SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan ma yeelan doonaan Hal Aragti oo dan u ah Somaliya.

Hadal haynta ugu badan ee dadka ayaa ah dhex dhexaadinta labada mas'uul ee ugu sareeyasa dowlada iyo baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya oo hadda ku wada sugan hotel ku yaala magaalada Sanca ee dalka yaman.

Labadan mas'uul waxaa ku kulmiyay dalkiisa waliba hal caasimad iyo hal hotel Madaxweynaha Carbeed ee dalka yaman Ali Abdalla Salah,kadib markii uu ku casuumay dalkiisa si ay u dhameeyaan khilaafyada ka dhex jira ee ku aadan sidii loo meel marin lahaa Dastuurka u yaala dalka Somaliya oo uu is maan dhaaf ka dhex jiray bilihii la soo dhaafay.

Khilaafka ka dhex jira Mas'uuliyiinta Labada golle waa mid wax badan soo socday,walina kuma aysan guulaysanin in ay helaan sharci yaqaano si sax ah u kala saara oo dhex dhexaad ah,waxaa jirtay in sharci yaqaano aan la arag uu la kulmay Madaxweynaha isagoo sheegay in ay ku yiraahdeen waxa uu shariifku qaatay waa qalad tusaale ansaxintii 17kii maarso shirkii lahaa ee baarlamaanku ay gacmaha iskula tageen.

Sidaas si la mid ah ayaa sharci yaqaano kale oo ku sugan mogadisho wax ay cuskadeena aan soo bandhigin sheegeen in shariif xasan ku saxsanaa in shirkaasi uu ahaa ansax,halka uu ku qaldanaa madaxweynaha in uu ka soo horjeesto ansaxintaas wax ayna ahayd ayay yirhaadeen in Madaxweynuhu ku raaco sida wax loo ansaxiyay.

Ma jirin talaano xoogan oo ay qaaday IGAD oo shirka gacanta ku haysay soona qabanqaabisay,gaar ahaan dalka kenya,bixitaankii shariifku waxaa garoonka ku sii sagootiyay ergayga gaar ah ee kenya u xilsaaran arrimaha Soomaaliya,waxaa kale oo uu ka qayb qaatay shirkii ugu dambeeyay ee shariifku ka xanaaqay wax ayna noqotay kaalinta kenya ee C/llaahi gar leh Shariifkun gar leh.

Si kastaba ahaatee wax walba waxaa ka muhiimsan Danta ummada Soomaaliyeed,waxa ku qoran dastuurka hadii la isku af garan waayo waa wax laga gudbi karo hadii ay jirto daacadnimo iyo in loo adeego shacabka soomaalieed hadii ay u gartaaan xubanaha baarlamaanka in laga gudbo caqabadaas.

Khilaafkii ugu dambeeyay waxa uu yimid bishan 12-keedi kadib markii la soo xiray kalfadhigii 1aad ee baarlamaanka,madaxweynaha ayaa u sheegay xubnihii ka soo qayb galay kulanka in laka kala diray mudo laba bilood ah,sidda ku xusan xeer hoosaadka baarlamanka FKMG ah ee Somaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku tilmaamay arrintan kala dirista mid aan socon karin,warqad uu usoo diray xubnihii baarlamanka ee shirka iyo mas'uuliyiinta dowlada iyo baarlamaanka ayuu shariifku sheegay in marxaladaha jira awgood aysan macquul ahayn la soo xiro fadhiyada baarlamaanka waxa uuna ugu baaqay baarlamanka in ay yimaadaan xamar ka hor 25 ka bishan oo la qaban doono kulan doono kulan guud oo ay yeelanayaan baarlamaanka.

Haddaba khilaafyadaas hadii loogu tala galo waa kuwo laga gudbi karo,waxaana la filayaa in kulankan uu keeni doono ugu yaraan in ay tanaalaad sameeyaan mas'uuliyiinta ugu sareeya dowlada FKMH ah ee Soomaaliya oo hadda ku sugan dalka yaman,waxaana la saadaalinayaa hadii ay heshiiyaan in ay isku keenayaan xubanaha baarlamaanka ay kala hogaaminayaan ee hadda labada garab ah laakiin wax ay badani is waydinayaan ma yeelan doonaan hal aragti oo dan u ah Soomaaliya?.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | June 17, 2005

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay
Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa... Guji... Jun 16

Xagguu ku dambeeyay Gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!
»Gudoomiyaha nabadgelyada Afgooye: wuu baxsaday wiilkii..
»Afgooye: Cabasho ka timid Ururka Ganacsatada Beeralayda
»Xamar: Firimbi oo Beeshiisa ku eedeeyay Isbaarooyinkoodii
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 16

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD