SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq ku socda ummada Somaliyeed

Ku:Madaxweynaha Dawlada FKMG Somaliya .

Og:Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Og:Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Annagoo ah Qurbo jooga Beelaha la haybsooco waxaan ka soo horjeednaa is magacoowgii ay sameeyeen oday dhaqameedyo ku shiray Muqdisho oo ka soo saaray in la sameeyey "Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed" is weydiintu waxay tahay miyeysan ka mid aheyn Beelaha la heyb sooco Ummadda Soomaaliyeed mise si kale ayaa wax u jiraan? Odayaashii Dhaqanka oo laga rabay inay sida xaqa ah wax u maamulaan haddii ay sidaas yeelayaan maxaa laga filayaa Mooryaanta,jirriga iyo day-dayga waa yaab iyo amakaag. Golahaasi waxaa la yiri waa ka koobnaanayaa 245:-

Hawiye 50, Daarood 50, Dir 50, Digil iyo mirifle 50, Banaadiri iyo jareer weyne 45 aaway xaqii beelaha la hayb sooco?

Talo soo jeedin:-

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo nabada jecel iyo dawlada ku meel gaarka ahba ka codsanayaa inaan la aqoonsan golahaas waayo waa gole ku dhisan cadaalad darro iyo haybsooc.

Saciid Cabdullaahi Ismaaciil

Saciid tumaal

saciidtumaal@yahoo.com

USA

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD