SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aqoon kororsi

Ma ogtahay in dhaqaalaha ku baxa ciidamada waddanka Mareykanka inta ugu badan ay bixiyaan waddamada Sucuudiya oo lambarka kowaad ah iyo Taiwan,mase ogatahay in siyaasadda labadaas waddan uu hoggaanka u hayo waddanka Mareykanka,waxaa taas ka sii daran in Boqrtooyada Sucuudiya oo ah waddanka adduunka ugu soo saaris badan saliida ama batroolka uu saliidda uu ka soo ka saaro waddankiisa siiyo boqolkiiba afartan iyo shan 45% waddanka Mareykanka,wuxuu kaloo Mareykanku afka u dhigtay lacagta ribada ah ee uu iska diiday in uu Sucuudiya qaato,lacagtaas oo gaaraysa billions dolar waxay dawladda Sucuudiya diiday in ay siiso waddamada faqriga ah ee Afrika iyo waddamada kale ee islaamka ah,mise ogtahay akhristow in waddanka Taiwan oo ah waddan ay iska leedahay Shinaha uu bishii la soo dhaafay isku dayay in uu wadahadal la yeesho waddankiisii hore ee Shina uu Mareykanku niyadjab ku dhacay lana sheegay in golaha baarlamaanka waddanka Mareykanka uu mar qura gariiray xanaaq dartiis waayo waxay ka xumaadeen fikradaas Taiwan ka soo yeertay iyagoo ka baqaya in haddii Taiwan ku biirto waddankeedii hooyo ee Shiina uu halkaas Mareykanku ku waayo baadii tirada badnayd ee uu ka qaadi jiray waddanka Taiwan.

Ma ogtahay in waddanka Soomaaliya uu ka mid yahay waddamii ugu horreeyay ee islaamka ahaa oo u ogolaada in Haweenka ay ka qaybgalaan doorashooyinka,mase ogtahay in Soomaaliya ay taas kaga horumartay waddamada reer Galbeedka qaar ka mid ah sida waddanka Zwitzerland,mise ogtahay in ragga iyo haweenka ay isku mushahar yihiin waddanka Soomaaliya,halka waddamada reer galbeedka aysan sidaas ahayn,Mise ogtahay in haweenka Soomaaliya lagu tilmaamo haweenka adduunka ugu shaqo badan uguna shaqo adag,waxay ka shaqeeyaan beeraha waxay dhaqaan oo ka shaqeeyaan xoolaha,waxay inta badan keligood koriyaan carruurta,waxay ka shaqeeyaan guriga,mise ogtahay in dhowaan wargeys ka soo baxa waddanka Holland lagu shaaciyay in haweenka u dhashay waddanka Soomaaliya ay soo saaraan in ku dhow 80% dakhliga waddankooda soo gala,mise ogtahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay lacagtooda inta ugu badan ku bixiyaan hurinta dagaalalada sokeeya ee waddanka ka socda.

Ma ogtahay in beeralayda iyo xoolo dhaqatada reer Galbeedka waxa ay soo saaran lacagta ka soo gasho in ay ka badan tahay lacagta ay dowladdooda ku kabto ama siiso mase ogtahay oo kale in suuqyadii Afrika iyo waddamada kale ee faqiirka ah ay camireen ama buuxiyeen waxyaalahii laga soo saarayay reer galbeedka,halkaasna ay heli weyday fursad lagu iibsado wax soo saarkii waddamadaas, mise la socotaa in waddanka adduunka ugu suuf ama cudbi wanaagsan uu yahay waddanka Benin ee ku yaal Afrika,kiiladii suufka ay kaga iibsadaan reer galbeedku waddankaasi ay tahay 9 senti halka ay waa isla reer galbeedkee ay kaga iibsadaan waddanka Giriigga kiiladii suufka in ku dhow saddex euro, taas oo macnaheedu yahay in 30kii kilo ee suufka reer Benin ku qiime yahay halkii kilo ee suufka waddanka Giriiga.

Ugu dambayntii
ma ogtahay akhriste in magaalada lagu magacaabo Antwerpen ee ku taala waddanka Belgium ay tahay magaaladii dhaymanka sababta magacaas loogu bixiyay ayaa ah in magaaladaas ay yaalaan dhayman aad u badan, dhaymankaas ayaa la sheegay in laga soo daldashay waddankii hore ee la oran jiray Zaïre haddane loo yaqaan Kongo, mise ogtahay in waddanka Belgium uu 18 oktoobar 1908 ilaa 30 juun 1960 uu ka talin jiray ama addoonsan jiray waddankaas,xiligaas oo la oran jiray waddankaas Belgiumkii Kongo waxaana xornimadooda ka dib waddankaas madaxweyne ka noqday madaxweynahii la oran jiray Joseph Jasavubu,halka uu ra'iisulwasaare ka noqday geesigii madoobaa ee la oran jiray Patrice Lamumba,haseyeeshee nasiib xumo waxaa waddankii afgenbi ku qabsaday Joseph Mabuto markii dambana isku bixiyay Mabuto Sese Seko.

Lamumba ayaa la sheegaa in dilkiisa ay ka dambeeyeen waddanka Belgium,Sese Sekona waxaa la sheegay in uu dilay shacabkiisa in ka badan 160 kun oo qof,ma ogtahay oo kale in ninkaas uu ka dhacay waddankiisa billions oo dollar ah,dahab iyo dhayman,waxaana la sheegay in ay garab ama saaxiib weyn u ahaayeen reer galbeedka iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika sida:Idi Amin Dada iyo Rebort Gabriel Mugabe.

Zahra Abdi Hersi
umubakar@hotmail.com
Holland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD