SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wasiirka waxbarashada dowladda Federalka Somaliya oo ku baaqay in aan waxba laga badelin  qaab dhismeedka maamulka gobalka Hiiraan.

  • Cali Maxamed Geedi Oo Laguwado In Uu Soogaaro Magaalada muqdisho malinta Ciida ah

  • Shariif Xasan iyo Xuseen Caydiid  oo xalay kulan Xasaasi ah ku qaatay magaalada Nairobi.

Wasiirka waxbarashada dowladda Federalka Somaliya oo ku baaqay in aan waxba laga badelin  qaab dhismeedka maamulka gobalka Hiiraan.

Kulan ay yeeshiin labada masuul ayaan ilaa iyo hadatan aysan ka soobixin wax warar ah laakiin wararka aan  kaheleeyno magalada nairobi ayaa sheegayo in ay kawada hadleen khilaafka hareeyey dowldda iyo sidii la is kugu keenilahaa xubnaga dowldda ee kala fikirdowan. Wasiirka Arimaha Gudaha ahna

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federalka Soomaaliya Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in maamulka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Hiiraan iyo Degmooyinkisa ay tahay in  aan waxba laga badali doonin .

Wasiirka ayaa sidookale carabka ku dhuftay in Cidkas oo ka hortimaada  dhismaha Maamulka ay u samaysay dhawaan ay umaga coowday Dowladda federalka Gobolka Hiiran  Qof kahor timaada in aysan rabin Qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale wasiirka ayaa uga qaabay dadka ku dhaqan Gobalada Hiraan in ay ganmaha is qabsadaan ayna ka midooobaa dadka aan danta u wadin gobalka hiiraan ayna is ku meel uga wada soojeestaan.

Cali Maxamed Geedi Oo Laguwado In Uu Soogaaro Magaalada muqdisho malinta Ciida ah

Waxaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho imaanshiyaha Raysalwasaaraha Soomaaliya oo la sheegay inuu soo gaari doono magaalada maalinta ciida.wararkan ayaa ah kuwo siweyn loogu hadalhayo magaalada Muqdisho ayadoo ay jiraan warar sheegaya in Raysalwasaaraha maalinta Ciida uu shacabka kula ciidi doono caasimada.

Illaa iyo hada ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya wakhtiga imaanshaha Raysalwaasaraha balse waxaa isa soo taraya hadalada laga soo xignayo xubnaha ku dhow dhow oo sheegaya in Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale ay soo gaari doonaan Muqdisho.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in uu Raysalwasaaraha ka furo magaalada Xafiiskiisa oo ay horey xukuumadiisa u go'aansatay in ay ka hawl galaan Cali Maxamed Geedi Raysalwasaaraha iyo kuxigeenkiisa ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha Xussen Maxamed Caydiid.

Xussen Caydiid ayaa asaguna lagu wadaa inuu dhawaan soo gaaro magaalada Muqdisho asagoo dib uga soo noqonaya safaro uu ugu baxay dalal dibada ah iyo dalka jaarka ah ee Kenya.

Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa safarka uu ku imaanayo magaalada Muqdisho noqon doona kiisii labaad oo uu si rasmi ah magaalada ugu imaanayo tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay.

Cali Maxamed Geedi ayaa asagu xukuumadiisa xarun uga dhigay magaalada Jowhar, ayadoo xukuumada Federaalka horey u sheegtay in magaalada Muqdisho inta laga sugayo amnigeeda ay xarumo ka dhigtaan magaalooyinka Jowhar iyo magaalada Baydhabo oo markii danbe ayaduna dagaalo ka dhaceen.

Cali Maxamed Geedi ayaa safarkiisii ugu danbeeyey ee magaalada Muqdisho ku yimid uu ku dhameystay argagax kadib markii Bambaano lagu tuuray mar uu ka khudbeenayey Stadiyum Muqdisho oo ay markaa ku sugnaayeen Kumanaan dad ah oo Shacab ah.
 

Shariif Xasan iyo Xuseen Caydiid  oo xalay kulan Xasaasi ah ku qaatay magaalada Nairobi.

Kulan ay yeeshiin labada masuul ayaan ilaa iyo hadatan aysan ka soobixin wax warar ah laakiin wararka aan  kaheleeyno magalada nairobi ayaa sheegayo in ay kawada hadleen khilaafka hareeyey dowldda iyo sidii la is kugu keenilahaa xubnaha dowldda ee kala fikirduwan.

Wasiirka Arimaha Gudaha ahna Ra'iisal Wasaare kuxigeenka Inj Xuseen Max’ed Caydiid  oo shalay soo gaaray magaalada Nairobi is  xalayba  kulan laqaatay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, maantana waxaa lagu wadaa in is lamaanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

 Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Caydiid ayaa magaalada Narobi ka wada dhaq dhaqaaqyo uu ku doonayo in mar kale la is ku keeno madaxda sar sare ee dowladda Federaalka Somaliya, Wasiirka ayaan ilaa iyo haatan sicad u cadeeysan  inuu la jiro garab dowlada ee Jowhar ku sugan Walow ay jiraan tuhomo ay kaqabaan Xubnaha dowladda Ee ku sugan Magaalada muqdisho. 

Xuseen Caydiid ayaa shalay soo gaaray magaalada Nairobi isagoo ka soo an babaxay dalka Kaamaruun oo uga soo qeebgalay shir caali ah oo ay ku sigu imaa nayeen dalaalka Africa

C/laahi Axmed Diiriye "Boore"
boore3@hotmail.com

Muslimiinta Adduunka oo Ciidaya Khamiista
Dunida Islaamka ayaa isku raacday in Arbacadu ay tahay maalin Ramadaan, Ciiduna ay ku beegan tahay Khamiis marka laga reebo dalka... Guji....

Hooyadii Shidday Shumacii Xaq-U-Dirirka Xuquuqda Dadka Madow
oo Noqotay Haweenaydii ugu horaysay ee Naxashkeeda La Dhigo Capitol Hill... Guji... Nov 2

SomaliTalk.com | Nov 2, 2005

WARARKII SHALAY:::

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqanaya Xaafun iyo Eyl

Wafti ka kooban qaramada midoobey iyo xubno k atirsan Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta booqasho ku tegi doona Xaafuun iyo Eyl.

Dhinaca DGPL waxaa waftigaas hogaaminaya Cali Cabdi Awaare oo ah wasiirka Dawladaha hoose iyo horumarinta reer Miyiga, dhanka Qaramada midoobeyna Maxwell Gylard.

Ujeedada waftigan ayaa ah sidii qiimayn loogu soo samayn lahaa waxa ka qabsoomay mashaariicdii UN-ku ugu deeqday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii Badgariirka ee aagas ku dhifatay dhammadkii sannadkii hore.

Gudoomiyaha Baarlanaamka Somaliya Shariif Xassan

Kulan xasaasi ah oo ay Xildhibaano xalay Nairobi kula yeesheen Baarlamaanka Somaliya Shariif Xassan,

Waxaa xalay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya  kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada BFS iyo Guddoomiyaha BFS Shariif Xassan. Kulankan oo ahaa Afur iyo casho oo lagu tilmaamay kulan ay xubnahan kamid ah Baarlamaanka ay ku kala war qaadanayeen.

Kualan kaas ayey kasoo qeen galeen    xildhibaanada kamid ah Baarlamaanka ee ayagu hada ku sugan magaalada Nairobi. Kulankan ayaa looga munaaqashooday caqabadaha hortaagan dowlada iyo khilaafka ku dhex jira xubnaha kamid ah dowlada. Arrintan oo uu ka hadlay Shariif Xassan ayuu sheegay inay tahay mid la xariirta Dastuurka oo la garab maray.

Wararka aanu ka helayno xubno ku sugnaa shirkaasi ayaa  sheegay in Xildhibaanada intooda badan ay usoo jeediyeen Guddoomiyaha Shariif Xassan, in la bilaabo waan waan loo kala dab qaadayo Xukuumada fadhida Jowhar iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay in ay usoo jeediyeen Guddoomiyaha in uu ogolaado dadaalkaasi oo ay wadaan, balse Shariif Xassan ayaa arrinkan ku gacan seedhay.

Shariif Xassan Shiikh ayaa u sheegay xildhibaanadaasi in beesha Caalamka ay hada faraha kula jirto dhex dhexaadinta xubnaha iska horjeeda.

Balse xildhibaanada ayaa ayagu ku dooday in loo baahan yahay in arrimaha jira ay Soomaalida dhex dooda xalistaan hadii heshiis laga gaari karo.

Maaha markii ugu horeysay oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ka gaabsado qorshe noocaan ah oo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo asaga iyo xukuumada fadhigeedu yahay Jowhar.

Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow Shariif, khilaafka hada jira ayaa ah mid ka gudbay heerkii siyaasada oo hada isu bedalay cadaawada dhex taal shaqsiyaad ku sugan Jowhar iyo Xubnaha Muqdisho xaruntoodu tahay ee uu kamid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Arrinkan ayaa ah mid caqabad weyn ku ah dadaaladii lagu waday in lagu heshiisiiyo xubnaha ku wada jira dowlada lagu soo dhisay dalka Kenya.

Illaa iyo hada waxaan muuqan wax tanaasulaad ah oo dhinacyada kala gedisan isu quuraan, ayadoo arrintaasi loo aaneenayo xurgufta ay kala tirsanayaan hogaamiyaasha kujira Dowladda,

Mudaaharaadkii ka dhacay B/wayne waxaa soo abaabulay dad yar oo aan doonayn in dalku xasilo,

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabogeed) ayaa maanta shir jaraa'id  ku qabtay magaalada Jowhar ku tilmaamay mudaaharaad shalay kadhacay magaalada Baladwayne mid ay soo abaabuleen dad tirsan oo aan marnaba doonayn in gobolka Hiiraan uu maamul yeesho iyo in dawladda Federaalku cageheeda isku taagto.

Wuxuu kaloo intaasi ku daray guddoomiyuhu in Sida loo buun buuninayo uusan ahayn mudaaharaadkaasi taasi qaar kamid ah saxaafaddu ku sheegeen inay kasoo qayb galeen 3 kun oo qof.

Mar uu ka hadlayay arimaha maamul usamaynta gobolka Hiiraan wuxuu sheegay in gobolka Hiiraan uu ka jiro maamul hagaagsan oo shaqaynaya isla markaaana shaqayn doona.

Wuxuu tilmaamay in dadka doonaya inay is hortaagaan maamul u samaynta gobolka Hiiraan aan laga yeeli doonin taasi dadka gobolkuna ay iska qaban doonaan.

Shirka jaraa'id ee guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii saxaafadda qaar keed ay buun buunisay in khilaaf culus uu ka jiro gobolka Hiiraan .

 Wali hawlihii duulimaad yada ayaa si habsami leh uga soconaya garoonka diyaaradaha ee Dayniile

Wali hawlihii duulimaad yada ayaa si habsami leh uga soconaya garoonka diyaaradaha ee Dayniile ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho, iyadao xayiraadii ay dowlada Kenya kusoo rogtey wakhtigii ay u qabateyna ay saacado un naga xigaan.

Ganacsatada xiriirka ganacsi uu kala dhaxeeyo magaalada Nairobi ayaa caadi hawlahoodii u watey maanta, kadib markii dhowaantan hadal kasoo baxey wasaarada arrimaha dibadda dalka Kenya, iyo shir jaraa’id uu dhowaantan ku qabtey ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi magaalada Jowhar, uu shaaciyey ineysan kasoo dagi karin diyaaraha garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed.

Arrintan ayey shirkadaha duulimaadka dhinaca Jaadka ka ganacsatada iyagu sheegeen iney arrintaasi u muuqatey mid lagu khal khal galinayo ganacsigooda, iyadoo tilmaan ka bixiyey ineysan dowlada Kenya oo qaar kamid ah ganacsatadan sheegeen iney la xiriireen ay tilmaantey ineysan guddaha dalka Soomaaliya gaar ahaan garoomada ku yaala Soomaaliya aysan Kenya xukumin, xaqna u laheyn iney kala magacawdo meelaha ay isticmaalayaan diyaaradahaasi.

Nadiifo Maxamed Cali waxa ay kamid tahay haweenka ka ganacsada Jaadka oo aan saaka kula kulaney garoonka Dayniile, iyadoo sheegtay iney qabto iney yihiin hadalada dhowaan soo baxey kuwo kutiri kuteen ah.

Arrita ku saabsan hadal heynta garoomada diyaaradaha todobaadkii lasoo dhaafey markii ay soo baxdey, ayaa waxaa arrintaasi mudaaharaad ka sameeyey ganacsatada Jaadka ee garoonka Dayniile, oo iyagu u arkey arrintaasi mid dhibaato ku ah, iyadoo maalintii shaleyna ay warbixin ku aadan garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed ay soo saareen labadda gole ee Muqdisho, iyagoo sheegay ineysan dowlada Kenya shaqo ku laheyn garoomada ay diyaaraha kusoo dagayaan farahana kala baxdo arrimaha guddaha Soomaaliya.

Madaxweeyne Yuusuf Iyo Ra'iisul Wasaare Geedi Waxeey gateen Dalkii iyo Dankiiba. Waa in la is ka dhac shaa Sidaas waxaa Yiri Wasiirka Amniga qaranka Maxamed Qanyara afrax

Wasiirka Amniga qaranka Dowladda federaalka Somaliya Maxamed Qanye Afrax ayaan shaaca kaqaaday in madaxweeyni Yuusuf Iyo Ra'iisul Wasaare Geedi ay wadaan in dalka somalaiya ay doonayaa in dowladda Utooba ay kaganta ugaliyaan.

Wasiirka ayaa madaxweeynaha dowladda federaalka somaliya Mudane C/laahi yuusuf ku ee deeyey in ay wado qorsho ladoona in dalka somaliya gabi ahaan tiisaba in  loogacan galiyo dowladda shisheeye ay natahay mid aan sinaba loo aqbali doonin, Mr.qanyare ayaa in taas ku daray in laga hortago dhibaada ka soo sucota magalada jowhar ayna horseed u yihiin madaxweyni yuusuf iyo ra"iisul Wasaare geedi.

Wasiirka ayaa markale u ciliyey in lacago been abuur ha in lasogaliyey magalaada muqdisho iyo jowhar lacatas oo ay soo sameesteen Garabka jowhar kusugan ayna tahay in laga hortago dhibaata ka imaan karto lacagtaa been abuurka ay wadtaan kuwo aan danta shacabka u adeegeeynin  waasida uu hadlka u dhigay wasiirk amniga qaran dowladda federaalka soomaali maxamed qanyare afrax.

Uga danbeentii wasiirka ayaa igu baaqan  shacabka soomaliyeed meel kasta ay joogaan in ay ka hortagaan Sixir bararka ay ka imaan kara lacagtas been abuurka ah ayna dadka somali ay aqoom sadaan dadaala ay ugo horta gaan kuwa dhibaata ku hayo shacabka ku sugan  Gabalka banaadir,

Wasiirka ayaa dhoormar kadhawaajiyey in lacago been abuur ah ay soogashay magalaada muqdishi uuna sago haatan gacanta ku hayo. Dhan kale wasiirka warfaafinta Dowldda federaalka somaliya maxamed cabdi xayir maareeye wax kama jiraan ku telmaamay lacagta lagu ee deeyey in ay soo sameesteen garabkooda u sugan magalaad jowhar taasina ay tahay mid ayaga iyo shacabka somaliyeed la is kaga horkeenayo, wasiirka ayaa dhanka kale meesha aan kasaarin in ay dowldda  soomaaliya ay sameey soneeyso lacago Cusub maadaaba ay tiihore ay dhaantahay loona baahan yahay lacag cusub iyo Baasara Buuro, ay sameeysato dowladda.

C/laahi axmed Diiriye ''Boore''
Muqdisho, Somaliya
boore3@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2005

Wararka Soomaalida Ku Hoos Nool Gumeysiga:
Dhacdooyinkii dagaal ee u denbeeyay Xorriyo Nov 1

DFKMG oo Ku Biirtay Dalalka Dagaalka ku la jira Hargabka Shimbaraha (Bird Flu)
»
Dowladda Talyaaniga oo baaritaan ku sameyn doona hub..
»
Isku soo dhawaansho:doodii maamul u sameeynta G/Hiiraan
»Haweenay ninkeeda ku dishay deegaanka Towfiiq..
»
C/laahi Sh. Ismaaciil oo AdisAbaba kaga qayb galaya shir
»Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqanayo Bosaso
»Maxamed Dheere oo Xiray Taliye kuxigeenkii Ciidamadiisa...
»300 Boqol oo Maleeshiyoyin Oo lagu tababarayo Waajid
»DFKG oo Beenisey in Lacag Been Abuur ah Lakeenay Jowhar
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Wafdigii uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga oo ku sugan London
»Muqdisho: Ganacsatada Qaadka oo Walaac Muujiyey...
»
Beledweyne: Banaanbax Lagu taAgeray iscasilaadii wasiirada
»Kismaayo: 1 qof oo ku dhintay & 9 ku dhaawacmay shil gaari
»Wasiirada DFKGS Oo loogu Baaqay In Ay Yimadaan Jowhar
»Xildhiban Cumar Xaashi: Kenya Yeysan dhinac la safan...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 30

Indho-indheyashii doorashadii Baarlamaanka ee Somaliland
oo Seminar kuqabtey Pretoria.. Warbixintii Siciid Fuuraa

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD