SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Peter Mclaughlin oo Soo booqday Masjid Shaafici Saacadihii ugu Danbeeyey isagoo Taageero doon ah...

  • Musharaxa Duqa Magaalada Minneapolis oo Booqday Masjid Shaafici iyo Masjid Abuubakar, Soomaalidana weydiistey in ay u codeeyaan Doorashada Maanta (Nov 8)


Sawirka: Sh. C/Raxmaan (dhexda), Peter Mclaughlin, Faysal Carab (taagan)

Doorashada Duqa magaalada Minneapolis ayaa waxaa u cararaya laba nin oo ka tirsan xisbiga Dimoqoraadiga, iyadoo ay ka hartay codayntii Saacadaha soo socda oo kaliya, ayaa waxaa balan dag dag ah Shiikh C/raxmaan Shiikh Cumar ka qabsaday Peter Mclaughlin oo ku hanwayn in Maanta loo dooran doono Duqa Magaalada, kulan kaasna wuxuu ka dhacay Masjid Shaafici oo ku yaala Xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis ee Soomaalidu aad u dagan tahay isagoo taageero doon ah si maanta uu ugu soo baxo Duqa Magaalada Minneapolis, wuxuu kaloo booqday Xarunta Cusub ee Abubakar As-Saddique Islamic Center.


Sawirka: Shiikh C/raxmaan Sh Cumar, Peter Mclaughlin,  C/wahaab yuusuf,  Maxamud Nuur (jaakada madoow)

Kulan kaas oo socday Saacad Waxyaabihii ugu Muhiimsanaa ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa;

• Peter Mclaughlin Wuxuu cod saday in Maanta loo codeeyo sababahaan awgood:

• Wuxuu balan qaaday inuu qaybo ka mida Xarunta cusub ee Abubakar uu la raadin doono Tabarucaad dhaqaale.

• Inuu ka shaqayn doono Sidii Soomalida Minneapolis ay Mulkiilayaal Guryo Riba la’aan ah ku noqon lahaayeen.

• Inuu Caawin doono Barnaamijyada dhallin yarada Soomaalida.

• Inuu ka shaqayn doono Sidii loogu fududayn lahaa dadka soo galootiga ah Sharciyada Ganacsiga.

Hadaba waxa haray oo aan sugayno waa doorasha oo bilaabanaysa Maanta Nov 8, Saacadaha soosocda 7:00am ilaa 8:00pm, dadka Xaafada Cedar iyo nawaaxigeeda dagan waxay ka codayn karaan Brian Coyle Center oo ku yaal xaafada Cider.

Waxaad intaa wixii dheer  oo ku saabsan musharaxa ka daalacan kartaa
http://www.petermclaughlin.org/  




SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Nov 8, 2005


Injineer Soomaaliyeed oo Haysta Dhalashada USA oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD