SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MA ILA GARATEEN, MA ILAARAGTEEN, MA ILA QOSOSHEEN, MISE WAA ILA NADEEN..!

Go'aankii Golaha Ammaanku wuxuu muujiyaa dareenka iyo siyaasadda dawladaha waawayn gaar ahaan kuwa iska leh awoodda Vitada. Haddaba, hadaynu si qumman u akhrino oo indha iyo qalbi furan ku eegno arrintaas waxaa inoo soo baxaya dhawr arrimood oo muddan inaan la iska indha tirin oo talada lagu darsado. Arrimahaas waxa ka mid ah:

1. Marka hore waxa caddaatay in dawladaha waawayn ee uu ka mid yahay dawladda Maraykanka iyo Ingriiska gaar ahaan inay ka soo horjeedan siyaasadda Madaxwayne Abdullahi Yussuf oo doonaya inuu dalka soo geliyo cidaamo ka socda dawladaha deriska ah iyo gaar ahaan dawladda Tigreega ee Ethiopya.

2. Waxa halkaa ka muuqata in dawladdaha ka tirsan Golaha Ammaaanka ay aaminsanyihii in maamulkii laga soo dhisay Nairobi in ay qabsantahay oo ay iska soo horjeedaan.

3. Goalaha Ammaanka wuxuu muujiyay inuusan taageereen hub urusiga iyo dagaal oogida Madaxawayne Abdullahi Yussuf .

4. Go'anka Golaha Amaanka waxa ka muuqatay in handaad u jeedisay Madaxwayne Abdullahi Yussuf in lala xisaabtamidoonto hadduu dagaal bilaabo. Taas waxaan uga danleeyahay cidda hadda dagaalka u ololeenaya ayaa ah kooxda Abdullahi Yussuf oo ka leexday dariiqii nabad lagu raadin lahaa.
QARAMADA MIDOOBEY OO QORAAL KASOO SAARTAY SOOMAALIYA.. GUJI...

5. Arrinta la yaabka leh oo laga yaabo dad badan inayan hoos usii eegin waxa weeyey in Go'aanka Golaha Ammaanka waxa uu ka kooban yahay 10 paragaraaf. 8 paragaraaf oo ka mid ah waxa lagu celceliyey "Transitional Federal Institutions" oo ah Hay'adaha Federaalka ee Ku Meel Gaar ah. Taasoo micnaheeda tahay in Golaha Ammaanku kala noqday aqoonsigii dawladnnimo maamulkii lagu soo dhisay Nairobi. Sidaas oo kale dhawaan qaraalkii ka soo bixi jiray dawladda Maraykanka ayaa ugu horaysay oo aan ka akhriyey waxa lagu magacaabo "Transitional Federal Institutions ama loo soo gaabiyey T.F.I.

6. Haddaba, haddii arrintu halkaa marayso Madaxwayne Abdullahi ma gartay mise ma u muqaataa in adduunku u ka daalay in dagaal Somaaliya lagu sii wado. Ma gartay mise ma u muuqatay in beentii uu meelaha la tagnaa oo ahayd dawladda Mareekanka iyo dawladaha Galbeetka ayaa i garab taagan aniga iyo xabashada i taageersan.

7. Maxaa Somaali La gudboon? In ay dib isugu noqoto oo ay ka midoobaan Qab Qable hadduu yahay odayaga ugu wayn ee hadda Madaxwaynaha noday iyo kuwa Xamar jooga ee bakhtigiisa sugaaya inay iyaguna maalin Madaxwayne la "Yiraahdo". 15 sanno nagu filan burbur iyo baaba'a lagu seegay adduun iyo aakhiraba oo aan ka haray asaageen. Qabiil waliba iyo gobol waliba inta horumarka iyo qarannimada isbaarada u dhogatay ha iska qabato oo ha is xoreeyso.

Dr. Ahmed Cigalleh Afrax
cigalleh09@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 18,  2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD