SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TALO WADAAG LA'AANTA C/LAAHI YUUSUF IYO XAALADA SOOMAALIYA 

  Waxay ahayd 2002 dii markii dowlada Kenya ay shir dib u heshiisiin ah ay soomaaliya uga furtay Nairobi taasoo Kenya iyo caalamk oo dhan ay rabeen inay soomaaliya dowlad loo dhiso is ay mar labaad u noqoto dowlad shaqeys oo caalamka wax la qaybsata. 

  Hadaba shirkaas dib u heshiisiinta soomaaliya waxa  gogol dhig u ahaa sidii nabad galyo loogu soo dabaali lahaa dalka waqtigaa xaalada soomaaliya waxay ku jirtey nabad galyo la'aan ku baahdey dalka gaar ahaan moqdisho waxaana wakhtigaa jirey hogaamiyayaal aan cidna ka amar qaadan hadaba xaalada maanta ka jirta soomaaliya kama wanaagsana tii 2002 waxaynu odhan karnaa waxaa soo baxay wax yaabo ka adag xaaladihii hore.  

  Shirkii dib u heshiisiinta soomaaliya waxay ujeedadiisu ahayd in soomaalidu yeelato mowqif qudha oo ay  isu sameeyaan tanaasulaad si loo abuuro dowlad ku midho dhal leh oo lagu aflaxo taasoo hadii ay soomalidu yeeshaan isu duubni iyo wada tashi wadaaga waxa cad in soomaaliya ay yeelan karto dowlad.

  Shirkaas dub uheshiisiinta waxaa ka soo qeyb galay dadka loo yaqaano hogaamiyo kooxeedyo kuwaa soo ah nimanka aadka loo daneyneyey inay kasoo qayb galaan shirka nasiib wanaag waxaa kasoo qeyb galay hogaamiyeyaal badan taasoo aynu odhan karno wey ku mahadsanyihiin shirkaasna waxa mowqifkoodii kasoo tanaasulay hogaamiyayaal badan oo maanta ka mid ah dowlada ku meel gaadhka ah ee soomaaliya. 

   hadaba waxa is weydiin mudan c/laahi yuusuf inuu ka tanaasuley mowqifkiisii hogaamiye kooxeednimo ee uu mar ahaa, c/laahi yuusuf waxaa loo doortay madaxweyne si uu dalka uga baxo dhibaatada haysata waxaana u codeeyey rag badan oo ay iska soo horjeedeen waqtigii ay ahaayeen hogaamiyeyaal aan cidna ka amar qaadan iyagoo dhawraya midnimada soomaaliya.

Hadaba waxa cad in madaxweyne c/laahi yuusuf weli aanu lahayn siyaasad furfuran oo cidwalba ay isu fahmi karaan taasoo ah maadaama uu yahay madaxwenihii soomaaliya inuu yeesho dhibirsanaan iyo wada tashi wacan aqbalana fikradaha iyo talada lala ag fadhiyo,sidoo kale qiimayn weyn siiyo dareenka shacbiga soomaaliya. 

  Waxaynu ognahay in markii ay dadka soomaalidu maqleen in dalka la keenayo ciidamo shisheeye ah ay sameeyeen mudaharaadyo ay ku diidan yihiin ciidamadaasi sidoo kale rag badan oo kamida golaha wasiirada iyo xilkdhibaanaduba ay diideen taasoo muujinaysa dareenka shacbiga mudan tahayna in la tixgaliyo,arimahaas o dhanna c/laai yuusuf wuu iska dhega tiray waxaanu kasoo qaaday waxba kama jiraan isagoo u arka inay tiisu sax tahay waxaanu marar badan ka sheegay warbaahinta isagoo muujinaya talo maroorsigiisa uu ku caan baxay in khasab ay tahay in dalka la keeno ciidamo Ethiopian ah,isagoo leh ciidamadaasi waxay hubka ka dhigayaan maleeshiyooyinka, waxa isweydiin mudan haddii xoog la adeegsanyo maxaa loo qabtay shirka loogu magac daray dub uheshisiinta. 

C/lahi yusuf waxa uu si cad u weeraraa dadka ay fikradaha isu hayaan isagoo adeegsada hadalo qalafsan waxaana taasi markhaati cad u ah oo ugu dambaysay markii uu ku tilmaamay afhayeenka baarlamaanka nin aan aqoon lahayn waxbana ka aqoon sharciga samaynaya xulafaysi ku lid ah asaga taasi waxay kuu muujinaysaa kala fogaanshaha uu abuurayo c/lahi yuusuf sidaa awgeed waxaynu odhan karnaa xaalada kala daadsanaanta dawlada ee maanta waxa ka masuul ah c/laahi yuusuf oo laga waayey talo wadaag. 

  Waa wax lala yaabo in la maqlo waxa la heshiisiinayaa madaxweynihii iyo afhayeenkii baarlamaanka,waayo dadku waxay u haysteen in heshiisiintii  lagaga soo gudbay tii hogaamiye kooxeedyada balse  maanta ay samaysmeen laba hogaamiye kooxeed oo awood badan leh. 

   Ugu dambayntii haddii c/laahi yuusuf aanu lasamayn shacbiga iyo dawladiisa talo wadaag iyo tanaasulaad lataaban karo in ay dawladu burburi doonto soomaaliyana ubaylahnaanto cadaw tiro badan. 

May ahayn in madaxweyne c/laahi yusuf ku kaco talo maroorsi hore wax loogu waayey iyadoo soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo u baahan wada tashi buuxa iyo isu dulqaadasho aan hore loo arag iyadoo laga duulayo aragti qudha.

waxayna maanta taladu saaran tahay 275 xildhibaan ee matalaaya shacbiga oo ay tahay inay badbaadiyaan dawlada.

Abdalle Abdirahman Farah
mobile:2522 419093
abdalle30@yahoo.com

hargeisa,somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005 ###


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD