SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHHRF

Guluf Colaadeed Laguma Khayro:

In Xasaradda Soomaalida ka Dhextaagan Colaad Lagu Dhamaystiraa waa Riyo

(SHHRF 0052/2005, 09 July 2005)

(Af-somali)

Waxaan aad uga walaacsannahay xisadda colaadeed ee ka dhex aloosan Golayaasha Dawladda Federaaliga ah iyo madaxdeeda sar-sare. Ilaa intii la sameeyey Dawladda Federaaliga ah sannadkii la soo dhaafay ee 2004, labo arrimood baa ugu weynaa waxa caqabad ku noqday hawlgalkeedi: (i) Keenista ciidammo nabad ilaalin dalka Soomaaliya, iyo (ii) Helid xarun ku meel gaar ah inta caasimadda dalka laga sifayno maleeshiyooyinka iyo dadka hubaysan een aa cidna ka amar qaadan.

Arrimahaasi waxay qaybiyeen dawladda, baarlamaanka iyo madaxtooyada oo labo iyo ka badanba u sii kala jajabay. Waxaan soo ifbaxay qaybasan qabiil iyo arrimo fool xun ee aan ka wada dharagsannahay.

Waxaa ah wax laga xumaado in labad dhinacba ay saxaafaddu u isticmaalaan si fool xun ayagoo awrkooda ku kacsanaya. Maanta Soomaaliya kama soo kaban karto dagaal sokeeye iyo colaad mar kale geyigeeda laga huriyo.

Waxaan labada dhinacba u soo jeedinaynaa:

  1. In khilaafaadka Soomaalida u dhaxeeya lagu dhammeeyo qaab nabadeed
  2. In bulsho weynta Soomaaliyeed kalsooni laga raadsado maadaama in koobani soo sameeyeen labada gole ee dawladda, taasina ay keeni karto kalsooni xumo.
  3. Muqdishu waa in laga sifeeya maleeshiyooyinka intaan dhib loogu soo guurin een laga hawlgelin. Inta ka horreysana waa in la helaa meel macquul ee dawladu ku sii shaqayn karto.
  4. Marka la eego Axdiga Dawladda Federaaliga, dib-u heshiisiintu waa inay lahaataa mudnaanta koowaad, maadaama wax kastaa ay ayada ku salaysnaayeen. Tusaaale, dib u heshiisiini waxay keeni kartaa is-aammin, isu tanasulkuna waa tiir-dhexaadka xalka sidii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka hubaysan.
  5. In la helo ciidamo shisheeyee ee dhex-dhexaad ah nabaddana-ilaasha waa sharuudda muhiim u ah in nabadda la unko. Maadaama aysan jirin ciidan qaran, waa caddahay inaan laga maarmi harin ciidan naabd-ilaaliya si ay u noqoto mid waarta.

Xarunta Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) waxay kooxaha dawladda ka tirsan ee is-haya ugu yeeraysaa inay wadaan wada hadalka iyadoo la raacayo qaabka xallinta khilaafaadka ee ku tilmaaman Axdiga Federaaliga ah ee Soomaaliya.

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
webmaster@suldanhurre.org

Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD