SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA DHEELIYAY GAALKACYO NABADEEDA

Qalinkii Mohamed Ahmed Aden (kulmiye)
loc  India hyd
EMAIL
save1428@hotmail.com

ILAAHBAA MAHAD  LEH NABI MAXAMED  NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATO

Aqyaaaray aniga oo in mudo ahba ka maqnaa shabakada war baahinta oo aan todobaadkii maqaal ku soo tuuri jiray
Waxaan maanta doonaya inaan diirada ku saaro qoralkaygan dhacdooyinka gobolka mudug gaaar ahaan gaalkacyo iyo waxa sababa

TUSMO

Waxaan tuducdan ugu horaysa qormadayda idinku tusinayaa sida magaalada gaalkacyo loogu noolyahay iyo sida dadku u kala dagaan
Waxaa laga yaabaa in dad badani u qabaan in gaalkacyo ay tahay labo qaybood oo kali laakiin xaqiiqdu saa waa ka fogtahay oo qaybta kale ee dadku idaacadaha ka maqlaan ee glk ku taalaa maaha meel ama goob xaafad lagu sheegi karo mana aha magaalada barkeede waa qayb aad u yar oo magaalada ka mida intaa waxii ka soo hara magaaalada waxaa daga dad badan oo isuga jira qabiilo badan haba loo kala badnaade
Magaalada inta ka soo harta xaafada yar ee an kor kusoo sheegnay waxay u qaybsantaa afar qaybood oo loo kala daganyahay xaafad xaafad iyo xaafad dadka o dhan isugu yimaaadaan oo dhex taal ah sadexda kalese waxaad mooda markii aad eegto inay u kala daganyihiin sidii beelihii oo kale
Hadaba aqyaaray su,aaasha meesha taala waxay tahay magaalada noocaas ah oo beelaha ka dhaxaysa hal beel ma maamuli karta oo monopoly ma ku haysan kartaa beelaha kale?
Ninba sibuu uga jawaabaaye kola ani waxay iila muuqata inaan xiligan maantay ah beel beel maamuli karin somaliana laga gudbay xiligii tacadiga ama isku dul noolaanshaha

WAA SIDEE MAAMULKA GAALKACYO YAASE KA TALIYA

Maamulka gaalkacyo waxuu ka koobanyahay gudoomiye ,ku xigeeen,duq degmo,maaliyada ,maareeyaha garoonka, intaaba waxaa ka arimayaa waa beel ka mida beelaha daga gaalkacyo oo aan haba yaraate cidi la wadaagin hadaba aqristow see bay macquul ku noqon meesha noocaaas ah in nabad galyo lagu soo dabaalo beelse beel ma maamuli kartaa waa saan horay kusoo xusnee? jawaabtu waa maya

GOLIHII DEEGAANKA GLK MAXAA HOR TAAGAN?

Anaga oo wada ogsoon in dhamaan ama badanaaba golayaashii deegaan gobolada la so gudbiyay ayaa hadana magaalada glk aanay wali soo gudbin kana muuqan wax dhaqaaqa taana waxay ku tusaysaa in glk u afduubantahay dad yar oo burcad ah aanan doonayna wanaaga iyo samada gobolka
Hadaba ani waxay iila muuqata in maamulka puntland ka arimiyaa uu xooga saaro sidii golaha deeganka glk loo soo gudbin lahaa si cadaalad ahna loogu qeebsan lahaa oo an qolona qolo ka sad bursan sida hada ka jirta gobolka oo dad dhan oo degmada ugu wayn gobolka aanay waxba ka ahayn dad aan hal dagmo ka so galina ay haystaan meelaha ugu sareeya taas oo xaqdaro ah

SIDEE GLK NABAD LOOGU SOO DABAALI KARAA

Waxaa magaalada nabad ka dhalan kartaa ama ay noqon karta meel dadka oo dhan ay ka wada arimiyan nabdeeda marka ay dadka oo dhan ka dhex muuqdaan maamulkeeda oo aan nina isha lagu godayn oo la dhahayn maxaa iga galay ma ana ka gudoomiya ama ka duq magaala ama ma anay i qusaysaa reer hebel bay qusaysaa oo ka taliyee waxaa oo dhana waxaa loog gudbi karaa waa iyada oo magaalada maamulkeeda si xaq ah loo qaybsado  qolana aan loo sad burin dadkuna say wax u kala leeyihiin loo kala siiyaa waa midaa oo kali ah tan glk loogu soo dabaali karaa nabad waarta laakin inta hal beel ka talinayso nabadi ka fog gobolka waxuuna noqon aaqirka xamar oo kale coz nina nin kama feera wayna

Qalinkii Mohamed Ahmed Aden (kulmiye)
loc  India hyd
EMAIL
save1428@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD