SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAXBARASHADA

Macluumaad  dheer oo muhiim u ah waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee maraykanka  wax ku barta.

Survival kit for Somali parents and Students in Minnesota/USA.

  • W.D: Maxamuud Nuur Wardheere

Qoraalkan waxaa loogu talo inay xog ka helaan waalidiinta ama ardada  aadka ugu baahan fahamka  nidaamka iyo dhaqanka dugsiyada maraykanka ama dadka aan iman maraykanka laakiin jecel inay ogaadaan nidaamka waxbarasho ee maraykanka ama baaritaan ha ku sameeyaan ama ha isbarbardhigaan halka ay joogaan iyo waxbarashada maraykanka ama aqoon kororsi ha u aqristaan.  Haddii aad hore u ogayd macluumaadkaan waxaa laga yaabaa inaadan u baahnayn ilayn aqrinta markasta waa qof iyo ikhyaarkii.

 

Haddii aanay waalidka Soomaaliyeed iyo ardaydoodaba fahmin habdhaqanka dugsiyada maraykanka iyo nidaamkoodaba waxaa adkaan karta in ardadooda ku najaxaan waxbarashada maraykanka ama aan dhahno galbeedkaba. Dadka qaar baa qaba in waalidka ku cusub maraykanka oo aan naftigood soo marin iskuulada maraykanka loo sahlo inay helaan fursad waqti tabaruc ah oo ay kaga shaqeeyaan dugsiyada maraykanka waayo fahamka habdhaqanka dugsiyada maraykanka wax sahlan maaha

 

Haddaba si loo fahmo dhibta ka hor iman karta ardada Soomaaliya ka timid bal marka hore aan eegno ardada maraykanka iyo waalidiintoodaba habdhaqankooda iyo siday wax yiraahdaan.

 

Marka hore waxbarashada dalka maraykanka inkastoo ay aad isugu manhaj dhow yihiin haddana ma ahan wax meel keliya laga maamulo oo manhajka looga soo diro ee gobolada iyo gudoomadooda waxbarasho ayaa maamula.  Dawladda dhexe ee maraykanka inkastoo ay lacag aad u badan ku qarash garayso waxbarashada haddana door kooban ayay ku leedahay maamulka.  Maraykanka sharciyada gobolada isku mid maahan.  Gudoonada waxbarashad waxaa maamula xubno la soo doortay iyo shaqaale la qoray. Qoraalkan loogama jeedo in wax lagu ammaano ama lagu dhaliilo waxaan isku deynay inaan  sheegno sida wax yihiin. Go’aanka waxaa uu la yaalaa waalidka ama ardayga, ujeedada qoraalka ma dhaafsiisna xog waran.

 

Waalidiinta urursan iyo ururka u dooda difaaca macalimiinta ayaa awood ku leh talooyinka waxbarashada qaar. Dawladda weyn ee dhexe maadaama ay dhaqaale badan bixiso hadba maamulkii wadanka ka jira ayaa isku daya inuu qorshihiisa ku qasbo gudoonada waxbarasha iyo goboladaba sida madaxweyne Bush u rabo inuu hirgeliyo siyaasaddiisa waxbarashada dalka oo uu ku magacaabay  yaanan ardayna laga tegin (no child left behind) taasoo macnaheeda oo kooban tahay iskuulkii ardadiisa si fiican wax u bari waayo in lacagta dawladda dhexe laga goosan doono iyo in imtixaanaad badan ardada laga qaadaa si lagu ogaado horumarka iskuulka.

 

 Dadka nidaamka madaxweynaha  dhaliilaya ayaa ku dooda dugsiyada  ardada wax ma baraan ee waxay baraan sida ardada ay imtixaamka ugu gudbi lahaayeen si aysan  lacagta u waayin.  Doodaha ka dhex socda waalidiinta waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah kuwa aaminsan in diinta iyo ducada ku badan tahay dugsiyada, qaarna in meesha diini ka maqan tahay oo laga bixiyo casharo aan diinta waafaqsanayn sida in dadku ka soo jeedo daanyeer (evolution) qaar kalena aaminsan yihiin in dugsiyada dadweynaha guud laga amaan iyo waxbarsho fiican yahay ilaa qaar gaareen go’aan ah in ay caruurtooda guriga wax ku baraan ama gaysteen caruutooda dugsiyo gaar ah..  Qofkii aqoontii iyo sharuudaha looga baahan yahay oofin kara waa uu furan karaa digsi gaar ah weliba lacag ayaa lagu siinayaa laakiin waa inuu ka soo bixi karaa shuruudaha la iska rabo.

 

Iskuulda dalka maraylkanka oo u kala baxa dugsiyda hoose, hoose dhexe, iyo dugsiyada sare.  Tirada ardada iyo waynaanta dugsiga hadba waxay ku xiran tahay bulshada ku nool meeshaas iyo degaanada wadaaga dusigaas tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in dugsi sare ardadiisu ka koobmaan 100 arday ku kalena 4500 oo arday dabcan shaqaalahana sidaas ayey u kala badsadaan. 

 

Dugsiyada hoose/dhexe

 

Maraykanku dugiyada kama bilaabmaan fasalka koowaad ee ardada waxaa la soo mariyaa waxyaabo la yiraahdo kindergarden iyo pre K taasoo ah saacado yar maalintii oo caruurta aan gaarin fasalka koowaad wax la sii baro hurdadoodana aan la dhaafin ilayn weli waa yar yar yihiine.  Ka dib ayey bilaabaan fasalka koowaad.  Waxbarasho ka kooban wax aqris iyo sheekooyin badan iyo wax dhigid  iyo computer ayaa la baraa cayaartana waa loogu roonaadaa.  Garaac iyo ciqaab jirka ah waa ka mamnuuc dugsiyada maraykanka. 

 

Ardayda waxaa ay badanaa xaq u leeyihiin gaadiid soo qaada oo celiya kuwa dan yarta ahna cunto free ah ayaa la siiyaa kuwa ladanse caruurtooda waa inay ay griga kala yimaadaan cuntadooda ama u gataan .  meelaha barafku ka dhaco gaar ahaan tuulooyinka aad u kala fog fog markii uu baraf xun jiro ama qatar keleba iskuulka waa la xiraa maalintaas  si aanay ardayda shil u gelin.  Meelo badan oo dalxiis (rixlo) ah ayaa loo qaadaa ardada gaar ahaan  xilliga xagaaga kulaylahana oo Arday badan ayaa loo qaado duurka iyo buuraha ama harooyinka iwm ayagoo ku seexda teendhooyin loogu talo galay. Iskuulka mararka qaar waxaa soo booqda marti ama dad wada macluumaad.

 

Dugsiyada ma ogolaadaan in hub lala yimaado, sigaar ama daroogo lagu dhex cabo, alkolana warkeedba daa.  Sidoo kale in la isku cabsiiyo ama la isku caayo ama la isku dhibo lama ogola laakiin taas macnaheedu ma ahan in aanay waxaas oo dhami ka dhicin dugsiyada maraykanka.  Midwalba sharci baa ka yaal oo ardada lagu qaadaa. Nasiib darro dugsiga dhexe waa meesha ay ka bilaabato dacaayada, is guruubaysiga, xin, naxariis la’aanta, iyo  daandaansiga (teasing) waxaa ku dheereeya gabdhaha.  Dagaalka iyop gacan ka hadalka waxaa ku dheereeya wiilasha Waxaa xusid mudan in ardada badankood ay wanaagsan yihiin.

 

Dugsiyada sare:

 

Fasalka sagaalaad dadka qaar waxay ugu yeeraan Freshman Year

Fasalka tobnaad dadka qaar waxay ugu yeeraan Sophomore Year

Fasalka kow iyo tobnaad dadka qaar waxay yiraahdaan Junior Year

Fasalka labo iyo tobnaad dadka qaar waxay yiraahdaan Senior Year

 

Dadka qaar ayaa ku tilmaamaan dugsiyada sare ee maraykanka meel fowdo ah oo ammaan daran oo aan cidina maamulin oo la isugu keenay kumaanan dhalin yar oo aan weli garaadkoodu bislaan.  Meel aad la isugu caayo oo aan naxariis oolin oo ardaygii  ardada ka duwan ama aan lahayn xirfad dad la dhaqan loogu gaysan karo caga juglayn ama liidid.   Dugsiyada sare waa meel u diyaarisa ardada sidii ay ku tegi lahaayeen jaamacadda oo faaiido badan.  Ardayda dadaalka badan waxaa ay ku xisaabtamaan in si dhaqso ah ugu  gudbaan imtixaanaadlka gobolkooda sharciga ka ah in ardayga ku gudbo weliba helaan buundo fiican.

 

 Ardaygii keena buundada GPA 3.0 deeqaha waxbarasho qaarkood ayuu u tartami karaa qofkii keena 3.5 iyo ka badan dhamaan deeqaha waxbarsho iyo fursaddiisa ah inuu helo jaamacado aqbala ayaa aad u fiicnaata .  Waxay sameeyaan si kasta oo ay ku heli karaan hadday ahaan lahayd in ay maqnaanshada yareeyaan ama waqti badan geliyaan tegitaanka maktabadaha ama goobaha laga caawiyo ardayda shaqada guriga, qaarkooda cayaara inay cayaaraha ku dheereeyaan, ama bulshada u adeegaan. Inkastoo ay jiraan waalidiin guryahooda ardada wax ku bara iyo kuwa diineed oo goobahooda diinta ardada wax ku bara iyo dugsiyo badan oo gaar loo leeyahay haddana ardada maraykanka badankood waxaa ay weli dhigtaan dugsiyada guud ee dadweynaha.

 

Ammaanka:

 

Dugsiyada sare ee maraykanka waagii hore waxaa ammaan daro lagu sheegi jirey magaalooyinka waaweyn ee ay degan yihiin dadka laga tiro badan yahay ama saboolka ah haddase ammaan darida waxaa ay ka dhici kartaa magaalooyinka yar yar iyo degmooyinka hodanka ah sida dhibtii ka dhacday dugsigii sare ee  Columbine ee Colorado ama dhowaan Red Lake , Minnesota meelahaas oo arday inta qoryo soo qaateen xasuuqeen ardada kale.  Iridka laga soo galo dugsiyada sare iyo fasalada hortooda waxaa jooga waardiyeyaal ama macalimiin kuwaas oo ilaaliya xasiloonida iyo ku haynta ardada fasalada dhexdooda.

 

 Iskuulada qaar saacadaha ardada waxbaranayso albaabada waaba la xiraa waxaana loo ogol yahay kuwa u baxaya dan muhiim ah uun inay baxaan.  Mararka qaar ardayda ayaaba dab ku shida musqulaha ama meelo aan la arkayn dhawaaqa digniinta ka dib waxaa qasab ah in dhamaan la wada cararo oo iskuulka laga baxo markaas ayey ka faaiideystaan inay baxaan laakiin haddii lagu qabto talaabo culus ayaa laga qaadaa.. 

 

Dugsiyada dhexe iyo sareba waxaa ka jira kuwa dadka gardaraysta oo cabsiiya (bully) Jaaliyadaha iyo dadka kala duwan caruurahooda mararka qaar gacanta ayey isula tagaan.  Dugsiyada qaar waxaa ka jira gangs,  ardada badankood waxay gangiska ugu biiraan aad ku badbaadid ama aad gaashaanbuur heshi iyo sababo kale.  Ardayda gaar ahaan kuwa laga badan yahay qaarkood ama dadka badankii aan u ekeyn waxay isku deyaan inay dadka isu ekeysiiyaan hadday noqon lahayd hadalka ama dhar xirashada ayagoo rajaynaya in la ogolaado ama la aqbalo caadina loo arko, waxayna isku dayaan waxa markaas caadig ka ah in la sameeyo ama ay ardada qaarkood u yaqaanaan afka ingiriisiga  COOL. 

 

Dugsiyada badankood waxaa ku qoran booliis joogto ah weliba xilliyada ay ardada qadaynayaan ama baxayaan kuwo kale ayaa u soo gurmada.  Waalidiinta maraykanka waxay ardadaooda  yar yar baraan xeelado badan oo hormarinaya xirfadooda dad la dhaqan.  Xirfadahaas waxaa ka mid ah

a)      In ardaygu afkiisa ka ilaaliyo cay iyo wax dadka kale uu dareenkooda wax ugu dhimayo.  Dagaalka gacanta waxaa uu sharciga maraykanku u yaqaan aggrevated assault waxaana uu keenaa cawaaqib xumo.

b)      B) Inuu ardaygu afkiisa baro kelmadaha  fadlan iyo raali ahow iyo mahadsanid.    ( Excuse me, sorry, thank you iwm). Iyo in la dacwoodo hadii lagu xad gudbo.

 

Waa muhiim in ardayda lala sheekaysto ama la weydiiyo in ay jiraan qolyo ama wax dhib ku haya waayo waalidka wax weyn ayuu ka qaban karaa arrimahaas badankood xataa kol uu dugsigaba ka bedelo.

 

Hab dhaqanka ardada.

 

Dugsiyada sare ee maraykanka waa meel ardayda lebiska iyo is qurxinta lagu tartamo waa meel la raadiyo aad caan noqotid (popular) waxyaabaha la sameeyo si caan loo noqdo waxaa ka mid ah cayaaraha ama heesaha ama muusiko.  Nasiib darro dugsiga sare  aqoonta laguma faano xataa qofkii aqoonta aad wax u yaqaan oo aad wax u aqriya oo laga yaabo in inta badan lagu arko maktabadaha wax aqriska waxaaba loogu yeeraa Nerd oo ah kelmad yasid ah waxaa aad loo qadariyaa cayaartoyga ama qofka koox samaysta oo u camirta kuwaas ayaa laga baqaa ama la jecel yahay in lala saaxiibo. 

 

Sanadkii waxaa dugsiyada sare ee maraykanka lagu qabtaa xaflado badan oo leh qoob ka ciyaar iyo kulamo kaleba waxaana ka mid ah mid loogu yeero Prom iyo Home Coming  iyo kuwo kale.  Xafladahaas waxaa lagu caleemo saaraa arday loo bixiyo boqor ama boqorad iyo darajooyin badan. Waxaa kale oo jira xaflado kale sida riwaayado ama koox la yiraahdo honor societies kuwaas oo dhiirigeliya ardayda buundooyinka badan oo mararka qaar qabata xaflado gaar ah iyo kuwo badan.  Ardada maraykanka waxaa ay aad u fiirsadaan telefishano  gaar ah badanaa sida MTV, Saturday Live iwm.  Waxaa kale oo ay fiirsadaan  American Idol iyo cayaaro ama filimo badan.

 

Ardada qaar ayaa macalimiinta kalkaaliye u noqdaan, qaarna xafiiska weyn ee hore ayay caawiyaan, qaarna gudiga maamula ardayda (student council) ayey ku biiraan. 

 

Caafimaadka:

 

Dugsiyada maraykanka waxaa ku dhexyaal xafiis caafimaad oo ay joogaan dad aqoon u leh arrimaha caafimaadka oo ardada ka caawiya wixii ay ka qaban karaan xanuunka ardada ama mel ay daawo ku qaataan  ama ku nastaan siiya ardada.  Waxaa kale oo ay bixiyaan qalabka kala dheereeynta dhalaanka ama ka hortagga uur qaadista si qarsoodi ah taas oo keentay in qaar waalidiinta ka mid ah necbaystaan xafiiskan.  Xafiiskan waxaa kale oo uu caawiyaa gabdhaha ardada ee uurka yeesha ayagoo iskuula dhigta.

 

Xirfadleyaasha kale ee ka shaqeeya dugsiyada sare/dhexe:

 

Macalimiin keliya ma joogaan dugsiyada waxaa kale oo jooga ama ka shaqeeya dugsiyada maraykanka councelors oo ah dad ardayda kala taliya xagga waanada ama macluumaadka ku saabsan sidii ay ardada u ogaan lahaayeen heerka ay buundooyinkooda marayaan ama maadooyinka looga baahan yahay ama ugaba warama macluumaadka la xiriira sida uu ardayga u dooran lahaa jaamacad ama u heli lahaa deeq waxbarasho.  Mararka qaar ardayda arrimo qaas ah ayey kala talinyaan.  Waxaa kale oo jooga dugsiyada social workers, psycologists, language therapist, dad u carbisan inay caawiyaan la shaqeeyaan ardada aan wax maqal ama kuwa xubnaha la’ iyo dada ku hadla luqado kale iwm kuwaas oo aradada u caawiya siyaabo aad u kala duwan.

 

Cayaaraha:

 

Hore ayaan u sheegnay in cayaaraha ay ka yihiin  dalka maraykanka wax qaali ah waayo jirkana waa u fiican yihiin deeq waxbarashona waa lagu helaa ardaygii ku fiican waxaa laga yaabaa inuu yeesho xirfad fiican oo dad la dhaqan taasoo keenta inuuba dugsiga ka noqdo xiddig ay ardada wada jeceshahay inay la saaxiibto.  Qaarna shaqo ay ku ladnaadaan ayey ka helaan. Bal aan aragno xilliyada dugsiyada sare laga kala dheelo cayaaraha kala duwan.

 

Dayrta:  Football, Valley ball, Cross Country, dabaasha gabdhaha iwm

Jiilaalka:  Hockey, Basketball, legdinta iyo dabaasha wiilasha iwm

Guga:       Tennis, Truck, softball, soccer for girls iwm

Xagaaga:   Basketball, softball, baseball iwm.

 

Waalidiinta maraykanka badankood waxaa ay ku bixiyaan lacag badan in caruurtooda ay qoraan barnaamij cayaareed oo leh taba bareyaal,  kuwaasoo ka dhiga caruurta ilaa laga soo bilaabo dugsi hoose ilaa sare mashquul hadday ahaan lahayd cayaaro ama muusiko waalidiintooda ayaa isbarta oo isku duubma ilaaba loogu yeero soccer moms ama hockey dads ama nascar dads iwm

 

Waalidiinta maraykanka:

 

Waalidiinta maraykanka isku aqoon ama dhaqaale ama isku hal jinsi maahan  Dabcan caruurtana waxay qaarkood leeyihiin aabe iyo hooyo kuwa kalena mid uun kuwa kalema midna mahaystaan.  Marka ujeedadayda waa waalidiintu isku tabar maahan isku fursadna ma haystaan sidaa darteed waalidiinta qaar ayagaaba dayacan.  Haddaan eegno kuwa badan waa kuwa wax bartay oo dhaqaale ahaan roon.  Ayaga ayaa ardaydooda guriga wax ugu aqriya oo soo dhisa.  Iskuulada waa ku xiran yihiin waayo ardayga maraykaa waxaa laga filaa  marka uu marayo fasalka 3xaad  inuu wax aqrin karo waxna qori karo.  Waalidiintan waxaa ay la garab taagan yihiin ardaydooda hiil iyo hoo qaarkood aabaha ama hooyada midbaa jooga guriga ilaa ardayga ka koro. 

 

Niyad dhis badan iyo dhiirigelin joogto ah ayaa lala garab taagan yahay ardayga marka uu qalin jebinayo iyo marka uu waxbarashada guul ka soo hoyiyo waa la abaal mariyaa.  Meel gooni ah oo uu wax ku aqristo ardayga  waa loo diyaariyaa saacadaha uu seexanayo iyo waxa uu cunayo iyo cidda uu la saaxiibayo intaba waa u kontroolan tahay.  Facoodda wax duufsada (peer presure) wax la yiraahdo ayey kala dagaalamaan oo fursadba u diidaan.  Telefishana maba lahan ama waxa caruurta fiirsato waa lala socdaa.  Shabakadaha Internetka sidoo kale waa la ilaaliyaa.  Waxay yaqaanaan qalabka lagu ilaaliyo TV ama shabakadaha Internetka qalabka sida net nunny ama parental control ayey isticmaalaan aqri www.controlyourtv.com  .  Waalidiintaas waxaa kale oo ay kontaroolaan telefoonka iyo saacadaha ardaygu ku hadlo iyo waqtiga ardaygu seexdo. 

 

Waalidiinta maraykanka badankood waxaa ay dareensan yihiin in caruurtooda haddii aanay dadaalka laba laabin in ay soo wajihi doonto tartan ba’an oo kaga yimaada ubadka qaaradaha kale qaarkood oo aad u dalaalaya xagga waxbarashada ayadoo dunidu isu furantay oo cilmiga technologiyadana aad u fiday.  Dareenkaas waxaa dhowaan ku muujiyey buug uu qoray suxufiga weyn ee reer Minnesota qoraagana ah ee la yiraahdo Thomas Friedman.  Thomas Friedman oo lagu bartay maqaaladiisa ku soo baxa New York Times iyo khibraddiisa dibadda waxaa uu dhowaan ka soo laabtay safar dheer oo uu ku tagay India  waxaana uu qoray buug la yiraahdo addunka waa fidsan yahay (The world is flat).  Dulucda buugiisa waxaan ku soo koobi karnaa jumladan “waagii aan yaraa ee aan ku noolaa Minnesota hooyaday waxay i oran jirtay cuntada cun dad badan ayaan cunto haysan ama aan heli karin sida India ama China, maanta waalidka maraykanka waa inay caruurtooda ku yiraahdaan aad wax u baro arday badan oo ku nool India iyo China ayaa aad wax u baranaya oo raba shaqadaada”

 

Talooyin muhiim u ah ardada iyo waalidka Soomaaliyeed ee maraykanka ku nool:

 

  • Ardayga waa inuusan iskuulka ka maqnaan cudurdaar la’aan waayo casharro badan ayaa dhaafaya ardaygii maqnaanshadiisa badan waxay u badan tahay inuu buundo hoose helo.
  • Ardayga waa inuu bartaa sidii uu buundo fiican u heli lahaa waana inuu ardayga habeeyaa buugagtiisa kana faaiideystaa waqtiga asagoo qorsheeynaya.  Waxaa kale oo muhiim ah inuu ardayga derso macalinkiisa iyo waxyaabaha uu jecel yahay ama uu neceb yahay.  Macalimiinta waxay noqon karaan cadow ama caawiye fiican.  Ardayga dan uguma jirto inuu la ficiltamo macalinkiis waana inuu la yimaada xirfad uu kula dhaqmi karo macalinkasta intii karaan kiisa ah.
  • Ardayga waa inuu ka faa’iideystaa meel kasta oo uu ka heli karo xog ama warbixin ama talo sida macalimiintiisa ama councelorska ama waalidkiisa.  Ardayga waa inuusan qarsan arrin welwel ku haysa ama wax uusan garanayn.  Waalidka ayaa ugu awood badan oo soo faragelin kara haddii ardayga dhib haysato ama uu rabo inuu wax iska bedelo.  Waalidka waa inuu isku deyaa inuu ogaado cidda ardaygooda la saaxiib ah ama waxa dhib ku haya xataa waalidka waa inuu kasbadaa kalsoonida ubadkooda ilaa ay xataa sir ka sheekaysan karaan.
  • Ardayga waa inuu u doortaa fasalada uu qaadanayo si taxadar leh waayo ardayga haddii uusan ogayn wax laga rabo iyo waxa uu asaga rabo waxaa laga yaabaa in waqti ka dhumo. Waa inuu ardayga ka foogjignaadaa ku dayashada indho la’aanta ah ee saaxiibadiis.  Ardayga waa inuu counelorkiisa la tashadaa haddii uusan garanayn waxa uu rabo ama laga rabo.  Dugsiyada maraykanka isku sharci maahan.  Tusaale Minnesota badanaa waxaa ardayda laga rabaa inay dugsiga ku qaataan 63 credits.  Waana inuu buundo fiican haystaa waana inuu si gaar ah waqti gaar ah u siiyaa maadooyinka Englishka qoraal iyo aqriskaba, xisaabta, sayniska, culuumta bulshada iwm. Ardayda Minnesota waxaa laga rabaa inay ku gudbaan ixtixaan la yiraahdo Minnesota Basic standard Test. 
  • Ardayga waa inuu fahmo in afarta sano ee dugsiga sare ay dhaqso dhanaanayso marka waa inuusan sugin,  waa inuu foojignaadaa oo haddii uu ardayga bilowga ka xumaadaa gadaal ka gaaridda waa dhib badan tahay.  Fasalada 9,10, iyo 11 wixii aad meel dhigato ayaa kugu sugaya fasalka labo iyo tobnaad.  Marka semester bilowgiisa la bilow dadaalkaaga cashar guri ka shaqayn iyo buugaag aqrin iyo buundo fiican helid iyo qorshayn fiican.
  • Waalidka waa inuu ka qayb galaa shirarka waalidka iyo macalimiinta waana inuu la socdaa calender  dugsiga iyo report cardka wax loogu yeero oo ah warbixinta ardayga iyo buundooyinkiisa.  Waalidka haddii uu reerka rarayo waa inuu la sugaa haddii ay suuroobayso  ilaa semesterka ka dhamaado oo imtixaanka ardayga dhiibo haddii kale waxaa laga yaabaa inuu buundooyin sidaas ku seego.  Haddii uu ardayga waqti dheer ka maqnaanayo dugsiga waa inuu waalidka u soo qaadaa casharadii dhaafi lahaa intaasi waxbay taraysaa.
  • Waalidka waa inuu dulqaad lahaadaa waayo ardayda waxaa horyaal hawlo aad u culus mararka qaar waxaa dhici karta inuu ku soo aado macalin aan naftigiisa xirfad arday la dhaqan lahayn ama aan fahmin ardada qaarkood. Waana in aan la iloobin in la amaano ardayga haddii ay wax wanaagsan sameeyaan lana jeclaysiiyaa waxbarashada,  waana in aad loogu celceliyaa sheegidda qiimaha waxbarasha  ilaa ay ardaydada fahmaan wax waxbarasho ka muhiimsan in aanay jirin.

Doorashada camalkii uu qofku ku taqasusi lahaa

 

Doorashada taqasus cilmiyeed ama shaqo wax sahlan maahan mana aha in ardayga lagu qasbo wax uusan jeclayn.  Ardayga waa inuu bilaabaa ka fikirka taqasuskiisa marka uu yahay fasalka sagaalaad.  America ardayga inuu sugo maalinta ugu danbaysa ma ahan sanad ama sanado ka hor ayaa la rabaa in ardaygu qosheeyo waxa uu rabo.  Waxaa fiican in uu la tashado waalidkiisa iyo counceloradiisa weliba asagana uu is garto meesha uu ku fiican yahay ama uu ku liito iyo waxa uu rabo iyo waxa uusan rabin.  Sidoo kale waxaa haboon inuu ardayga ogaado taqasuska waxa looga baahan yahay iyo iskuulkii uu aadi lahaa.

 

Dadka inay bedelaan taqasuskooda waa wax caadi ah waayo dad badan ayaa bedela sanadkasta taqasuskooda oo barta wax kale..  Waxaa xusid mudan in dadku aanay lacag badnaan ama fursad shaqo badnaan keliya aanay taqasus u baran ee ay u galaan naftooda oo maadadaas jecel awgeed.

 

U diyaar garowga jaamacadaha ama waxbarashada sare:

 

Jaamacadaha waxay ardayda kula taliyaan in ardaydu soo qaadato 4 sano oo ah luqadda Ingriiska, 3 sano oo xisaab ah oo ay ku jiraan Algebra I iyo AlgebraII iyo Geometry.  3 sano oo ah saynis iyo 2-3 sano oo ah culuumta bulshada.

 

Freshman Year & Sophomore Year:  Waa marka ay bilaabanayso wadada jaamacadda lagu tago.  Ardayga waa inuu is baraa dabeecad fiican oo waxbarasho.  Waa inuu ku dadaalaa buundooyinka GPA.  Waxa kasta waa xisaab.

Buundooyinka GPA   A= 4     B= 3      C= 2  

Haddii uu ardayga haysto buundooyinka  kulli A waxaa uu helayaa GPA 4.0   Haddii uu nus haysto B nusna haysto C  buundadiisa GPA waxay noqonaysaa 2.5.  GPA waxaa kale oo ay saamayn ku yeelan doontaa shahaadada (transcript) taasoo fursadda helitaanka jaamacaddaad rabtay saamayn ku yeelan karta.

 

Junior Year:  Waa marka la bilaabayo in ardaygu galo imtixaanaadka jaamacadaha, booqanayo jaamacadaha, iyo marka uu bilaabayo deeq waxbarasho raadin.  Dugsiyada qaar bisha October waxaa lagu qaadaa imtixaano la yiraahdo PSAT/NMSQT kuwaas oo ay suurtogal tahay in ardaygu ku helo deeq waxbarsho la yiraahdo National Merit Scholarships

 

Waqtiga u dhaxeeya bilaha March ilaa June ardayda waxay galan imtixaanaadka jaamacadaha ama waxbarashad sare la yiraahdo ACT ama SAT. 

 

Senior Year:  Waa sanadka ugu danbeeya dugsiga sare oo uu ardaygu ku nasto  shaqadii iyo dadaalkii uu soo samaystay saddexdii sano ee na soo dhaaftay oo uu miraheedii gurto.  September waa bisha ugu horaysa sanad dugsiyeedka waana inuu ardayga arkaa counselorkiisa si loola eego qorshahiisa jaamacdeed iyo natiijada imtixaanadii jamaacdda sida ACT ama SAT  si loo fiiriyo in ardaygu u baahan yahay inuu ku noqdo imtixaanada iyo in kale.

October waa bisha labaad waa inuu ardayga dhamays tiraa inuu buuxiyo waraaqaha codsiga sida deeqaha waxbarasho, ogolaanshaha jaamacadaha  waana inuu dib u qaataa haddii uu imtixaanka ku noqonayo.

 

April:  Go’aanso jaamacaddii ama kulliyadii aad aadi lahayd.  Kuwa kale oo aad codsatayna ogaysii inaad ka talo baxday.  April waa inaad gurigaad degi lahayd  ka shaqaysaa hadday ahaan lahayd guri banaanka ama jaamacadda dhexdeeda ah. Ardayga dhameeyaa dugsiga sare ee maraykanka waxaa uu kala dooran karaa  inuu aado

Jaamacad 4 sano ah ama community college ama career and technical school, ama Apprenticesships.

 

Shabakado internet oo muhiim u ah aradada Minnesota iyo waalidkooda

www.admissionpossible.org

www.mapping-your-future.org

www.umn.edu

www.mpls.k12.mn.us

www.stpaul.k12.mn.us

www.education.state.mn.us

www.ed.gov

 

Admissionpossible waa hay’ad ka hawl gasha 9 dugsi oo ku yaal labada magaalo ee mataanaha ah ee Minneapolis/St. Paul Minnesota waxayna caawiyaan ardada u baahan caawimaadda buuxinta waraaqaha lagu codsado jaamacadaha ama deeqaha waxbarasho.  Waxaa kale oo ay la raadiyaan ardada jaamacadaha ku haboon ama ay doortan.  Waxaa kale oo ay ardada ka caawiyaan inay bartaan sida loogu najaxo imtixaanada lagu galo jaamacadaha sida SAT ACT iwm.  Waalidiinta iyo ardada u baahan caawimaadda waxaa haboon inay ka faaiideystaan macluumaadka hayadda admissionpossible.

 

Afeef:  Qoraalkan waxaa loogu talo galay in sawir looga bixiyo habdhaqameedka waxbarashad maraykanka gaar ahaan Minnesota.  Inkastoo waxyaabaha aan ka hadalnay laga heli karo meelo badan oo addunka ka tirsan iyo maraykankaba haddana waxaa uu ku salaysan yahay Minnesota.  Sifooyinka aan soo sheegnay ugama jeedno in arday walba , macalin walba, walid walba, dugsi walba sidaas yahay waayo waa ka duwan yihiin

Ardaydu waa inay la tashadaan councelorskooda, waalidkooda, macalimiintooda ayagoo eegaya duruufahooda.  Qoraalkan looguma talo gelin in go’aan lagu qaato ama wax lagu liido ama wax lagu ammaano..   Waa warbixin uun.  Waxbarshau waa ku waajib qofka muslimka ah.

 

wardheereMaxamuud Nuur Wardheere

Former Teacher,Teacher aid, and School/Family Liaison in Minnesota.

He is also an Organizer of the Somali Education Night in Minnesota

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2005

Qoraaladii Hore ee Wardheere... GUJI


Qoraalkan oo PDF ah Guji Halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD