahi yuusuf waa adinkii dhagaystay hadaladii qarniga ugu macnaha xumaa ,waxaana cajiib ahaa sidiii uu madaxweyne qaasim uusan u noqon nin ka ficil qaata oo uu yiri ninka joog iyo jiifba u diiday umadaan soow maahid waa kanee hano.

Hooyo Soomaaliyeed oo Indhaha beeshay oo idinka codsanaysa Kaalmo dag dag ah. Guji...

Hadduu cabdulahi ninkaa yahay oo uusan garan macnaha madaxweyne iyo waxa la gudboon waa ayo cidda laga sugayo in ay dhawrto darajadaa ,yaa u diidaya qolyahan kalana in ay taagtiik kale oo fajac ku abuura damaca abdulahi  ay la yimadaan oo ay dhacdo waxii hore been mas'uuliyadaa yaa qaadanaya (ilaah baan ka magan galnaye ).

Waxaan si gooniya ula hadlayaa madaxweyne gobaleedka buthland cadde muuse oo aan oran lahaa shalay markaad caro isaaq ka soo dagaalamaysay miyaad iloowday, waloow aad amaanteeda leedahay go'ankii geesinimada lahaa oo aad ku gaarawsatay in aanu ehelku isku dhamaan, taariikhdaana waad ku sharfantahay,waxaase cajiiba mudane cadde ciidamada aad adigu madaxweynaha ka tahay sideed ugu ogolaatay cabdulaahi asagoon ciidamadii kale ee qaybaha soomaalida isku keenin ,sideed khaladkaa ugu bareertay ,waxaad mudane ii sheegtaa magaca ay qaadanayaan ciidamadaan buthland ee feerfeer fadhiya oo aan cid kale wehelin ,runtii ma garan cid garan kartana u malayn maayo in ay jirto, magaca keliya ee loogu yeeri karo waa  ciidamada majeerteenka ama hartiga inta laga helayo ciidamo isku dhafan oo laysku raacsan yahay oo soomaaliyeed .

Aad baan uga xumahay in walaalayaal qaarkiin iska dhadhiciyaan in arintaa qaawan oo aan wadan saadaal wanaagsan, hadii aad sidaa iskuugu aadisaan qayb ka mida mudulood inaad sidaa dawladnimadii ku hanan kartaan waana filin ay liidato jilidiisu ,mana aha filin cusub ee waa filin jilidiisu si aada u soo noq noqoto,waana middaa midda maanta uu cabdulaahi ku joogo jowhar.

Waxan hadalkaygaan ku soo gaabinayaa walaalaha aan mgacooda qoraalkaygaan kula hadlayoow wali waxaan haysanaa waqti aan ku sixi karno inaan isla ogolaano inaynaan mar kale isku ceeboobin waxaana hubaa sidaan inaanu nina mahadin doonin ,ilaaheey beey tiisa tahaye celiya colka cidihiinaa inta aan wada helayno ciidan qaran oo dhamaystiran .wabilaahi tawfiikh

Bashir Dirie
bdirie@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD