SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA

Soomaalida ku jirta xerada Nikafali ee Ugandha oo markii ugu horaysay UN-ku Qaadayo.

Diiwaan galintii ugu horaysay muddo dhowr iyo Toban sano ah ayaa loo bilaabay Qaxootiga Soomaaliyed ee ku jira Xerada Nikavali oo qiyaas ahaan magaalada Kampala u jirta 280 KM.

Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa qaadaysa lix boqol oo qoys oo ka mid ah qaxootiga ku jiray xeradaas,waxaana lagu wadaa in wadanka maraykanka la geeyo dabayaqaada sanadkan sida uu iigu waramay mid ka mid ah howlawadeena Jaaliyada Soomaaliyeed oo xiriir leh Agaasimaha xerada iyo QM.

Soomaalida waxaa xerada kula jira 25 kun oo TUTSI ah oo ka yimid Ruwanda iyo Burundi dagaaladii ka dhacayay,mid ka ah Somalida ku jira xerada oo aan kula kulmay magaalada ayaa ii sheegay in uu ku sugnaa muddo toban sano ah,waxyaabaha ugu wayn ee ay la ildaran yihiin dadka waxaa ka mid ah ayuu yiri maleeriyada oo dhalata biyaha xerada oo aan ahayn kuwo nadiif ah.

Inta badan looma ogola Saxaafada,sababo la xiriira in aan la faafin xaalada ay ku nool yihiin dadkaas,inta badan waxyaabaha loogu tala galo qaxootiga waxaa caadiyan la keenaa suuqyada magaalada,waxaana lakal siistaa lacago yar,taas ugu wacan in dad badan aysan helin waxii ay xaqqa u lahaayeen ee aduunku ugu deeqay.

Ku simaha Gudoomiyaha Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Kampala ayaa ii sheegay mar aan kula kulmay xafiiskiisa in ay jiraan boqolaal kale oo dad ah oo aan nasiib u yeelanin in lagu daro diiwaan galinta dadka loo qaadayo Maraykanka,laakiin ay ka dalbadeen wadamada kanada iyo jarmalka in ay qaadaan Somaalida ku harsan wali xerada uuna socdo dadaalkaas hadii la ogolaadana la filayo in la qaado horaanta sanadka cusub ee 2006.

Qaramada Midoobay ayaa wada dadaalo ay Soomaalida qaxotiga ah uga qaadayso meelo badan oo ka mid ah xeryaha ay ku jiraan kuna yaala qaarada Afrika sida lagu daabacay jariida dowlad ee New Vision kana soo baxda dalka Ugandha.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Uganda
Email: canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 19,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD