SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Injineer Soomaali ah oo haysta dhalashada Mareykanka oo lagu diley Degmada Diinsoor.
  • Qarax lala beegsaday safarkii Ra’isul Wasaare Geedi ee Muqdisho..
  • Wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah..
  • Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo ku eedeeyay Cabdulaahi Yuusuf in uu ka dambeeyo.
  • Ururka Xirfadleyda Soomaaliyeed oo shalay xusey Sannad guuradii ..

WARAKII: ISNIINTA NOV 7, 2005::

Injineer Soomaali ah oo haysta dhalashada Mareykanka oo lagu diley Degmada Diinsoor..

            Wararka naga soo gaaraya Magaalada Diinsoor ee Gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in shalay subaxnimadii (Nov 6, 2005) degmadaaas lagu dilay Nin Soomaaliyeed oo haysta dhashada Mareykanka oo lagu magacaabo Eng. Max’ed Ibraahim Dheel.

            Dilka Engineer-ka waxaa gaystay koox dabley ah, waqtigii la dilayna waxa uu ku guda jiray howlo shaqo oo uu ka waday maalmahan deegaanka Diinsoor.

            Ninkaan oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, hase yeeshee dilkiisa waxaa si weyn uga xumaaday dadweynaha Deegaanka oo ku tilmaamay dilkiisa mid waxashnimo ah waxayna codsadeen in gacanta lagu soo dhigo kooxdii ka dambeysay.

            C/Xafiid Shiikh Xuseen oo ah guddoomiyaha Degmada Diinsoor ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi uu ahaan doono mid ay muddo ka murugoon doonaa shacabka Degmada Diinsoor, isagoo sheegay in ciidanka Nabadgelyada ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxdii gaysatay dilka, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaain in dilka ninkaasi lala xiriirinayo aano Qabiil, maadaama la sheegay in uu ka soo jeedo Magaalada Bayadhabo.      

Wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah..

            Muqdisho: Wiil Magaciisa lagu sheegay Cali Xasan, da’diisu tahay 22 jir ayaa naftiisa ku waayay xab sigaar ah oo ay isku qabsadeen nin kale oo la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen.

            Dilka intuusan dhicin ayaa lagu waramay in uu muran xoogan dhex maray labada dhallinyarada ah, hase yeeshee murukaan kaddib waxay arrintu noqotay in xabad afka loo geliyo Marxuum Cali Xasan, halkii ayuu ku geeryooday.

            Dilkaaan oo ka dhacay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaqshiid ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadweynaha Deegaanka oo ku tilmaamay mid bahalnimo ah, waxayna ku baaqeen in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglihii gaystay dilkaasi.

            Ciidanka Madaniga ah ee Xaafadda Juungal ayaa ku raadjooga soo qabashada Gacan ku dhiiglaha.

            A Somali market trader sells khatMa ahan markii ugu horeysa oo uu qof naftiisa ku waayo waxyaabo raqiis ah, dhawaan ayaa Degmada Xamar- Weyne waxaa lagu dilay Wiil Dhallinyaro ah oo lahaa Biibito lagu kariyo Shaaha, kaddib markii ay murmeen nin kale, wuxuuna murankoodu ka dhashay markii wiilka Biibitada lahaa lagu yiri “Shaaha aad soo karisay Sonkor sidaas ah ma lahan” isna waxa uu ku jawaabay “Shaahu Sonor waa uu leeyahay” ninkii dableyda ahaa ayaa inta xanaaqay xabad madaxa ku jabiyay.

            Sidoo kale sanadkii 1994-tii ayaa waxaa nafsaddooda Kun Shillin ku waayay 8-qof kaddib markii uu muran dhex maray lacag hayahii iyo nin kale oo Gaariga saarnaa.

Bishii September ee sannadkan ayey ahayd markii muran dhex maray dhawr saaxiibo ahaa sidii ay u qaybsan lahaayeen marduuf Qaad ah, kaddibna is afgaranwaagii halkaas ka dhashay uu sababay in la dilo shan qof.

Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo ku eedeeyay Cabdulaahi Yuusuf in uu ka dambeeyo.

Telefishanka ABC (USA) ayaa sheegay in shuftadii Badda weerarka ku qaaday markabka dalxiiska ahaa maalintii Sabtida ahayd marayey meel u dhow Soomaaliya in ay u muuqdeen in ay yihiin kuwii afduubay markabkii Qaramada Midoobey, waa sida warku u dhigaye. Waxaa kale oo warbaahinta caalamku baahiyeen sawirada laga qaaday kuwii weerarka ku qaaday markabkaas  ka yimid Masar kuna sii jeedey Mombasa.
pirates
Sawirka: SkyNews

Kulan ay shalay isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay si aad ah uga hadleen burcad badeeedka sida balaaran uga dilaacday xeebaha Soomaliya kuwaasoo dhibaato ku haya Gaadiidka Badda ee isugu jira kuwa ganacsiga iyo kuwa samafalka. Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxay sheegeen xubnahaasi in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu yahay midka ka dambeeya afduubka lagu hayo Maraakiibta iyagoo sheegay in uu u meel dayanayo sidii ciidan shisheeye loo keeni lahaa dalka, sidoo kale waxay sheegeen in Doomo dheereeya oo uu ka soo gatay wadanka Japan ay noqdaan kuwa keliya ee ilaaliya Xeebaha Soomaaliya, waxay kalloo xubnaha labada Gole ay sheegeen in Mara ay howlgalaan Doomahaasi uu canshuur ku soo rogo Maraakiibta ka imaanaya dalka Imaaraadka Carabta. Hase yeeshee Afhayeen u hadlay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka walwalsan tahay afduubka lagu hayo Maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in mid ka mid ah Maraakiibta lagu haystay xeebaha Xarardheere lagu rakibay qoryo waaweyn kuwaasoo burcaddu dooneyso in ay ku soo ugaarsadaan Maraakiibta kale ee mareysa xeebaha Soomaaliya, sidoo kale warar aanu ka helnay Magaalada Kismaayo ee Gobalak J/hoose waxay sheegayaan in Dooni ay leeyihin ganacsato Soomaaliyeed kuna soo jeediyay Magaalada Kismaayo lagu afduubtay xeebtat Gaan ee Magaalada Xarardheere .

Ururka Xirfadleyda Soomaaliyeed oo shalay xusey Sannad guuradii ..

Ururka xirfadleyda Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay ahayd xusay sanadguuradii 9-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ururkaa.

            Xafladda xusitaanka oo Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan xubnaha uu Ururku ka kooban yahay sida Odoyaasha Dhaqanka, Saraakiisha, Dhalinyarada iyo Haweenka, waxaana xafaladda hadal kooban oo ku saabsanaa dhiiragelinta siyaasadeed ee ururka iyo wax qabadckiisa ka soo jeediyay Guddoomiyaha Ururka Mudane Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaali) iyo Xoghaya Guud ee Ururka Mudane Max’ed Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan Ururka waxayna dhamaan mas’uuliyiintaani ka warbixiyeen aasaaskii ururka iyo wax yaabihii uu qabtay intii uu jiray.

             War saxafadeed uu maalintii shalay ahayd soo saaray ururkaanki ayaa lagu sheegay  “Natiijadii ka soo baxday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Nairobi waxay hayad mid lagu dalacsiiyay siyaasiyiinta gacan saarka la laheed Dowladaha safka hore, balse aan miro dhal laheyn” wuxuuna intaa ku darayaa war saxaafadeedku “Shacabka Soomaaliyeed muddo 15 sano ah kaddib uma baahna xifaaltan siyaasadeed balse in loo abuuro jawi nabadeed iyo dib u heshiisiin”, wuxuuna Ururku war saxafaadeedkiisa ku codsaday in Hay’adaha ku abtirsada UN-ka iyo kuwa beesha caalamka in ay dib u eegaan wax qabadkooda isla markaana ay cadaalada dhowraan oo aan dhaqan ahaan lagu kala soocin ummaadda dan-yarta ah xirfadahooda shaqo ee ururkaani ku abtirsada oo aan la tixgelin keliya kuwa hubeysan, waxaana war saxafadeedkaani ku saxiixnaa Guddoomiyaha Ururka Xirfadleyda Soomaali-yeed Mudane Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaali)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2005

WARARKII SHALAY HOOS KA AKHRI::::


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka badbaadey isku Day Dil....

Muqdisho: Saddex Qof ayaa geeriyoodey markii miino lagu qarxiyey mid kamid ah gawaaridii soo galbinayey Ra'iisul wasaare Geedi....

  • Muqdisho | Nov 6, 2005

War Degdeg ah::: Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, ayaa maanta (Isniin Nov 6) ka badbadey qarax bombaano oo lala beegsaday gawaaridii waftiga Ra'iisul wasaaraha oo maanta soo gaarey Magaalada Muqdisho.

Wararka ugu horeeya ayaa sheegay in saddex qof geeriyoodey, tobaneeyo qof oo kalena ay dhaawacmeen, kaddib markii bombaanadaasi ay haleeshay mid kamid ah gawaaridii waftiga kasoo gelbinayey garoon u dhow magaalada Muqdisho. Ra'iisul wasaare Geeddi waxa uu kasoo kicitimay magaalada Jawhar oo ah xarunta Kumeelgaarka ah ee DFKMG. Maxamed Cali "Americo" oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu sheegay in ugu yaraan labo qof ay dhinteen, 12 qofna ay dhaawacmeen, waxana uu intaas ku daray in ra'iisul wasaare uu weerarkaas ka badbadey, oo uu caawa ku negaan doono Muqodisho. [Warar kale ayaa sheegay in shan qof ay dhinteen, dhaawacuna garayaan labaatan qof]

Dhaawacii iyo dhimashadii qaraxaas waxaa la geeyey hoteelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho. Weerarkan bombano waxa uu ka dhacay meel u dhow hotel Ramadan.

Ilaa hadda ma jiraan cid sheegatay qaraxaas in ay ka dambeeyeen.

Warar ayaa tibaaxay in waftiga marka hore lagu soo tuuray bombaano gacanta laga tuuro, kaddibna ay qaraxday bombaano kale oo dhulka lagu sii qariyey. Waxaana miinadaasi haleeshay mid kamid ah gawaaridii waftiga, waxaana wararka ugu horeeya tibaaxeen in dadka geeriyoodey uu kamid yahay nin kamid ah waardiyayaasha khaaska ah ee Ra'iisul wasaaraha.

Gaariga qarxay waa gaarigii ka dambeeyey gaariga uu saaraa Ra'iisul wasaare Geeddi, sidaas waxaa yiri Cali Nuur Sahal oo gacan yare u ah ra'iisul wasaare ku xigeen Xuseen Caydiid.

Xuseen Caydiid waxa uu kamid ah madaxdii Cali Maxamed Geeddi kusoo dhoweeyey garoonka Muqdisho, waxana uu Xuseen Caydiid la socdey gawaarida qaraxa lala beegsaday.

Xubnaha kale ee DFKMG ee Waftiga Ra'iisul wasaaraha waxaa kamid ah: Saalim Caliyoow Ibroow (wasiirk amaaliyadda), Cabdallah Deerow Isaaq (wasiirka Dastuurka DFKMG), Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad (Wasiirka Waxbarashada), Cabdrisaaq Cismaan Juurile (wasiirka qorsheynta), Mudane Ibraahim Cali Xaafuun "jeebo" (wasiiru dawlaha arrimaha dibada), Salaad Cali Jeelle (wasiir kuxigeenka warfaafinta), Xildhibaan Caraale, Xildhibaan C/laahi Geedi Shadoor iyo madax kale.

Qaraxyadaas ka dib waxa uu Cali Maxamed Geedi khubad u jeediyey dadweyne farabadan oo ku sugayey madaxtooyadii dawladii Siyaad Barre ee Villa Soomaaliya, waxana uu dad weynaha u sheegay in aan loo xayirnaan doonin dad aan dan ka lahayn Soomaaliya.

Geeddi waxa uu yiri waxaan Xamar u imid in aan arko madaxda (labada gole) ee kujira DFKMG ee ku sugan Xamar.

Bishii May ee sannadkan 2005 ayey ahayd markii bombaano lagu qarxiyey Muqdisho, Bomkaasi wuxuu ku qarxay Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo uu markaas ka khudbaynayey Ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana ku dhintay 10 qof, waxaa dhaawacmay 28 qof..[ Eeg halkan... ]

SomaliTalk.com | Reuters, AP | Nov 6, 2005

Warar dheeraad ah:::...

Qarax lala beegsaday safarkii Ra’isul Wasaare Geedi ee Muqdisho..

Isniin Nov. 7 2005:       Maalintii shalay ahayd aya Garoonka Cisaley waxaa ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaare Cali Geedi waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waliba Ra’isu Wasaare ku xigeenka ahana Wasiirka Arimaha dibadda Dowladda Federaalka Xuseen Max’ed Faarax  Caydiid wuxuuna salaan sharaf ka qaatay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

            Ra’isul Wasaaraha markii ka soo dhaqaaqay garoonka Cisaley ayaa kolonyadii waday mar ay marayaan meel ku dhow Shineemo Puntland kuna toosan wada Hotel Ramadaan ayaa gaari ka mid ah Gawaaridii la socotay Ra’isul Wasaraha waxa uu la kulmay qarax aad u weynaa waxa uuna qaraxaasi uu sababay in ay halkaasi ku dhintaan ilaa iyo 9-ruux ayna ku dhaawacmaan dhowr iyo toban qofood.

            Saddex gaari ayuu saameeyay qaraxaasi, wuxuuna markii uu qaraxaasi dhacay kolonyadii Baabuurta ee la socotay Ra’isul Wasaaraha ku dhacay kala firxad iyo anfariir iyadoo gaari kasta meeshii uu ku toosnaa uu afka saaray.

            Goobta uu ka dhacay qaraxaasi oo uu qariyay qiiq aad u weynaa ayaa wafdigii la socday Ra’isul wasaaraha gaareen Hotel Ramadaan, waxayna halkaasi kula kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada, hase yeeshee Ra’isul Wasaaruhu waa uu diiday in uu wax war ah siiyo saxaafadda waxa uuna u dhaqaaqay dhinaca filla Soomaaliya halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen taageera-yaasha sibahaysiga SNA.

            Hadal kooban oo uu halkaasi uga jeediyay Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in uu Muqdisho u yimid in uu ogaado xaaladda Nabadgelyada ee Magaalada iyo furitaanka xafiiska ay ku howlgali doonto Dowaldda Federaalka ah.

            Ra’isul Wasaaraha waxaa la socday wasiirka maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Dastuurka Cabadla Deerow Isaaq, Wasiirka Qorsheynta C/risaaq Cismaan Jurile, Wasiirka dhulka iyo deegaanmeyta Mowliid Macaane Maxamuud, wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Cusmaan Jeebo, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Salaad Cali Jeele, iyadoo qaraxaani uu yahay qarixii labaad ee uu Ra’isul Wasaruhu la kulmo waxaana qarixii kan ka horeeyay dhacay bishii May 3-dii

Ilaa hadda lama garanayo nooca qaraxaasi ,hase yeeshee warar ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa Miino Meel fog laga hagayey warar kale ayaa sheegayey in qaraxa uu ahaa Bam Gacmeed lagu tuurey gaari  la socdey wafdiga Geedi warar kale ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa Qoriga Baasuukaha oo lala beegsdey gawaaridii la socotey Raiisul Wasaaraha . 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Cudurka Shuban-Biyoodka oo ka dilaacay Muqdisho..
»Digniin loo jeediyey Urur Goboleedka IGAD..
»Shariif Xasan oo ku soo jeeda Kismaanyo..
»Shirkadaha Maraakiibta joojiyaan tagista Soomaaliya
»Ganacsadata Soomaaliyeed ee Dubai iyo cashuurta..
Wararka oo dhan ka akhri.... GUJI...

Maxaakiimta Islaamiga ah oo Waraaqo Ku Daadiyey Muqdisho
»Yalaxow: 3 baa laqdabo nagu wadey, 2 wey nagatagtey..
»Boqqore: awoodaydii waxaa isticmaaleen Cumar Xaashi
»C/llaahi Yuusuf:Garoomadda laga dhoofiyo Daroogada..
»Ciidamada Hiilweyne iyo Laanta-Buuro iyo Xaqu Ciidka..
»Hadal ka soo baxay Hay'adaha WAHRO KAHRO...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Wararka Soomaalida Ku Hoos Nool Gumeysiga Qarnigan
Bayaan JWXO ka soo saartay xasuuqa gumaysigu ku hayo dadwaynaha...
Guji...

Nin Soomaaliyeed oo Laga Tarxiilayo New Zealand
Dawlada New Zealand ayaa qorshayneysa in ay dalkeeda ka tarxiisho nin Soomaaliyeed oo magaciisa la... Guji.. Nov 4


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD