SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Wargayskii "Dalka" ee ku Hadala Afka Dawladda oo Hormuud u noqday ku xadgudubka Xuquuqda Qoraalda iyo Wararka

FAALLADA TODDOBAADKA:::

Cabdi Xasan /Muqdisho
abdi172@hotmail.com

 
Maanta waxaa shaaracyada magaalada Muqdisho lagu qaybinayay Joornaalka "Dalka" ee ku hadla afka dawladda gaar ahaan dhinaca Madexweyne Cabdillaahi Yuusuf, iyadoo uu ahaa bilaash oo aan lagu waydiinayn wax lacag ah. Haddaba mar aan isha la raacay ayaan waxaan garowsaday in uu ka Gedisan yahay Joornaalada kale oo xagga daabacaadda uu ka tayo roonyahay wargaysyada qaarkood, maadaama lagu soo daabacay wadanka aynu dariska nahay ee Kenya. Wargayska Dalka oo aan nagu cusbayn oo dawladihii ragaaday ee tii Cali Mahdi iyo tii Cabdi qaasim uu mid waliba intuu rafanayay dadka kaga gadi jiray fikradaha uu wato; markii Dambena la nuxuusayay si libdhidka dawladahaas aan sii shaqayn.
 
Wargayska Maanta lagu soo daadshay magaaladan Muqdisho waxuu kuwii hore uga gedisan yahay isagoo si xad dhaaf ah u bililqaystay Qoraalada iyo Sawirada lagu soo bandhigo Shaashadda Internetka gaar ahaan kuwa ku hadla soomaaliga. Waxaa kaaga sii darrane Wargayska oo xitaa aan xusin meelaha uu kasoo xigtay amase uu warka kasoo qaatay, ayadoo qoraalada qaarkood aad ku arkaysid warkii oo sidii uu ugu jiray websityada lagu soo qoray wargayska lagana tagay uun magacii Netka amase wariyihii soo tabiyay.

Hore Wargayska Dalka waxuu  lahaan jiray tafatire iyo wariyaal haba yaraadeene warka u qora, laakiin maanta waxaa ka dhadhansan kartaa Joornaal uu soo daabacay hal qof oo ka tirsan xukuumadda, balse aan fahamsanayn cawaaqib xumada ay leedahay Minguurintu, ayna yarayn karto kasbashada dadka  daalacanaya, waayo maanta soomaalida badankeedu waxay si toosa ula socdaan wararka, Maqaalada iyo sawirada ku soo baxa ilaha Websityada iyo Netka.

Ku dheeraan mayno Xuquuqda qoraalada oo mahade haka gaadhee waxaa si cilmiyaysan oo faahfaahsan noogu soo bandhigay Inj. Maxamed Cali Aden  oo ilaa 2003 aanu ka daalcanaynay linkiga  Somalitalk www.SomaliTalk.com/copyright , Waxaase la yiri Geel waayeelkiisu durdurinayo maxaad ka filin Aarankiisa. Dawaladdu waa inay tusaale u noqota carbinta iyo toosinta habsimi u socodka Qoraalada iyo saxaafadda kana digtoonaataa Bililiqaysiga dad kale qoraaladood, kuna dhiirigelisaa dhalinta hadda u jeesatay wax qoridda iyo wariyinimada sidii loogu abuuri lahaa barnaamijyo tababareed oo aan ku dhisnayn dhan u xaglinta kana dheeraadaan ku xadgudubka xuquuqda qoraalada iyo wararka, balse haddii la noqdo waxaan jeclahayna dadka waan ka gadin waxaan doonana dadka kale qoraaladooda iyo wararkooda waa bililiqaysan natiijadeedu waa uun hal bacaad lagu lisay oo halkii Warfaafineed waxay usi bedelin been faafin iyo natiijo la'aan. 

 
Cabdi Xasan /Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2005

###


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD