SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hooyadii Shidday Shumacii Xaq-U-Dirirka Xuquuqda Dadka Madaow oo Noqotay Haweenaydii ugu horaysay ee Naxashkeeda La Dhigo Capitol Hill

Galabnimadii Axadda ila iyo 10:30 subaxnimo ee maalinadii Isniinta, Waxaa safaf dheer loogu jiray sii sagootinta  Maydkii Rosa Parks oo asbuucii lasoo dhaafay ku geeriyootay magaalada Detoriot ee gobalka Michigan. Waxaa la xiray wadooyinka waawen ee gala Xarunta aqalka congresska Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill, laga bilaabo Pennsylavania Avenue ilaa Independent Avenue, dhanka kale Constituation Avenue ilaa 1st St. Oo Naxashka Rosa Parks ayaa la dhigay waliba qaybta Rotunda; ayadoo noqotay haweynaydii ugu horaysay ee la dhigo maydkeeda Capitol Rotunda, sidoo kalana, noqotay qofkii labaad ee madow ah oo lagu sharfo Capitol Rotunda. 

 
Dadka meeshaas isku ciriirinayay ee sida xushmadda leh u sagootinayay maydka Rosa, waxay isugu jireen cadaan, Madow.waayeel, dhalin yaro; Taajir, Faqiir,madax iyo qof caadiya. Waxaa ka mid ahaa dadka halkaas isku buuranayay ee fursadda u helay inay naxashka sagootiyaan: Madexwaynaha dalka Maraykanka George Bush oo ay gacmaha ishaysteen Xaaskiisa Laura, Hogaamiyaasha labada aqal ee majooratiga iyo minooratiga, Senetarada iyo aqalka wakiilada, Golaha wasiirada, iyo kumanaal dadoo isaga kala yimmid daafaha dalwaynaha Maraykanka. Calankii ka lulanayay xafiisyada dawladda ayaa hoos loo dhigay,

 Haddaba Rosa Parks Maxay ku mutaysatay qiimayntaas Qaran ee loo sameeyay?

Bishu waa December sanadkuna 1955tii, gobalkuna waa Alabama magaaladuna waa Montogomery. Waa halkii ugu xummayd kala takoorka bani'adamka. Waxaa qaynuuna ah in qofka madow uu ka hooseeyo dadka intiisa kale ee caddaanka; iskuulka qofka caddaanka ah ma geli karo qof madow ah. Musqusha caddaanka qof madow ah ma geli karo. Makhaayadda caddaanka qof madow ahi ma hawaysan karo. Buska kuraasta hore caddaanka ayaa iska leh; madowgana kan dambe ee taayirada dambe xiga. tusmadu waa "Negro read and run". Haddaad qaynuunkaas jabiso waa ciqaab kulul oo aadan kasoo waaqsan karin. Subaxii bishu December 1-da ahayd ayaa gabadh 44 sano jir ah oo la yiraa Rosa waxay u bareertay inay fariisato kursigii caddaanka isugu roonaaday ee madow uuna hawaysan karin. Judhiiba waxaa soo galay nin isku kalsoon oo caddaana waxuuna si degdeg ah u yidhi: Negrooyadyahay bannee kursigayaga oo kacoo aad kan dambe. waase ka dhaga adaygtay gabadhaasi waxay tiri kan maanta ka kici mayee wax kale sheeg; arrinkii waxuu gaaray darawalkii Buska waxuuna usoo jaray warrankii lagu xiri lahaa, waxaana la dhigay xabsiga aydoo loo cuskaday inay jabisay qaanuunkii dhigayay inayan uga kicin kursiga qofka caddaanka ah, waxaana loogu daray ganaax dhan 14$ oo waagaa lacag aad u badan ahayd.

Maalintaas geesinamadii ay muujisay Rosa Parks, waxay dhiiri galisay oo ay horseeday in madowgii ay qaadacaan Busaskii magaalada Montogomery. Waxayna ka door bideen inay iska lugeeyaan masaafooyin dheer halkii ay u dul qadan lahaayeen qaanuunkaas xaqdarada ah ee midabtakoorka ku dhisan. Marmarna waxay heli jireen oo raaci jireen Gaarifaraslayaal madow leeyahay iyo tagaasi aan badnayn oo madow lahaayen; laakiin sidaas loogama harinne  waxaa laga joojiyay labadaas gaadiid ee ay maciinka moodeen, balse madowgii halkoodii ayay kasii wadeen kacdoonkii ay ku qaadacayeen raacitaanka Busaska, ayagoo ahaa halboowlaha dhaqaalaha Busaska. Waayo 2/3 dadka raaci jiray Busaska Magaalada waxay ahaayeen madow. Qaadacaadaasina waxay socotay 381 maalmood (ku dhawaad 13 bilood), waxaa hormuud ka ahaa halgamaagii waynaa ee Dr. Martin L. King oo waagaas 26 sano jir ahaa.  

December 21keedii 1956 dii ayaa Rosa Parks iyo Martin L. King fariisteen kuraastii hore ee Buska, kadib markii la tirtiray oo la mamnuucay qaanuunkii bilaa cadaaladda ahaa ee kala fadilayay midabka Bani'adamka. Halgankaas waxaa horseeday oo diiday inay uga kacdo kursigii Buska qof sideeda oo kale banii-aadam ah oo wuxuu dheer yahay ayan jirin. Taasoo damiirkeedu siin waayay inay usii dul qaadato tacadigaas lagu hayo iyada iyo dadkeedii madowga ah. 
 
 
 Rosa Parks sits in the front of a bus in Montgomery, Ala., in 1956.   The Dec. 1, 1955, police report on the arrest of Rosa Parks in Montgomery, Ala. 
Rosa oo fadhida Baska            |   Warqadii waarrantiga
 
 
Rosa Louise Mccauley waxay dhalatay Febraayo 1913kii, waxayna ku dhalatay magaalda Tuskegee ee Gobalka Alabaama . Aabaheed waxuu ahaa Nijaar qora looxaanta hooyadeedna waxay ahayd macalimmad wax dhigta. Waalidkii labadeeda waalid (ayeeyyooyin iyo awoowayaal) oo dabcan wax ka korin lahaa waxay ahaayeen dadkii soo gaaray Slavekii maraykanka ka jiri jiray, oo dad caddaan ah bay cabiid u ahaayeen. Rosa waxay ka qalin jabisay Montogomery Industry School, waqtigaas oo in ka yar 7% dadka madow ayan aadi jirin Iskuulada sare sababa badan awgood.
 
Rosa sanadkii 1932 dii ayay isguursadeen nin timo jara ah oo la oran jiray Raymond Parks, waxuuna dhintay sanadkii 1977dii. Sanadkii 1999kii iyadoo 86 sano jir ah ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta dahabka(Gold model honor). Rosa waxay markii dambe usoo wareegtay magaalada Detoriot ee gobalka Michigan, iyadoo ka shaqayn jirtay xafiiska congress man John Conyed ilaa ay ka hawl gabto.
 
Rosa Parks shumicii ay shidday waxaa ku nuursaday jiilalka casrigan oo aynu ka midka nahay. Taariikhduna waxay na baraysaa jiilkii hore gaar ahaan dadka madow ee xoogga lagu keenay dalkaan si loogu shaqaysto, halgankay soo mareen inuu ahaa mid kharaar oo geesinimo ku dheehan tahay, nafaf badanna ku baxday.

Aden Mohamed | adengas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2005

Taariikhda Maxamed Cali | Feeryahankii Caanka ahaa....

Taariikhda Nelson Mandela

Ururka YouthCARE oo Wardheere Xubin Kayahay Golhiisa Sare oo Billad lagu Gudoonsiiyey Xaflad uu Ka Qaybgalay  Martin Luther King III


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD