SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Nin Soomaaliyeed oo Laga Tarxiilayo New Zealand
  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 4, 2005
Abdikarin Ali Haji
Cabdikarin Cali Xaaji| Sawirka: TVnZ
Cabdikarin Cali Xaaji, oo 26 jir ah, oo dalka New Zealand ku noolaa ilaa sannadkii 1988 waxa uu yiri haddii Soomaaliya la igu celiyo waa la i dili doonaa. Laakiin wasaarada shaqadu waxa ay tiri waa in la tarxiilo waayo waxa uu qariyey fal-dembiyeed uu ku galay New Zealand, waa sida warku u dhigay Telefishanka NewZealand.

Waxaa hadda ka hor Cabdikarin Cali Xaaji lagu xukumay dembiyada kala ah:  haysasho Mindi, tuuganimo iyo dembiyo la xiriira waddooyinka (traffic).

Hay'adda Qaramada midoobey taladeeda waxaa kamid ah in aan dad loo tarxiilin Soomaaliya waayo ma aha meel amaan ah, ayaa Telefishanku yiri.

Wasaarada shaqadu laba-jeer oo hore ayey isku dayday in ay Tarxiisho Cabdikarin. Waxay ahayd November 2003 markii uu iska tuuray gaari soconaya oo loogu sii wadey garoonka diyaaradaha ee Auckland International Airport  si loo tarxiilo. Sannadkana waxa uu ka fakaday qof ka ka socdey ilaaliyayaasha maxaabiista kaddib markii uu ka boodey derbi musqul ku taal garoonka diyaaradaha ee "Wellington airport", markaas afar maalmood ka dib ayuu isu dhiibey dawlada.

Cabdikarin Cali Xaaji ayaa yiri "Haddii ay dib ii ciliyaan, waan dhiman doonaa.". Wasiirka Socdaalka (Immigration-ka) NewZealand waxa uu yiri "Cabdikarin waxa ay ahayd in uu ka fekero xaalada Soomaaliya markii uu jebinayey sharciga NewZealand". TV-ga NewZealand oo waraysanaya Cabdikarin HALKAN KA DAAWO.

ISHA: NZTV & NZHERALD

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 4, 2005


MINNESOTA::: Ciyaarihii Ramadaanka....

Zakariya (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com 

cayaarahii ka sacday magaalada Minneapolis, Minnesota ayaa waxay soo gaaranay heerkii ugu danbeeyay waxaa cayaarahaas soo qabanqaabiyay dhalinyarada ku nool magaalooyinka mataanaha ee st. pual iyo Minneapolis. cyaarahan oo lagu soo dhaweenayay koobka rabadaanka.waxay bilaameem bishii Octobar afarteedii 10/4/05 waxaa kasoo qaybgalay kooxo aad ufarabadan oo gaarayay 12 kooxood oo dhamaantood ka kalasocday gobolka minnesota.

Hadaba waxaa lasoogaaray qaytii semifinalka waxaana lasugayay oo maalmahaan oo dhan salaadii taraawiixda ka bacdi lagu sheekasanaayay cayaar dhaxmaraysay labada koox ee ugu fiican magaalooyinka mataanaha ee minnesota (commonality iyo somali tigers)waxaa cayaartaa ka soo qaybgalay dadwayne aad u fara badan iyo gudiga sportika ee minnesota oo uu hugaaminaayay yaasiin barafuun oo aahan jiray gudoomiyihii naadigii madbacada qaranka (MBC). hadaba waxaa bilabatay cayaartii markay sacotay 10 minit ayaa waxaa goolkii ugu horeeyay dhaliyay somalitigers sawaxan iyo qaylo ayaa cirka isku shareeray kadibna hab u sacodka cayaarata waxaa la wareegay somalitigers.

kooxada commonality weer iyo weer celis ayay ku qaaday waxaana u suurtoowday in cayaarayahanka ismail uhubiyo kooxdiisa goolkii bareejada kadibna taageeraayaashii commonality ayaa qaylo joojinwaayay. hadaba qeebtii hore waxaa lugu kalanastay hal iyo hal (1-1).

Markii koox walba lasoo tashatay tababarayaashooda ayaa durba waxaa cayaartii lawareegay habusacodkeeda kooxda commonality waxaana u suurtowday in ay helaan goolkii ugu horeeyay ciyaarta qaybteeda dambe, waxaana u saxiixay cayaaryahan lambarka sideedaad 8 Mustafa jarmal. kooxda tigers moralkii hoos ayuu u dhacay balse waxay dhaliyeen goolkoodii labaad waxaa u saxiixay maxamed siyaad, waxay sacatoba cayaartu goolkii afraad ayay haleen commonality waxaa u dhaliyay mustafa.

Hadaba gagabadii waxay cayaartaas ku dhamaatay 4-2 ay kuguulasatay commonality. inkastoo laga badiyay kooxda somalitigers waxay halkaa ku soo bandhigeen cayaar aad iyo aad u wanaagsan waxay gacanta galiyeen dhalinyaradii ka badisay. macalinka kooxada somalitigers abdicasiis biixi waxa uu ii sheegay kooxda somalitigers ay yihiin dhaliyaro yaryar oo da'dooda udhaxayso 16-20jir, waxayna yihiin cayaartooy aad iyo aad u asluub fiican. kooxda commonality waxaa habeenkaas ugu firfircoonaa cayaarahay labarka 4 gardheere oo ka cayaara difaaca iyo mustafa jarmal ismaciil iyo kuwakale oo badan

Zakariya (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2005


Cismaan Cilmi Boqore: Dadaaladii Aan Ka Wadnay Magaalada Muqdisho Fashil bay Ku dhamaadeen.

C/laahi axmed Diiriye ''Boore''
Muqdisho, Somaliya
boore3@hotmail.com  

Cismaan Cilmi Boqore Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ee Baarlaanka KMG Somaliya oo xalay soogaaray magaalada jowhar ayaa ka war baxshay  imaashihisiisa uu yimid magalaada jowhar.

Cismaan Cilmi ayaa waxuu sheegay in barnaamijyadii dib u heshiisiinta ee ay ka wadeen Magaalada Muqdisho isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xubnaha golayaasha Dowladda in ay noqdeen kuwa fashil ku dhamaaday,

Mr. Boqore ayaa si dooka kahadlay waxa xiligaan ku soo beegay imaa shiyihiisa magalaada jowhar asago xusay in magaalada muqdisho ay wax kaqaban waayeen sidaa daraa deen ayaan go"aan saday in aan imaado magalaada jowhar,

Asagoo Siiwata hadalkiisa ayuu yidhi waxaan ku jahwareeray hawlihii ay wadeen raga asxaabteyda ah ee Muqdisho jooga,waxey yiraahdeen isbaarooyin ayaan qaadeynaa,hawshaas iyadoo aan dhamaan ayaa waxa ay hadana dhaheen maleeshiyaad ayaan xareyneynaa qabyo ayey uga tageen,kadib waxa ay bilaabeen olole la xiriira maamul u sameynta Gobolka Banaadir iyadana waxa ay noqdeen kuwa lagu fashilmay oo lagu guuldareystay,

Waxaa fulinayaa dhaartii aan ku dhaartay in aan waajibaadkeyga gudan doono,siyaasiyiintana waxaan ugu baaqayaa in ay tanaasul sameeyeen oo ay eegaan danta umada somaliyeed si loo samata bixiyo dhibaatada ay kujirto,

Jowharna uma imaan in dhaqaalo la igu siiyo ee waxaan u imid in shacabka soomaaliyeed aan ka samata bixiyo dhibaatada mudada 15 ka sano jirsatay.

Ugu Danbeentii Cismaan Cilmi Boqore ayaa ugu baaqay shacabka somaliyeed in gacmaha is qabsadaan ayna ogaadaan cida danta u wado iyo cidakale

Gudoomiye kuxigeenka 2 aad ee baarlamanka KMG  ah oo caawa gaaray magaalada Jawhar,

Gudoomiye kuxigeenka 2 aad ee Golaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore ayaa caawa gaarey magaalada Jawhar oo haatan xarun Xukuumada Kumeelgaarka  ah ee Soomaaliya.

Cismaan Cilmi Boqore ayaa la sheegay in safar aan horey loo shaacin oo xaga dhulka ah uu ku tagey magaalada Jawhar, waxaana wararku intaasi ku darayaan inaysan xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan la socon safarkiisa uu ku tagay magalada jowhar.

Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamanka Kumeel gaar ka ah ee Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore wuxuu ka mid ahaa xubniha ku sugan magaalada Muqdisho ee xaga siyaasada ku kala duwanaayeen Madaxweynaha iyo Ra'isalwasaaraha, iyadoo inta badna uu shir gudoomin jirey kulamada ay yeelan jireen xubnaha labada Golle ee ku sugan Muqdisho.

Mr.Boqore ayaa maalmihii ugu dambeeyey wuxuu sheeganayey in uu xanuunsan yahay, waxaana uu ka gaabsadey in uu ka qayb galo kulamada ay yeeshaan golayaasha DFKMG ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Warar lagu ko soon yahay ayaa waxay sheegayaan in safarka Cismaan Cilmi Boqore ee magaalada Muqdisho ay aad u soo dhaweeyeen xubnaha dawlada ee fariisinka ay u tahay magaalada Jawhar, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu qabto shir jaraa'id oo uu ku cadeynayo mowqifkiisa siyaasadeed.

C/laahi axmed Dirriye "Boore"
boore3@hotmail.com

Duqa magaalada Christchurch, NewZealand, oo lagu tilmaamay "Qabqable Dagaal Soomaaliyeed" ["Somali warlord"] 2001


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD