SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Kooxda Norway oo ku Guuleysatay Koobkii Eurosom

London, UK | July 24, 2005       kaah

 

Maanta (July 24, 2005) waxaa si rasmi ah loo soo gababeeyey koobkii xagaaga ee kubada cagta jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub. Ciyaartii faynalka aheyd ee maanta waxaa isku soo baxay kooxaha Norway iyo Filand. Kooxda Norway oo maanta ciyaar qurux badan soo bandhigtay, ayaa nasiib u yeelay iney labo gool ay ku suul daarto kooxdii Filand ee maanta iyadana nafta u hurtay siddii ay koobkan ku hantin laheyd, balse ay kooxda Norway ay quusisay Sidaasina ku qaaday koobkii tartanka 7aad ee ciyaaraha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qaaradda Yurub. Labadda gool waxaa u kala dhaliyey labada ciyaartooy oo kala watay lambarka 7aad iyo 9aad.

 
Gudiga iyo maamulka ciyaaraha Eurosom ayaa xaflada xiritaanka tartankan ku  sheegi doona dalka iyo meesha lugu martigelin doona tartanka 8aad ee ciyaaraha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qaarada Yurub

 
Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2005

Wararkii hore ee isreeb-reebka ciyaaraha ka akhri hoos::::


Kooxda Al Hijra oo kaalinta 3aad gashay ciyaarihii Eurosom

"Norway iyo Filand Faynalka u soo baxay iyagana"

July 23, 2005

 
 
Maanta waxey aheyd maalin ay ku kala baxeen kooxihii shalay ciyaartii samifaynalka aheyd laga badiyey, kuwaasoo markoodana boos cirriirsi ugu jiray kaalinta 3aad ee tartanka ciyaaraha kubada cagta ee Eurosom ee sida habsamida leh uga socda magaalada London ee dalka Ingiriiska.
 
Kooxahan oo kala ah Al Hijra iyo Holand ayaa maanta isku helay garoonka Market rd, inkastoo jawiga garoonka ay  xaga cimilada xumeyd hadana labadan kooxood waxey ciyaartoodii ku dhamaatay bar bardhac 1-1, inkastoo kooxda Holand ay heleen fursaado badan oo ku dhalin kareen goolal ay ku gali kareen kaalinta 3aad  hadana bar bardhac ay noqotay xaalkoodiina isku badalay rigooreyaal. Rigooreyaashu sidoodana maahan kuwo u roon kooxaha waana mida reebto kooxo awood isbiday sida badanaaba caalamka ka dhacda.
 
Kooxda Al Hijra oo shalay rigooreyaal looga badiyey ayaa maanta markale tiri "Wallee tan la iigama badiyo" Sidaasna ku badisay 4-3.
 
Shalay galab waxaa iyadana afarta kooxood ee tartankan u soo baxday ciyaarta Samifaynalka ah ciyaareen, waxaana isku soo baxay kooxaha Al Hijra Norway iyo Kanava Filan iyo Holand. Dhamaan is araga afartan kooxood ayaa iku dhamaatay bar badhac 1-1 aad moodid in luugu duceeyey rigooreyaal.
 
 Filand vs Holand  4-2
Norwayvs  Al Hijra 4-2
 
Maalinta berito ah waa ciyaartii kama dambeyta aheyd ee tartankan, waxaana isku soo haray labo kooxood oo qaarad ahaan deris ah, waa Norway iyo Filand. Inkastoo labadan kooxood ay rigooreyaashii shalay nasiibku siiyey iney badiyaan hadana maaheyn kuwo ka ciyaar fiicnaa kooxihii looga cabsi qabay koobka Euro som ee Ah Hijra iyo Holand. Ciyaar wanaagna ay labadaasi kooxood ay lasoo shir tageen aheyd mid dadweynuhu afka hayeen.
 
Ikraam Cali-kaar
London- Uk
Ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2005


Isku Aadkii Qaybtii 1aad ee Cayaaraha Eurosom 2005: Eeg halkan (PDF) ama Eeg halkan (.DOC)
 
Kooxaha Al Hijra iyo Kanava oo u baxay ciyaarta Semifaynalka ee koobkii Euro- Som

July 20, 2005

 
Marxalad gebo gebo ah ayey iminka ku marayaan tartankii kubada cagta xagaaga ee Euro som, iyadoo maanta garoonka Market Road isku heleen afar kooxood oo kala ah Al Hijra, Kanava, Gothenburg iyo Liecester. Ciyaartii maanta dhexmartay kooxaha Al Hijra iyo Kanava oo aheyd mid aad u xiiso badan ayey labada kooxood soo bandhigeen ciyaar lagawada maqsuuday. Hase ahaatee kooxda Kanava ayaa cayaarta qeybteedii hore labo gool kaga naxsatay Al Hijra. Balse dhowr daqiiqo gudahood ay ku soo gudeen 2-dii gool ee deynta ahaa ee faraqa loo geliyey ciyaartiina ku dhamaatay qeybteeddii hore bar bardhac.

Markii la isku soo laabtay ayey labada kooxood la yimaadeen weji cusub iyo dar dar xoog leh, taasina ay keentay in kooxdii Kanava ay markale u suuragashay iney dhaliso goolkii 3aad ee ay tartankaga uga soo baxday ciyaarta semifeynalka ah. Inkastoo Al Hijra laga maant abadiyey hadana waxey u soo gudubtay wareegta semifeynalka ah oo ay la ciayari doonto kooxda Holand halka kooxda Al Hijrana lugu wado iney la dheesho kooxda Norway maalinta jimcaha haddii Eebo idmo.
 
Sidoo kale waxaa maanta wareegii 3aad ciyaaray kooxaha Liecster iyo Göteborg- Sweden. Labadan kooxood oo maanta is aragoodii ugu dambeeyey aheyd, ayaa kooxda Liecester oo rajadeedii ku xirneyd in laga badiyo kooxda Kanava ka badisay kooxda reer Sweden oo ay ku suul daartay 7-1. Balse labada kooxood maahan kuwa sidaas ku soo baxay gebi ahaana tartankan ka laa laabtay boorsooyinkoodi.
 
Ikraam Cali-kaar
London-UK

Kooxaha Holand iyo Norway oo kasoo baxay wareegii 3aad ee ciyaaraha Euro-som

July 19, 2005

 
Iyadoo maanta ciyaarihii xiisaha badnaa ee sida habsamida leh uga socday magaaladatan London ee uu socdo, ayaa maanta kooxaha ku ciyaaraya magaca jaaliyadaha Soomaalida Norway iyo Holand kasoo baxeen wareegii 3aad ee koobka xagaaga Euro-som. Kadib markii labadan kooxood ee maanta lawada ciayareen labo kooxood oo ka dhisan dalkan Ingiriiska.
 
Ciyaartii hore ee maanta waxaa garoonka Market Road iskaga horyimid kooxaha Waaberi iyo Holand. Inkastoo kooxda Waaberi ay la timid da daal aad u weyn si ay iskaga gudo goolasha tirada badan ee dambiisha loogu shubay,  hadana nasiibku ma siin iney maanta iska celiso kooxda Holand oo iyadu u awood sheegatay. Xaqiiqdii labada kooxood maaheyn kuwo isku bar bardhigma marka loo eego sida isfahanka leh ee ay reer Holand lasoo shirtageen.  Ciyaartii qeybtii hore waxaa ay ku dhamaatay 2-0 oo ay reer Holand ku ogaamineysay. Markii la isku soo laabtay ciyaarta qeybteedii 2aad ayaad mooda in kooxda Waaberi wax ka badaleen jawiga iyagoo markiiba lasoo galay garoonka dar dar xoog leh sidaasna ku keenay gool qura, laakinse orodkoodi badnaa wuxuu noqday "Hal bacaad lugu lisay".
 
Kooxda Holand oo iyadu ka faa'iideysaneysay fursadda qaaliga ah iyo goolka dheeriga ah ee ay heysato iyo habacsanaanta kooxda kale, ayaa labo gool kale ugu celisay reer Waaberi inkastoo goolhayihii kooxda Waaberi  Fu'aad C/qaadir Maxamed Shirwac uu badbadiyey dhowr gool oo halis ah dibada u saaray, hase ahaate ay kooxdiisa difaaca iyo weerarka looga gacan sareeyey ciyartiina ku dhmaatay 4-1  oo ay Holand guusha ku raacday sidaasina ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee wareega 3aad kasoo gudubta. Walow kooxda laga saaray labo ciyaaryahan oo la siiyey kaarka gaduudan  kadib markii ay geysteen fal ka baxsan qawaaninta caalamiga ah ee kubada cagta.
 
Ciyaarta labaad ee tartankan ayaa waxaa is arkay kooxaha  Norway iyo Birmingham oo labaduba kawada tirsan group B. Kooxda Norway oo ciyaarta bilowgeedi hogaanka u heysay ayaa suuragal u noqotay iney dhaliso gool qurux badan, hase ahaatee reer Birmingham oo laftooda diidan iney maanta sidan ku haraan ayaa keenay gool barbadhac noqday. Ciyaarta oo markii dambe isku badashay weerar iyo warcelin, qolol walba oo iyaga kamid ahana ka fekeraya inaan maanta harin ay gool farsameysan dhaliyeen kooxdii Norway sidaasna ku quusiyeen kooxda Birmingham oo iyadu ku rajo qabtay iney xitaa kento barbardhac. 
 
Ikraam Cali-kaar
London- Uk

Kooxda Göteborg oo noqotay kooxdii ugu horeysay ee boorsooyinkooda ka laa laabatay koobkii ciyaaraha Euro-som. 

July 18, 2005

 
Ma aheyn waxey filayeen kooxda reer Göteborg in maanta markale ay guul darro tii ugu xumeyd soo marto. Kooxdan oo maanta wareegeedii labaad la ciyaartay kooxda Al Hijra oo martigelineysa tartanka ciyaaraha kubada cagta soomaalida Yurub. Ciyaartan oo maanta aheyd mid xaga farsamada iyo fahanka ay ku gacan sareeyeen Al Hijra ayaa u suuragashay iney 5 gool faraqa u geliyaan kooxdii reer Sweden oo aaminsaneyd iney maanta ciyaartan wacdarro dhigi doonto. Hase ahaate sidaasi ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee guryaheedi dib looga celiyo inkastoo ay hal ciyaar oo kama dambeys ah ay la ciyaareyso kooxda Liecester ee dalkan Ingiriiska iyagoo bilaa rajo ah.
 
Mudane C/qaadir yariisow oo macalinka kooxda watay oo aan mar wax ka weydiiyey guul darrada kooxdiisa ayaa sheegay in marka hore ay tahay nasiib, balse ay jireen waxyaabo badan oo ay eersadeen sida in calan wadaha uu dhowr jeer HOBSAYT siiyey kooxda  kubad KOORNO aheydna diiday iyo in gool laga diiday. Ma aheyn intaas oo keliya marka loo eego in kooxda ay rag badani ka maqnaayeen, laaacibka C/laahi yariisow iyo goolhayakooxda oo cilad xagga safarka ah ku timid.
 
Dhinaca kale maanta ciyaar aad u xamaasad badneyd waxaa wada ciyaaray kooxaha Liecester iyo kooxda Kanava Finland kuwaasoo dadweynihii u soo daawo tagay maqsuudisay. Ciyaartan oo qeybtii hore ku dhamaatay barbardhac 0-0. Ayaa markii la isku soo laabtay waxaa hal gool dhaliyey kooxda Kanava oo tani u keentay iney dar dargeliyaan weerarkoodii ay ku doonayeen iney badiyaan, hase ahaate kooxda Liecester ayaa iyadu keentay gool barbardhac kadib markii ay heshay rigoore.
Ciyaartiina ku dhamaatay  (1-1) barbardhac. 
 
Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam_k@hotmail.com

Faafin:  Somalitalk.com | July 18, 2005



Wararkii Ciyaaraha ee  July 17 Hoos ka Akhri

  • Kooxaha Norway Iyo Birmingham oo maanta wacdarro dhigay.
  • Kooxdaha Göteborg iyo Liecester oo  guul darro soo wajdahay kadib markii ay garoonka iskaga horyimaadeen Al Hijra iyo Kanava.
  • Tartanka Ciyaaraha Kubada Cagta 7aad Ee Uro-Som Oo Si Habsami Ah Uga Furmay Magaalada London

Kooxaha Norway Iyo Birmingham oo maanta wacdarro dhigay.

Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam_k@hotmail.com

July 17, 2005

Ciyaarihii kubada cagtaha soomaalida ee sida habsamida leh uga socday ayaa waxaa garoonka Market Rd.isku helay afar kooxood oo kala ah Birmingham, waaberi, Norway iyo Holand. Kooxaha Waaberi iyo Holand oo horey usoo badiyey ayaa maanta nasiib u yeelan iney iska celiyaan kooxahii guul darada la tagay.  Ciyaartii hore ayaa waxaa is arkay soo bandhitay ciyaar dagan,faraqana u gelisay kooxda Waaberi 3 gool, halka kooxdaasani inkasto ay laftooda yareysan  hadana hal gool ka badan uma suuragelin iney dhaliso sidaasina guusha ku raacday kooxda Birmingham oo horey looga soo raayey. 


Kooxda Kubbada cagta ee Soomaalida Holland

Kooxda Kubbada cagta ee Waaberi

Dhinaca kale maanta waxaa ciyaar lawada sugayey oo xiiso badneyd ciyaaray kooxaha Norway iyo Holand oo labaduba mid horey u soo reysay iyo mid laga soo badiyey ahaa. Labadan kooxood oo wacdarro ka muujiyey garoonka gudihiisa, ayaan  Holandeeska nasiib u yeelan iney iska difaacaan Kooxda Norway oo awood u muujisay. Ciyaarta qeybtii hore waxey ku dhamaatay 0-1, oo ay ku hogaamineysay, markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciayarta ayaa kooxda Holand u suuragashay iney dhaliyaan gool barbardhaco ah. Taasina waxey keentay in ciyaartii ay kululaato noqotana weerar iyo warcelin. Hase ahaatee kooxda Holand oo maanta nasiibka ka hiiliyey ayaa shabaqa loo suray goolkii looga badiyey sidaasana ku dhamaatay 1-2 oo ay guusha ku raacday kooxdii ku ciyaarisay magaca jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. 


kooxda Kubbada Cagta ee Soomaalida Norway

Afarii kooxdeed ee maanta wada ciyaartay ayaa isku dhibco ah, iyagoo kawada tirsan group B. Waxeyna koox walba ku rajo weyntahay inaan wareega 3aad laga badin aysan boorsooyinkooda u laa laaban.

Berito haddii Eebe idmo waxaa lugu wadaa iney wada ciyaaraan kooxaha Gothenburg -Sweden, Al Hijra -Uk, Kanava- Filand iyo Liecester oo iyadana ah Uk  kana tirsan gruop A, natiijada ciyaarahan ayaan hadba sidey u dhacdo idiin soo gudbin doonaa haddii Alla idmo., 

Ikraam Cali-kaar
London- Uk
raam_k@hotmail.com
Isku Aadka Cayaaraha Eurosom 2005: Eeg halkan (PDF) ama Eeg halkan (.DOC)

WARARKII CIYAARAHA EE JULY 16 HOOS KA AKHRI


Kooxdaha Göteborg iyo Liecester oo maanta guul darro soo wajdahay kadib markii ay garoonka iskaga horyimaadeen Al Hijra iyo Kanava.
Ikraam Cali-kaar
 
Iyadoo ay maanta si xiiso leh u socdaan tartankii 7aad ee ciyaaraha kubada cagta  xagaaga ee Soomaalida Yurub, ayaa maanta waxaa wada ciyaaray kooxaha Göteborg- Sweden iyo Kanava Filand, Al Hijra iyo Leicester oo kawada tirsan gruop A.
 
Ciyaartan oo maanta bilaabatay 2-dii duhurnimo ayaa waxaa is araga hore wada ciyaaray kooxaha Al Hijra iyo Liecester. Ciyaaryahanka C/xakiin oo kamid ah laacibiinta kooxda Al Hijra ayaa isagu waxa shabaqa kooxda Liecester ku hubsaday labo gool oo aad u qurux badan, halka labada kale ay kala dhaliyeen C/naasir iyo Khadar. Waxeyna ciyaartani ku dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Al Hijra oo iyadu leh martigelinta tartanka ciyaarahan.

Dadweyne aad u farro badan oo tartankan si xamaasadeysan garoonka u camiray ayaa wejiyadooda ka muuqatay farxad kuwaaso dhamaantoood muujinayey taageerada ay hayaan kooxda magacooda ku ciyaareysa ee Al Hijra UK.

 
Dhinaca kale waxaa maanta garoonka isku helay kooxaha Göteborg- Sweden iyo Kanava Filand inkastoo ciyaarta labadaasi kooxood dhexmartay ay aheyd mid adag hadana waxey guusha ku raacday kooxda Kanava Filand oo iyagu 2-1 kaga adkaatay kooxdii reer Sweden oo iyadu hal goor qura la soo shirtagtay. goolka koxda reer Sweden ayaa waxaa dhaliyey ciyaaryahanka Yuusuf ( YUU XAAJI). Halka kooxda Kanava  uu dhalayey Farxaan Xaaji (OW KOWMBE).
 
Maalinta berito oo tartankani galayo is aragyada labada ee dhamaan kooxihii shalay laga soo saarayey iyo kuwii badiyey ayaan haddii Eebbe idmo idiiin soo gudbin doona, iyadoo ay iminka garoonka ku sugan tahay weriye Ikraam Cali-kaar
 
 
Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam_k@hotmail.com

Tartanka Ciyaaraha Kubada Cagta 7aad Ee Uro-Som Oo Si Habsami Ah Uga Furmay Magaalada London

“Kooxaha Norway iyo Birimingham oo goolal farro badan dhabarka lo saaray”


Maanta waxaa magaalada London ee dalkan Ingiriiska si habsami ah uga furmay tartanka ciyaaraha kubada cagta 7aad ee Euro-Som. Xafladdii furitaanka tartankan oo ahaa mid si heer sare looga soo shaqeeyey, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka dhaqanka ee dalkan Ingiriiska David Lammy, isagoo aad ugu faraxsan ciyaarahan lugu martiqaaday “waxaan ugu faraxsanahay inaan ka qeygalo ciyaar ay abaabuleen dad madow ah, gaar ahaan dad Soomaaliyeed mana aheyn wax aan riyo xitaa ku filanayey si weyn beyna ii farxadgelineysaa anigoo ah nin madow” ayuu yiri mr David oo muujinayey sida ugu faraxsan yahay isagoo ah wasiir madow ah inuu ka qeybgalo tartan noocan oo kale ah. Markaa kadib waxaa mikroofanka lugu wareejiyey aabaha ciyaaraha Soomaaliyeed Nuur Jeenyo oo isagu hdalo dhiiragelin ah u soo jeediyey dhalinyaraddii Soomaaliyeed ee tartanka ka qeybgaleysay. Wuxuuna sheegay in haddii ay da daalkooda sii wadaan ay berito noqonayaan kuwa bad baadiya ciyaaraha Soomaaliyeed gaar ahaan kubada cagta oo uu sheegay in loo baahan yahay jiil qibrad leh oo qaranka wax tara.

Axmed Nuur Maxamed Xaashi, (Seyga Ruusha) ayaa isagana hadalo kale oo dhiiragelin ah u jeediyey dhalinyaraddii ka qeybgalayeysa tartankan, kuwaasoo u sheegay iney yihiin kuwii berito loogu fadhiyey iney wax ka badalaan ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta oo aan ku tilowsan hormar la taaban karro.

Dhanka suugaanta waxaa maanta marti ku ahaa tartanka fanaankii reer London ee C/xakiin Geedi Faraye iyo Biyoonde oo labaduba maanta si weyn u maqsuudiyey dhamaan intii ciyaarahan u soo daawasho tagtay.

Markey dhamaatay xafladii furitaanka tartanka ayaa maanta waxaa wada ciyaray kooxaha Holand iyo kooxda Birmingham ee dalkan Ingiriiska oo iyadu guul darro aad u weyn maanta kala hoyatay kadib markii looga adkaaday 4-2. Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan dadweynihii ka soo qeybgalay aad u maqsuudisay ayuu macalinka kooxda Birming Khaalid Ibraahim sheegay in aad uga xun yahay guul darrada kooxdiisa soo wajahday wuxuuna ku tilmaamay ineysan kuwo xagga farsamada ah balse sheegay in nasiibka ka hiilayey.

Ciyaarta labaad ee tartanka waxaa isku arkay kooxaha Norway iyo Waaberi oo ka tirsan London ee dalkan labada kooxood oo soo bandhigay ciyaar aad u heer sareysa, hadana wax maanta kooxda Waaberi oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyarro qibradooda ciyaareed sareyso ayaa shabaqa kooxda Norway ku hubsaday afar gool oo aad u qurux badan, halka kooxda Norway ay dhalisay hal gool oo qura. Intii ay socotay ciyaartan ayaa mid kamid ah laacibtiinta kooxda Norway la siiyey kaar gaduudan kadib markuu ku dhaqaaqay fal anshax xumo ah. Sidaasna niyad jab ku abuurtay kooxda oo awalba la rafaneysay guulasha tiradda badan ee lugu raray.

Maalinta berito ayaa haddii Alla idmo waxaa lugu wadaa iney ciyaaraan afar kooxood, kuwaasoo kala ah Gothenburg- Sweden, Kanava Filand, Alhijra- Uk iyo Liecester.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Euro-Som mudane Maxamed Diini oo aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee reer London tartankan u martigeliyeen ayaa dhalinyarada ciyaareysay u sheegay in yihiin kuwa laga rabo iney isbadal weyn sameeyaan ogaadana iney yihiin buu yiri kuwa u maqan qaranka Soomaaliyeed ee maanta meel halis ah ku jira.

Ikraam Cali-kaar
London- Uk
ikraam@journalist.com
Isku Aadka Cayaaraha Eurosom 2005: Eeg halkan (PDF) ama Eeg halkan (.DOC)

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD