SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Kooxo farabadan oo Argagixiso ah.

  • Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay Baaritaan ku sameyn doonto Qaraxii..

  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo dib ugu laabtey Jowhar..

  • Shariif Xasan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho

  • Ciidamadii ku xareysnaa xerada Kongo Hub iyo Dareys..

WARARKII NOV 9, 2005

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Kooxo farabadan oo Argagixiso ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu kulan gaar ah la yeeshay xalay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed waxa uu warbixin kaga dhegeystay safarkiisii Magaalada Muqdisho waxa uuna u sheegay in safarkii uu ku dhamaaday guul iyo afgarad. Kooxo ayaa doonayay in ay carqaladeeyaan safarkeyga Muqdisho, taasina ma ahan mid aan uga hakanay” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah oo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed. C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in Muqdisho uu ogaa in ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah, isagoo sheegay in Dowladdu ay talaabo ka qaadi doonto kooxahaasi. “Muqdisho in ay nabad noqoto waxaa laga rabaa in ay ka shaqeeyaan bulshada Gobalka Banaadir oo aysan u xirnaanin labo ama saddex ruux oo eeganaya danahooda gaarka ah” ayuu yiri C/lalahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xafiiska Dowladdu ay ka furatay Muqdisho uu qaban doono howlaha xukumadda iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay Muqdisho in ay tahay caasimaddii Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay qaabka ugu haboon ee loo dhameyn karo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in khilaafkaasi uu haatan marayo meel gabaabsi ah, kooxaha ka soo horjeeda Dowladana ay ku soo goobmeyn labo ruux oo qura, waxaa kalloo uu sheegay in Dowladdo shisheeye oo uusan carabaabin oo uu sheegay in ay ku lug leeyihiin ka fogaanshaha xubnaha Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay Baaritaan ku sameyn doonto Qaraxii..

`           Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka ah ay baaritaan ku sameyn doonto ciddii ka dambeysay qaraxii lala beegsaday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi 6-dii bishan.

            Maanta ayaa la filayaa in la magacaabo guddi baaritaan oo soo uruuriya waxbixino la xiriira qaraxaasi, iyadoo Mas’uuliyiinta Jowhar ku sugan ee Dowladda Federaalka ay qabaan in qaraxii 3/5/2005 ee ka dhacay Isbartiibada iyo midka haatan ay yihiin kuwo la isla xiriiri karo, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo C/llaahi Yuusuf Axmed ay aaminsan yihin in uu yahay qaraxaani fal argagixiso ah.

            Qaraxii lala beegsaday safarkii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxaa ku dhintay ilaa iyo 9-ruux  waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo toban kale haddana cid sheegi karto ma jirto in qaraxaasi uu ahaa miino meel fog laga hagayay in uu ahaa Bambo gacameed iyo in uu ahaa qoriga Baasuukaha, hase yeeshee dadka intiisa badani waxay sheegeen in uu ahaa qaraxaasi miino meesha lagu aasay.    

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo dib ugu laabtey Jowhar..

            Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo labo maalmood ku sugnaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayay Magaalada Muqdisho ayaa shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar oo xarun u ah qayb ka mid ah Dowladda Fedeaalka.

            Safarka Ra’isul Wasaaraha ee la soo gaabiyay ayaa sabab looga dhigay iyadoo Berito la filayo in Magaalada Jowhar uu ka furmo shir la sheegay in ay isugu imanayaan Wasiirada Arimaha Dibadda ee Wadamada IGAD waxaana la filayaa in Ra’isul Wasaaruhu uu ka qaybgalo kulankaasi.

            Ra’isul Wasaaraha oo shir-Gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada oo qaarkood ka yimid Magaalada Johwr kuwana ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in shacabka Gobalka Banaadir looga fadhiyo in ay kala ogaadaan cidda hor taagan horumarkooda iyo nabad-gelyadooda.

            Ra’isul Wasaaraha oo shalay  la filayay in uu Hotel Ramadaan kulan kula yeesho Maamulka Gobalka Banaadir, qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah iyo saraakiisha ciidamda ayaa baaqday waxaana ilaa iyo galabnimadii la arkayay dad aad u fara badan oo hor dhoobnaa Hotel Ramadaan.

            Dhamaan Wasiiradii la socday Ra’isul Wasaaraha ayaa iyagu horey u sii raacay Ra’isul wasaaraha, waxaana la sheegay safarkii Ra’isul Wasaaraha ee Jowhar uu dib u dhac ku yimid muddo dhowr saacadood ah kaddib markii kooxo ganacsato ah ku qabsadeen Guriga uu ka deganaa Magaalada Muqdisho, kaaddib, iyagoo ku sheeganaya lacago deyn ah oo ay horey Ra’isul Wasaaraha u deymiyeen, waxaana markii dambe arintaani dhameeyay Odayaal iyo Waxgarad.   

Shariif Xasan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho

Aad Baan uga xumahay in in Raiisul wasaaraha  Qarax lala beegsado kuwa geysteyna waa..

            Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo muddo dhowr bilood ah ku maqnaa safar dibadda ab ayaa shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Deyniile waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay xubnaha labada Gole ee ku Magaalada Muqdisho iyo dadweyne aad u fara badan.

            Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa waxa uu safaro ku soo kala bixiyay Wadamada America, Canada, Ingiriisaka, Sweden, Finland iyo Kenya, iyadoo intii uu marayay wadamadaasi dhacdadii ugu xumeyd ee Guddoomiyaha soo marta ay ahayd kaddib ciidanka Booliisa Sweden ay xabsiga u taxaabeen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka mid ahaa wafdiga Guddoomiyaha hase yeeshee markii dambe la sii daayay markii lagu waayay wixii loo qabtay.

            ku soo laabashada Guddoomiyaha ee Magaalada Muqdisho waxay ku soo beegan tahay xili duu dhawaan Muqdisho ka tagay Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo ku biiray kooxda Jowhar.

 Dhinaca kaleGuddoomiyaha Baarla-maanka oo shalay dib ugu soo laabtay ayaa la filayaa in uu shir guddoomiyo shir ay isugu imaan doonaan xubnaha labada Gole ee  ku sugan Muqdisho.

Waxaa la filayaa in uu guddoomiyuhu warbixin siiyo xubnaha labada Gole oo ku saabsan safaradii uu ku soo kala bixiyay wadamada Mareykanka, Canada, Sweden, Finland iyo Ingiriiska.

Mar uu shalay la hadlayay saxaafadda waxa uu sheegay in uu aad uga xumaaday qaraxii lala beegsaday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uuna ku tilmaamay mid sii wiiqeysa hanaankii la isugu keeni lahaa xubnaha Dowladda, waxaa kalloo uu cambaareeyay falalka burcadnimada ah ee ka dilaacay xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii aan laga hortagin ay saameyn ku yeelan doonto xaaladda maciishada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif xasan Shiikh Aadan ayaa imaanshihiisu waxa uu ku soo beegmay xili uu Muqdisho ka tagay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo isagu ku biiray kooxda Jowhar oo ay fikrad ahaan iska soo horjeedaan.     

Ciidamadii ku xareysnaa xerada Kongo Hub iyo Dareys..

            Wararka naga soo gaaraya Magaaada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in Ciidamadii ku xareysnaa xerada Kongo shalay loo qaybiyay hub iy dareys. Ciidankaan oo gaaraya ilaa iyo 2500 ayaa xoogoodu waxa uu ka yimid Maamul Gobaleedka Puntland waxayna xeradaan ku xareysnaayeen muddo saddex bilood ah oo ay ku qaadanayeen tababar.

            Ciidankaan ayaa horey waxa uu Madaxweynuhu u sheegay in ay yihiin ciidamo Qaran o sugi doona ammaanka guud ee dalka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka C/llaahi Yuusuf uu ka qaybgalo xafladda xiritaanka Tababarkaasi, Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay deegaanada ay ka howgali doonaan, maadaama maalinta maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka

W/D AmiinYuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2005

Prof. Geeddi: "Mucaaradkii Dawlada Waxaa Ku soo haray Laba Xubnood -Yalaxow & Qanyare"
»
Hay'adda UNHCR oo Qaxooti Soomaaliyeed u qaaday USA
»
Wasiiro ku sugan Muqdisho oo ku biirey kulankii Geedi..
»Ilaalada Ra’isul Wasaare Geedi oo dhaawacay wiil dhalinyaro
»Geedi:qaraxii la ila beegsaday wuxuu ahaa fuleynimo....
»UN & hay'ado Soomaali ah oo cambaareeyey qaraxii Xamar...
Iyo warar kale oo Googoos ah ka akhri halkan... Nov 8

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD