SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowladdii Waa Guurtay!

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Inteynaan u gelin guuritaan, waa maxay dowlad? Waxay ila tahay in maantoo kale aan micnaha dolwad la weydiineyn hal-abuurro. Haddaad i rumeysan weydaan dib u gocda heestii Oktoobar waa tee? Ama Oktoobar waa daruur hilaacday oo Soomaali u da’day.

Waxaan aamminsanahay in magaca dowlad uu leeyahay labo micne – mid saxaafadeed haddaad rabto dheh mid suuqi ah iyo midka saxda ah. Haddaad maqasho dowlad baa Carta ama Nairobi lagu dhisay waa mid saxaafadeed (suuq) maxaa yeelay lama helayo eray kale oo loo adeegsado. Mala dhihi karaa koox kubbad cag baa halkaas lagu dhisay? Ama koox culumo ah? Maya, marka si dadku u fahmo in siyaasad laga hadlayo ayaa la leeyahay dowlad baa la dhisay. Waxaan xasuustaa caleen-shaah iyo saliido laga keenijiray Kenya ooy ku qoranyihiin “made in Kenya” laakiin weligay isma oran dowlad Soomaaliyeed baa la dhihidoonaa “made in Kenya”!

Micnaha kale waa kan saxda ah ee loo dejiyey erayga dowlad. Marka sida guud loo hadlayo, dowladdu waxay u baahantahay qaran ay ku istaagto. Waxaan aamminsanahay in qarankeennu ka koobanyahay diin, dad, duunyo, degaan, bad iyo wax kasta oo dhulkeenna ka jira. Haddii inta Kenya nooga maqan loo yaqaan dowlad xitaa haddaad ku dartid xildhibaannada ama ergooyinkii sii joogay, meeqay ka yihiin qaranka Soomaaliyeed? Istaatikis ahaan, micno ma leh. Maaddaama, magaca dowlad uu ku weynyahay dadka dunida seddexaad; aan ka dhigno qaranka guri weyn oo wax kasta u dhanyihiin marka laga reebo tarniig/jiingad/laamiyeeri welibana dad dhex deggenyahay dabadeedna aan dowladda ka dhigno tarniiggaas si uu roobka, kuleylka iyo qorraxda u cesho (cadow- gude iyo dibadba). Hal-abuur Soomaaliyeed baa murti ku sarbeebay isagoo ku halqabsaday guri/qeymad wuxuu yiri:

  • Darmaa aqalka noo taal
  • Ha dabayl badnaadee
  • Wuusan nagu darrooreyn.

Dowladdii Marmuux Maxamed Siyaad sidaas bey ahayd oo haba iska dhib badnaatee laakiin arrinteennu marna faraha uma gasheen Zenawi.

Hadduu jiri lahaa qaran, dadkiisu diyaarsanyihiin xitaa tan Mbagathi lagu dhisay, inta diyaarad la soo saaro baan aqalkaas ku dadan lahayn.

Waxaan aamminsanahay in dowlad lagu dhisi karo seddex qaab:

  1. Mid xigmad ku dhisan sidii tii Nabi Muxamed (SCW) iyo Nabi Muuse (CS) dhiseen oo kale dabadeedna Khulafadii Afarta ahayd ay wax ku xukumeen. Muslimiintu Shuuro bey yaqaanaan.
  1. Mid ku dhisan xeel sida midda dimuqraadiyadda saxda ah la isticmaalo; adoo arkaya qofka xukunka ka sii dhacaya ama dib loo dooranrabo oo wadnaha farta ku haya maxaa yeelay waxaa arrintu gacanta ugu jirtaa shacabka. Tan mar dhow Itoobiya ka dhacday ama waddamo badan oo dunida seddexaad ah waxay u dhowdahay midda xoogga lagu dhiso.
  1. Mid xoog ku dhisan sida kuwa cinqilaabka lagu qabsado.

Haddii qaran jiro xitaa midda xooga lagu qabsado waa sahal iney wax xukunto. Bal dib u fiiri Kacaankii 21 Oktoobar iyo dowladda Zenawi.

Haddii qaran jiro miyaa madaxweynuhu Kenya ka oran lahaa: bakeyloow nin iyo bur! Ileyn xildhibaannadii baa la yiri nin walboow tag meeshaad ka soo jeeddo. Micnuhu waa nin walboow qabiilkaagii ku noqo! Miyeynaan qabiil ka carareyn ooynaan qaran usoo carareyn? Seddex sano ku dhowaad ka hor baa qof kasta qabiilkiisa la joogay marka ma markii intaas oo maskax, muruq iyo maal dadow la isticmaalay baa la leeyahay: nin kasta qabiilkiisa ha u noqdo?

Qaranka, marka hal koox laga reebo, inta kale waa kuwo naloo leyliyey oo xitaa haddii afka gacanta loo gasho aan ku qaniineyn. Waa inta aan dadka ahayn. Xitaa dadkoo dhan ma wada aha ee waa inta hubka la ordeysa een rabin qaanuunka. Walaalayaaloow, ma haddii dadka laga maaro helilahaa baa garoonka iyo dekedda Xamar ku diidi lahaayeen in la furo? Ma iskuullo iyo isbitaallo dunsan baa ku diidi lahaa in la dayac tiro? Dadka guud ahaan oo qaarkood Ilaahii abuurtay ku caasiyey, qofkii raba inuu raaco waa inuu la yimaa xirfad heer sare ah ileyn dadkuba waxay iskaga badanyihiin kuwo madax adage.

Dowladda xikmadda lagu dhisay iyo tan xeeladduba waxay ku taaganyihiin sharciyada u yaal oo iyagu ma cadaabaan dadkooda laakiin midda xoogga lagu dhisay meeshii tarniigga guriga dusha laga saari lahaa baad mooddaa in inta dadka loo yeero la leeyahay idinku tarniiga iyo alwaaxda oo is wata, dhinacyada ka qabta; markaasaa, ninka xoogga wax ku qabsadaa uu halkaas qorraxda, dabaysha iyo roobka ka galaa halka dadkii kale culaabtu saarantahay. Waa arrintaas midda keenta in la arko qof u gala waddan kale ooy dhici karto inuu cadow u yahay. Caqligaa keenaya, in qofkii fursad u hela inuu culeyskaas ka siibto uu ka siibto markay u suurtogasho laakiin in cadow ku soo isticmaalo waa arrin fool xun.

Waxaa nasiibdarro ah in dadka Soomaaliyeed intooda badan ay macnaha dowladda u fahmeen sida micnaha suuqiga ah. Imisa meelood baa dowladda looga dabbaaldegay? Imisa qof baa jago raadis ahayd?

Soomaalidaa tiraahda: sheydaan nin hooyadiis qorrax u jiida waa yahay; habar sheydaanna wax qorrax loo jiido waa tahay. Marka qaabkaas qaran iyo dowlad uma shaqeeyaane maxaa noo dan ah? Qolooyin wadaado ah baa jira oo iyagu hadday amiir maqlaanba leh hala addeeco. Qabiil-isku-diidkuna waa arrin iska cad, qabiilooyinka dhexdooda. Haddii Imaamku uu xoog dadkoo dhan ku muquuniyo, hadal baa u furnaan lahaa kooxda hore laakiin taasi hadda ma muuqato marka waxaa aniga igala habboon in la yiraahdo labada kooxood oo iska soo horjeedaba aan isla tuurno ileyn kulligood waa ilmo Mbagathi ama in la yiraahdo inta loo garnaqo si caddaalad ah dabadeedna ciddii garta diida hal dhinac looga soo wada jeesto.

In dowladdu labo macne kala leedahay waxaa kuu caddeynaya guuritaankeedaas. Marka bal hala arko in inta Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo iyo Marka tagaan ka tashaan. Hadday maalmo gudahood inta magaalooyinkaas tagaan ay xukumaan, anaa khaldan oo micnaha dowladda Mbagathi lagu dhisay wadato waa kii saxda ahaa.

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 14, 2005

»Bogag Soomaliyeed oo ku dhiiraday baahinta aflagaadada Islaamka
»DHIBAATADA HAYSATA SOOMAALIDA KU NOOL WADDANKA YEMEN

»JAWAAB: Maqaalkii Ogadenya vs Hargeysa | Maax
»Qaab Nololeedka Soomaalida | Awes A.Osman
»MAXKAMADAHA ISLAAMIGU, MA ISLAAM BAA? | Dr.Dhaanwade
»
URURKII NABAD DIIDKA AHAA OO 5 QAYBOOD U KALA JABAY
»Shariifow (wixii xoog lagu qaado xoog baa lugu soo celiya) | C.M
»Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»
Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay | Dirir
»Hargeysa mise Hargageys. | Zahra
»Dib allow u soo celi :: Doodwanaag Q.37aad | Ing. Guulwade
»
Garaad Sabool ah! | Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD