SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA

Guur Khudbasiro ahaa oo Laba Naf lagu waayay.

Rag Badan ayaa ku fakara in ay guursadaan xaasas badan, Haddana aan awoodin in ay kala maareeyaan Arrimaha soo wajaha ee ku aadan xagga qoysaska ama xaasaska u dhaxa, waana Mida Keenta in  Nafaf badan lagu waayo sababta guurka nooca loo yaqaano Khudba sirada oo ragga badankiis caado u ah.
 
Mar aan sidaas u sii fogayn waxaa ka dhacday Magaalada Kampala dhacdo xambaarsan murugo oo ka dhalatay guur Khudba sira ahaa oo dhex maray haweenay iyo nin leh xaas kale, laakiin Nasiib daro ma aysan ogayn xaaska dambe.
 
Maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday in xaaskii wayneyd la ogaysiiyey in duqeedu guursaday haweenay ay isku magaalo joogaan waliba ay xaamilo tahay,  arrintan ayaa ka yaabisay haweenayda, waxa ayna markiiba gudagashay in ay weerar qaado ka dhan ah guurka ninkeeda, waxa ayna u sheegtay in hadda ay imaanayso halka uu joogo dagaalna ay ku qaadi doonto isaga iyo xaaska uu guursaday xabsigana gayn doonto.
 
Odaygii reerka markii uu ogaaday in weerar lagu soo yahay oo xaaskii ku soo fool leedahay ayuu isagana ku kacay xaaskiisi yarayd isagoo ka dalbaday in ay iskaga baxdo guriga,  hadii ay sheegto in uu qabana ay balaayo ka raaci doonto uuna dili doono!.
 
Xaaskii yarayd ayaa talo ku cadaadatay,  Wax ay samaysana ma garan karin, Magaalada markaas ay joogto waa mid ay ku tahay qariib, oo awalba dan ayaa u gaysay in ay guursato ninkan laakiin nasiib daro waxa uu nolosheeda galiyay mugdi iyo niyad jab kaga yimid guurkii ay la gashay billo ka hor oo ay moodaysay in ka faa'iidi doonto.
 
Waxa ay ka dalbatay in uu ugu yaraan sheego in uu qabay laakiin uu furay si ay ugu qanciso dadka in ilmaha ay yihiin kuwo xalaal ah oo uu isagu aabe u yahay, si aan loogu moodin aabe la'aan, laakiin waxa ay kala kulantay hanjabaad iyo in uu dili doono hadii ayba soo hadal qaado isaga iyo wax ka ag dhaw.
 
Qoyska gabadha wali uma aysan sheegin in ay nin guursatay, waxa ayna ku timid magaalada iyadoo aan la ogayn si ay u hesho nolol ka wanaagsan midda markaa ay ku jirtay, Hadii ay reerku ogaadaan in gabadhoodu xaamilo tahay nina aysan u dhaxin waxa ay gabadhu ogayd in aysan ka baxsan doonin reerkeeda dhibaatada ay u gaysan doonaan waxaa kala sii waynaatay waxaad umuli doontaa caruur aabe la'aan ah oo fadeexad iyo niyad jab ku abuuraysay, inkasta oo ay ogtahay hadana cid ka rumaysanaysa ayaan jirin in ilamahani aabe leeyahay hadii ay sheegto in ninkani dhalay isagaana nafta ka qaadaya ka hor inta aan cid la gaarin.
 
Wax ay qaadatay Go'aan naxdin lahaa, kadib markii ay caagad gaas ah soo qaatay si ay iskugu gubto, kadib markii ay ku soo laabatay gurigii laga saaray isagoo maqan ninkii ay u naxday, waxa ayna bilaawday in ay is gubto, markii ay isku shiday bansiinkii iyo taraqii ayaa qiiqii qabsaday guriga waxaa ku soo baxay dadkii oo dhan, iyagoo u sheegay ninki lahaa guriga oo aan meelaha ka fogayn in gurigiisi uu gubanayo!.
 
Qofkii ugu horeeyay ee arkay in dabka qof ku jiro waxa uu ahaa ninkii qabay haweenayda is gubaysay, waxa uuna damcay in uu ka badbaadiyo, laakiin ma awoodin, oo waxa wada qariyay holacii ka baxayay horkeeda oo wada ahaa gaas miiran.
 
Haweenaydii iyo cunugeediba waxa ay ku naf waayeen sidaas, waxaana ay ahayd arrin reebtay murugo oo dadkii magaalada ku sugnaa ay aad uga naxeen, Wax ayna isweydiinayeen kan leh eeda ee sababay in haweenaydan iyo cunugeedaba ay naftooda waayaan in uu yahay odayga reerka iyo in ay ka dambayso haweenaydiisa weyn oo ka soo horjeeday in ninkeedu la guursado.
 
Ragg badan ayaa iska jecel in ay guursadaan haween badan, oo hadana waliba qariya, iyagoo aan moodin in dhibaato ka imaan karto, sababta ay sidaas u samaynayaan oo siyaabo badan ku imaan karta waxaa ka mid ah in haweenkoodu ay cadaadis xoogan ku hayaan iyagoo laga yaabo in ay ka fog yihiin, hadii ay sheegaan waxa ay ka baqaan in dhibaato ku timaado sidaasna ku qarsada, laakiin dhibtoodu waxa ay tahay in ay ku xadgudbaan haweenka laba jeeraba waayo hadii tan ay dambe u sheegaan in ay xaas leeyihiin tan horena u sheego in uu guursanayo dhibaatadu way yaraan lahayd.
 
Haweenka hadda jira waa kuwo haba ugu badnaadeen kuwa qurbaha ku noole dhibaato xoogan ku haya raggooda, ma ahan kuwo naxariis iyo aqoon diin iyo mid kaleba ay celinayso, samirna iska daa oo waxaaba macquul ah in ay raggooda been abuur ku sameeyeen si ay u gaaraan danta ay leeyihiin, waana tan dhalisa dhibaato badan ragga qaarkii kula kacaan haweenka ay qabaan haba ugu badnaato in ay dilaan.
 
Dhacdoyinka noocan ah, waa kuwo si aad ah ugu  badan bulshada dhexdeeda, waxa ayna ka dhashaan arrimo yaryar oo si dagan lagu dhamayn karo, laakiin la iska fududeysto aaqirkiina sababa qasaare naf oo naxdin iyo murugba reebta, hadii ay raggu sheegaan in ay guursanayaan, xaaskoodana ku qanciyaan, waxaa hubaal ah in  uusan dhib badani imaan doonin.laakiin mushkilada ayaa noqotay mid laba dhanba ka shidan.

Faalladii Canab Mumtaz
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

 
Faafin: SomaliTalk.com | July 18,  2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD