Xaalada Muqdisho ee 
							Maanta 
							
							 Eng: Mohamed 
								Bashi Abdulaahi.
Eng: Mohamed 
								Bashi Abdulaahi.
E-mail: 
							mbaashimbc@hotmail.com
							
							
							Magaalada Muqdisho 
							oo ah meesha kaliya oo Soomaaliya oo idil u 
							hanqaltageyso in ay ku soo noqoto nabad ayaan hadana 
							dadka ku nool ama sheeganaayo madaxda marna 
							dooneynin in caasimadu noqoto meel nabdoon ee lagu 
							soo celiyo nidaamka iyo kala danbeynta ayadoona 
							xiliwalba la soo baxaan waji cusub oo lagu sii 
							dhereysanaayo in ay sii socoto nidaam la´´aanta ka 
							jirta Muqdisho.
							Hadaba dadka 
							Muqdisho ma nidaam diidka waxey ka tahay garshe 
							la´´aan mise waxey doonayaan in ay sidaan iska sii 
							ahaato Muqdisho .
							
							Dadka Muqdisho ku nool oo ah kuwa xiliwalba la 
							taagan wax aan marnaba u rooneyn qaranka 
							Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa soo baxaaya in ay 
							doonayaan oo kaliya in Isbaarada leyska dhigto ama 
							in la laayo qofkastoo lagu tuhmo in uu aqoon diini 
							ah iyo mid maadi ah si Bulshadu u sinaato oo loogana 
							waayo qof wax kala garanaya ama waxa xun iyo waxa 
							fiicaan ay u kala soocan yihiin .
							
							Aduunka kama dhicin meel xumaanta garab la-isku 
							siinaayo wanaagana lagu diidayo wasida hadda ka 
							jirta Muqdisho oo garab lagu siinaayo qaadacu dariiq 
							uu ilaahey quraankiisu ku yiri qaadacu dariiqa 
							halaga jaro lug iyo gacan is dhaaf ah .
							
							Markaad fiiriso dadka Muqdisho iyo nawaxigeyda ama 
							aqoon yahanada kunool waxaad isleydahay dadkaani 
							malaha nabad la-aanta ayeyba NGO ku qaataan oo maba 
							doonayaan in nadaamkii iyo kala danbayntii soo 
							noqoto oo ay Muqdisho ay siday ahaan jirtay ku soo 
							laabato.
							
							Muqdisho ayaan marnaba laga sugeynin xal in ay 
							garaan inta ay isdiidan tahay siyaasada Hotel 
							Ramadaan iyo Hoteel Saxafi isbaarooyinkuna wey sii 
							oo laan doonaan inta laga gaaraayo heshiis siyaasada 
							ka socoto labada Hoteel.
							
							Hadaba siyaasada Muqdisho ka jirto ayaa ah ijiid aan 
							ku jiidee waana gacmo daalis sida ay somalidii hore 
							ay sheegeen .
							Sida lawada og soon 
							yahay ama la og yahay waxa dhibka ka wada muqdisho 
							waa dad tirsan dadkaas oo markoodii hore qabiil 
							dabada ku hayey ama ka soo jeeday haatana awod 
							yeeshay iyo in ay gaar isu taagaan waayo ciidamadii 
							ay markii hore ku heleen qabyaalada ayaa isu badalay 
							calooshood u shaqaystayaal ,hadana sida la wada 
							ogsoon yahay qabiil dabada kuma hayaan waynuna wada 
							og nahay somaliya in uu dhamaaday dagaal 
							qabiileedkii oo dad danahooda wata ay is jiid 
							jiidanayaan .
							Marka umada 
							somaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay ka tashadaan 
							tobanka qof oo somali dhibaaya ama dhibka ka wada 
							soomaaliya.
							Eng: Mohamed Bashi 
							Abdulaahi.
							E-mail: 
							mbaashimbc@hotmail.com