SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xasuuqyaddii Ka Dhacay Dalka Somaaliya In La Xuso Mudan...

Qaaradda Aduunka oo dhan waxaa Soo maray dhibaatooyin,Colaaado iyo Dagaal waaweyn oo Khasaarooyin badan reebay, Xusuuso murigo leh dhigay, Ilaa Hadda la Xuso oo Dhacdooyinka Taariikheed ee Wadamadda ka mid ah, Tusaalle- Dhacdooyinkii Dagaal Weynihii 1-aad iyo 2-aad, Dagaaladii Sokeeyee ee Mareeykanka, Xadgudubyaddii Yahuuda loo Geeystay, Dhibka iyo Dulmigga Dadka Reer Falastiin Loo Geeysay Welina lagu hayo, Dhibkii iyo Xasuuqyaddii Yahuudo ka Geeysatay Dalka Libnaan Xeryihii-Sabra iyo Shatiila ee Qaxootigii rre Falastiin lagu Gumaaday,Kurdisaan Ciraaq, Shishaanka, Ereteriya, Kuweynt, Ruwaanda, Burundi, Konga Dimuqraadigga, Liibeeriya, Seeralyoon, Sudaan, Yeman, Al-jeriya Dalka Bosniya, Kosofa, Chille, Pirou, Itoobiya, Ugandha, Saxaaraha Galbeed, Nekeragwa, iyo Joorjiya, Afgaanistaan, Ciraaq, Armiiniya, iyo Dalka Somaaliya.

Dhammaan Dhacdooyinka Colaadeed iyo Dagaaladda Sokeeye iyo Falalka Xadgudubeed ee ka dhacay Dalalkaas iyo kuwo kalleba waxeey Ummadda Aduunka ku reebeen Xusuuso Murugo weyn leh oo Daeaanka Dadku ka gubto, waana Taariikhdi Madoow oo Aduunka Soo Martay, Dalka Somaaliya ayaa ka mid ah Dalalka dhacdooyinka Murugadda leh iyo Xasuuqyadda Xusuusta iyo Tiiraanyadda weyn leh, iyadoo la wadda ogyahay in Dalka intiisa Badan dhibaataddu Saameeysay, Xukunkii Rajiimkii Kacaanka ee Madaxweyne,Al-Marxuuum- Maxamed Siyaada Barre ayaa ah midka Ummadda Somaaliyeed u bilaabay Bogga Madoow iyo Waaga-Cusub ee Xasuuqyadda iyo Colaadda Sokeeye.

Laga Soo Bilaabo Dagaalkii 77/78 ee Somaaliya iyo Itoobiya iyo Guul daraddii ka soo gaartay Qaranka Somaaliyeed kadib markii Awooda iyo Cududdii Weyneyd ee Dowladihii Bahda Reer Barigga ama Hantiwadaagu Garab iyo gaashaanba u noqdeen Cadowgga Madoow ee Barigga Afrika Dowladda Itoobiya, Somaalidu Guul weyn ayeey Gaartay Laakiin Taladda ayaa Khaldaneyd,Fashiladdii Inqilaabkii C/Laahi./Cirro iyo Biloowgii Jabhaddii hubeeysneyd SSDF-kii, Rajiimku wuxuu si naxariis darro Dagaalo iyo xasuuqyo iyo Falal Xadgudub ugu qaaday Beelaha Majeerteenka oo Dharbaaxooyin waweyn oo ka soo hor-jeedda Xuquuqdda iyo Habka Dhaqan ee Bani-aadaminimadda, Waxaana Jeelasha Dalka laga Buuxiyeey Odayaashii Magac Lahaa, Waxgaradkii, Saraakiishii Dowladda, Haweenkii iyo Dhalinyaraddii, iyadoo loo aaneeynaayo Inqilaabkii iyo Abuuritaanka SSDF-ka, Hogaankii Sarre ee Kacaanka ayaa Si Toos ah u leh Masuuliyadda Dhacdooyinkaas iyo Dhibka Weyn ee Xiligaas Dalka u Bilaabmay.

Dhinaca Goboladii Waqooyigga iyo Beelaha Isaaq loo Geeystay Xasuuqyo iyo Dagaalo Awood Xoogan ama Cuduuda Ciidankii Qaranka Somaaliyeed loo Adeegsatay si weyna Dayuuradii dagaalka loogu Duqeeyeey Sidda Magaaladda Hargeeysa, iyo Xasuuqyadii ka Dhacay Burco, Hargeeysa, iyo Meelo Kaleba, eeyna Jireen Dagaalo Jabahadii SNM kula jirtay Ciidanka Xooga Dalka , waxaana Jirra Falal Jabhadu Geeysatay oo Dad Rayid ah logu Xasuuqay, Sidoo Kalle waxaa La Wadda xusuusan yahay Xasuuqii Jasiira Muqdisho oo Dadka Aqoonyahan ah oo Reer Waqooyi ah lagu Gumaaday, iyo Dhibaatooyinkii Goboladda Dhexe ka Dhacay oo ahaa kuwo Xanuunkooda leh eeyna Geeysteen Ciidamadda Xooga Dalka Somaaliyeed Sidda Gaarka ah loogu Abaaraayeey Dadka ka Soo Jeedda Hawiyaha iyo Degaankooda oo Runtii Falal Badan oo Dhaawacaodda iyo Naxdintooda leh kana Dhacay-Galgudood, B/Weyne, Jowhar, iyo Caasimadda Muqdisho gudaheeda ka dhacayba, Muqdisho kuwa ka dhacay oo Wadda Saameeyeey Ummadda Halkaas Deganeyd Sidda- Dhacdadii Garoonka Kubadda, Masaajidka Sh/Suufi iyo kuwo kale oo badnaa, Sidoo kalle Waxaa Xusid mudan Xadgudubyaddii loo geeystay Dadka Jubooyinka Absamaha oo loo arkaayeey in eey la Safan yihiin Jabahadii SPM, iyo Guud ahaanba Xaaladdii Jaha-wareerka laheyd ee Dalka Wadda Saameeysan, Ciidanka Ummadda Boobaayeey Dilaayeey, Naceeybka Weyn iyo Cadhadda Dadka Sii Kiciyeey.

Dagaaladii Sokeeye ee Dalka Somaaliya ka bilaabmay Sanadkii 91-kii iyo keenay Dhicidda Xasuuqyo Waaweyn iyo Tacadiyo loo geeystay Dadka Rayidka ama Dad aan Dagaaladda ku jiray, kuna Sugnaa Magaalooyinka Sidda-Muqdisho, Gaalkacayo, Baraawe, Jilib, Kismaayo, B/Xaawo, Luuq, Baydhabo iyo Tuuladda Dhoobleey oo eey Naftooda ku Waayeey Kumayaal Qof, Waxaana Masuuliyadda Xasuuqyadaas iska lahaa Hogaamiyashii iyo Saraakiishii Sarre ee Hogaaminaayeey Jabhadaha-USC, SSDF, SPM, RRA oo Ummadda Geliyeey Xaalad Jaha Wareer iyo Qas Weyn, Waxaa Xusid Mudan-Xasuuqyaddii Villa Baydhabo, Dugsigga Sarre ee Max,ud Axmed Cali iyo Kuwii Ka Dhacay Gudaha Magaaladda Gaalkacayo, iyo Dagaalkii Dhimashadda Badan Keenay ee Dhex Maray Wadadda iyo Ciidankii C/Laahi Yusuf ee Degaamadda Bari iyo Nugaal, iyo Xusuuqdii Sanadkii Dhammaaday ka Dhacay Tuuladda Dhoobleey ama Libooye Somaaliya, Dhibaatadda uu Kenay dagaalkii Dhex maray S/Land iyo P/Land iyo Dhacdooyin iyo Dhibaatooyin Badan oo si Shakhsi ah loo geeystay Dadka Qiimo weyn ugu Fadhiyeey Dadka iyo Dalka Somaaliyeed Sidda- Muuse Boqor, Xaashi Weheliye, Proff-Abyan, Gen-Sareenle, Marwo-Istarliin iyo C/Qaadir Xayle iyo kuwo Kaloo Badan,Dadka Somaaliyeed Ayaa Masuuliyadda Koowaad leh una fududeeyadda Fulinta Falalka iyo Dhibka Qab-qablayaashu ku Kacaayaan oo Dalka iyo dadka gaarsiiyeey meel aad iyo aad u xun oo Naxdin leh, Waana la Garanaayaa kuwii Xasuuqyadda iyo Tabaciyadda Geeystay, Waana Gacan ku Dhiiglayaal, Mujrimiinta, Caqli Xumayaasha, Dhiig Cabayaasha iyo Intii Taageertay ama Weli Taageera Sidda kuwa Qalinkooda Buka iyo Aragtidooda Cuqdadeeysan.

Ummadda Somaaliyeed Dhibaatooyin badan oo Xanuunkooda leh ayaa Soo maray wax waayo aragnimo ahna kama faa,iidiin ee weli waxeey ku Socdaan wadadii Xumaanta iyo halaagga Waxaana Tusale cad u ah Dagaaladda iyo colaadda hadda la hurinaayo oo Labadda Dhinac ee Dowladda Somaaliyeed Wadaan, Waxaa intaas oo dhan ka Daran oo Heerka Xasuuqyadda Noocooda ugu waaweyn ka mid aha ama ka culeeys badan Dulmigga iyo Quursigga iyo Habka Takooridda lagu hayo Dadka la Heyb-Sooco Sidda Gabooyaha, Habka Cunsuriyadda ayaa a oran karaa wuxuu ka mid ah Falalka ugu Foosha Xun ee Aduunyadan soo Maray, Adoonsiga iyo Gumeeysiga ayaa ah Arrimaha ama Habab Qawaaniinta Aduunku Diidan Yihiin Xeerarka iyo Heshiisyadda Caalamigga ah ee Yaala Xaraun ama Xarumaha Qaramadda Midoobay ayaa si weyn u diidan Dhammaan Falalka Xudgudubeed iyo Takooridda Dadka, Balse waxaa Ayaan Daradda ah in Dadka Somaaliyeed Weli ku Jiraan Xiliyaddii Madoobaa ee Dunidda Soo Maray, Waxaana Ayaan Daraddo kalle ah in kuwa La Takoorayaa, Lana Quursanaayaa Yihiin Dad Somaaliyeed oo Dhinac Walba kala Siman Xuquuq ahaan iyo Isir ahaanba, Inta Cadaaladda Daradda iyo Xuquuq Dulmintu Soconeeyso Wanaag iyo Sharafi ka Dheer Qoomiyadda iyo Qaranka Somaaliyeedba,Cunsuriyadda, Adoonsigga, Quursigga, Takoorka, Heeyb-Soocidda, Xuquuq Duudsinta Dadka Somaaliyeed ku Dhaqmaan ayaa ah Xadgudubyo iyo Falal ka Soo Horjeedda Diinta Islaamka, Qawaaniinta iyo Curufka Aduunka ka Jirra, Xeerarka iyo Heeshiisyadda Caalamigga ah ee Xuquuqdda iyo Xoriyadaha Dadka Illaaliya, Somaaliya Hooygga Dulmigga iyo Quursigga.

-Alla Mahad Leh-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-

-Hudderfield- England- 16-07-2005-

- sharifhassan50@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD